VOA
Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Booraan Hadimo Ha Qodin, Ku Dhici Doontaana Mooye
W/Q Cali Baxar, PhD
May 06, 2009


Wuxuu Sheekh Aweys rabaa in uu Sheikh Shariif si fiican u fahmo kursiga madaxtooyada cidda iska leh. Kursigan uu sheekh Shariif daaqada uga soo dhacay, waxaa furaha irrida laga soo galo gacanta ku haysta Sheekh Aweys iyo inta uu wato, waa sida Sheekh Dahir Aweys ka dhaadhacsan. Waa meesha la iska maan dhaafsanyahay. Cali Baxar
_______________________

Waxaan sheki ku jirin in ay dad badani ila qabaan aragtidan an hoos ku xusi doono. Balse, inta aanan u galin waxa aan odhan doono, ila eega hadaladan ka soo yeedhaya Moqdishu, magaala madaxda gobalka Benadir Soomaaliya iyo Eretereya oo eedeymo isu jeediyay

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha koonfurta Soomaalia, ayaa maanta raba in uu markii ugu horeysay, ogolaado in ay Eritrea faraha kula jirto arrimaha Soomaalida degan koonfurta Soomaaliya. Waxaase la yaab leh, dad badana garan la'ayihiin in hadalka dowladiisa maanta ka soo yeedhay yahay mid daacadnimo ku jirto haba yaaraatee. Su’asha la is weydiinayaa ah: indha uu wax ku arkayo amba maskaxda uu wax ku qiyaasayaa maanta maxaa daboolay markii uu shalay ku qaadaayey dagaal isaga oo adeegsanaya Eritrea, dowladii isaga ka horeysay ee uu hogaminaayey Cabdilaahi Yussuf?

Eritrea waxay ahayd tii uu isagu keenay dhulka ka hor intaanu Cabdilahi Yussuf dawladiisu Moqdishu soo galin. Eritrea backed and armed Islamic Courts before the TFG took control of Mogadishu. Eritrea ships weapons into Somalia, the proxy

Waqti hore, mar wax laga weydiiyey ujeeda Eritrea ka lahayd (leedahay) Soomaalia, bal dhadhanso sida uu Sheekh Shariff jawaabta u bixiyey:

When I met Sheikh Sharif last month in Doha, I asked him about their reliance on Eritrea and what Eritrea wants in return? I must say the question made him uncomfortable. He acknowledged that Eritrea had its objectives but he asserted that nothing was imposed on them. Islamic Courts leaders don't seem to see the irony when they accuse the government of being an Ethiopian puppet”.

Waxaa wax laga naxo ah, markaad akhrido sida uu u jawaabay, in ay Sheekh Shariif Axmed iyo intii la socotay ee degtay Eritrea ogolaadeen in ay Eritrea meel marsato ujeedada ay leedahay, si iyaguna u meel marsadaan ujeedadooda ahayd in ay dumiyaan dowladii Cabdilahi Yussuf, iyaga oo dan ka lahayn dhibaatada ay u geysanayaan ummadda ku nool koonfurta Soomaaliya. Eritrea iyana sidoo kale ayey rabtay in ay Itoobiya ka soo weerarto dhinaca ciidda Somaalia si ay dagaalka uga soo fogeyso ummadeeda ku nool Eritrea, isla markaana hub ka iibiso dhinacyada qabiilka Hawiye ee isku hirdiyaaya Moqdishu badhtamaheeda.

Waxaa cad in Eritrea ka maskax badisay uruka ICU ee u duday Eritrea. Hase yeeshee, siyaabaha uu jawaabaha u bixiyo, Sheekh Shariif Axmed, ayaa dad badan ku abuurtay warwar ay ka qabaan Sheekh Shariif aragtidiisa siyaasadeed. Taasi waxay si fiican u tilmaamaysaa labo arrimood oo labaduba yihiin arimo hore loogu sifiyeeyay madaxweynaha koofurta Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed.

  1. Sheekh Shariif loogama baran in uu si daacadnimo ah uga jawaabo su’alaha la weydiiyo. Waxaa looga bartay in uu inta badan runta go’a huwiyo amba uu daboolo runta si uu u raali galiyo hadba cidda uu wax rabo.

  2. Arinta labaad ee aad baqdinta u leh, lagana yaabo in ay keentay sifada kowaad ee kor ku xusan, waxa ay tahay isaga oon lahayn garasho siyaasadeed oo uu ku fahmi karo xeeladaha siyaasadaha guda xidhiidhka la leh arrimo qarsoon. Taas waxaa ka mid ah sida durba Eritrea uga soo horjeesatay dowlada Sheekh Shariif ku soo dhistay Djibouti.
    Akhri jawaabta uu bixiyey wasiirka warfaafinta Eritrea ee ku saabsan dowlada Sheikh Shariif: “Wasiirka warfaafinta Ereteriya Cali Cadbow oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Sheekh Shariif Axmed madaxda ka yahay Eritrea ictiraafsanayn

Waxaa kale oo intaa sii dheer, mar dhowaan la warsday Sheekh Daahir Aweys sidii ay isaga iyo Sheekh Shariif Axmed u wada shaqayn lahaayeen, wuxuu ku jawaabay : “Sheekh Shariif war nama dhex yaallo, wuxuu na dhex yaallaa annaga iyo beesha caalamka oo raba inay nagu wadaan dariiqa ay rabaan, annagana waxaan rabnaa inaan samaysano dariiq aan heshiis ku nahay oo aan beesha caalamka kula heshiino, Shariifka beesha caalamka ayuu la safan yahay, annagana waanu ka soo horjeednaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aways oo dhinaca kale kula dardaarmay walaalaha Mujaahidiinta inay cadowga wajahaan oo aanay iyaga isku soo noqon”.

Waa hadal la siman hadalkii uu lahaa Sheekh Shariif Axmed markii uu degalka ku abaabulaayey dowladii Cabdilahi Yussuf. Maantana isagaa ku sifoobay nin la saftay oo raacay, dowladaha shisheeye ee Sheekh Aweys dagaalka kula jiro sida uu udhigay. Waa siyaasadaha guda-xidhiidhka leh ee an u muuqan Sheekh Shariif Axmed.

Walaalkii Loo Xeeryow adna soo Qoyso. (waa odhaah Soomaaliyeed).

Shekise kuma jiro, sida hadalkiisa ku cad, Sheekh Aweys heesta uu heesayo maanta in ay xabaarsantahy beydad ku jiray hees, Alah ha u naxariistee uu Maxamed Mooge qaadi jiray:

Ma adaa I biday Hadda Baadi iyo  
Baryahaba ahaa nin baraad la oo
Bir ma geyda iyo biyo diid lahayn
Soo Baraarugee

Wuxuu Sheekh Aweys rabaa in uu Sheikh Shariif si fiican u fahmo kursiga madaxtooyada cidda iska leh. Kursigan uu sheekh Shariif daaqada uga soo dhacay, waxaa furaha irrida laga soo galo gacanta ku haysta Sheekh Aweys iyo inta uu wato, waa sida Sheekh Dahir Aweys ka dhaadhacsan. Waa meesha la iska maan dhaafsanyahay.

Waxaan caad ka saareyn dad badan oo aad loo fahamsanyahay, Sheikh Aweys in uu isha ku hayey mudda dheer kursiga madaxtooyada. Damacii Cabdilahi Yussuf ku kalifay in uu kursiga ka kiciyo Mahamed Siyaad Barre, in ku dhow 20 sano ayuu kolba geed ugu soo gabanaayey, aakhirkii wuu ku fadhiistay kursigii. Sidoo kale, Sheekh Aweys wuxuu marwalba raadinaayey, oo uu dagaal ugu jiray in uu ka kiciyo korsiga Cabdilahi Yussuf. Xitaa maanta oo uu Cabdilahi Yussuf tagey, waxuu Sheekh Aweys si weyn isga dhaadhiciyey in korsiga isagu leeyahy; Sheekh Shariif-na yahay ku meel gaadh. Arimihu sida ay u furfurmayaan ayaa tilmaan u ah in Sheikh Shariif Axmed qarka u saaranyahay booraantii uu u qoday dowladii Cabdilaahi Yussuf, una badantahay in isuga naftiisu ku dhacdo haddii Sheekh Aweys ku guulaysto shaxda uu u degaayo Sheekh Shariif dowladiisa.

Hadal iyo dhamaantiis, waxaa ummadda Soomaalida ee arrimahan daneeyaa aad uga xunyihiin, lana yaabanyihiin sida reerka Hawiye raga siyaasada gacanta ugu hayaa ee Moqdishu ku nooli, u noqdeen rag aan marnaba ka korayn aragtida ku salaysan “Aniga Horta”. Waa fekir ku kooban in nin kastaa isagu xaq u leeyahay, kalidiis, in uu madax noqdo. Waa fekir ka fog aragti lagu badbaadiyo dhiiga daata Xamar dhexdeeda maalin walba. Waa fekir ku salaysan loolan kursi. Waa fekir hadba kii xukunka qasbsan karaa isagu iska fekirayo, nasiibdarase, ummadooda dhibaatada haysata wax badan oo wanaag ah u soo wadin. Waa kursi jaceel ferkir iyo aragti Soomaalinimo ka madhan.

Runtu waxay tahay, Soomaali badan oo Xamar xoolo, maal iyo dhul ku lahayd, baryahore ayey ka hadaafeen Muqdishu oo lafahood ula baxsadeen. Dhiiga maanta Xamar yaalaa ma aha mid qarniyada soo socda la maydhi karaayo. Taasi waxay sharaftii ka xayuubisay magaaladii loo yiqiin Mogadiahu ee ahaan jirtay Caasimadda ummadda Somaaliyeed. Wuu yaryahay qof ka imaanaya gobalada kale amba qabaailka kale oo u soo hanqal taagaya amba u soo guuraya Muqdisho maanta.

Maanta Hawiye uumbaa marna dowlad lagu magcaabo “Soomaaliya” dhisanaya, marna duminaaya. Ummadda inteeda kale waxay ku tashadeen in ay nabadgelyo ku wada noolaadaan oo ay badbaadiyaan dhiiga dadka Somaaliyeed. Dowladahan la sheegayaana wax munaafacaad ah, haba yaraatee, oo weli ku tareen ummadda Somaaliyeed ee u nool gobalada kale lama arko. Waxay ku sifoobeen dowlado aduunka maaliyad lagaga soo urusado, Xamar-na fadhiisi ka dhigata. Waxaase nasiib daro ah in ay dhibaato dheeraad ah ku keentay ummadda ku nool koonfurta Somaliya.

Mar haddii ay arkeen in aanu xal ugu jirin isdilkan iyo dhiigan daadanaaya maalin kasta, dadka ku nool koonfurta Soomaaliya, siiba dadka waxgaradka lagu sifeeyo, waxaa khasab ku ah in ay ka hoos baxaan maradan magac-qabiilka ka tolan ee ay huwiyeen odaasha Hawiye. Waxgaradka Hawiye waxaa laga sugayaa bal sidii ay ummadda ku dhaqan Muqdishu uga badbaadin lahaayeen dagaalkan qabiil ee dhamaan waayey. Haday intaa ku guulaystaan, Alah ha la qabtee, wax weyn bay ka geysan karaan nabadgelyada arrimaha murugsan ee ummadda Soomaaliyeed taarikhda aduunweynaha meel foolxun ka galiyey.


Cali Baxar, PhD
Email: aib_1@yahoo.com

______________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com