|
![]() |
|||||
Waxaan dheegtay murashixiinta ku loolamaysa madaxtinimada Puntland, wxii ka dambeeyey doorashadii afhayeenka baarlamaanka. Celcelis dabadi, waxaan is tusay in walow badi ay yihiin rag door, in hadana uu ku jiro nin karmeed muujiyey bisayl, astaamo hoggaan, iyo khibrad ciidan oo xilli maanta ay Puntland uga muhan tahay aanu jirin.
Walow uu muujiyey qunyar socodnimo, ableydiisana aan weli la tajriibin, oo la tuhunsan yahay in uu mayal dabacsan yahay, ayaa hadana lagu sheegaa in uu yahay nin taxadar badan, kana fiirsada halka uu saanta dhigayo, tabcadiisana la yiri lama loodin karo, mar haddii fooda la is daro. Xilliyada nabdeed, sida rag yaqaani sheegeen, waa nin shaaha iyo rootiga la jabsada dadka kiisa ugu danta yar. Xilliyada dagaal ee rag is mutana waa nin weysadiisu u biyaysan tahay, faraskiisu u xakamaysan yahay, ableydiisuna u hollan tahay. Waa nin door, farsamo loo xisho leh, oo tirada, celcleiska iyo beekhaaminta dhaqaale wax ka yaqaan. Waa yare hayin aan looga baqayn in uu heeryadii cuno. Inkastoo aanu lahayn hayinimada Maxamed C. Xaashi, khibrad siyaasadeed oo u dhiganta tan C/llahi Yusuf aanu lahayn, hadana uma indha la'a sida Cadde Muuse. Uma xil kas la'a sida Faroole, mana aha danayste sida Xasan Abshir. Uma fududa sida Cumar Farjac, ugamana badbadiyo sida Saleebaan Ciise. Uma waalla sida Gaadaale, umana moogana sida Maxamed Cabdinur. Waa nin aan lahayn astaamaha lagu sifeeyo saraakiisha ciidanka, marka uu hadlayana aan hal adkayn, aanayna ka didayn dadka aanay isku fikirka ahayni. Dadka qaar ayaa taa ku sifeeya in ay tahay qabow ay ugu soo dhiiradaan inta aanay rafiiqa ahayn si ay u wanjalaan, kuwa dhaqan jabhadeedka lihina aanay u bogin. Inta la og yahay, waxaa uu mideeyey shacabka gobolka Sanaag, waana murashaxa keliya ee ka sharaxan gobolka. Waxaa uu ku guulaystay in uu ku qanciyo mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee laga soo doorto gobolka Sanaag in aanay u tartamin xilka afhayeenka baarlamaanka, taas oo uu ku muujiyey hogaan tayo leh oo uu ku midayn karo bulshada uu hogaaminayo. Waxaa uu muujiyey in uu leeyahay dad isku-wad, welise lama hubo in uu isku hayn karo. Mar haddii ay sidaa tahay, ninka intaas isku darsadayna uu yahay C/llahi Axmed Jaamac 'Ilkajiir', miyaanay Puntland mudnayn hogaamiye intaa kulansaday? Dalka iyo dadka ayaa ku diirsan doona. Shacabka Puntland iyo kan Somaliya ayaa u aayi doona. Caalamka kale ee daneeya arrimaha Somaliya iyaga warkood daa. Hogaamiye kasta oo aan la tajriibin hogaankiisu waxaa uu leeyahay iimo muuqda, iyo kuwa qarsoon, lase tuhmi karo. Sidaas oo ay tahay, ayaa uu leeyahay iimo u gaar ah, balse uu rag kale la kaashan karaa si ceebaalkiisa loo dedo, ilayn waa aadama e. Iimihiisa waxaa ka mid ah in uu af-gaaban yahay, mararna aad moodo in aanu si qoto dheer u dhuuxin siyaasada guud ee Somaliya. Same-ka-talis iyo sabaalayn ayaa laga cabsi qabaa in uu ku dayo, meel ay ahayd in dharbaaxo lagu dayo. Matalan, jawaabo uu ka bixiyey mar wax laga weydiiyey muranka gobollada Jubooyinka ayaan qancin dad badan, oo u han weynaa, una arkay in uu dheelalaw yahay. Diiraddiisa ayaa la tuhunsan yahay in aanay tiiro dheerayn, oo hogaankiisuna uu dhaafi waayo inta isaga u muuqata oo keliya. Tusaale ahaan, sida uu cagta ugu badiyey gobolka Sanaag, gobollada kalena qaar aanu cagtaba dhigin ayaa in badani u aragtaa in ay dhab ka tahay, oo hogaankiisuna sidaa oo kale noqon doono mid baalaha ka qoyan (Sool, Mudug & Cayn cag ma dhigin; kuma aanu hakan Karkaar, haddii caasimadu ahaan lahayd Bossaso-na, Nugaal cag ma soo dhigeen ayaa lagu xantaa). Mudadii uu ku sugnaa Puntland, marna kama hadal muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, kan federaalka, fikirna kama bixin heshiiska Jabuuti ee dib u heshiisiineed. Si ceebaalkaas loo cillal bixiyo, waxaa lama huraan ah in uu helo koox 'team' la-taliyayaal ah oo ka aragti, khibrad, iyo xikmad duwan isaga, balse ay isku itijaah siyaasadeed yihiin. Haddii uu noqdo, la mood noqonse waa, sidii naga raacday Cadde Muuse oo kale, 4 sanno ka dib ayaa mid kale lagu badali karaa - ismase lihi waa uu u liidan doona Cadde Muuse. Khiyaarkayga 1-aad, iyo ninka kale ee aan is leeyahay waa madi kulansaday hoggaan iyo siyaasad miisaamani, waa Nuradin A. Diriye, laakiin marka la dheegto duruufaha siyaasadeed iyo dabaylaha colaadeed ee ku soo wajahan Puntland, kafaduhu dhanka Ilkajiir ayaa ay u janjeeraan, anna waxaan tay biday in aanay Ilkajiir ka fursanayn. Aan isku soo xooriyee, u doorta C/llahi Axmed Jamac 'Ilkajiir' Madaxweynaha Puntland ee 2009 - 2012. U doorta Nuradin A Diriye, ku xigeenkiisa. Maxamed A Cali *Puntland presidential hopefuls: with whom shall we entrust the Presidency? * Electoral Platform of Gen. Abdullahi Ahmed Jama for the Presidency of Puntland State of Somalia ________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |