Home Articles Somali Songs About us  

 


Wadaadadda Cusub:
Colaaddeer Dami weydey & Cidhib Dambeedkeeda

W/Q Maxamed Hirad
July 31 , 2009

Ugu horreyn, qoraalkani wuxuu daba socdaa maqaal hore oo cunwaankiisu ahaa Casharada Culimadii Hore & Kuwa Cusub Camaladooda. ” Kaasoo ku soo baxay degelka WardheerNews iyo qaar kaleba sannadkii 2005 tii, bishii Agoosto 29 keedii.

Culimada Al Shabaab
Muuqaalka culimada cusub ee Soomaaliya

Maqaalkaas hore wuxuu ka hadlayey is barbardhigga culimadii hore siday diinta Islaamka ugu faafin jireen dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ahba iyo kuwan cusub siday wax u wadaan.  Labadaas hab waa kuwo aad iyo aad u kala fog, waxaana aniga ii muuqatay in culimadii hore ay shaqo wanaagsan soo qabteen. Taasoo, haddaan wax kalaba loo qiimayn, lagu karaamayn karo siday dadka Soomaaliyeed uga ilaasheen gumaystihii dalkan xukumayey boqolka sannadood ama ka badan, diintii iyo dhaqamadii uu watay.

Waxaa intaas raaca, halganka dabadii, wadaaddadaas oo laf dhabar u ahaa xorriyo doonkii, way ka gaabsadeen in ay xukunka ka mid noqdaan.  Maxaa yeelay, waxay u haysteen in ay ka sarreeyaan xukunkaba.  Laakiin intii kooxahan cusub ee diinta Islaamka sheegaayaa soo baxeen, waxaa markii ugu horayseyba soo baxay dad Soomaaliyeed oo culimada sharafta lahayd ee Soomaaliyeed xumaan ka sheegaya.  Waxa aynu odhan karnaa waa markii ugu horaysey ee dad Soomaali ah lagu tilmaamo in ay gaalo yihiin. Waxaa kalood maqlaysaa maalin walba kooxdaasi waa gaalo, murtadiin, mushrikiin, munaafiqiin iyo waa khawaarij. Hadda kuwaasi waa waa kuwa aqoon diimeed sheeganaya dhexdooda, ee bal dadkii kale ee aan wadaaddada ahayn maxaad iyagana u malayn? Mindhaa iyagu waaba cawaan aan diin iyo xuquuq toona lahaynoo dilkooda iyo barakicintooda la bannaystay!

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo gawarc ku samanaya nin Soomaaliyeed
Waa sawir Nin ay gawracayaan kooxda al Shabaab

Waxa kale oo murugo iyo werwer weyn leh sida ay wadaaddo ku sheegani u dileen karaamadii iyo sharaftii diinta Islaamka. Waxa ay diintii ka dhigeen mid naxariis daran oo dil foolxun, ciqaab iyo dhibaato uun dadka u horseedda. Waxa maanta dalkeennii noqday mid si ka foolxun sida xoolaha loogu gawraco bani’aadamka iyadoo magaca shareecada Islaamka la isticmaalayo! Waa yaab sow ma’aha?

Inkastoo maqaalkaa hore saadaashaydii ay dhab noqotay oo dawlad Islaam sheeganaysaa dhisan tahay, haddana dhibku intaan filayey wuu ka badan yahay. Wadaaddadii cusbaa iyagii baa diriraya, shacabkii baa la laynayaa, mindi baa lagu gawracayaa, dhagxan baa lagu garaacayaa illaa ay ka dhintaan, madaafiic, bam iyo wax kasta oo wax baabi’ya ayaa laysu adeegsanayaa, waana lays gaalaysiinayaa. Intaasba waxaa ka daran koox waliba maalinta ay dad badan soo layso, Ilaah bay ugu mahad naqaysaa guusha ay gaadheen.  

Dhibka maanta ka jira dalkeenna sida dagaalada lagu hoobtay, barakaca maatada iyo waayeelka, dabargoynta wax garadka iyo aqoonyahannada iyo kala yaaca dadkii ay ku dhammaadeen saxaraha iyo badaha, haddii aanu jirin waddaad ka naxaya oo ay taladoodii noqotay halla adkaysto, maxaa markaa laga filan karaa ummadan labaatanka sanndood dhibtaas u samrasay?  Maxaa ummada Soomaaliyeed laga filan karaa, haddii wadaaddadii loo dhiibay xukunkii, oo weliba madaxdoodii la doortay ay maanta leeyihiin waa gaalo oo waa ku jahaadeynaa?  Sida muuqata, koox kasta oo maanta wada socotaana waxay u kala dillaaci doontaa sidaas maanta oo kale in ay isu gaaleeyaan, u jahaadaan wax kale oo lagu heshiin karaana iman karin, qori caraddiis mooyaane! Maxaa markaa laga filan karaa mustaqbalka?

Mar labaad, cidhib dambeedka wax kasta oo jiraba Ilaaheenna weyn baa keligi og oo khaas u leh. Shaki kuma jiro anigu iskaba daa cid kale, naftaydu waxay mudan doonto waxba kama ogi. Hase ahaatee Ilaahay dadka wuxuu siiyey caqli uu ku saadaalin karo waxa maanta u muuqdaa waxa ay dhali doonaan, khaas ahaan haddii qofkaasi waayoaragnimo dheer ama xikmad gaara lagu mannaysatay. Sidaa darteed haddii saadaashaydii hore rumowdey,bal aan eego  mar kale iyo aayaha Soomaalida.

Culimadii hore, hadday muddo badan samrayeen digrigooda iyo xalaqaadkooda diinta ka wadeen oo qanaacaddooda xukun iyo xoolaba kaga maarmi jireen, markii abaalkoodii la dafiray waxay wadeenna laga dhigay shirki iyo gaalnimo, oo kaba sii darane qabuurihii mashaa’ikhdii hore ee lagu dhaadan jiray dhulka lala simay, hadhaagii lafahoodana dhalfiifaha laga dhigay ama dhul kale loo dhoofshey, maxay samayn doonaan maanta iyo wixii ka dambeeya,?

Dhallinyaro lagu fuliyay xukun  ah in la gooyo gacan iyo lug isweydaar ah qofkiiba
Dhallinyaradii lagu fuliyay in la gooyo gacan iyo lug isweydaar ah qofkiiba

Ka dhigba in ay Xisbul Islaam iyo Al Shabaab dowladdan ridaan. Xukunka shacabka Soomaaliyeed haddaan cidiba kula harrdamin, ma ku heshiin karaan iyagu?  Mise maalintaas baa madaafiicdu cartami doontaa? Maxaase haddii taasi dhacdo shacabka Sooomaaliyeed la gudboon?

Siday aniga ila tahay waxay ka quusan doonaan wadaaddada iyo waxay wataanba oo diintu ka mid tahay.  Tijaabooyinka aynu soo maray haddaynu dib u raacno,  toddoba dawladood oo kala dambeyey tan iyo 1991kii, hadday fashil ku dambeyeen, maxaynu ka filan karaa cid kasta oo samaheenna jeclayd? Waxa ay ila tahay in iyaguna ay quusan doonaan.

Waxay ila tahay, ninkii yaqaan baa yaqaane, Soomaalidu waa dad xiisa badan! Qaar horaa yidhi maalinba taan ku joogo ayaan nacay.

Qarnigii 18naad aakhirkiisii Soomaalida oo badaw raacato Islaama ah, oo dharka iyo timirta ku kala bedesha xoolaha nool, haraggooda, subaggooda, baalka gorayga, xabagta oo sidaa wax ku kala doorsada, ayaa gaaladii isticmaarka ahaa xeebaha uga soo degeen. Waxay tuseen lacag, baayac mushtar baaxad leh, ilbaxnimo, dowladnimo iyo hurumar. Dadka badankiisu arrimahaas kama horiman, inkastoo ay jireen qaar diidanaa.  Waxaa la yidhi abaar baa dhacday sannadkaas. Waxaana loo bixiyey sannadkii saan cadka iyo diga gubka. Dagaal dheeraaday dabadiis waxaa ku adkaaday dadkii dawladdaha isticmaarka doonayey. Laakiin ma raagine dadkii waa naceen haddana waxay dalbadeen xorriyad. Taasna waa la heley.  Dawladdii ay dhisteen ee nidaamka reer galbeedka qaadatay waa la nacay. Waxaa la yidhi “raaxada Togdheer iyo dalkaba Ruush haw hadho” iyo “Ilaahow ama Ruush ama roob”
 

Isqarxiyeyaasha Al Shabaab
Isqarxiyeyaasha Al Shabaab

Ruush iyo kacaan wada socdana way innoo taliyeen. Iyagiina waa la nacay oo waxaa la yidhi “kuwii baxsanaaba kala boodnaye, balookhow yaa iskeen baray”. Kacaankii iyo shuuciyaddiisiina halkaas bay ku burbureen.

Intaas dabadeed waxaa loo jeestey xagga diinta islaamka oo ah tan keliya ee weligeed Soomaalidu ku taamaeysey in  maruun lagu xukumo. Marka maanta xagay Soomaaliyi u jeesan doontaa haddii diintiina dhib aan horayba u soo marin ay kala kumeen? Waxay ila tahay in wadaaddadan iminka xukun doonka ah  sidan ay wadaan aanay waxba ugu suurtoobahayn.  Laakiin laba midkood bay noqon doontaa! In Soomaali dawlad leh la waayo oo ay dalal kale kala raacdo iyo in ay diinta ka dhaqaaqdo  oo dawlad cilmaaniya oo aan diin shuqul ku lahayn xukunka qabato. Ilaahay baa wax walba cidhib dambeedkooda og.

Maxamed Hirad
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com