|
![]() |
|||||
Saddex sanno ka hor ma ahayn nin dad badani yaqaanaan, mana filayo in maankiisa ay ku jirtay in uu madaxweyne ka noqon doono Soomaaliya oo 18kii sanno ee aan soo dhafnay aanay ka jirin dawlad dhexe oo wax ku ool ahi.
Waa nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu wax ku soo bartay wadamada Liibiya iyo Suudaan. Waxa uu macalin ka ahaa intii aanu maxaakiimta ku biirin dugsiyada Muqdisho oo uu Taariihkda iyo Juqraafiga ka dhigi jiray. Xilligii ay maxaakiimtu la wareegtay magaalada Muqdisho iyo inta badan Koonfurta Soomaaliya, ayaa habkii ay xilkasnimada iyo degenaantu ka muuqatay ee uu u hadli jiray ay soo jiidatay Soomaali badan. Sidoo kale beesha caalamka ayaa u aragta nin qunyar socod ah oo ay la macaamili karaan, marka la barbar dhigo hogaamiye diineedyada kale ee Soomaalida sida Sh. Daahir Aweys oo isagu hadda hogaamiya garabka mucaaradka ah ee Isbahaysiga ee fadhigiisu yahay Asmara, noqdayna codkii ugu horeeyey ee mucaarada doorashada Sh. Shariif. Nabaddii iyo naruuradii ay Maxaakiimtu ka dhaliyeen Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee koonfurtu ma noqon mid waarta, ee waxaa cagta mariyay cadawga Itoobiya oo ay dalalka reer galbeedka ee xasaasiyadda ka qaba Islaamku taageero la garab taaganyihiin. Haddaba ka soo daahiriddii Sh. Shariif uu ka soo daahiray magaalada Nayroobi, xilli hadhaagii Maxaakiimta ay diyaaradaha Maraykanku ku duqaynayeen kaymaha jiqda ah ee Jubbada Hoose, ayaa noqon karta mid dad badan shaki ku abuuri karta. Si kastaba ha ahaatee kolay waxaa xaqiiqo ah in uu Sh. Shariif ahaa nin ay beesha caalamku isha ku haysay, marka ay noqoto dadka ay kala macaamili karaan Islaamiyiinta Soomaalida iyadoo Soomaali badanina u arkaan nin la watay oo meelo kale guntimuhu uga xidhanyihiin. Wadahadaladii uu la furay dawladda FKMG ah, ka dib markii uu noqday guddoomiyaha ururka dib xoreynta Soomaaliya ee kala jabka ku keenay ururkiisa, ayaa iyana u muuqan kara tallaabo uu hore ugu qaaday hamuunta uu u qabay kursiga uu maanta hantay. Wada xaajoodkii Jabuuti oo xubno badan oo labada dhinac ka tirsan ay ka biyo diidsanaayeen ayaa hashiisyadii lagu gaadhay aynu ku tilmaami karnaa mid ay tanaasul badan ku samaysay dawladda FKMG ahi. Tanaasulkaas siiba qodobka kordhinta xad dhaafka ah ee tirada xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta aynu odhan karnaa waa ta u suurto gelisay inuu hanto xilka madaxweynenimada Soomaaliya. Waxaan iyana meesha laga saari karin in Sh. Shariif adeesaday lagac badan oo uu ku bixyay kasbashada kalsoonida xildhibaanada, taaasoo laga xusi karo casuumad qado ah oo uu u sameeyay xildhibaano ilaa shan boqol oo qof gaadhaya, kana dhacday mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Jabuuti.
Haddaba dawladda uu hadda hogaaminayo madaxweyne Sh. Shariif waa mid ay hortaallo hawl culus, siiba dhinaca nabad ku soo dabbaalidda dalka Soomaaliya. Turunturooyinka iyo caqabadaha ku hor gudban maamulka Sh. Shariif ma ahan kuwo hadda lagu eedayn karo Itoobiya iyo cadaw kale oo shisheeye, balse waa kuwo uga imanaya saaxiibaddiisa Islaamiyiinta ah. Ururada Islaamiyiinta xag jirka ah ee dagaalada ka wada Soomaaliya, uma muuqdaan, lamana filayo intay hubka iska dhigaan in ay ku daba saftaan Sh. Shariif. Sidaa darteed inkastoo C/laahi Yuusuf iyo Itoobiyaankiiba meesha ka baxeen, haddana ma jiro ifafaale cad oo muujinaya muddada dhaw in Soomaalidu heli doonto nabad iyo dagenaansho midna. Kooxda Al Shabaab iyo Daahir Aweys midkoodna dagaalka joojin maayo ilaa inta ay awoodda dawladnimo ee hadda u gacan gashay Sh. Shariif ay xeradooda ku soo hoyanayso. Soo dhaweynta iyo reyreynta doorashada Sh. Shariif ma ahan mid isbedel weyn keenaysa, maadaama nabadaynta Soomaaliya aanay weli fari ka qodnayn, shidaduna waxay ahaan doontaa mid sii socota, iyadoo marba muuqaal iyo magacyo cusub la soo baxaysa. Ismail A. Hasssan (khaliil) _______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |