
|
Ganacsatada Aakhiro!!
W/Q. Cabdullaahi M. Aadam
July 05 , 2009
|
Ganacsatada Aakhiro waxay isku magacaabaan Sheekh, Mujaahid, Abuu hebel, Seef, Toorey, Musbaar, Cimaamad iyo junjuraaf kale oo aan la soo koobi karin. Markasta way ciil qabaan, mana naxaan.
Waxaa laga yaaba marka aad aragtid ciinwaanka maqaalka in ay maskaxdaada ay ku soo dhacdo muxaadarooyinka waayahan danbe laga daba dhacay ee aakhiro looga waramo. In sidaas ay maskaxdaadu u fakarto kuma qaldana waayo waxaa aad u shaac baxay waqtiyadan danbe in dadka looga nixiyo argagaxa aakhiro nooga horreeya. Maqaalkani ma aha dood qalalan ama sheeko aan nuxur lahayn, waa maqaal si cilmiyaysan u sharixi doona ganacsatada aakhiro ee dunidan nala joogta. Sidoo kale wuxuu maqaalku wax ka iftiimin doonaa sida ay ganacsigooda u maareeyaan iyo taariikdooda kooban. Maqaalku wuxuu isku dayi doonaa in uu soo bandhigo arxan darada ganacstada aakhiro iyo sida ay la damacsan yihiin bulsha waynta ku silicsan Geeska Afrika.
Inta aynaan u guda galin maqaalka waxaa habboon in aan sharaxno nooca uu yahay ganacsiga aakhiro. Sida aan wada ogsoon nahay ujeedada ka danbeeysa ganacsi kasta waa in la sameeyo faa’iido. Marka sidaas la mid ah ayay ujeedada ganacsiga aakhiro u tahay mid faa’iido doon ah. Inkastoo ujeedada ganacsiga guud iyo kan aakhiro ay isku mid yihiin haddana waxay ku kala duwan yihiin arrimo badan oo ay ka mid yihiin: habka loo maamulo ganacsiga, dadka maareeya, badeecadaha ama adeegga laga ganacsanayo, iyo shuruucda la raaco. waxaa yaab leh in ganacsiga dunida laga qoray buugaag badan lagana sameeyay daraasad aan la soo koobi karin, halka ganacsiga aakhiro aan ahmiyad wayn la siin, waana taas sababta uu maqaalkan u curtay!
Maskaxda qofka ayaa ah shayga ugu qaalisan ee ganacsatada aakhiro ay ka baayacmushtaraan! badeecadaha kala duwan ee ganacsiga aakhiro lagu soo bandhigo waxaa ugu qaalisan dareenka qofka. Hanashada fakarka qofka ayaa ah tartanka adag ee ka dhaxeeya guud ahaan ganacstada aakhiro, waxayna macaash xad dhaaf ah ka sameeyaan baahida daran ee aan u qabno diinteenna Islaamka iyo baahida ah in aan wax ka ogaanno nolosha danbe ee aakhiro. Suuqa ay ku soo bandhigaan ganacsigooda waa qalbiyadeenna. Xilliga uu ganacsigoodu kala socdaa waa mararka ay cabsidu innaga tan badiso, rajo xumo dhan walba ahina na soo weerarto. Cadowga ganacsigoodu waa caqliga fakaraya, waxayna farxaan marka aynu caadifadda isticmaalno!
Ganacsiga aakhiro waa mid caalami ah, waxaana laga helayaa wadan kasta iyo goob kasta oo dunida ka mid ah. Sidoo kale muddo fog ayuu ganacsigani ka socday wadankeenna Soomaaliya, lamana hubo waqtiga rasmiga ah uu ganancsigan ka hana qaaday dalka. Ganacsatadii hore ee aakhiro waxay ahaayeen wadaaddo aan ilbax ahayn oo ku mashquula in ay hadba xaafad ka qadeeyaan, mana dhici jirin in ay macaash xad dhaaf ah saartaan ganacsigooda. Waxa ay dadka u qaban jireen adeegyo badan oo ay ducadu ugu muhiimsan tahay. Waxay ahaayeen wadaaddo dadkooda la qaybsada wax kasta, mana aysan lahayn ujeeeddo ka baxsan in ay si guud u wada hormariyaan ganacsigooda iyo nolosha dadkooda.
Xilliyadii dhexe oo ay bulshada Soomaliyeed bilaabeen in ay magaalooyinka soo galaan ayay ganacsatada aakhiro bilaabeen in ay hormariyaan ganacsigooda, waxayna markasta la jaan qaadayeen nolosha cusub ee bulshada Soomaliyeed, magaalooyinkii ugu horeeyay
ee wadankeenna waxaa ku soo ququlay dad badan oo nolosha miyiga dhibsaday. Arrintaas ayaana noqotay fursadii ugu horreysay oo ay ganacsatada aakhiro helaan ka dib markii ay si yaab leh u abaabuleen dadkii miyiga ka soo hayaamay. Waxay samaysteen xarumo waawayn oo dadka looga dhigto hanti ay ka ganacsadaan, xarun kasta waxaa hormuud u noqday wadaado caan ka noqday gayiga soomaliya, faa’iidada kaliya ee laga xusi karo xarumahaas ayaa ah in dadka diinta lagu baray, qasaaraha ugu daran ee laga dhaxlay xarumahaasna waxay ahayd in maskax badan oo soomaliyeed loo rogay hanti ay ka macaashaan wadaadadii xiligaas, mararka qaar waxaa dhici jiray in ganacsatada aakhiro ay ku dagalamaan suuqa, waana taas sababta ay u huriyeen colaado badan oo u dhaxeeya xarumihii kala duwanaa oo dadka ay ugu xareesnaayeen.
Waqtigii gumaystaha uu dhulkeena yimid, waxay bulsha waynta soomaliyeed bilaabeen in ay dhibsadaan noloshii gumaysiga, isla waqtigaas ayay ahayd markii ay bilaabeen in ay dagaal wadaninimo ah kala hor tagaan nooc kasta oo gumaysi ah, wadaadadii xiligaas ama ganacsatadii aakhiro waxay dhankooda ka galeen halgankii lagu xoreenayay gayiga soomaaliya, waxayna hormuud ka noqdeen dagaalkaas ayagoo ugu magac daray jihaad si ay ganacsigoodana u sii wataan! Mudo ka dib markii la helay xornimadii waxay kaalin mug leh ka qaateen dhisidii qaranka soomaliya ayagoo la kala saftay siyaasiyiintii markaas joogtay, waana markii ugu horeysay oo ganacsigooda uu ka talaabo dhinaca arimaha bulshada una xuubsiibto dhanka siyaasada, shaqooyinkii ugu horeeyay ee qabtaan waxaa ka xusi karnaa duco iyo in uu wadaad kasta xirtiisa ku xiro hadba siyaasiga uu is dhaho waa la shaqaysan kartaa!
Marka loo kuur galo dawladihii ka horeeyay dawladii kacaanka, wadaadadu kaalin muuqata ayay kaga jireen bulshadooda, waxay ahaayeen niman wax laga waydiiyo arimaha diinta, shaqadaas ay u qaban jireen bulshada waxay ku mutaysteen ixtiraam iyo in ay noloshoda ka dabartaan, way jireen niman wadaado ah oo daacad ah oo kaalintooda si wacan uga so dhalaalay balse waxaa ka badnaa xayn shaqadii wadaadnimada u rogtay ganacsi xawli ku socda oo dhanka aakhiro laga hago! Dawladii kacaanka oo ahayd maamulkii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara soomaliya ayaa waxay xanibaad ku soo rogtay ganacsigii aakhiro oo si yaab leh ugu faafay dhulalka ay soomalidu dagto, wadaadadii xiligaas ama ganacsatadii aakhiro waxay u qaybsameen koox xabsi isku waraysata, kuwa dibadaha u cararay iyo qayb dadkooda dhinac ka raacay!
Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka xumaatay sidii ay dawlada kacaanka ula dagaalantay ganacsatadii aakhiro, gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda ayaa waxay bilaabeen in ay wax iska waydiiyaan sida ay dawladii militariga u dacdaraysay ragii diinta, markiiba ganacsatadii aakhiro waxay ku baraarugeen dareenka ay dhalinta ardayda u badneed u hayeen wadaadadi la dar xumeeyay, waana taas sababtii ay si dag-dag ah iskugu abaabuleen ayagoo ka faa’idaysanaya maskaxdii cusbayd ee dhalinyarada, waana waqtigii ay si toos ah u bilaabeen in ay ganacsigooda aakhiro u xawilaan dhanka siyaasada si ay wax walba u hantaan,waxay bilaabeen in ay dibadaha u safraan si ay kaalmo ugu helaan halganka ay ugu jireen in ay guud ahaan la wareegaan talada dalka ayagoo u soo maraya ganacsiga aakhiro, meelihii ay u safreen waxaa ka mid ahaa dalalka carabta oo xiliyadaas laga helay shidaal, halkaas ayayna ka dhigteen saldhigyo ay umada soomaliyeed ka soo weeraraan ilaa maantadan.
Ganacsatadii aakhiro waxay fursad dahabi ah heleen markii ay burburtay dawladii soomaliya, waxay ku fasireen buburkii dalka ka dhacay caradii rabi oo soomalida ku habsatay ,xal uma aysan raadin qabiilooyinkii soomalida ee sida xun isku xasuuqayay, waxayna bilaabeen in ay qaab kasta isku abaabulaan si ay talada dalka gacanta ugu dhigaan, waxay ku ciyaareen maskaxdii bulshadii tabaalaysnayd, si guud iyo si gaar ayay dadka ugu sheegeen in hadii aan ayaga wax laga dhagaysan in uusan wadanka dagayn carada rabina aan laga baxayn, waana taas sababta keentay in masaakiintii iyo dumarkiiba ay iska aaminaan sheekooyinkaas raqiiska ah, wadanka oo dhana waxaa is qabsaday ganacsigii aakhiro oo siyaabo kala duwan loo abaabulay.
Boqolaal kooxood oo diinta rabi ka ganacsada ayaa dalka ka hana qaaday buburkii ka dib, xoogii bulshadana waxay u qaybiyeen kooxo yar yar oo aan waxba ku heeshiin karin ilaa ay aakhiro u hayaamaan, fikrado halis ku ah wada jirka ayay ku beereen maskaxdii dhalinta, diinta ayay ka dhigteen wadada loo maro hanashada garashada qofka soomaligaa ah, waana taas sababta ay manta u adagtahay in la helo qof si cilmiyaysan uga doodi kara shaqooyinka ay qabtaan ganacsatada aakhiro!
Mashruuca ugu yaabka badan ee ganacsatada aakhiro ka fuliyeen soomaliya waxaa ka mid ah mashruuca la magax baxay “Aduunyo Nacayb” mashruucaas aad buu hirgalay oo dad badan oo soomaaliyeed baa ka rajo dhigay qiimaha nolosha, arintaasna waxay fursad u noqotay wadaadada oo si yaab leh ula wareegay hantidii yarayd ee dadka soomaliyeed haysteen.
Halgan dheer oo wadaadada soomaliya ama ganacsatada aakhiro u soo galeen in ay la wareegaan talada dalka ka dib, waxaa u suura gashay in ay ku kali noqdaan masraxa siyaasada soomaliya wixii ka danbeeyay sanadii 2006, dad badan oo soomaliyeed oo aaminsanaa in hadii wadaadada talada loo dhiibo in dalka uu dagayo ayaa candhuuftooda dib u laqay ka dib markii ay arkeen ganacsatadii aakhiro u kala jajabay kooxo manaxayaal ah si arxan daro ah ugu dagaalamaya dalka burbursan mudada labaatanka sano ku dhow, maanta ganacsigooda wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyay oo ah in wiilasha yar yar ee aan qaan gaarin ay ay u isrticmaalan qarxinta shacabka, runtii waa arin naxdin leh oo qarniyada soo socda aan waxba laga qaban karin.
Ganacsatada aakhiro waxay ku shaqaytaan cabsida, waxayna la dagaalamaan maskaxda fakaraysa, kuuma ogola in aad si toos ah u caabudid abuurahaaga ee waxay xooga saaraan in ay kaaga tarjumaan diintaada si aadan u adeegsan garashadaada, halgan kooda ugu wayn ayaa ah sidii ay ku hanan lahaayeen aduunyada ayagoo u maraya aakhiro, waa run oo way jihaadayaan balse waxay u jihaadayaan calooshooda iyo sidii ay naftooda uga farxin lahaayeen. Caruur badan oo silic lagu soo koriyay ayay adimada ka jari doonaan hadii aan la helin caqli midaysan oo looga hortago, waxay isku magacaabaan sheikh, mujaahid, abuu hebel, seef, toorey, musbaar cimaamad iyo junjuraaf kale oo aan la soo koobi karin, markasta way ciil qabaan mana naxaan waxayna nafisaan oo kaliya marka ay u galmoonayaan gabdhaha ay beenta u sheegeen!
W/Q: Abdulaahi M. Adam (Sociologist)
E-Mail:exmurux@hotmail.com
----------------
Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca:
-Al Shabaab Waxay Dabbaqayaan Shareecadii Yuhuudda W/Q Nuuradin Askar
-Al Shabaabku ma guulwadeyaal baa? W/Q Muuse Yuusuf
-Wadaaddo sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin W/Q Siciid Cali
-Dood: Shabaab iyo Shacabka SoomaaliyeedW/Q Caabi Shaafici
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 WardheerNews.com |