Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Siilaanyo: Duqu Wali Ma Daalin Miyaa?
W/T Maxamed Hirad
June 09 , 2009


Waa gabay male awaal ah oo laga dhigay in uu Daahir Rayaale Kaahin u tiriyay Siilaanyo.  Waxa uu jawaab u yahay gabay hore loogu soo saaray WardheerNews oo aan maanso ahaan tayadiisu fiicnayn, oo laga male awaalay in uu Siilaanyo u tiriyay Daahir Rayaale. Gabaygan Rayaale wuu ku garnaqsanayaa, waxaanu tilmaamayaa in xilligan ay odayga ( Siilaanyo) u khayr roontahay in uu iska nasto, isagana hadho mansab raadinta, una toobad keeno Eebbe. Maansadiina waa tan ee ka bogta.
  1. Siilaanyow ninkii daacad wada, Daayinkaa jecele
  2. Malagyada dushaa joogabuu, kala dardaarmaaye
  3. Kolkaasaa dadkiisuna kalgacal, wada dareemaane 
  1. Dulmi iyo xumaan kay qalbiga, kaga daguugnaato
  2. Oo uurka daxal dhaanshey iyo,  doog aan ka go’ahaynin
  3. Rabbi waw darraadaa dadkuna, waa ka didayaane
  1. Nin hadduu duqoobo in badan, dunida soo joogay
  2. Dembi weyn hadduu galay hadduu, diinta ka habaabay
  3. Dahab iyo hadduu doonyo dhacay, ama dad soo laayey 
  1. Dawadiisu waa toobad dhaba, oo dantiisa a' he
  2. Waa inuu xuquuqduu dayacay, dib u hagaajaaye
  3. Haddii kale Ibliis buu la degi, dabaqa naareede
  1. Haddii aan u daadego duqiyo, gabaygan daandaana
  2. Waa midaan dariiqyada murtida, aan docnaba hayne
  3. Hayeeshee jawaabtoo degdega, waan u dirayaaye 
  1. Odaygeer dhammaadeen da’diis, ama dad jiilkiisa
  2. Xukuumado horoo dumay ninkaa, derejadood haystey
  3. Oo loo doortay maaliyad wasiir, daakhil iyo khaarij
  4. Ee dalaq ka siiyaye durbaba, doolar laga waayey
  5. Ay deeqi waydaye habeen, debed u guureeyey
  6. Soomaali oo dowlad iyo, shacab damaashaada
  7. Oo degel kastoo ay fadhido, nabad ku daanyoota
  8. Waa ninkii durbaan tumay colaad, diradirayntoode
  9. Waa kii ku duufsaday dad badan, oon digiin qabine
  10. Doc faruuryey ummaddii midnimo, doontay oo helaye
  11. Dad qalluu ku biiriyo dar wada, damacyo shaydaane
  12. Duurkay ololiyeen baa ku fiday, damallo waaweyne
  13. Waa kaa dalkii wada salfaday, doobir xumadoode
  1. Jabhadihii dagaalamay kolkuu, diiradda u qaaday
  2. Ee daadahshoow lagu yidhiye, madaxa loo duubay
  3. Dabciguu lahaa kama hadhine, waa ku soo duxaye 
  1. Wuxuu dilo wuxuu dooxo iyo, wuxu dabayl raacsho
  2. Duluglaha qaxoontiga wuxuu, debed u yaacsiiyo
  3. Dumar iyo carruur wuxu dayacay, ama duq waayeela
  4. Xafiis dabaq leh wixi daar burburay, ama dukaan buuxa
  5. Dangaraaradii nagu dhacdiyo, kala dayoowgeenna
  6. Dembigeeda isagaa lahaa, daacadda Ilaahe
  7. Intaasoo darxumo weyn ah iyo, dacati uu gaystey
  8. Iyo qaar damiirkaba xuskood, kaga diqoonaysid
  9. Ummadaba waxaa uga darraa, duunyaduu dhacaye
  10. Dawlado shisheeyiyo hantidii, caalamku u deeqay
  11. Ama debedda qaar jiray u diray, gacalka diifaysan
  12. Ama dahabadoodii gabdhuhu, dhigay dukaan iibsha
  13. Kuma deyen mid sii duukhayiyo, kii dagaallama e
  14. Waatii hoteelada dugsoon, daaha loo xidhaye
  15. Waxba yaanan doorkii horiyo, ceebo daabicine
  16. Rabbi baa ku daalacanayayoo, kama ilduufayne
  17. Dadkiisuna ma moogayn darbada, daahirka ahayde

  18. Duqu weli ma daaline hadduu maanso dirayaaye
  19. Dabbaal joogtaduu wado haddii, daa la odhan waayo
  20. Dibirooti buu nala rabaa,  daanno aan hadhine
  21. Anigana digniintaydu waa, kama dambaystiiye
  22. Ma dabbaalo xeerkiyo dastuur, waa ka dudayaaye
  23. Ma dawayso dimuqraadiyad, daacad loo yahaye
  24. Daktatoornimuu doonayaa , oo dantiisa ahe
  25. Duuggii inoo hadhay dad iyo, duunyo waxa jooga
  26. Dabkaa noo bidhiiqayee durbaba, diirsimada keenay
  27. Iyo nabadda lagu daaqayee, lagu dekaynaayo
  28. Iyo dowladdaa loo askumay,  ee aan dar kale haysan
  29. Inuu naga dunshaa buu rabaa, doqonto waa mooge
  30. Wadaaddada derderan buu la galay daawo iyo hiile
  31. Goboladan dumaynana hubaal, waa durkinayaaye
  32. Derisyada waqood wada deguu, kala dagaagsiine
  33. Buuhoodle haan dabayney iyo Dhahar degaankooda
  34. Inay naga didshaan baa ka biqi, doxorro weedhoode
  35. Halkaasaan ku daayaye dadyahow, dan iyo xeeshaada

W/C Maxamed Hirad
Email: xagar@sbcglobal.net

Silsiladda Maansooyinka Mala Awaalka ah:

*
Siilaanyo

* Siilaanyo: Duqu Weli Ma Daalin Miyaa?

* Faysal C. Waraabe: Ha La I Doorto Ummad Yahay

* Xaabsade: Doogsin Raac

* Muuse Biixi: Duni Wareertay!
-----------------

Maansooyinka kale ee Abwaan Maxamed Hirad ku soo bandhigay WardheerNews

- Qaldaan

- Hanfade

- Abaal

-Hayb Sooc

-Garnaqasi

-U hanqal taag

_______________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com