|
![]() |
|||||
Odhaahda Tifaftirka: Maqaalkan oo ka hadlaya doodda ku aadan doorka Afka hooyo iyo barashada Diinta Islaamka, waa maqaal aad u xiiso badan, si wacana uga hadlaya oo koobaya fikirka kala duwan ee ay ka qabaan wadaaddada Soomaaliyeed iyo muhiimada ay leedahay fahamka Diintu marka loo eego Afka hooyo. Carabtu magcaanta shanta maalmood ee ugu horreeya maalmaha isbuuca waxay ka qaateen tirada xisaabta, oo Axad, Isniin, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa laga keenay waaxid, itniin, Talaata, Arbaca iyo Khamsa, oo u dhigma kow, labo saddex, afar iyo shan. Magaca maalinta lixaad ee jimcaha oo macnihiisu la mid yahay "Kulan ama kulmiye", isagana waxay ka soo qaateen dhaqan ay lahayd Qureeshtii Maka oo ahaa in maalinta lixaad ee toddobaadka ay ku kulmaan guri la oran jirey "Daar An-Nadwa", si ay ugu shiraan, arrimahoodana ugu lafo guraan. Erayga sabtina waxaa la malaynayaa in laga soo xigtey erayga cibriga (afka Yuhuudda) ah ee "shabaat" oo macnihiisu yahay maalin nasasho. Kutubta Towreedka midkoodna wuxuu leeyahay: " Lix maalmood waxaad qabanaysaa shaqadaada, maalinta toddobaadna waad nasanaysaa, si ay u nastaan dibigaaga iyo dameerkaagu,…". Quraanka kariimkuna Yahuudda wuxuu ugu yeeray magaca "sabtilayaal /Asxaab Asabti". Qoraallada taariikhduna waxay sheegaan in Carabtu waagii hore maalinta Jimcada u taqiin maalinta Carabta [= yoom al-curuuba], ruuxii ugu horreeyey ee maalinta Jimcada Jimce ugu yeerana uu ahaa nin la oran jirey Kacab bin Lu'ey oo la qiyaasayo inuu ahaa nebiga (SCW) awowgiis 7-aad. Markii islaamku yimidna muslimiintii magaalada Yatrib – oo mar danbe loo bixiyey Madiino- waxay qaateen dhaqankii Carabta ee ahaa in la isu soo ururo maalinta jimcada, sababta oo ah waxay u baahnaayeen inay helaan maalin ay maamuusaan oo ka duwan sabtida Yahuudda iyo axadda kiristaanka.
Fuqahada kuwa u arka inay waajib tahay in khudbada Jimcada lagu jeediyo Carabiguna waxay daliishadeen in nebi Muxamed (SCW) uusan weligi jeedin khudbo aan Af Carabi ahayn iyo inuu dhanbaallada uu boqorrada u diro Carabi ku qori jirey? Laakiin dhab ahaantii, daliilkaasi waa mid aad u liita, waayo nebi Maxamed ma aqoon af aan Carabi ahayn, isla markaana uma baahnayn inuu ku khudbeeyo af aan Carabi ahayn, waayo dadka uu u khudbayn jirey waxay ahaayeen Carab ay isku af yihiin. Dhanka kalena, nebigu wuxuu ogaa in warqadaha uu carabiga ku qorayo marka ay u tagaan boqorrada ay ku socdaan in loogu tarjumayo afafkooda. Si kastaba ha ahaatee, maanta culumada Islaamka iyo hey'adaha fatwada badankoodu waxay qabaan in aysan khasab ahayn in khudbadda Jimcaha lagu jeediya Af Carabi, balse loo baahan yahay in lagu khudbeeyo afka ay fahmayaan dadka khudbada dhegaysanayaa. Waayo, danta laga leeyahay khudbadu waa in dadka lagu wacdiyo, oo wanaagga lagu faro xumaantana looga reebo, taasina waxay suuroobaysaa haddii dadka wax loogu sheego af ay garanayaan. Carabtu islaamka ka hor waxay ahayd ummad xoolo dhaqato ah, aqoonta ugu mudan ee ay ku dhaadataana waxay ahayd gabayga iyo abtirsiga, laga bilaabo xilligii dowladdii Ummawiyiintana Islaamka waxay ka dhigteen diin carbeed oo u yimid si carabta looga sarraysiiyo ummadaha kale. Nebi Maxamedna (SCW) waxay u arkeen inuu ahaa halyey u soo baxay qowmiyadda carbeed oo u dhigma Jenkiis Khaankii Mogoolka. Arrimahaasina carabta waxay dhaxalsiiyeen in meel kasta oo cagtooda ama carrabkoodu gaaraan ay ku faafiyaan fikrad ah in carabta iyo afkooduba barakaysan yihiin, dadka iyo afafka kalena ka fadli badan yihiin. Si dooddaas loogu qancana waxay falkiyeen axaadiis badan oo ay nebiga carrabka ugu tireen, waxaana ka mid ah: " Jacaylka carabtu waa iimaan, nacaybkooduna waa nifaaq/gaalnimo", " Ruuxii carab khayaanaa shafaacadayda ma helo", " Ruuxii carab khayaanaa jannada ma galo", "Haddii carab dullowdo, islaamkuna waa dulloobaa", "Saddex arrimood dartood carab u jeclaada: anigu carab baan ahay, quraankuna waa carabi, afka ehlu-jannaduna waa carabi", "Afka ehlu-jannadu waa carabi, kan ehlu-naarkuna waa faarisi ". dooddaasna dad badan baa inta u qaatay xaqiiqo diini ah, si sahlan ku rumaystay, afkaartii carabtana ku xanbaartay [waxaa jiraa buug laga qoray fadliga carabiga iyo in Carabtu ka sarrayso cajamta (= ummadaha kale) gaalo iyo muslimba]. Run ahaantii, carabtu waxay si weyn ugu guulaysteen inay dhaqankoodii ku barxaan diinta islaamka, ummadaha kalena uga iibiyaan sidii inuu diin yahay. Tusaale ahaan, cimaamaddu waa dhar carbeed ee ma aha astaan islaamku leeyahay. Carabtana xirashada cimaamadda waxaa baray kulaylka iyo dabaylaha ka jira saxaraha carabtu degto, laakiin carabtu waxay allifeen axaadiis ka hadlaysa fadliga cimaamadda. Axaadiistaas midkoodna wuxuu leeyahay: " Ogaada cimaamadaha waayo waa astaanta malaa'igta, dhabarkana ka raariciya". Sidaa darteedna, muslimiintu meel ay joogaanba waxay u qaateen in cimaamaddu tahay summad islaamka lagu garto. Sida la og yahayna, sanooyinkaan danbe cimaamadda casi waxay suuqa ka saartay tii caddayd ee waayadii hore ay muslimiintu aadka u xiran jireen. Carabta qaarkood oo malaha ka carooday sida cajamtu isugu jafayaan cimaamaduhuna waxay ku heeseen: "Cimaamadda casi waa astaan carbeed" [cimaamatu xamraa ramsu curuubah]. Sidoo kale, carabtu islaamka ka hor waxay ku noolaayeen nolol qallafsan, oo ilbaxnimada maaddiga ahi ay ku yar tahay, caadi ahaanna ma heli karin waxyaabaha lagu raaxaysto ama dadka nolosha u fududeeya. Tusaale ahaan, carabtu ma aqoon in cunidda raashinka loo adeegsado qaaddo, middi, fargeeto, miis, ..iwm. waxayna caado u lahaayeen in weel keliya raashinka lagu cuno iyo in faraha la leefo raashinka ka dib. Islaamka ka dibna, ummadihii ku noolaa dhulalkii ay furteen waxay ku dhex faafiyeen in arrimahaasi yihiin dhaqan islaamku la yimid oo loo baahan yahay in la fuliyo. Waxayna wariyeen axaadiis dhaqamadaas faraya, oo tusaale ahaan waxaa la wariyey xadiis oranaya: " Hilibka middi ha ku jarannina waayo cajamtaa sidaa yeesha, ee ilkaha ku goosta maxaa yeelay taasaa dhereg iyo macaan badan". Meel walba iyo waqti kasta oo la joogana waa in raashinka shanta lala galo, marka laga dhergana waa in faraha middiiba saddex jeer la leefo. Haddii aan sidaas la yeellinna waa in la ogaadaa in diinta meel looga dhacay, aakhirana la is-xisaabin doono! Dhanka kale, islaamka ka hor dhaqaalaha Jasiiradda Carabtu wuxuu ku dhisnaa dhaqashada xoolaha, siiba Geela. Geelu waa noole adkaysi badan, oo baadka iyo biyaha muddo dheer moogaan kara, isla markaana cagaftiisu ku habboon tahay ku socodka dhulka jasiiradda oo bacaad iyo buuro u badan. Arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsadyna Geela waxay ka dhigeen duunyada la dhaqdo kan carabtu ugu jeceshahay. Jacaylkii ay u qabeenna wuxuu ku xanbaaray inay u bixiyaan magcaan qaali ah, sida "Deeq Alle/ Caddaa'ul-laah",iyo weliba inay caabudeen, isla markaana curiyaan sheeko-xariirro badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay ku been-hawaaseen in geelu yahay wixii ugu horreeyey ee Eebbe uumay, kana uumay daruur, sidaa darteedna taniyo maanta daruuraha waxaa lagu arkaa awr iyo qaalmo geel. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in geelu dhiig la wadaago shayddaanka, taana waxaa marag u ah kibirka iyo tookha geelleyda. Markii islaamku yimidna carabtu waxay allifeen suugaan diineed badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay wariyeen xaddiis sheegaya in nebigu yiri: " Geela ha caayina .." iyo xaddiis kale oo oranaya: " Geela waxaa laga uumay jin, rati walbana waxaa kuriskiisa saaran sheydaan". Muslimiintana waxaa la faray inay ka weesaystaan hilibka geela, oo xadiis baa wuxuu oranayaa: " Ka weesaysta hilibka geela, laakiin ha ka weesaysannina hilibka ariga". Sababta loo amray in hilibka geela laga weesaystana waxaa lagu macneeyey inuu shaydaanka cad la wadaago iyo inuu yahay daabad sheydaanku fuulo, sheydaankana dab baa laga uumay, dabkana biyahaa bakhtiiya. Waxaa intaa dheer, dad badan baa rumaysan in kaadida geelu qayb weyn ka tahay cilmiga daawooyinka islaamka, oo waxay daawo u tahay cudurro badan sida kansarka, kolostaroolka, sonkorta, cudurrada beerka, iyo kuwo kale oo badan. Waxaana xusid mudan, in daawadaan qiimaha badani ay gaar u tahay Carabta iyo Afrikaan aan badnayn oo Soomaalidu kow ka tahay, welina aysan ogaan culumada cilmiga daawooyinka iyo sheybaarradooda casriga ahi. Si ka duwan geela, lo'du waa noole aan muddo dheer moogaan karin baadka iyo biyaha, taa awgeedna waa ku adkayd inay ku noolaato jasiirrad Carabta oo baadka iyo biyuhu aad ugu yar yihiin. Sidaa darteedna, carabtu wax badan kama sheegaan lo'da, markay ka hadlaanna sawir xun bay ka bixiyaan, horayna waa tii loo yiri: "qofku wuxuusan aqoon col buu la yahay". Carabtu haddii ay isku dayeen inay iidheh u sameeyaan geela, haddana marka lo'da loo yimaado waxaan arkaynaa iyaga oo liidid iyo bahdil xun ku markanaya. Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey xadiis aan maalin walba maqalno oo oranaya: " Haddaad ku dhaqantaan ciinada, lo'dana saynta qabsataan, qodaalkana ku qanacdaan, jihaadkana ka tagtaan, Alle wuxuu idinku salladaa dulli aan idin dayn jeer aad diintiinna u noqotaan". Sidoo kale waxay wariyeen xadiis oranaya: "Iska jira hilibka lo'da, waayo waa cudur." Dhanka kale, Carabtu -sida ummadihii dunidii hore oo dhan- waxay rumaysnaayeen jiritaanka uuman aan ishu qaban, oo saamayn weyn ku leh nolosha aadamiga. Arrimaha dabeecadda wixii ay fahmi waayaanna waxay u celin jireen uumankaas qarsoon. Uumankaas oo noocyo badan lahaana waxaa ka mid ah jin, sheydaan, guure-raac, saclaat…iwm. Tusaale ahaanna, Carabtu waxay rumaysnaayeen in daacuunku[=koleeruhu] uu yahay cudur ka dhasha irbad shaydaanku qofka ku mudo. Waxaana xusid mudan, in erayada carabiga ah ee "Dhabiib" iyo "Dhib", oo la macne ah erayada takhtar/dabiib iyo caafimaad, asal ahaan macnahoodu uu ahaa sixir iyo sixirroole, waayo Carabtu waxay rumaysnaayeen in cudurku ka dhasho ruux shar wadata oo qofka ku degta. Si bukaanka loo daaweeyana waxaa loo baahnaa in la helo cid taqaan la dhaqanka ruuxda sharka wada. Waxaana la rumaysnaa in kaahinka iyo sixirrooluhu ay leeyihiin aqoon ay ku daaweeyaan [= sixir-furaan] bukaanka, oo uga saaraan ruuxda sharaysan. Sida la ogyahayna dunidii hore shaqada takhtarnimada waxaa qaban jirey kaahinka iyo sixirroolaha oo iyaga aqoon la bidi jirey. Sidoo kale, Carabtu waxay rumaysnaayeen raadka isha, xasadka iyo tufta. Tusaale ahaanna, qofka halaqu qaniino waxay u gayn jireen ruux ku tufa. Sida la og yahayna sheeko-xariir caan ahi waxay sheegaysaa in Abeesadu tahay shaydaan isdhalan rogay. Hadal iyo dhammaantiis, khudbada Jimcuhu waa munaasabad qaali ah oo bulshada lagula socod siin karo wixii dani ugu jirto adduun iyo aakhiraba, laakiin si khudbadu uga soo dhalaasho kaalinkeeda waxaa waajib ah in looga hadlo mawduuc khuseeya bulshada loo jeedinayo iyo in loogu jeediyo af ay garanayaan. Eebbana ha u naxariisto Soomaalidii tiri: Saciid A. Ismaaciil _______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |