
|
Xuquuqda da' yarta iyo Al Shabaab
WQ Faarax Aw Cismaan
June 10 , 2009
|
Waxaa dadka qurbo joogga ah ee Soomaaliyeed fajiciso ku noqotay ka dib markii wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah carruurta lagala soo cararay xasuuqa arxan darro, dagaalada aan dhammaadka lahayn iyo mustaqbalka mugdiga ah ee Soomaaliya maanta ka jira, in uu ka mid ahaa amase loo isticmaalay ismiidaamintii lagu qaaday labada magaalo ee Boosaaso iyo Hargeysa.
Dhacdadaasi si gaar ahaaneed ayay ii taabatay aniga, ka dib markaan ogaaday in wiilkaasi ahaa inankii ay dhashay Ina adeertay, illayn geeridu geel jire iyo nimaadan aqoon ayay ku fiican tahaye.
Dhacdadaasi waxay murugadii qurba joogga, iyo tiiraanyadii eheladii marxuumkaasi ku sii kordhisay dhibaato cusub oo soo wajahday dhallinta Soomaaliyeed ee Qurbaha ku noolayd. Waxaa ciidamada amniga iyo sirdoonka ee wadamada US, UK, Sweden iyo Canada billaabeen in ay ilgaar ah ku fiiriyaan dhaqdhaqaaqa dhallinta Soomaaliyeed ee qurba ku dhaqan, iyo u kuurgalka barnaamijta Masaajidada iyo dhaqdhaqaaqa dadka diinta fidiyaba. Arintaasi waxay sababtay in daruur tuhun ahi ay harayso dhallin iyo culimo badan oo aan waxba galabsan. Nasiibdarro mujrimiintii arrintaasi abaabulay ama taakuleeyay iskuna duba riday jariimadaasi wali way dhuumanayaan oo gacanta laguma dhigin.
Waxa qofkasta oo dareen leh inuu iswaydiiyo oo jawaab waafi ah u helo mudan su’aalaha ay ka mid yihiin:
- Yaa dhallintan ka dhaadhiciyay inay naftooda halaagaan oo burbur iyo geeri aalad loo isticmaalo noqdaan?
- Yaa mukhalas iyo dillaal ka ahaa ama hagay oo hogaamiyay dhallintaasi min Minneapolis illaa Muqdisho?
Waxa xaqiiqo markhaanti ma doonta ah in dad qaabilsan soo dabista, maxkax ka maydhista, taskiyada, ama fududaynta saadka iyo sahayda safar ee carruurtaasi ay jireen welina jiraan. Waxaa kaloo hubaal ah in dad kale oo isku xidhka dhallintaasi iyo Al Shabaab ka shaqeeyaa ay jiraan. Kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ku sugan yihiin dariiqyada la sii mariyo dhallintaas sida Nairobi ama Dubai. Waayo waxaa mustaxiil ah in ilmo aan Soomaaliyaba ku dhalan ama isagoo carruur ah ka soo tagay uu maro dariiqaas dheer, kuna biiro urur ama koox sir ah oo ahdaaftooda, madaxdooda iyo xarumahoodaba aan la garanayn.
 |
Sawirkani waa marxuum Burhaan Hassan |
Habada anigoo wali la hardamaya helista jawaab ku aadan su’aalahaasi, filayayna in sirdoonka waddamada Soomaalida qurbaha deggeni ku dhaqan tahay ay faallo ka bixin doonaan afraadda ama kooxda carruurtan ka daabulaysay aqalkii waalidkood una horseedday geeri iyo halaag, gacantana u geliyay arxan laawayaal adeegsada dhallaan iyo dhallin aan wali curan ama qaanba gaarin, ayaa waxaan e-mail ka helay shakhsi aan asxaab nahay. E-mailkaasu wuxuu xambaarsanaa sawirro maalmo ka hor laga soo qabtay safka hore ee dagaalka muqdisho.
Sawiradaasi waxay daliil markhaanti ma doonta ah u noqon karaan in ururka Al Shabaab uu adeegsado, soo afduubo, dagaal geliyona carruur aan awood tacliineed, garaad, iyo xoogba lahayn.
Intaas dhacdo oo kor ku xusan dabadeed weli waxaan naftayda kula jiray dood ah tolow maqaal arrintan taabanaya ma qortaa? Maxaase faa’iido ama khasaaro ah oo ka dhalan kara maqaalkaasi? Maxaad daliil ama burhaan ah ee aad ku salayn doontaa qormadaas, waaba haddii aad go’aansatee?!!!!
Anigoo weli isla doodkii ku dhexjira oo aanan go’aan ka gaarin ayaa waxaa dhacday labo arimood. Kuwaas oo ku taxaluqa qafaalka carruurta iyo Al Shabaab, waana labadaasi dhacdo sababta igu qancisay soo bandhiga qormadan.
| 1. |
Anigoo safar ku jooga magaalo ka baxsan deegaankayga , lana taagan nin adeer ii ah, maalintu tahay subaxnimo Sabti ah ayaa talefoonkii adeerkay dhawaaqay, halow iyo halow ka dib sheeko gaaban ayaa adeer iyo qofkii la soo hadlay dhexmartay. Markii uu dhigay taleefoonkii ayuu iiga warramay qofka la soo hadlay iyo wixii ay iswaydaarsateen. Ninka soo hadlay wuxuu noqday ina adeerkay oo ku nool Kismaayo.
Wuxuu adeerkay ku wargeliyay in wiil uu dhalay oo 14 sano jir ah galabta aqalka hortiisa ay ka qafaasheen Al Shabaab. Ka dib markuu isku dayay inuu la hadlo oo ku wargeliyo da’da wiilkana ay qoriga caaradiisa ku soo taageen kuna wargeliyeen inuusan tallaabo horay u soo qaadin. Xog waraysi uu la yeeshay dariskiisa iyo asxaab kale ka dib waxa uu ka warhelay in mucaskar (xero tababar dagaal) oo ku taalla magaalada Kamsuuma lala aaday carruurtaas tababar degdeg ah ka dibna loo daabuli doonno dagaalka Muqdhiso iyo gobolada dhexe. |
| 2. |
Dhacdada labaad waa dilka Burhaan Xasan oo la soo sheegay in lagu dilay Muqdisho, sida wararka qaar leeyihiina loo dilay ka dib markuu isku dayay inuu aqalkiisii iyo eheladiisii dib ugu soo laabto. |
 |
Fadlan fiiri sawiradan: Ishu iyadaa macallin ah. Bal qiyaas da’da carruurta. Haddii aad waalidkii dhalay carruurtan tahay ma yeeli lahayd in ay ku halaagmaan dagaalada macno darro ee maanta muqdisho ka socda? Mase kula tahay in waalidkii carruurtani ay raalli ka yihiin ama ahaayeen in ay dagaalka safka hore ka galaan?
Fadlan halkan taabo si aad u daawato sawirro kale oo murugo leh oo badan oo lagu soo daabacay mareegta Boston.com ee wargeyska ka soo baxa Boston Globe uu leeyahay.
Gabogabo:
Waxaa hubaal ah in ururka la baxay Al Shabaab iyo dhammaan ururada kale iyo kuwa dowladda sheeganayaaba ay adeegsadaan carruur da’yar, xuquuqdoodana meel uga dhacaan una horseedaan in ay soo afjaraan mustaqbalkooda iyo noloshooda. Kuwaas oo iyaga oo aan waalidkood laga idan qaadan ay ku halaagaan dagaalada maanta lagu sii hurinayo colaada aan dhammaadka lahayn.
Haddaba waxaa la gudboon in waalidkasta ama qurbo joog ha ahaado ama dalka hooyo haku sugnaadee uu ilgaar ah ku fiiriyo carruurtiisa, socodkooda, cidda ay raacaan, sidoo kale eegto haddii wax isbedel ah aad ku aragto, ilayn caruurta aan qaangaarin masuuliyadeedu waxay saaran tahay waalidka dhalaye. Sidoo kale waa in wacyi gelin ay sameeyaan dadka indheer garadka ah, culimada cilmiga u saaxiibka ah, iyo ururada daryeelka bulshaduba.
 |
Waxa iswaydiin mudan haddii ragga dagaalka hurinayaa aaminsan yihiin in waxa Soomaaliya ka socda maanta uu jihaad yahay oo janno lagu mudan doono waxa ay iyagu ugu degdegi waayeen jannadaas. Maxay u adeegsanayaan oo isaga hormarinayaan carruurta caamada ah. Sidoo kale nin kastoo hogaamiyaashaas ka mid ahi carruur wuu dhalaye maxaa loo maqli waayay Ina Daahir Uweys, Ina Abu Mansuur ama Ina Shariif oo isku qarxiyay miino ama ku dhintay dhagaalka. Haddaad eegto siirada daahirka ah ee Nabigeennii suubanaa iyo saxaabadii sharafta badnayd, waxaad arkaysaa in ay safka xaga hore kaga jireen. Waxaa kuu muuqanaya in qaswo kasta ay Saxaabo caan ahayd ku geeriyootay. Haddaba haddii dariiqii Suubane Nabi Maxamed ay ku taagan yihiin qoladani maxaa loo maqli waayay hoggaamiye sare oo ku geeriyooday dagaalka sida hogaamiye Roobow, Aways, Shariif, Turki iyo Godane.
Waxaan qabaa in dagaalkani yahay mid ku salaysan xukun jacayl, qabqab dhaafay, dano shakhsiyadeed iyo qabiil. Sidaa awgeed Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu caqliga ku soo celiyo Al Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo kuwa dawladda sheeganayaba. Dareensiiyo samaha iyo macaanka nabadda. Fahmaan waxa ay isku dul dilayaan inay yihiin maato ay dilootay xabadi, waxa ay ku gumaadayaan dagaalkana ee ay ugu yeereen ciidanna ay yihiin carruur aan wali curan, caqli iyo cilmi fiicanna lahayn.
Wabilaahi Towfiiq,
Faarax Aw Cismaan
E-mail:awosman@gmail.com
------
* Xuquuqda Sawirada waxaa leh: (MOHAMED DAHIR/AFP/Getty Images)
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 WardheerNews.com |