|
![]() |
|||||
Article in English Waxaa dhawaan isku isqarxiyey magaaalada Baladweyne wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 17 sano jir. Falka wiilka wuxuu sababey dhimasho kor u dhaaftay 20 qofood oo Somali Muslim ah, ayna ku jireen saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda midnimada qaran. Sida la wada ogsoon yahay tani ma ahan markii ugu horreysay ee dhallinyaro Somali ah ay is-qarxiyeen. Ilaa iyo 10 is-qarxis (1) ayaa ka dhacay Somaliya, inkastoo laga yaabo in dad shisheeye ay ku jiraan. Waxaana ugu horreeyay tii laga fuliyey Baydhabo taasoo loogu tala-galay in lagu khaarijiyo Cabdullahi Yusuf, madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka. Waxaa kaloo jira dhowr is-qarxis ee lala beegsaday ciidamada Ethiopianka iyo kuwa AMISOM. Waxa intaas kuu dheer is-qarxisyadii ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso.
Haddaba si aanu jawaab ugu helno su’aalahaas, bal aanu isku dayno inaanu dhisno ama aan currinno sawir-nololeedka is-qarxiyeyaasha sida heerka aqoontooda, wacyigooda, barbarintooda, qoysaska ay ka dhasheen, si aanu u ogaanno wixii ku kallifay wiilashaas iney is-qarxiyaan oo ay is-dilaan. Waxaa kale oo halkaan ku falanqeyn doonnaa inta nuuc ee loo qeybin karo dhallinyarada is-qarxisay: Nooca kowaad:
Haddaba wiilkaan dayacan ee nasiib wanaagsan aan ka helin nolosha, ayaa waxa dhacday inuu la kulmo qoys u diyaar ah iney kaalmeyaan, oo wax u qabtaan. Duqa qoysk waa wadaad, wuxuuna aad ugu mashquulsan yahay arriimaha la xiriira xagga jihaadka, ku dhaqanka Shareecada Islaamka, naceybka gaallada, ciidamada shisheeye iwm. Wuxuu xubin ka yahay ururo diineed hubeysan sida Al-Shabaab, oo wadaadku wuxuu ku mashquulsan yahay abaabulidda howlaha miltari iwm. Durbadiiba wiilka waxaa lagu casuumay inuu ka mid noqdo qoyskaan cusub. Wuxuu muddo ku dhexnoola cidda, waxaana loo aaminay sida wiilasha cidda oo kale. Wiilka waxaa la geeyay dugsi ama madarasad lagu barto wax-yaalaha aasaasiga u ah culuunta diinta Islaamka; waxaana lagu hanuuniyay oo maskaxda looga buuxiyay arriimaha la xiriira Jihaad, la dagaallanka gaallada, shahiidnimada oo laga dhaadhiciyey iney yihiin waxyaalaha lagu galo Jannada...War iyo dhamaantiis waxa maskaxdiisa yar laga buuxiyey waxyaala waaweyn oo dadka da’da waaweyn qaarkood aysan xamili ama fahmi karin!! Si sahal u dheh, waa wiil la maran habaabiyey..oo maskaxdiisa la rogay. loona diyaariyey is-qarxis. Wuxuu isku qarxiyey hotel,halkaasna wuxuu ku dilay Somali muslimiin ah. Nooca labaad: Wiilkaan nasiib darradu haleeshay wuxuu gacanta u galay qoyska ka mid ah qolooyin wadaadada ee ku xiran qolooyinka hubeysan ee Somaliya. Madaras ayaa la geeyay wiilka, halkaas maskaxdiisa laga buuxiyey arriimaha xag-jirnimada, oo maskaxdiisa waxay ku suufiyoowday jeclaanta Osama Bin Laden oo ah qofka uu arko halyeeygiisa uu ku daydo. Ka dhicitaankii Jaamacadda waxaa loogu beddelay wiilka madaraso u ballan qaadeyso adduunyo iyo aakhirio – Janno. Kaddib waxbarasho diineed ee muddo yar, wiikii maskiinka ahaa waxaa maskaxdiisa laga buuxiyay shahiidnimo, Janno, Jihaad, waxaa la nacsiiyay nolosha adduunyada; isagana wuxuu aaminay iney u roon tahay inuu aado aakhiro si uu u galo Janno. Sannad kaddib oo hanuunin iyo waxbarasho-diineed ah, wiilkii waxaa loo dhoofiyey Somaliya si uu uga fuliyo halkaas is-qarxintii ugu weyneyd ee soo marta waddanka. Wuxuu halkaas ku dilay dad badan oo Somali, ahna muslimiin. Nooca saddexaad: Waxa keliya ee wiilkaani uga duwan yahay kuwa kale waa wiil xagga caafimaadka maskaxdiisa eysan sidaas u sii wanaagsaneen oo waa qof wax u dhiman yihiin ama dabbaal. Intii uu yaraa ayaa waxa ku dhacay cudur u diiday iney maskaxdiisa caadi ah u korto. Sidaas darteed waa qof la maan-habaabin karo, loona naadeegsan karo si sahal. Waxaa kale uu wiilkaan uga duwan yahay dhallinyarada kale isagoo aan si fiican ugu hadli karin Af-Somaliga, oo af-Somaligiisu wuxu isugu jira jacbur af-Amxaari ama Af-Sawaaxili. Waxaa kaloo laga yaaba in la siiyay wiilkaan lacag si loogu dhiirrogeliyo fulinta howsha loo diray, taasoo uu kaga duwan yahay kuwii hore. Wallee maxaa wareer, lacag laaluush dhimir doorist lagu sameeyay wiilkaas yar!! Wiilkaan isna waxaa la mariyay tubtii kuwii hore la mariyay mar laga eego dhinaca waxbarasho diineed iyo u diyaarinta is-qarxinta. Muddo yar kaddib waxaa wiilka loo soo diray Somaliya halkaasoo uu isku qarxiyey xero militari Ethiopian ah, kuna dilay dhow askari. Nooca afaraad: Waxay aad ugu badan tahay in nooca ugu dambeeya uu yahay mid aan sidaas u sii badneen. Haddaba sida laga arki karo sharraxaada kor ku xusan, waxaa muuqata in haddii laga reebo Nooca afaraad, sawir nololeedka wiilasha is-qarxiyey ay wadaagaan waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin da’da, iyagoo dhashay wakhtigii dagaallada, waxbarasho la’aan, xannaano iyo tarbiyo la’aan, iyo iyagoo gacanta u galay dad ka waaweyn oo aan danta wanaagsan ee wiilashaas aan ka shaqeynin balse u isticmaalay wiilashaas dan gaar ahaaneed. Si aan arrintaan u sii xaqiijino, bal ila fiiriya hadal u yiri aabihii wiilkii isku qarxiyey magaalada Baladweyne: "Wiilkeeygu wuxuu ahaa 17 jir,waxaan ugu waqlalay Mohamed dabcan wuxuu ahaa curadka qoyskeyga,anigu cabsi darteed ayaan hada meel ugu dhuumaaleeysanayaa, waadna maqleeysaan hooga iyo ba'a uu wiilkeeyga dhigay,maskaxdiisa sax ma ahayn,waxay cunto ugu dareen daroogo"(2) ayuu yiri Deeroow Sheekh Aadan. Haddaba sida muuqata wiilashaasi waa wiilal masaakiin ah ee la maran habaabiyey, falkooda isqarxintana wuxuu baabi’iyeen naf iyo xoolo. Saa darteed, Somaliyeey su’aasho waxay tahay is-qarxisku halkee buu kaga jira dhaqanka Somaalida? Maxaase lagu daaweyn karaa xaaladaan cusub??? Maxaa la haboon waalidiinta Soomaliyeed iney sameeyaan si ay u ilaaliyaan ama u dhowraan caruurtooda?? Jawaabta su’aasha waxay u taallaa qofkasta oo Somaali ah!! Muuse Yuusuf
_____________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |