|
![]() |
|||||
Wuxuu Sheekh Aweys rabaa in uu Sheikh Shariif si fiican u fahmo kursiga madaxtooyada cidda iska leh. Kursigan uu sheekh Shariif daaqada uga soo dhacay, waxaa furaha irrida laga soo galo gacanta ku haysta Sheekh Aweys iyo inta uu wato, waa sida Sheekh Dahir Aweys ka dhaadhacsan. Waa meesha la iska maan dhaafsanyahay. Cali Baxar Waxaan sheki ku jirin in ay dad badani ila qabaan aragtidan an hoos ku xusi doono. Balse, inta aanan u galin waxa aan odhan doono, ila eega hadaladan ka soo yeedhaya Moqdishu, magaala madaxda gobalka Benadir Soomaaliya iyo Eretereya oo eedeymo isu jeediyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha koonfurta Soomaalia, ayaa maanta raba in uu markii ugu horeysay, ogolaado in ay Eritrea faraha kula jirto arrimaha Soomaalida degan koonfurta Soomaaliya. Waxaase la yaab leh, dad badana garan la'ayihiin in hadalka dowladiisa maanta ka soo yeedhay yahay mid daacadnimo ku jirto haba yaaraatee. Su’asha la is weydiinayaa ah:
indha uu wax ku arkayo amba maskaxda uu wax ku qiyaasayaa maanta maxaa daboolay markii uu shalay ku qaadaayey dagaal isaga oo adeegsanaya Eritrea, dowladii isaga ka horeysay ee uu hogaminaayey Cabdilaahi Yussuf?
Waqti hore, mar wax laga weydiiyey ujeeda Eritrea ka lahayd (leedahay) Soomaalia, bal dhadhanso sida uu Sheekh Shariff jawaabta u bixiyey: “When I met Sheikh Sharif last month in Doha, I asked him about their reliance on Eritrea and what Eritrea wants in return? I must say the question made him uncomfortable. He acknowledged that Eritrea had its objectives but he asserted that nothing was imposed on them. Islamic Courts leaders don't seem to see the irony when they accuse the government of being an Ethiopian puppet”. Waxaa wax laga naxo ah, markaad akhrido sida uu u jawaabay, in ay Sheekh Shariif Axmed iyo intii la socotay ee degtay Eritrea ogolaadeen in ay Eritrea meel marsato ujeedada ay leedahay, si iyaguna u meel marsadaan ujeedadooda ahayd in ay dumiyaan dowladii Cabdilahi Yussuf, iyaga oo dan ka lahayn dhibaatada ay u geysanayaan ummadda ku nool koonfurta Soomaaliya. Eritrea iyana sidoo kale ayey rabtay in ay Itoobiya ka soo weerarto dhinaca ciidda Somaalia si ay dagaalka uga soo fogeyso ummadeeda ku nool Eritrea, isla markaana hub ka iibiso dhinacyada qabiilka Hawiye ee isku hirdiyaaya Moqdishu badhtamaheeda.
Waxaa kale oo intaa sii dheer, mar dhowaan la warsday Sheekh Daahir Aweys sidii ay isaga iyo Sheekh Shariif Axmed u wada shaqayn lahaayeen, wuxuu ku jawaabay : “Sheekh Shariif war nama dhex yaallo, wuxuu na dhex yaallaa annaga iyo beesha caalamka oo raba inay nagu wadaan dariiqa ay rabaan, annagana waxaan rabnaa inaan samaysano dariiq aan heshiis ku nahay oo aan beesha caalamka kula heshiino, Shariifka beesha caalamka ayuu la safan yahay, annagana waanu ka soo horjeednaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aways oo dhinaca kale kula dardaarmay walaalaha Mujaahidiinta inay cadowga wajahaan oo aanay iyaga isku soo noqon”.
Waa hadal la siman hadalkii uu lahaa Sheekh Shariif Axmed markii uu degalka ku abaabulaayey dowladii Cabdilahi Yussuf. Maantana isagaa ku sifoobay nin la saftay oo raacay, dowladaha shisheeye ee Sheekh Aweys dagaalka kula jiro sida uu udhigay. Waa siyaasadaha guda-xidhiidhka leh ee an u muuqan Sheekh Shariif Axmed. Walaalkii Loo Xeeryow adna soo Qoyso. (waa odhaah Soomaaliyeed). Shekise kuma jiro, sida hadalkiisa ku cad, Sheekh Aweys heesta uu heesayo maanta in ay xabaarsantahy beydad ku jiray hees, Alah ha u naxariistee uu Maxamed Mooge qaadi jiray: Ma adaa I biday Hadda Baadi iyo Wuxuu Sheekh Aweys rabaa in uu Sheikh Shariif si fiican u fahmo kursiga madaxtooyada cidda iska leh. Kursigan uu sheekh Shariif daaqada uga soo dhacay, waxaa furaha irrida laga soo galo gacanta ku haysta Sheekh Aweys iyo inta uu wato, waa sida Sheekh Dahir Aweys ka dhaadhacsan. Waa meesha la iska maan dhaafsanyahay. Hadal iyo dhamaantiis, waxaa ummadda Soomaalida ee arrimahan daneeyaa aad uga xunyihiin, lana yaabanyihiin sida reerka Hawiye raga siyaasada gacanta ugu hayaa ee Moqdishu ku nooli, u noqdeen rag aan marnaba ka korayn aragtida ku salaysan “Aniga Horta”. Waa fekir ku kooban in nin kastaa isagu xaq u leeyahay, kalidiis, in uu madax noqdo. Waa fekir ka fog aragti lagu badbaadiyo dhiiga daata Xamar dhexdeeda maalin walba. Waa fekir ku salaysan loolan kursi. Waa fekir hadba kii xukunka qasbsan karaa isagu iska fekirayo, nasiibdarase, ummadooda dhibaatada haysata wax badan oo wanaag ah u soo wadin. Waa kursi jaceel ferkir iyo aragti Soomaalinimo ka madhan. Runtu waxay tahay, Soomaali badan oo Xamar xoolo, maal iyo dhul ku lahayd, baryahore ayey ka hadaafeen Muqdishu oo lafahood ula baxsadeen. Dhiiga maanta Xamar yaalaa ma aha mid qarniyada soo socda la maydhi karaayo. Taasi waxay sharaftii ka xayuubisay magaaladii loo yiqiin Mogadiahu ee ahaan jirtay Caasimadda ummadda Somaaliyeed. Wuu yaryahay qof ka imaanaya gobalada kale amba qabaailka kale oo u soo hanqal taagaya amba u soo guuraya Muqdisho maanta. Mar haddii ay arkeen in aanu xal ugu jirin isdilkan iyo dhiigan daadanaaya maalin kasta, dadka ku nool koonfurta Soomaaliya, siiba dadka waxgaradka lagu sifeeyo, waxaa khasab ku ah in ay ka hoos baxaan maradan magac-qabiilka ka tolan ee ay huwiyeen odaasha Hawiye. Waxgaradka Hawiye waxaa laga sugayaa bal sidii ay ummadda ku dhaqan Muqdishu uga badbaadin lahaayeen dagaalkan qabiil ee dhamaan waayey. Haday intaa ku guulaystaan, Alah ha la qabtee, wax weyn bay ka geysan karaan nabadgelyada arrimaha murugsan ee ummadda Soomaaliyeed taarikhda aduunweynaha meel foolxun ka galiyey. ______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |