VOA
Home Articles Somali Songs About us  

 


Puntland: Doorashooyinka iyo duruufaha ku meersan
(Qaybtii 2aad)

W/QIsmaaciil C. Xasan (Khaliil)
Jan. 06, 2009

Sida aan ku soo sheegnay qaybta 1aad, doorashadii Cadde Muuse waxay ahayd mid ay si aad ah u soo dhaweeyeen Shacabka Puntland, hase yeeshee maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo ifbaxayay karti darrada iyo maamul xumada Cadde iyo xukuumaddiisa.

Tan iyo intii Cadde Muuse xukunka hayay waxaa kordhay musuqmaasuqa iyadoo hay’adiii dawladduna ay noqdeen kuwo hawl gab ah.

Fadhiidnimada maamulka waxay sababtay in taladu faraha ka badxo, Pntlandna ay ka hanaqaadaan kooxo Maafiyo ah oo ku dhaqaaqa si kasta oo ay ku hantiyaysan karaan.

Kooxahan oo ay ka mid yihiin ganacsatada samaysa lacagaha been abuurka, dhagarqabayaasha wax tahriibiya iyo budhcad badeedda ayaa si xor ah uga hawl gala deegaanda Puntland iyagoo aan habayaraatee wax cabsi ah ka qabin maamulka dawlad goboleedka Puntland.

Nasiib darro in maamulka Cadde wax ka qabto dhibaatooyinkaas iska daaye waxaaba jira tuhumo  in maasuuliyiin sare oo maaulkan ka tirsani ay ku lug leeyihiin, lana shaqaystaan kooxahaas Maafiyada ah.

Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu wakhtigiisa inta badan ku qaataa safaro uu ku aaddo wadamada dibadda oo u badan kuwo uu ku fushado dano isaga u gaar oo la sheego in ay ku baxdo lacago badan.

Waxaa la sheegaa in Cadde  Muuse si cad ugu tagri falo hantida Ummadda iyadoo dhanka kalena uu cidhiidhi galo mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidaamda ammaanka oo iyagu marar badan qabsada baananka ka dib marka ay musahar la’aani soo food saarto.

Puntland

Waxa uu meeesha ka saaray Cadde Muuse  la xisaabtankii dawladda gaar ahaan dhinac dakhliga iyo xisaab xidhka miisaaniyadda.

Waxaa wiiqantay awooddii dawladda iyadoo ay isla markana luntay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen maamulka. Waxaa faraha ka sii baxaya ammaanka, waxaana  caadi noqotay falalka hubaysan ee fakinta maxaabiista iyo dilalka ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Habacsanaanta maamulku waxay sababtay in Puntland ay gacanteeda ka baxaan goboloda qaarkood, halka  kuwa kalena ay kaga dhawaaqeen  maamul u gaara, Punlandna waxay cagta saartay wadadii burburka.

Doorashada Madaxtinimo ee xilligan

Waxaa hadda la soo gaadhay xilligii doorashada madaxtinimo ee Puntland iyadoo dhawaan ay beeluhu soo xuleen xubnaha baarlamaanka cusub.

Inkastoo bilihii u dambeeyay ay musharixiin badan oo ay ku jiraan kuwo qurba joog ahi ay safaro ku marayeen gobolada Puntland, kana dhex ololeynayeen shacabka, nasiib darro shacabku wax cod ah kuma laha doorashadan, qofka madaxweyne noqonayana waxaa go’aamin doona 66da xildhibaan ee beeluhu iska soo xuleen.

Taasina waa qaabkii lagu dhisay Puntland toban sanno ka hor oo aan weli hore looga sii dhaqaaqin. Waxaa shaki badan laga qabaa sida ay u dhici doonto doorashadu una noqon doonto mid xalaala.

Cadde Muuse oo ka mid ah musharixiinta madaxweynanimada Puntland ayaa dad badani ka cabsi qabaan in hantida faraha badan ee uu ka lunsaday shacabka Puntland u adeegsado gadashada codadka xubnaha baarlamaanka.

Cadde Muuse oo sheegay in uu doonayo in uu dhammaystiro hawlo badan oo ka qabyo aha yaa dad badani aaminsan yihiin  in uu ku dhaqaaqi doono wax walba oo u suurto gelin kara sidii uu kursiga madaxtinimda ugu sii fadhiyi lahaa.

Waxaan iyana ilaa hadda la garanayn saamaynta uu ku yeelan doono doorashadan madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo hadda ku soo guryo noqday Puntland.

C/laahi Yuusuf inkastoo uu sheegay in uu dhexdhexaad ka yahay musharixiinta  u tartamaya madaxtinimda Puntland, haddana waxaa shaki badan laga qabaa sida uu bannaaka uga joogi karo hawlaha doorashada madaxweynaha Puntland, maadaama ay aad isugu dhaw yihiin Cadde Muuse.

Shaki kuma jiro in Puntland ay hadda u baahantahay isbedel, xubnaha tartamayana ay ku jiraan kuwo keeni kara isbedelkaas, hase yeeshee ma cadde sida ay doorashani u keeni doonto isbdelkaas ay dadku u oomanyihiin maadaama aan la ogoyn, waxa Cadde Muuse yeeli doono haddii laga guulaysto

Waxaa laga cabsi qabaa in haddi uu Cadde Muuse  isku dayo in uu xoog ku sii haysto kursiga ay ka dhacaan Puntland wixii ka dhacay sannadki 2001dii, waxaanse ilaa hadda la garanayn Janankii hubka soo qaadan lahaa mar kale si Punland loo badbaadiyo.

Ismail A. Hassan (Khaliil)
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

* Qabtii hore halkan ka akhriso
________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com