
|
Walbahaarka Tahriibta iyo Wanjalaadda Yurub
WQ. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
June 04 , 2009
|
"Hanad teg, Hibo dhooftay, bilihii u danbeeyeyna lacagahay soo direen anaaba ka qayilay.
Anna waxaan ku talo jiraa oo ii go´an inaan ka dabo shiraacdo."
 |
| Qaar ka mid dariiqyada ay muhaajiriintu u maraan Yurub |
Waa odhaah gebi ahaanba gobolada Soomaaliya aad ka maqlayso dhallin iyo dhaaxaa jirba oo waa arrin ay caadaysteen u hanqaltaaga tahriibtu.
Haddaba waxaa isweydiinle, Intee le´eg tahay dhibka ka horreeya gaadhidda Yurub?
Inkastoo ay adag tahay inaan si fudud uga jawaabo su´aashaa iyo inta dhibkan baaxaddiisu
le´eg tahay ayaa waxaa beryahan soo badanaya tahriib iyo dhoof u hanqaltaagga ay ka sokayso
dhib iyo halaag lagala kulmo dhimasho aan tiro lagu soo koobi karin. Haddiiba ay dhacdo
ka badbaadka dhimashada saxaaraha jibaadka iyo jidhdilka jeelasha iyo dheeldheeliga
sixiimadaha dhimashada, waxaa iyana taal oon meesha ka maqnayn dhib horle oo ka bilaabata
jasiiradda Malta.
Haddaba anoo la kulmay walaalo Soomaaliyeed oo soo maray saxariirkaa iyo halaagga safarkaas
dheer ee tahriibta ah ayaa waxaan maqaalkan kooban ku soo ururiyey murugaddii iyo miyir doorsoonkay kala soo kulmeen dhibtaas. Waxa weliba intaas dheer in dhallintaas qaarkood ay dhaxalsiisay in ay caqligooda ku waayaan saxariirkaas ay safarkaas kala kulmeen.
Arrin waliba anbaqaad lehe, qofka tahriibta ahi markuu ka soo ambabaxo Soomaaliya waxaa
horyaal dhowr geeriyood oo midba mid ka daran tahay. Kuwaas oo u dhigan sidan:
| 1. |
Surqabashada Gambeelaha iyo socdaal kowsadey |
| 2. |
Saxariirka Saxaaraha iyo Sakaraadka jeelasha |
| 3. |
Sixiimadaha geerida iyo Socdaalka badda |
| 4. |
Soodhoweynta Malta iyo Sannad jeela |
1. Horta aan isweydiinnee, maxaa looga jeedaa Gambeelle ?
Gambeelku waa ninka tariibayaasha kaxeeya, kana qaata lacag badan, kulana heshiiya inuu
gaadhsiinayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum. Waxa uu ku soo qaadaa basas ku eg xuduudda Suudaan iyo Itoobiya. Halkaas ayuu dabadeeto ugu hoggaan furaa masaakiintaa miciinka u baahan een geed iyo ceel
toona garanayn.
Waxaa markaa dhacda in tahriibayaashii lug miciin bidaan iyagoo u kala baxa qaar la qabto oo la xidhxidho, qaar jihaduba ka lunto iyo qaar inta lacag laga qaado oo loo sheego in
Sudan la dhaafinayo oo Liibiya loo gudbinayo, haddana lagu soo cesho dhanka Ethiopia mar labaad.
Markaa gaadhsita Suudaan waa nin iyo nasiibkii.
 |
2- Saxariirka saxaaraha iyo sakaraadka jeelasha:
waxaa arrintan la kulma ama gaadha halkaas qofka ka soo badbaadey socdaalkii u
dhexeeyey Itoobiya iyo Suudaan. Waxa halkaas kasii bilowda socdaal dheer oo saxaara ah una dhexeeya
Sudan iyo Liibiya. Saxaarahaas oo sida dhabta ah ka daran geeridda badda dhankastoo laga eegaba.
Suudaan joogideedu intay doontaba ha kugu qaadatee waxa aad wejiga saartaa waa saxaarahaa, dhibna waxaa
kuugu filan aragtidiisa koowaad. Kaas oo marka ugu horraysa eed soo gasho indhaha ay kaa soo boodayso
ilma kululi, jihaduna ay kaa lumayso ilbidhiqsiyo gudahood. Taas oo ay kuu dheer tahay manaxayaasha ku wada garaaciddooda, marka gaadhiga ay ku rasaynayaan dadka sida agabka isku dul buuxshaan. Waxa xusid mudan naxdinta oohinta dumarka iyo carruurta aadan waxba ka qaban karin ee sida ba'an kuu
beer qaadaysa, nololna aadba kaga quusanayso aragtidooda. Daryeel iyo difaac haba joogeene horta xataa awood ma u leedahay in aad arrintaas wax kaga tidhaahdo?
Naftu xilligaa waxay u muuqataa mid khammaar taal. Meeshaa waxaa yaal 4 cadow oo kala daran: Mid bini´aadam ah oo aan ku bixinayn, gaajo iyo harraad, cidhiidhi iyo is dulcalaysnaan, iyo cadowga u
daran oo ah kan ku sida; haddaad ka dhacdo ku dhaaf; Haddaad jabto isagoon isu kaa duweyn dilna kuugu dar; haddaad bukootana aan kuu naxariisanayn. Geeridu waa xaq e haddii qofka tiisu timaado meydka halkiisaa
lagu dhaafaa isagoon la aasin.
Gacanta dillaalka Liibiya waxaa gaadha qofkaan geeri mudan intuu u kala socdey Suudan iyo Liibiya kuna
dhiman solankii saxaaraha. Hadday nafi kula soo dhaafto silicii saxaaraa waxaa kuu diyaara dillaal iyo dad iibsade kale oo isla Liibiya ah. Kaas oo kaa iibinaya dalkaad qabanaysid iyo safarka badda. Haddaad
wax u weydana wedkaa filo.
Mid ka mid ah walaalihii Soomaaliyeed soona maray tahriibtaa saxaaraha, jeclaystayna in magaciisa
aan ku soo gaabiyo Cawil C, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: "waxaan isweydiinayay Liibiya timide lur ma kuu hadhay? Luuntii saxaarahase maxaa ii raaci
ayaan is lahaa anoon marna filanayn dhibtaan soo maray inaan midka daran mudan doono. "
Cawil C, isagoo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu daba dhigay: "weli intaan noolaa kuma fekerin qof ashahaadanaya ayaa idiinla dhaqmi siday shacabka Liibiya noola dhaqmeen.
Weli ma arag wax kaleba ha joogeene qof lagu yidhi masjid gudihii safka hore ka bax oo
kan u danbeeya ku tuko waad madowdahaye !!!"
 |
3. Sixiimadaha geerida iyo Socdaalka badda:
Cawil C. oo ka warramaya dhibaatadii uu ka soo maray safarka badda iyo geerida sixiimadaha ayaa waxa uu yidhi:
"Waxaa wixii hore oo dhan ka sii daran anoo is iri ka soo tahriib Liibiya markaan muddo joogey una diyaar
garoogabayey isu keenka iyo ururinta lacagtaan ku soo raaci lahaa sixiimadda tahriibta. Waxaan qayla dhaan
u diray qof walba oo aan debedda ku ogaa.
Habeenkaan ka soo shiraacannay, baddana aanu soo galay
ayaa waxaa nagu kacday badweyntii, mishiinkii siximaduna halkii ayuu nagaga qoyey. Waxaanu
sabbaynayney badda 18 cisho. Waxa nafi ii geysey inaan kaadidayda cabbo ayaamihii hore ee aan qoyanaa ee aan kaadshi karayey. Waxa 29 qof naftu weydaaratay anoo u jeeda. Waxa iiga sii darraa silicay naftu kaga baxdey. Waxa weli
maskaxdayda ka guuxa qof walba oo ka mid ah dadkaas ereyaddii ugu danbeeyey ee afkooda ka soo baxayey. Arrimhaas oo naftayda ku reebtay xusuus dheer oo aanan weligey illaabayn intaan noolahay.
 |
Waxaa iigu sii naxdin
weyneyd oo mar walba i hor timaada hooyo wadatey saddex carruur ah. Taas oo markay dhinteen saddexdii carruurta ahaa iyaduna u dhaxaysey geeri iyo nolol. Waxa ka mid ahaa ereyaddii afkeeda kas oo baxayey: "Alla Maxaan Yoonis ula tagaa" iyadoo ahayd ogaalkay hooyo ninkeedu kula taliyey inay dhoofto. Waxa uu nasiib darro ku soo daray saddexdii carruurta ahaa ee ay dhaleen. waxa uu isna ku hadhay Soomaaliya isagoo u
hanqaltaagayey inay markay Yurub tagaan u soo dacwoodaan. Waxa ay hooyadaas naftu ka baxday maalin
ka dib dhimashadii ubadkeeda, iyadoo ku halaanhaleysey ereyo uur qaad ahaa ooy ninkeedii ugu
cabanaysey sidii uu la joogo.
Waxaanu sixiimaddaa ku saarrayn 38 qof oo todoba dumar ahaayeen shanina carruur. Waxaanu ku badbaadney 9, toddoba rag ah iyo 2 dumar ah. 29 kii kale dhammaan halkii bay ku dhinteen.
Sagaalkayaggii qof waxaan ka soo caaridney Liibiya, iyadoo 18 kaa cisho ee aanu badda dul heehaabeyney maraakiibtu na dhaafayeen iyagoon wax gargaara noo fidin.
Aanba soo caaridnee kolkii nala helay gacantii naloo fidiyey waxay noqotay in jeel nala geeyo. U malayn maayo in aad
qiyaasi kartaan dhibka iyo halaagga ka muuqda dad 18 cisho bad dul sabbaynayey.
Ayaama ka bacdi
waxaa naloo gudbiyey maxkamad anagoo nalaku wado gawaadhi shabaqlayaal ah, laba labana isugu katiinadaysan. Xukunkayagii kama danbaysta ahaa wuxuu noqday sannad iyo shan bilood oo xadhig ah. Taas oo qaarkayo dhaxalsiisay waalli ay ku dhex waashaan jeelkii iyo jidh dilkii joogtada ahaa."
Cawil C, waxuu ku daray isagoo hadalkiisii sii wata"Soomaalidu waxay tidhaahdaa " Meyd kaa la sii
sido ayaa u danbeeyey iyo ninkaan quusanina isagaa quus ah". Waxaan taas u soo qaatay oo aan saa u leeyahey qofkaygii
soo arkay socdaalkii sixiimadaha, sakaraadkii saaxiibaday, silicii dhimashada iyo jeelkii samhariira,
intaas oo dhan nin
ku cibra qaatay maan noqon! Markaan xoriyadaydii dib u helay waxaan dib u heenseeyey socdaalkaygii
geerida sogordahan ahaa. Waxa aan malaha ka dab qaadanayey " nin qoyani biyo iskama dhowro". Taa haddii
Illaahay iga soo badbaadshey baddii markan waxaa ii xigtey sannad xadhiga iyo soo dhoweynta Malta.
4. sannad xadhiga iyo soo dhoweynta Malta:
Waxa uu Cawil yidhi isga oo sheekadii sii wada:" iyana waxay ahayd nolol saxariirkeeda leh iyo
albaakii u horreeyey ee Yurub laga gelayey. Waxa ay igu noqotay mid aan ku magcaabay "kala maan". Sababtoo ah Soomaalidu waxay tiraadaa "Hankaad miyi kala timaadaa magaaluu kaaga hadhaa. Kolkaan laacay soo dhoweyntii Malta farrihiina layga qaaday waxaan sii waday socdaalkaygii
Yurub raadiska ahaa. Waxaan dib u heenseeyey rakuubkaygii illeyn waa kala maane Markay Malta ii
cuntami weydey, "Ninkii geenyo indha la' fuulow, god uun bay kula gashaaye" waxaan soo gaadhey
wadankaan rabey oo Scandanevianka ka mid ah, Yurubna Weli raadinteedaan ku jiraa!!!"
 |
| Dumar Soomaaliyeed oo qaxooti ah oo ku xanniban Malta. Sharciga Midowga Yurub waa in aad qaxootinimo weydiisataa dalka u horreeya ee aad soo gasho. |
Dhinaca kale waxaa jirta wadamada u Horreeya ee Yurub laga galo oo ah dariiqa qofku sii maro amaba
waddan Yurub ka mid ah marka uu qofka u cuntami waayo dhinac dhaqaale iyo mid nololeed kay doonto ha
ahaatee, wuxuu ku fekeraa suu Yurubtaa kale ugu sii gudbi lahaa. Ha soo maro Malta, Giriiga Boolan,
Yukreyn, ama talyaaniga e waxa dal kastaa qofka ka sii reebaan faro ay ku caddaynayaan in uu wadankooda soo galay. Taas oo dadka ka baxsadaa ay yihiin kuwo aad u yar.
Waxaa wax lala yaabo ah dad soo gaadhey wadamaday Yurub ku taamayeen, soona maray dariiqyadaa aynu sheegnay farana ku soo bexeen, wadankay isu dhiibeena markuu fara ka helay u sheegay inuu ku
celinayo wadankay ka yimaaddeen. Kuwaas oo door biday in ay baxsadaan oo ku noolaadaan nolol aad u liidata. Waxa iyana jirta in wadamada qaarkood haddayba fara kaa helaan in ay jeel u diraan qofka, kuna celiyaan wadankii farihiisa laga helay intay doonaanba ha hayeene.
Waxaa iyana layaable in dadka qaarkood iyagoo isku og faro ay is dhiibaan iyagoo le waa ka soo diyaar garownoo waanu soo xoqnay farahayaga. Waxa ay isticmaalaan xirfado kala duwan, sida Baaleyska,
hairmoveta, sheyfta gadhka, kaawiyadda dharka, iyo farsamooyin kaloo badan. Arrimhaas oo dhaxalsiiya in farahoodu geli waayaan Kambuyuutarka, shakina laga qaado laguna celceliyo intay doontaba ha qaadatee. Markay khatoobaan ama naftu u timaado waxay iska daayaan farsamadii xoqidda iyagoo markaa si fudud
loo helo farahoodii.
Qaar waxay go´aansadaan in ay wadamada Yurub ku dhex wareegeen iyagoo ku waaya
mustaqbalkooda noloshooduna halkaa ku baaba'do. Qaar kale caqligooday ku waayaan oo cuqdad bay ku abuurtaa, waalli dhaxalsiisa. Waddamada Yurub wax lala yaabo ma'aha in aad la Kulanto qof isagoon ku salaamin intuu
calaacalahaa soo laadlaadsado hadal kuugu soo horaysiiya "ka sheekee farahayga sow dhag ma'aha." Garasho iyo salaani haba danbaysee, hadaad haa ugu jawaabi weydid ka filo inuu cay iyo cidaanaad
u shaqaysaa kuugu jawaabo!
Markaa:
Ninka dhoof tahriibeed, dhiilaha u buuxshow
Dhibka yaal dhudaad mari dhab u eeg halaaggoo
Dhababoco hamoodine qayrkaa ka dheegoo
Imisaa dhaqaaqoo dhimashadu xaq weeyoo
lama dhabar adaygee dhaxdadii asay baday
Dhudi hooyaddii iyo dhallaankiisii ooyaan
Ama aabbe madi dhalay curadkiisi dhuuntoo
inta uu hugii dhigay goblan maanta dhaxalsaday.
Waxba yaan ku dheeraan qurbe waa Dhibaatee
Aammina Dhulkiinoo hadday dheefi maqan tahay
Rabbi baan ku dhaartee dhegley lagama heensado
Dhitaduu Ilaahay calafkaa ka dhigayoo
Dhulka meelad joogtaba waa midaan ku dhaafayn.
WQ. Maxamed Maxmuud Maxamed Cashare (Coon)
E-Mail: coon_igge@hotmail.com
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2008 WardheerNews.com |