
|
Labo Shubho oo Dhiig loo Daadiyo oo la Qiil Tiray (Bayaan)
Waxa Tarjumay Cabdulqaadir Cabdi
July 02 , 2009
|
Bayaan ay soo saareen laba ka mid ah culimada dunida muslimka ugu caansan ayaa loogu baaqay kooxaha Soomaaliya isku dilaya inay dagaalka joojiyaan iyadoo dhanka kalana uu bayaanku qaadaa dhigay laba shubho oo dhiigga daadintiisa lagu bannaystay. Taas oo ay diin ahaan u daah rogeen.
Bayaanka oo ay soo saareen Sheekha Caalimka wayn ah (Callaamah) Cabdullaahi bin shaykh Almaxfuud bin Bayyah oo ah madaxa xarunta caalamiga ah ee cusboonaysiinta iyo toosinta iyo daktoor Cabdullaahi Cumar Nasiif oo isna ah madaxa shirweynaha dunida muslilmka ayaa bayaankooda uu u qornaa sidatan:
Diintu waa Nasiixa
Walaalaha Soomaaliyeedoow,
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa Barakaatuhu
Waxay culimo iyo fuqaho waaweyn iyo ducaad hore idiinku soo jeediyeen baaqyo ay ku codsanayaan inaad ka joogtaan dagaalka iyo isdilka. Kaas oo uu ugu danbeeyey bayaankii ay soo saareen ururka caalamiga ah ee culimada islaamka oo idiinku baaqay inaad dagaalka joojisaan, wadahadalna u jalleecsataan. Waxaa bayaankaasi si cad u muujiyey sida ay jariimada ama danbiga dilka iyo dagaalka dhaxdiina ah uu u weyn yahay iyadoo uu bayaankaasi soo daliilsaday nusuus ama daliillo cad cad oo afjarayaal ah oo Qur'aanka iyo Axaadiistaba kusoo arooray.
Waxaa waajib idinku ahayd inaad dagaalka joojisaan mar haddii ay baaqyadaa xujooyinka cad cad xanbaarsani idin soo gaareen, waxaanse ognahay in sababta qaar dagaalka u sii wadaan ay ka dhalatay shubuhaad ay ku dheggen yihiin. Kuwaas oo aan halkan ku cadaynayno labada shubho ee kuwa wadahadalka diiddan ka laalaadaan oo aan xukumkooda sharciga ah caddaynayno si arrintu u kala caddaato (Qofkii halaagmaya ha ku halaagmo xujo cad, kii noolaanayana xujo cad ha ku noolaado).
Labada shubho waa in xukuumadda Sheekh Shariif aysan shareecada islaamka oogin gaar ahaanna xuduudda, halka shubhada kalana ay tahay (Al walaa wal Baraa) oo loola jeedo in xukuumadda Sheekh Shariif ay gacan saar la leedahay dawlado aan muslim ahayn. Labadan shubho ayaa ahaa kuwo kiciyey fitnada gaalaysiinta iyo bannaysiga dhiigga muslimiinta. Taas oo ka dhacday meelo badan oo dunida muslimka ka mid ah.
Labadan shubho waxay ka dhasheen faham yari iyo meel qalad ah oo la dajiyo macnaha Aayaadka ama Axaadiista. Waxaa labadan sabababood markhaati ay u yihiin hadalkii Cali bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee oo markii ay Khawaarijtu yiraahdeen “Alle uun baa Xukunka iska leh” uu ugu jawaabay “Waa Oraah xaq ah balse baadil loola jeedo”. Maxaa yeelay waxay macanaha aayadda dhigeen meel aan booskeedii ahayn.
Shubahada Dabaqista Shareecada:
Waxaan leennahay waxa shareecada soo hoos galaya waa ballaaran yihiin oo waxaa ka mid ah wax kasta oo la is faray ama Alle naga reebay oo taabanaya qaybo kala duwan oo nolosheenna xiriir la leh. Xuduudda oogisteedu waa qayb shareecada ballaaran ka mid ah oo loo baahan yahay in la fuliyo sharci ahaan si loo dabarjaro fasaad badan. Waxaase loo baahan yahay in si shareecada si sax ah loo dabbaqo waa in la helo nidaam dalka ka taliya oo la adeecsan yahay iyo kala danbayn iyo xasillooni. Xuduudda oogisteedu waa qayb ka mid ah Axkaamta Suldaanka islaamka sida macluumka ah iyadoo uusan suldaan ama taliskaasi jirinna ma waajibayso in xuduudda la oogo, balse maba bannaanaba sida ay muslimiinta ku ijmaaceen, uuna sheegay Sheekh Qurdhubi.
Midda labaad waa inaan fitno laga baqayn iyo khalal iyo dulduleel diimeed sida ka muuqata falkii Cumar bin Khidaab ee uu ku joojiyay ciqaabta nafyiga.
Midda seddexaad inaysan jirin shubhad hor istaagaysa oogista xadka sida gaajada oo kale oo uu Cumar bin Khidaab joojiyey gacan goynta sannadkii Ramaada ee abaartu jirtay (Ogow in maantana ay Soomaaliya ka jiraan abaaro iyo gaajo baahsani).
Islaamku waa hannaan isku xiran oo dhammaystiran oo tixgelinaya duruufaha dhaqaale, bulsho, nabadgalyo iyo ruuxeed ee dadka. Qofkii aan tan fahmini ma aha qof fahmay xaqiiqada shareecada Islaamka iyo ujeedooyinkeeda ku salaysan u bishaaraynta iyo u sahlista.
Xattaa haddii la helo sharuudihii iyo daruuftii xuduudda lagu oogi lahaa balse uu talisku oogi waayo - iyadoo uusan sharcinimadeeda iyo waajibnimadeeda inkirsanayn - ma aha qofkaasi ama taliyehaasi mid diinta Islaamka ka baxay sida ay caddeeyeen kuwa wax xaqiijiya ee ahlu climiga ka midka ah. Waxa ay taas ku fasireen qowlka Alle ee oranaaya “Ciddii aan ku xukmin wixii Alle soo dajiyey, kuwaasi waa kuwo gaalo ah” in gaalnimada aayaddu sheegaysaayi yahay gaalnimo yar ama ka sokeysa gaalnimda weyn ee diinta looga baxo, waa sida uu sheegay C/llaahi bin Cabbaas oo ahaa turjumaankii Qur'aank ee iyo saxaabiga kale ee Xudayfa Alle ha ka wada raalli noqdee. Sidaa darteed mar haddii aan diinta looga baxayn ma aha in dadka tan lagula dagaalo oo dhiigooda lagu bannaysto. Maxaa yeelay gaalnimada booskeedu waa qalbiga iyo rumaynta. Waxay Xudayfa iyo Bin Cabbaas yiraahdeen ma aha gaalnimo diinta looga baxayo haddii qof muslimiinta ka mid ahi uu ku xukmin waayo wixii Alle soo dajiyey illaa uu qofkaasi kaga kufriyo ama diido Allah, malaa’ikta, kutubadiisa, rasuullada iyo maalinta aakhiro.
Macnahan aan xusnay waxaa laga wariyey koox badan oo Culimada ka mid ah sida Bin Cabbaas, Daawuus iyo Cadhaa, hadalkanna waxaa lagasoo qaatay Xaafidka Cabdul Birri iyo kitaabkiisa Al Tamhiid 5/74-75.
Sidaas oo kale waxaa isna yiri Sheekh Ibnu Taymiya oo isna ka soo raraya hadalka Bin Cabbaas iyo Saxaabo kale iyo imaamyada Ahlu sunnah sida Imaam Axmad bin Xanbal iyo kuwa kale. waxa sidoo kale uu hadalka u tiirinayaa Imaam Bukhaari. (Fataawaa ibnu Taymiyah). Waxaa faahfaahin dheeri ah laga heli karaa kitaabka “Fataawaa Fikriyyah” gaar ahaanna cutubka Gaalaysiinta”.
Ma aha tani mid lagu fududeysanayo oogista xuduudda sharciga ah balse, waa mid arrin walba in booskeeda la dhigayo, dadkana loogu yeerayo nabad iyo in dagaalka la joojiyo si loo helo duruuftii sahli lahayd in shareecada la oogo. Allaah ma uusan halaagin reer Makka ama ma ogolaanin in Makka lagula dhex dagaalo. Kuwaas oo nabigiisa Muxammad SCW ka saaray Makka, oo la dagaalay oo cadaabay asxaabtiisa, maxaa yeelay waxaa la ogaa in taasi keenayso in dhib ka soo gaaro rag iyo dumar bari ka ahaa falka reer Makka. Waxa uu Alle ku xusay suuratul Fatxi (Haddii aysan ahaan lahayn rag iyo dumar muminiin ah oo (la nool ) oo aydaan ogayn, oo markaad cagta saaraysan gaalada ay dhici karto in kuwan aydan ogayn aad waxyeeshaan oo ceeb idinka soo gaarto iyo mashaqo (..waa la idin fasixi lahaa inaad kula dagaashaan Makka..).
Mar haddii Alle reer Makka oo gaalo u badnaa nabiga iyo saxaabadiisana dhibay uu diiday in lagula dagaallamo Makka dhexdeeda si tiro yar oo aan la ogayn oo muslim ah aan dhibi u soo gaarin, sideebaad idinkoo sheeganaya inaad xaq difaacaysan aad dagaal uga dhex wadaysaan oo aad ku dilaysaan bulsho wada muslim ah oo intooda badani bari ka ah oo dhibka ugu bandanna uu rag, dumar iyo carrruur ka soo gaarayo dagaalkaas?
Shubhada Labaad
Waa shubhada Al walaa iyo al Baraa (Gargaarsiga iyo ka bari noqoshada, oo inta badan la soo daliilsado aayad oronaysaa ninkii gaalada ka wali yeesha iyaguu ka mid yahay). Mabda walaa iyo baraa waa isna mid la dhigay meel aan booskiisii ahayn, laguna xanbaaray macno uusan xanbaari karin, dadkiina lagu gaalaysiiyey muuqaallo daahirka ah oo aan xaqiiqo lahayn iyo hadallo guud oo aan si dhab ah fasirkooda loo fahmin.
Erayga wilaaya ama walaa iyo erayada kale ee laga dhanbalay sida mawlaa, walliyi waxay kitaabka iyo sunnada ugu soo arooreen siyaabo kala duwan iyagoo xanbaarsan macnayaal kala duwan oo gaaraya illaa 21, sida Rabbi ama Eebbe, Maalik, Xoreeye, Qariib, Daris, Adeer, Waday ama, gargaare ...iwm. Murtadaa Zubaydi wuxuu leeyahay macaanidaa badankeedu waxay ku timid Axaadiista, waxaana lagu xirayaa waxa uu taabtay xadiiskaa oo uu ku yimid.
Walaagu waa noocyo iyo darajooyin kala duwan. Midka diinta looga baxayaa waa markii uu yahay walaa xagga caqiidada ah. Waxaa ka mid ah walaaga midka xiriirinta iyo gargaarka qaraabada haba ahaadeen kuwa aan muslim ahayne (Qaraabadana qaarkeed, qaarka kale ayuu ku mudan yahay oo uu u xaq leeyahay marka la eego kitaabka Alle). Sidoo kale Nabiga scw wuxuu Asma ku yiri oo hooyadeed gaalo ahayd “Xiriiri hooyadaa..”. Walaagu wuxuu noqon karaa xaraan sida haddii uu ku jiro macsi iyo dil ku kaalmayn. Waxaase kooxaha muslimiinta qaarkood siiyeen erayga walaa macno aan sax ahayn. Sidaa darteed way ka digeen culimada waaweyn ee ahlu sunnada ahi sida Imaam Axmed bin Xanbal Alle ka raalli noqdee sida uu ka warinayo Asdhakhari oo uu leeyahay Imaam Axmed Alwalaaya waa bidco, al Baraana waa bidco sida ku timid kitaabka “Dhabaqaad al Xanaabila”. Sidoo kale wiilkiisa Cabdullaahi bin Axmed wuxuu kitaabkiisa Alsunna ku xusay wax badan oo arrintan taabanaysa.
Sidaa darteed ma bannaana in lagu dhago shubhada Alwalaa wal Baraa oo lala dagaallamo ciidamada Midawga Afrika ee u timid gacansiinta dalka, kuna timid go’aan goboleed iyo mid Soomaaliba. Muslimiinta waxaa magangalyo bixin kara kooda ugu yar ama sokeeye, ka warran haddii cid masuul ah ay tiraahdo ha la nabad geliyo waa in la qadirayaa. Ma bannaanna in lala dagaalo iyadoo ay ka mudan tahay in Soomalidu ka heshiiso waqtiga ay joogayaan ama haddii ay ka maarmi karaan iyo waxa ay qabanayaan, iyadoo hadii la heshiinayana ay sahlanaanayso inay dalka ka baxaan baahidii keentayna ay meesha ka baxayso.
Walaalayaal Ilaahay ka cabsada oo dhexdiina hagaajiya, oo ha is gaalaysiinina si taasi loogu qiil bannayso dagaalka iyo daadinta dhiigga muslimka (Allena u toobad keena muminiinow waxaa la arkaa inaad liibaantaane.)
Tani waa naseexo aan idiin soo jeedinayno waxaanan diyaar u nahay in aqoon isweydaarsi aan idinla yeelanno si aan xaqa u caddayno la xiriira arrimahan aan ka hadalnay iyo kuwa kalaba. Waxaan xukuumadda ay waxgaradka Soomalida ama qayb ka mid ahi doorteenna ugu yeeraynnaa inay wadahadalka xoogga saarto dagaal ka horow sidii Cali bin Abii Daalib uu sameeyey, oo Ibnu Cabbaas uu ugu diray khawaarijta, oo uusan la dagaalin illaa iyagu ay ka soo weerareen.
Waxaan sidoo kale Jabuuti iyo Eretereya oo hore shacabka Soomaliyeed u garab istaagay waqtigi gumaysiga Itoobiya ka codsnaynnaa inay mar labaad ka wada shaqeeyaan sidii Soomaalida la isugu keeni lahaa.
Waxaan sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ugu baaqaynnaa inay bayaankan faafiyaan, wax ku daraan ka toosiyaan, ujeedadayadu waa xaqqa iyo sidii dhiigga daadanaya loo joojin lahaa.
Waxaan ka rajaynaynaa Soomaalida inay diyaariyaan qorshe dalka looga saarayo dagaalka iyo dib u dhaca iyo raadadka ka dhashay. Waana kaas jihaadka dhabta ahi. Sida Ibnu Taymiya sheegay jihaadka waxaa soo galaya dhammaan hawlaha wanaagga iyo samafalka.
Waxaan rajaynayaa in la helo qorshe dhammaan kooxaha kala duwan ku wadaagayaan baarlamaanka iyo xukuumadda, dibna loogu hagaajinayo qaab dhismeedka dowladda si ka tilmaan qaadanaysana shareecada islaamka, ujeedooyinkeeda iyo xeerarkeedaba.
Qorshe nololeed waa in lala yimaadaa ee maya qorshe geeriyeed (Kuwa Alle rumeeyey yeela haddii Alle iyo rasuulkiisa idiinku yeeraan wax idin noolaynaya). Qorshe nolol sharaf leh oo adduunyo iyo aakhiro u horseedaya shacabka sida in dhaqaalaha kor loo soo qaado, la soo celiyo dadka qaxay, la gargaaro kuwa tabaalaysan, la tababaro hawlwadeennada dalku u baahan yahay, la qoro qawaaniin ku salaysan Shareecada Islaamka oo dadka kala hagta. La diyaariyo siyaasad dibadeed oo ku salaysan daris wanaag iyo ilaalinta danaha guud iyadoo si gaar ahna xiriir wanaagsan loola yeelanayo Jabuuti iyo Ereteraya oo shacabka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan usoo garab istaagay waqtigii adkaa iyo sidoo kale dalwadaha Islaamka iyo Carabta oo iyana xiriiir wanaagsan lala yeesho. Waxa suurto gal ah in Itoobiya lala gaaro heshiis ah inaan la isku soo xadgubin, inkastoo ay horey xad gudub u samaysay.
In dib u habayn lagu sameeyo ciidamada oo ay soo galaan kooxaha hubaysan ee kala duwan sida Shabaabka, maleeshiyaadka kale, askartii hore iyo xittaa burcad badeedka si ay u wada helaan fursad ay dalkooda ugu adeegaan, nolol iyo maciishadna ku helaan.
Waa inaad madaxiinna kor u qaadaan, cid kastana la kaashataan oo ay xitaa ku jiraan dawladaha waaweyn ee siyaasaadkoodii dib u eegaya sidii ay u noqon lahaayeen awood nabadgalyo oo aysan u noqon lahayn awood wax garaacda oo burburisa oo qura.
Waad sugteen geesinimadiina goobaha, dagaalka, waxaase la idin ka rabaa inaad sugtaan xilkasnimadiina sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.
Islaamku waa diin naxariis u ah caalamka oo idil, waana diin nabad iyo jacayl. Nabiga naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee sida uu ibnu Isxaaq sheegay wuxuu amray Nabigu in la dhawro Eey carruur wadata oo gudbaysa wadada ciidankiisa oo aan laga argagixin xayawaankaa. Kuwaas oo ay muddo u xayirnaayeen. Bal ka warrama ka nixinta, dilka iyo qixinta dad muslimiin ah.
Arrimahani waxay ahaayeen, kuwo dareenkayaga ku soo dhacay iyo cinwaanno ay habboon tahay inaad ka wada hadahsaan, annaguna aan diyaar u nahay inaan idinkala qayb galno sidii sharci ahaan loo salayn lahaa, iyado maslaxadda siyaasadeedna la eegayo oo ka mid ah masaalixda Shareecada Islaamka sida uu xusay Abu Isxaaq Alshaadibi.
Alle ayaan u qasdaynaa oo nagu filan oo aan tala saaranaynnaa.
Wasalamu Calaykum Waraxmatyullaahi wabarkaatuhu
Callama Cabdullaahi bin Shaykh Almaxfuud bin Bayyah (
Madaxa Xarunta Caalamiga ah ee Cusboonaysiinta iyo Toosinta)
&
Dr. Cabdulahi Cumar Nasiif (
Madaxa Mutamarka Caalamka Islaamka)
Tarjumaddii Cabdulqaadir Cabdi
E-mail:xogta@garasho.net
__
Nuqulka asalka ah oo af Carabi ku qoran halkan ka akhriso
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2008 WardheerNews.com |