VOA
Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Ha Daydayina Dawladnimo
W/C Hurre Axmed
Jan 31 , 2009

Tixdan mgaceeda la yidhaahdo Ha Deydayina waxay la bah tahay gabayadii iyo silsiladii dhex martay abwaanada kala ah Xuseen Cabdi Xalane oo jooga Suudaan, Maxamed Hirad (Xagar) oo San Diego deggen iyo iyo walaal Mubashir Shiikh Cabdulaahi oo ku nool dalka Ingiriiska. Waxa ay tixdu dhinaceeda ka soo bandhigaysaa badheedhaha  ay tixihii hore wax ka taabteen ee ku aadanaa Dawladnimo Soomaaliyeed iyo sida ay u durugtay maanta. Gabaygiina waa kan:

  1. Ma dayoco Ilaahay qofkaan,  daallinka ahayne
  2. Dariiqiisa ruuxii maraa,  loo dawaray khayre
  3. Dabkuna kama bakhtiyo ruuxii,  aan daa'im caasiyine
  4. Markaan dabar la'aan soofnay buu,  daad nasoo galaye
  5. Deyowgiyo waxaa noogu wacan,  daalka hadhi waayey
  1. Duflaalkani wuxuu inagu dhacay,  ama na daanduunshey
  2. Dayuus iyo markii aan ibleys,  daba gallee raacnay
  3. Markii duubka loo xidhay kuwii,  dunida aafeeyey
  4. Daa'inkeen markaan caasinee,  diidnay amarkiisa
  1. Dadqalliyo markii aan shuftada,  daabadda u dhiibney
  2. Dilaayada dadkii madhiy iyo,  daydaygiyo tuugta
  3. Dad qaadkiyo waraabaha markaan,  dila odhan weyney
  4. Deldelaadda nimankii mudnaa,  deyiba maysaane
  1. Derejada waxaa lagu helaa,  daabax iyo dhiige
  2. Dulmigiyo markaad qaayibteen,  doofil shaqadiisa
  3. Dulliga maalintaan qaadannee,  diidnay odhan weyney
  4. Daaquudadaa waashay iyo,  dibin dowgaa miidhan
  1. Doqonka maata dooxaa markay,  cidi durrayn weydey
  2. Dijaallada markaan daba galliyo,  dawdarkiyo tuugta
  3. Markii aan durbaanka u tuniyo, daramalkii heesta
  4. Markii aan iyaga doorannoo,  daacad u ahaannay
  1. Dembigaa arliga buuxshey baa,  loogu daw galaye
  2. Dibowday oo danteennii luntoo,  dooxay bahal fiide
  3. Dabcigaa haddaynaan bedelin,  dunidu ay yaabtay
  4. Ha deydeyina inaan dawladnimo,  dib u haleellaaye
  1. Dariiqii wacnaa iyo markii,  dawgii laga leexday
  2. Diin iyo ku dhaqankeed markii , daaqad laga tuuray
  3. Musxafkii Ilaah soo dejee,  daahirka ahaaday
  4. Dastuurkii Ilaahay markii,  doodda laga keenay
  1. Dureyga iyo duumadatan,  aan daawada  u weyney
  2. Diiftaa jidhkaygiyo ku taal iyo,  diilintiyo qoonta
  3. Dubaaqada nafteeniyo waxaa,  nabarra duugoobey
  4. Dingaraaradaa nagu dhacdiyo,  doogta hadhi weydey
  1. Dakharada dhafoorkayga iyo,  daawo madaxayga
  2. Duluglaha qaxootiga dadkaa,  debedda meeraaya
  3. Dewersiga shisheeyaha kuwaa,  daasadda u qaatay
  4. Debedda iyo gudahaba dadkaa,  doolarka u waashay
  1. Dembigaa arliga buuxshey baa,  loogu daw galaye
  2. Dibowday oo danteenii luntoo,  dooxay bahal  fiide
  3. Dabcigaa haddaynaan bedelin,  dunidu ay yaabtay
  4. Ha deydeyina inaan dawladnimo,  dibu haleellaaye
  1. Daboolkaa qalbiga fuulay iyo,  raanka dedey laabta
  2. Dunuub weeye Soomaaliyeey , daaha saaraniye
  3. Waxkastoo Ilaahay ka digay, amase noo diidey
  4. Dembiyadii fircoon lagu rogaan,  dabada haynnaaye
  1. Diihaalka iyo oonkiyo,  awda dami weydey
  2. Diraacda iyo jiilaalkan,  aan lagaba doogaynin
  3. Abaarahan is daba joogsadiyo,  diriradaa baaqday
  4. Ciiradan dhulkii lagu dediyo,  roobkan di'i waayey
  5. Daba qawda iyo foorahaa,  inagu soo daacay
  1. Daruuruhu haddii ay curtaan,  daaq ma bixiyaane
  2. Darar malaha iyo xoolihii , doobi caana ahe
  3. Duunyadan manfaca beeshay waa,  wax iga diimoone
  4. Daxalkaa qalbiga fuulay iyo,  damaca maaroobey
  1. Dembigaa arliga buuxshey baa,  loogu dawgalaye
  2. Dibowdayoo danteennii luntoo,  dooxay bahal  fiide
  3. Dabcigaa haddaynaan bedelin,  dunidu ay yaabtay
  4. Ha deydeyina inaan dawladnimo,  dibu haleellaaye
  1. Maankeenna waxa dooriyee , inna dabayl raacshey
  2. Ku digrinay qabiil iyo wixii,  dilay awowgeene
  3. Dib waxaa inoo dhigay tola'ay,  aan dugsi lahayne
  4. Hallays daayo weligay ma'maqal,  dirira mooyaane
  5. Wax naloogu daabacay qalbiga,  daafac reeraha'e
  1. Daacuun qabyaaladi ka daran,  laysu soo diro'e
  2. Reer hebel intuu daadka yahay,  duurka iyo maadha
  3. Intuu dunida kelidiisa yahay,  kan ugu doorrooni
  4. Dadka kale intuu duudka yahay,  doonni yari qaado
  5. Degi mayso Soomaaliyoo,  way is dilaysaaye
  1. Dibowday oo danteennii luntoo,  dooxay bahal  fiide
  2. Dabciga haddaynaan bedelin,  dunidu ay yaabtay
  3. Ha deydeyina inaad dawladnimo,  dibu haleeshaane

W/C Hurre Axmed
Emai:hurreaxmed@yahoo.co.uk

_____________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com