Home Articles Somali Songs About us  

 


Alshabaab Waxay Dabbaqayaan Shareecadii Yuhuudda ee la Nasakhay!
WQ. Nuradiin Askar Ibraahim
June 29 , 2009


Nabi Muxammed (NNKH) inta aanu magaalada Madiina usoo qixin/haajirin waxaa ku noolaa Madiina Yuhuud Ahlu kitaab ah oo shareecadii Towraad ee nabi Muuse wali wax kaga sii dhaqma. Shareecadaasi waxay aheyd mid aad u adag, waxaana ku jiray xuduudo farabadan oo ay ka mid yihiin; qofka oo nolosha lagu gubo, rajmiga/dhagax ku dilis, gacan goynta, xubno isu qisaasida, sida in (il il loo rido, dhagna dhag, sankana san loo jaro). Shareecada noocaas u qallafsan markii Alle (SW) uu nabigeena Muxammed (NNKH) soo diray dhammaantood waa la nasakhay/la badalay oo waa la fududeeyay raxmad iyo galladeysi Alle uu ku gooni yeelay nabigeenna owgeed oo ahaa (NNKH) naxariis dunida dhamaanteed loo soo diray. Sidaa owgeed qoraalkan waxaan ku soo bandhigi doonaa in Alshabaab xukunka ay ku rideen 4tii wiil ee gacanta iyo lugta isdhaafka ah laga gooyay ay shareecada Yuhuuda aheyd, aayaduna ay ka warameyso qolo Yuhuud ah oo nabiga khiyaamay, balse xukunka aan lagu fulin cidna, maadaama shareecada nabigeennu ay nasakhday/bedeshay kuwii isaga ka horreeyay.

Siday macquul ku tahay in shareecadii Yuhuuda ee la nasakhay ruux muslim ah lagu fuliyo? Waxaa jirta qaacido ama aragti usuulu fiqhiga ku jirta oo odhaneysa, markii xukun la qaadayo waxaa lagu saleyn karaa 5 qodob midkood;

1-Quraanka
2-Sunnada
3-Ijmaaca  
4-Qiyaaska
5-Xukunkii umadihii inaga horeeyay, sida Yuhuuda iyo Nasaarada

Micnaha qodobadani waxaa weeye, hadii xukun la qaadayo laga waayo aayad Quraan ah oo muujineysa xadkaas, intaa looga hadhi mayee waxaa la aadayaa axaadiithta oo haddii laga waayo, intaa looga hadhi maayee waxaa la aadayaa Jamhuurul Culamaa waxey isku raaceen oo haddii laga waayo, intaa looga hadhi maayee waxaa la aadayaa in qiyaas la raadiyo oo haddii laga waayo, intaa looga hadhi maayee waxaa la aadayaa shareecadii Yuhuuda iyo Nasaarada. Marka waxaa isweydiin leh, markii Quraanka inta la’isugu tagay la soo luqun jibaadhay illaa dhammaan qodobadii uu nasakhay/bedelay dib loo soo nooleeyay. Taas baa keentay in Alshabaab ay maanta shareecadii Yuhuuda ee la nasakhay Soomaalida ku fuliyaan, waxaase is weydiin leh, maxaan musiibadaan kaga badbaadin karnaa nafteenna iyo diinteenaba?

Qaabkee bay aheyd shareecadii Yuhuudu?

Shareecada Yuhuudu waxay aheyd mid aad u adag ka dib markii Yuhuudu ay diideen wax walba oo fudeyd ku dheehan oo Nabi Muuse loo waxyooday. Waxyaabahaas waxaa kamid ah, markii Alle uu uga dhigay maalinta Jimcaha ciidda usbuuca iyaguna ay ka doorbideen maalinta Sabtida. Wuxuu Alle ku soo rogay xukun adag oo ah, in ruuxii lagu arko isagoo maalinta Sabtida shaqeynaya dhagax lagu dilo, wuxuuna Alle (SW) Towraad ku yidhi;

“Who so ever does any work in the Sabbath day, he shall surely be put to death” Exodus 31; 15. King James Version.

“Ruux kasta oo wax shaqa ah qabta maalinta Sabtida ah, waa hubaal in la dilayo” Exodus 31; 15. King James Version.

Sidaa owgeed, waxaa dhacday iyadoo maalin Sabti ah in Nabi Muuse uu qabtay nin carruurtiisa xaabo ay dabka ku shitaan u guray dabadeedna uu dhagax ku dilay si xukunkaas Towraad loo fuliyo. Sidoo kale xukunka qofka isagoo nool la gubayo wuxuu ku dhacayaa ruuxa sixirka sameeya wuxuuna Alle Towraad ku yidhi;

“You should not suffer a witch to live” Exoduce 22, 18 King James.


“Haku dhib muteysanina/ha ogolaanina inaad saaxirad nolol ku deysaan” (nolol ha lugu gubo) Exoduce 22, 18 King James.


Shareecada Yuhuudu waxay dil nolosha lagu gubayo ku fulin jirtay ruuxa sixirka ama falalka sameeya. Sidoo kale wuxuu Alle Injiil ku yidhi isagoo Nabi Ciise u waxyoonaya duruufta uu ku jirayna ka warramay oo ah in aanu awood u laheyn inuu xadka gacan goynta fuliyo maadaama uu ku hoos noolaa boqortooyadii Romanka ee xilligaas Jurisalm katalineysay;

“And if your right hand offend you, cut it off and cast it from you” Matthew 5; 30, King James.
“Hadii gacantaadu wax xaddo, intaad goysid xaggas isga tuur” Matthew 5; 30, King James.
 Sidoo kale Quraanka kariimka ah wuxuu si cad inoogu sheegayaa in shareecadii Yuhuuda iyo Nasaarada lagu nasakhay laguna fududeyay shareecada Nabi Muxammed (NNKH), isagoo Alle ka waramaya fududeyntaas wuxuu quraanka kariimka ah ku yidhi;

ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلرَّسُولَ ٱلنَّبِىَّ ٱلۡأُمِّىَّ ٱلَّذِى يَجِدُونَهُ ۥ مَكۡتُوبًا عِندَهُمۡ فِى ٱلتَّوۡرَٮٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ يَأۡمُرُهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡہَٮٰهُمۡ عَنِ ٱلۡمُنڪَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ ٱلطَّيِّبَـٰتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡخَبَـٰٓٮِٕثَ وَيَضَعُ عَنۡهُمۡ إِصۡرَهُمۡ وَٱلۡأَغۡلَـٰلَ ٱلَّتِى كَانَتۡ عَلَيۡهِمۡ‌ۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِهِۦ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَٱتَّبَعُواْ ٱلنُّورَ ٱلَّذِىٓ أُنزِلَ مَعَهُ ۥۤ‌ۙ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ (١٥٧) سُوۡرَةُ الاٴعرَاف

“Kuwa raacaya rasuulka, nabiga ummiga ah, waxay ka helayaan iyadoo qoraal ah agtooda kitaabka Towraad iyo Injiil, wuxuuna amrayaa wanaagga xumaantana ka reebayaa, wuxuu u xalaaleynayaa cunidda waxyaabaha wanwanaagsan  kana xarrimayaa waxyaabaha xun xun, wuxuu ka dajinayaa culusyadooda iyo silsiladihii dusha ka saarnaa. Kuwii rumeeyay, xoogga la garab istaagay, u gargaaray, raacayna iftiinkii la lasoo diray. Kuwaasi way aflexeen” (Alacraaf aayada 157).

Aayadani waxay shareecadii Yuhuuda iyo Nasaarada ku tilmaameysaa in ay aheyd mid culeys iyo silsilado adag ku aheyd ummadihii Ahlu Kitaabka ahaa ee lagusoo dajiyay, islamrkaana Alle uu uga dulqaaday kuna fududeeyay shareecada Islaamka, Sidaa owgeed wax allaale iyo wixii xuduud jidhka bani aadamka dhaawacaya waa qeyb kamid ah shareecadii Yuhuudda ee Alle uu kunasakhay shareecada Nabi Muxammed (CS).

Alshabaab maxay soo daliishadeen markii ay fulinayeen xukunkan?

Alshabaab markii ay fulinayeen xukunkan maalintii Khamiista 25ka Juun 2009 iyadoo waliba meel fagaara ah, waxay dabaqayeen shareecadii Yuhuuda oo lagu nashaqay kitaabkeena quraanka kariinka ah. Hadaba aan wada aragno aayadda ay soo daliishadeen oo ah tan hoos ku qoran oo Alle (SW) uu ku yidhi;

إِنَّمَا جَزَٲٓؤُاْ ٱلَّذِينَ يُحَارِبُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُ ۥ وَيَسۡعَوۡنَ فِى ٱلۡأَرۡضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوٓاْ أَوۡ يُصَلَّبُوٓاْ أَوۡ تُقَطَّعَ أَيۡدِيهِمۡ وَأَرۡجُلُهُم مِّنۡ خِلَـٰفٍ أَوۡ يُنفَوۡاْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ‌ۚ ذَٲلِكَ لَهُمۡ خِزۡىٌ۬ فِى ٱلدُّنۡيَا‌ۖ وَلَهُمۡ فِى ٱلۡأَخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ (٣٣)    سورة البقرة

“Abaalka kaliya ee ay leeyihiin kuwa Alle iyo rashuulkiisa ladagaalamaya ee dhulka dhibaatada ku faafinaya, waa in ama la dilo, ama geed laga soo laadlaadiyo, ama lug iyo gacan isdhaaf ah laga gooyo ama dhulka laga musaafuriyo, sidaa owgeed bey dunida dhexdeedana dulli ku muteysteen aakhirana cadaab weyn” (Suuratu Maa’ida aayada 33).

Dhammaan tafaasiirta oo dhan oo uu ugu horeeyo; tafsiir Ibnu Kathiir, tafsiir Qurdubi, tafsiir Dabari, tafsiir Jalaaleyn, tafsiir Fatxu Alqadiirka Imaamu Showkaani iyo tafaasiirta kale ee soo hartay waxay sababta ay ku soo dagtay aayadani ku tilmaamayaan;

وَقَالَ عَلِيّ بْن أَبِي طَلْحَة عَنْ اِبْن عَبَّاس فِي قَوْله " إِنَّمَا جَزَاء الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّه وَرَسُوله وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْض فَسَادًا " الْآيَة قَالَ كَانَ قَوْم مِنْ أَهْل الْكِتَاب بَيْنهمْ وَبَيَّنَ النَّبِيّ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَهْد وَمِيثَاق فَنَقَضُوا الْعَهْد وَأَفْسَدُوا فِي الْأَرْض فَخَيَّرَ اللَّه رَسُوله إِنْ شَاءَ أَنْ يَقْتُل وَإِنْ شَاءَ أَنْ يَقْطَع أَيْدِيهمْ وَأَرْجُلهمْ مِنْ خِلَاف" تفسير إبن كثير

“Ibnu Kathiir wuxuu yidhi; “Cali Ibnu Abii Dalxa wuxuu Ibnu Cabbaas ka wariyay inuu yidhi, “Waxaa jiray Ahlu kitaad Yuhuud ah oo iyaga iyo Nabiga (CS) ay ballan iyo heshiis  uu ka dhexeeyay, ballantii bey ka bexeen, dhulkii bey fasahaadiyeen, markiiba Allaa nabiga u waramay wuxuuna door galiyay, in hadii uu doono uu dilo ama lug iyo gacan isdhaaf ah uu ka gooyo” (Ibnu Kathiir)

 حَدَّثَنِي الْمُثَنَّى , قَالَ :حدّ ثنا عَبْد اللَّه بْن صَالِح , قَالَ :حدّ ثني مُعَاوِيَة , عَنْ عَلِيّ , عَنْ اِبْن عَبَّاس , قَوْله : { إِنَّمَا جَزَاء الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّه وَرَسُوله وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْض فَسَادًا } قَالَ : كَانَ قَوْم مِنْ أَهْل الْكِتَاب بَيْنهمْ وَبَيْن النَّبِيّ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَهْد وَمِيثَاق , فَنَقَضُوا الْعَهْد وَأَفْسَدُوا فِي الْأَرْض ; فَخَيَّرَ اللَّه رَسُوله , إِنْ شَاءَ أَنْ يَقْتُل وَإِنْ شَاءَ أَنْ يَقْطَع أَيْدِيهمْ وَأَرْجُلهمْ مِنْ خِلَاف" تفسير الطّبرئ

“Dabari wuxuu yidhi “Waxaa ii waramay Muthannaa, wuxuu yidhi isaguna waxaa noo waramay Cabdullahi Ibnu Saalix wuxuuna yidhi, waxaa ii waramay Mucaawiye isaguna Cali oo isaguna Anbu Cabbaas ka maqlay inuu yidhi, “Waxaa jiray Ahlu kitaad Yuhuud ah oo iyaga iyo Nabiga (CS) ay ballan iyo heshiis  uu ka dhexeeyay, ballantii bey ka bexeen, dhulkii bey fasahaadiyeen, markiiba Allaa nabiga u waramay wuxuuna door galiyay, in haddii uu doono uu dilo ama lug iyo gacan isdhaaf ah uu ka gooyo” (tafsiir Aldabari).


Waxaa jira sidoo kale in tafaasiirta badankood ay tilmaameen in ay jirto ra’yi kale oo odhanaya in aayadani ay ku soo dagtay qolo mushrikiin/gaalo ah sida Ibnu Kathiir uu tilmaamay;

كَمَا رَوَاهُ الْبُخَارِيّ وَمُسْلِم مِنْ حَدِيث أَبِي قِلَابَة وَاسْمه عَبْد اللَّه بْن زَيْد الْجَرْمِيّ الْبَصْرِيّ عَنْ أَنَس بْن مَالِك أَنَّ نَفَرًا مِنْ عُكْل ثَمَانِيَة قَدِمُوا عَلَى رَسُول اللَّه صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَبَايَعُوهُ عَلَى الْإِسْلَام فَاسْتَوْخَمُوا الْمَدِينَة وَسَقِمَتْ أَجْسَامهمْ فَشَكَوْا إِلَى رَسُول اللَّه صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ذَلِكَ فَقَالَ : " أَلَا تَخْرُجُونَ مَعَ رَاعِينَا فِي إِبِله فَتُصِيبُونَ مِنْ أَبْوَالهَا وَأَلْبَانهَا فَقَالُوا : بَلَى فَخَرَجُوا فَشَرِبُوا مِنْ أَبْوَالهَا وَأَلْبَانهَا فَصَحُّوا فَقَتَلُوا الرَّاعِي وَطَرَدُوا الْإِبِل وكفرو بعد إسلامهم، فَبَلَغَ ذَلِكَ رَسُول اللَّه صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَبَعَثَ فِي آثَارهمْ فَأُدْرِكُوا فَجِيءَ بِهِمْ فَأَمَرَ بِهِمْ فَقُطِعَتْ أَيْدِيهمْ وَأَرْجُلهمْ وَسُمِرَتْ أَعْيُنهمْ ثُمَّ نُبِذُوا فِي الشَّمْس حَتَّى مَاتُوا . لَفْظ مُسْلِم وَفِي لَفْظ لَهُمَا : مِنْ عُكْل أَوْ عُرَيْنَة وَفِي لَفْظ : وَأُلْقُوا فِي الْحَرَّة فَجَعَلُوا يَسْتَسْقُونَ فَلَا يُسْقَوْنَ " تفسير إبن كثير

“Ibnu Kathiir wuxuu yidhi “Anas Ibnu Maalik wuxuu yidhi, Koox reer Cukal ah oo siddeed nin ka kooban ayaa Nabiga u yimid waxeyna kula ballameen in ay islaanimada qateen, waxyar ka dib waxaa ku dhacay qandhadii Madiina (Xumaa Yathrib) jidhkooduna wuu tabar darreeyay, waxay jirradooda uga cawdeen Rasuulka (CS), Rasuulkuna wuxuu ku yidhi; “ Ka warama haddii aad raacdaan geel jiraha geela ii raaca oo aad geela kaadidiisa iyo caanihiisa cabtaan? Waxay yidhaahdeen waa arrin fiican wayna raaceen geel jirihii, ka dib markii ay cabbeen kaadidii iyo caanihii geela, waxay dileen geel jirihii geeliina way dheceen, diintiina way ka bexeen. Warkii wuxuu gaadhay nabiga, wuxuuna u diray rag waana la soo qabtay oo iyagoo la wado loo keenay nabiga, nabiguna wuxuu amray in gacmaha iyo lugaha oo isdhaaf ah laga gooyo indhahna la gasoo bixiyo, qorraxda/milicda ayaana lagu xidhay halkaa ayeyna ku dhinteen” Bukhaari iyo Muslimba wey wariyeen (tafsiir Ibnu Kathiir)


Labada sababood ee tafaasiirta dhammaantood ay sheegtay, ha ahaato tan hore ee ah in ay Yuhuud ku soo dagtay iyo midda dambe ee ah in ay gaalo/mushrikiin ku soo dagtay, midna ma saamaxeyso in ruux Soomaali Muslim ah xukunka gacan iyo lug isdhaaf ah laga gooyo. Balse mufasiriinta dhammaantood waxay rajaxayaan in ruuxa muslimka ah ee xatooyada geystay in xabsi lagu xukumo, tusaale ahaan Sheekha weyn ee Showkaani la yidhaahdo wuxuu kitaabkiisa tafsiirka ah ee Fatxul Qadiirka ku leeyahay;

ورجحه إبن جرير والفرطبئ. وقال الكوفيون نفيهم حبسهم، فينفئ من سعة الدّنيا إلئ ضيقها. وزاد القرطبئ علئ هذا في قوله "فصار كأنّه إذا سجن فقد نفي من الأرض" تفسير فتح القدير لشوكانئ ص 52"

Showkaani wuxuu soo warinayaa aragtida Dabari iyo Qurdubi ee odhaneysa “ruuxa muslimka ah ee Kuufa dagen hadii uu xatooyo sameeyo wuxuu muteysanayaa xabsi. Taas ayaana ciqaab ugu filan markii xoriyadiisii laga qaaday oo cidhiidhi la galiyay. Qurdubi oo adkeynaya wuxuu raaciyay; “markii xabsi lagu xukumo ruuxa muslimka ah ee xatooyada geystay waxay la mid tahay isagoo la musaafuriyay” (Showkaani Bogga 52)


Shareecada Islaamku sidii aan horay u sheegay waxay u timid in ay khafiifiso Shareecadii Yuhuuda iyo Nasaarada ee aadka u adkeyd, marnaba nabigu kuma fulinin xukun xubin goyn ah ruux bani aadam ah. Ayada aan ka waramayo waxaa ku jira dhowr erey sida;

1-Salbi (qofka oo geed lagu taago sidii maqaar/harag la ingajinayo oo mkale ilaa uu kadhinto)
2-Gaca iyo lug isdhaaf loo gooyo
3-Daldalis

Ciqaabaha noocan oo kale ah waxaa isticmaali jiray Fircown iyo boqortooyadii Romanka oo waad la socotaan inuu Ilaahay ku eedeeyay Fircown inuu dadka ciqaab xun sida salbiga iyo xubnaha oo isdhaaf loo gooyo ku sameyn jiray. Isagoo Alle ka waramay arinkan wuxuu yidhi;

وَفِرۡعَوۡنَذِى ٱلۡأَوۡتَاد
ِ (
١٠) سورة الفجر

“Waa la halaagay Fircownkii Dhakowyada sameystay” (dadka sidii maqaar la qalajinayo oo kale togi jiray intii ay ka dhintaan) “Suuratu Fajr aayada 10).


Sidoo kale askartii Romanka ee Jurisalaam xukumi jirtay waxay salbin jireen ruux kasta oo lagu tuhmo inuu dowlada kasoo horjeedo ama gacan iyo lug ishdaaf ah ka goyn jireen. Sidoo kale waa tii ay Yuhuudu damacday inay Nabi Ciise salbiyaan haddii aanu Alle ka badbaadin laheyn. Waana arin muslimiinta dhexdooda xaaraam ka ah Allana uu u caroonayo ruuxa gacan iyo lug isdhaaf ah ruux kale ka gooya ama salbiya ama dhagax ku dila. Sheekh Showkaani isagoo arrinkan ka waramaya ayuu tafsiirkiisa Fatxul Qadiirka ku yidhi;

"فإيّاك أن تغترّ بشيءٍ من التّفاصيل المرويّة، والمذاهب المحكيّة." تفسير فتح القدير لشوكانئ ص 50"

“Iska jir oo haku kadsoomin tafaasiisha la wariyay iyo mathaahibta la’isu waramo” (Showkaani Bogga 50). Sheekhu wuxuu ka digayaa waa qaacidadii usuulu fiqhiga ee soo luqun jibaadheysay Quraanka ee macaanida iyo qiimaha Quraanku xambaarsanaa hoos u dhigeysay.

Gabagabo


Waxaan ugu dambeyntii halkan ka cadeynayaa in xukunkii gacanta iyo lugta isdhaafka 4ta dhalinyarada ah looga gooyay maalintii Khamiista 25 Juun 2009 uu ahaa ficil xaqdarro ah oo aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka, balse wuxuu ahaa shareecadii Yuhuuda ee lanasakhay. Sidoo kale 4ta wiil waxay xaq u leeyihiin in magdhow laga siiyo xubnihii sida aan shareecada Islaamka waafaqsaneyn looga gooyay, qadarka magdhowgaasi la’egyahayna culumadeenna Soomaalida ah haloo bandhigo si ay u qiyaasaan dhibta xoogga leh ee dhalinyaradaas soo gaadhay, maadaama shareecada islaamka aaney ogoleyn in, il il loo rido, san san loo jaro, dhagna dhag loo jaro, balse waxay qaadanayaan dhalinyaradaasi xoolo/hanti udhiganta xubnaha laga gooyay.

Waxaan ugu baaqayaa Alshabaab in ay kawaantoobaan fulinta shareecada Yuhuuda ee Islaamku nasakhay. Nabi Muxammed (NNKH) wuxuu u yimid fududeynta shareecadii Yuhuuda iyo Nasaarada, intii uu Nabigu noolaa lug iyo gacan ishdaaf looma gooyn. Waxaan ugu baaqayaa culimada Soomaaliyeed, aqoonyahaynadda iyo shacabka in ay hor istaagaan in waddankeena shareecadii Yuhuuda ee Islaamku nasakhay ummada jidhkooda marba qeyb lagu jar jaro. Allaahumma halballaqtu, Allaahumma halballaqtu, Allaahumma halballaqtu.

Nuradiin Askar Ibraahim
E-mail: nuradiin_as@yahoo.co.uk

Tixraac:

Authorised King James Version (1824) The Bible, Oxford University Press.
Qur’aan Alkariim
Tafsiir Ibnu Kathiir
Tafsiir Aldabari
Tafsiir Alqurdubi
Tafsiir Fatxu Alqadiir Imam Showkaani
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com