|
![]() |
|||||
Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni, walaaltinimo iyo baraawaaqo. Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaaladii ka danbeeyay ee u dhaxeeyay dawlada Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahi se waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan waddaadada. Dagaalada-mudooyinkan danbe- Muqdisho ku soo noqnoqonayaa waxa ay burburiyeen rajadii shacbka Soomaaliyeed ee ahayd in -haddii ay taladii wadanku gacanta u gashay xoogagga Islaamiyiinta - uu isbadal wayn oo wanaagsani noloshooda ku dhici doono. Sheekh ShariifLama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu Sheekhu muujiyay waqtigii dagaalada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd tallaabo geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in uu Sheekhu muftaax u noqon karo xallinta mushkiladaha Siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya.
Intaas oo jirta haddana wixii ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid doorkiisii hoggaannimo. Waxa muuqda in hoggaamintii dawladdiisu ay cid kale gacanta u gashay. Xisbul Islaam Iyo Al ShabaabXisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku xalliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururadan. Dagaalka ay ku yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduudda Soomaalidu ma aha mid u khidmaynaya danta Soomaalida. Waxa uu Soomaalida u samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la dagaalamaan. Sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn maslaxadda shacabka Soomaaliyeed. Culimada MusaalaxadaWaa qaacido sharciya oo Islaamiya in haddii ay laba qolo oo Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Haddii ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada istaago illaa qoladaasi ay xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed waa arrin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaalamaya heshiisiyaan, laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay aamusaan. Haddii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umadda u caddayn lahaayeen cidda heshiiska diiddan, shacbigana fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago, waxa ay u badan tahay in wax uun la badbaadin kari lahaa. Xalku waa...Xalku waa in uu Sheekh Shariif doorkii laga rabay ciyaaro. Waa in uu saaxada ku soo noqdo haddii aanu waxba ka qaban karin dhibta jirtana waa in uu xilka uu hayo iska casilaa. Qolooyinka(Xisbul Islaam iyo Al Shabaab) waa in ay xisaabtooda dib u eegaan. Haddii ay maslaxadda iyo danta Soomaaliyeed ka fakarayaan waa in ay ogolaadaan heshiis iyo wada hadal ay ka garnaqayaan culimada Muslimiintu. Culimadu waa in ay caddeeyaan xaqa, waa in aanay afka xidhan. Cidii Maslaxad diidda waa in ay shacabka kor iyo hoosba ugu sheegaan isla markaana waa in ay ka qaybqaataan jabinta kuwa heshiiska diiddan. Ottawa, Canada E-Mail: Maqaalo.siciid.cali@gmail.com _________________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |