Home Articles Somali Songs About us  

 


Badbaadi Naftaada Wariye, Bulshadana u Adeeg 
By Cabdinuur Maxamed Axmed  
June 15 , 2009

Maxaa loo ugaarsanayaa Suxufiyiinta ku dhiiraday inay ka shaqeeyaan  goobaha mashaqadu ay ka jirto sida Soomaaliya? Muxuu galabsaday wariyaha u taagan u adeegidda shacabkiisa? Maxay gacan ku dhiiglayaasha falalkan gaysta ka helaan khaarijinta dadka dhaxalgalka u ah warbaahinta dalka?

Horay ayaa loo yiri nin roon ma raago. Oraahdan kali kuma aha Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo ahaa Agaasimihii Idaacadda iyo Telefishinka Shabelle oo 7dii bishan ay dad wax magarato ah ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha, balse. waxaa la wadaaga dhammaan agaasimayaasha iyo wariyayaasha naftooda ku waayay shaqada Suxufinimo oo ay dadkooda u hayeen sida Duniya Muxyidiin Nuur, Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharma’arke, Bashiir Nuur Geeddi, Siciid Tahliil Axmed, Nasteex Daahir iyo kuwa kale  oo aanan halkan kuwada xusin karin magacyadooda.
Si loo wiiqo rajada Saxaafad caafimaad qabta oo dalka ka dhalata, waxay garaad laawayaasha  abaabulaan falal gurracan oo ka dhan ah dadka majaraha u haya warbaahinta dalka, waana tan keenaysa in maalin kasta la dilo, la jirdilo, la xiro, ama ugu yaraan la handado dadka shaqadan adag faraha kula jira.

In ka badan 15 Wariye ayaa hawlihii ay bulshada u hayeen ka fariistay. Taasi waa dhabarjab hor leh oo ay qaswadayaashu uga faa’iidaysanayaan inay sharciyaystaan ficilada arxan darrada ah ee ay la doonayaan warbaahinta dalka. Sidoo kale waa arin aan caqliga marnaba diidayn maadaama labada kooxood ee siyaasadda ku hardamaya aysan ka haysan wax damaanad ah oo dhiigooda ay uga baaqsanayaan.

Weriye Saxansaxo

Haddaba yay dan u tahay shaqa ka fariisiga Wariyayaashan? Yay dan u tahay in la waayo cid sheegta danbiilayaasha tacadiyada gaysanaya? Yay dan u tahay in albaabada loo laabo xarumaha warbaahinta?  Anigu waxaan ka baqayaa in kooxahan Warbaahin la dagaalanka ah ay helayaan fursad ay ku xalaalaystaan gardarrada qaawan ee ay shacabka la dultaaganyihiin. Haddii ay dhacdo in ka tagidda wariyayaashan loo xiro Idaacadaha qaar, halkaa waxaa ka dhalanaysa in la waayo cid la xisaabtanta kuwa ku tumanaaya xuquuqda aasaasiga ah ee bulshadu leedahay oo ay ugu horreeyso inay ogaadaan waxa dhacaaya, sida ay u dhacayaan, iyo cida gaysanaysa falalkan arxan darrada ah.

Qaybta danbe ee Qormadan waxaan ku qotomin doonaa sida ugu haboon ee Wariyahu ku gudan karo shaqadiisa kuna yarayn karo  xaalad kasta oo abuuri karta in loo dilo war uu sii daayay.

Xeerka Yaraynta Waxyeellada (Harm Limitation Principle):

Xeer saxaafadeedkan waxaa la yiraahdaa xeerka yaraynta waxyeellada. Si kale hadaan u qeexo waa xeer wariyuhu ku yarayn karo khataraha soo wajaha naftiisa, xirfaddiisa, ama sumcadiisa wariyanimo. Dunida horumartay dilku meesha maba yaallo. Waxa wariyuhu fure uga dhiganaayo xeerkan waa inuu kaga badbaado waxyaabo sharci ahaan keeni kara in maxkamad lala tiigsado oo magdhaw looga qaado ama waxa uu uga dhawrsanayaa in xirafaddiisa hoos u dhac ku timaado. Saxafiyiinta Soomaaliyeed badankood ma aha kuwa tababar buuxa u haysta shaqadan, mana laha aqoon saxaafaddeed qoto dheer. Waa meel da’ yar is xilqaantay ay faraha kula jiraan hawshan, sidaa daraadeed waxay u dayacanyihiin dilal, afduub, iyo jirdil joogta ah. Waxaana intaa u dheer hanjabaado aan xigmad ku dhisnayn oo ay u jeediyaan kooxo ku damaashaada in dhiigga shacabka macna darro ku daato.

Inta wariyaha uu ku jiro hawl maalmeedkiisa waxaa uu uruurinayaa xog farxad galin karta hay’adda warbaahineed ee uu u shaqeeyo. Waxa uu waraysanayaa dad kala duwan, kana qaadayaa sawirro ama video. Sidaa daraadeed xeerkan waxa uu si cad u qeexayaa sida wariyaha ka yeelayo xogta, sawirada, iyo waraysiyada uu soo qaaday. Ma sii daynayaa guud ahaan waxii gacantiisa kusoo dhacay oo idil? Mise waxa uu ka reebayaa waxyaabo anshax ahaan aan habboonayn in la sheego ama khatar galin kara inuu sii wato hawshiisa?

Ma aha in wariyaha wada isticmaalo xogta uu soo uruuriyo oo dhan.  Isaga oo ka duulaya xeerkan waa inuu ka tanaasulaa waxyaabaha nafsadiisa khatar galinaya ama wax u dhimaya shakhsiga uu xogtan ka helay. Ka reeb xogtaada sawirada ama codadka aan farxadgalinayn ishii aad warkan ka soo xigatay. Ula dhaqan qofka waraysiga ku siinaaya saaxiib aan xiriirkiina marnaba go’ayn, una daawee sida naftaada oo kale. Xogta ka hadlaysa caruurta ama haweenka ula macaamil tabinteeda si ka duwan mida siyaasiyiinta ama bulshada dadka xilka u haya. Ogow in dumarka iyo caruurta ka nugulyihiin bulshada inteeda kale.

Waa in aysan farxad darro qofna ku abuurin ama waxyeelayn warbixinta wariyuhu bulshada usoo tabinaayaa. Tusaale ahaan haddii aad waraysato qof aan khibrad u lahayn waraysiga ama baqdin galaysa marka uu Kaamarada hor istaago isku day inaad dajiso si hadalkiisu u noqdo mid miisaan leh oo farxad galin kara marka uu dib u dhagaysto, waayo waxaa laga yaabaa naxdinta darteed inuu ku hadlo hadal qaloocan oo aanan ula kac ahayn.

Wariyuhu waa inuu ogaadaa in xog ururinta aysan ahayn ruqsad u ogolaanaysa inuu  bahdilo qaybo ka mid ah bulshada.

Tusaale:

Shaqaalaha Telefishinka Universal ayaa gaaray degmada Dharkeynleey oo uu dagaal kulul ku dhex maraayay ciidamada DKMG iyo kooxaha Mucaaradka ah. Film qaadaha Universal waxa uu xoogga saaray inuu duubo jabka gaaray kooxdii horay gacanta ugu haysay saldhigga. Cilmi Boodhari oo ahaa wariyihii Universal usoo tabinaayay warkan, waxa uu buunbuuniyay horumarka ay ciidanka Dawladdu sameeyeen iyo jabkii gaaray kooxdii laga itaal roonaaday. Cilmi iyo Film qaadaha waxay ka sinnaayeen inaysan xisaabta ku darsan waxyeellada ka soo gaari karta haddii ay soo bandhigaan C/Fataax Shaaweeye oo dajinaya calanka madaw e Alshabaab, kana taagaayo saldhigga kan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa kaloo aysan ku fikirin in dil ama xarig ka soo gaari karo soo duubista jabka mucaaradka, madaama ay ka taliyaan dhul ku laba jibaarma kan DKMG ah ay haysato. Si ay u yareeyaan khatartaa waxaa filim qaadaha iyo Cilmi laga rabay in ugu yaraan miisaamaan warkooda oo la hadlaan kooxda meesha laga qabsaday. Xeerka dhexdhexaadnimada saxaafadda waxa uu qabaa si aad ula dagaalanto eedayn hal garab kaaga timaada, inaadan u kala badin waqtiga aad siinayso koox kasta.

Wariye Boodhari iyo filim qaadihii Universal kaliya eedda ma saarayo. Waxaa sidoo kale eedaynta inta ugu badan xanbaaraya Agaasimaha Universal oo ogolaaday in sidan wax u dhacaan. Maadaama uu masuul ka yahay xarunta warkan laga baahinayo waa inuu u naxaa shaqaalahiisa oo uu kula dardaarmaa inaysan warka hal dhinac oo kaliya ka soo tabin. Warkii la sii daayay waxauu kalifay in Agasime Jeekeey muddo 5 casho ah qafaal loo haysto waliba jirdil loogu daro. Waa tan keentay inuu ugu danbayn shaqada ka tago.

Waxaan qormadan kusoo gunaanadayaa in ay wariyayaal badan shaqada joojiyaan  waxa macnaheedu yahay in Sh. Hebel iyo Sh. Hebel oo dagaal isaga soo horjeeddaa kordhiyaan gabood falladooda maadaama aysan jirin cid la xisaabtamaysa.

Warbaahinta waa tiirka 4aad ee dawlanimada ka dib hay’adaha fulinta, sharci dajinta, iyo garsoorka. Waa tan bannaanka soo dhigta khaladaadka ay gaystaan kuwa xilalka u haya bulshada. Haddaba wariye sidee xeego lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan?

----
F.G: sawirka sare waxaan ku isticmaalay ogolaanshaha Wariye C/naasir Bashiir Axmed (saxansaxo).

C/nuur Maxmed Axmed waa Wariye ka hawl gala Idaacada STAR FM. Wixii talo bixin  ah waxaad ugu diri kartaa cinwaankiisa oo ah  nobleman254@hotmail.com amastarfm@journalist.com

_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com