Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Wariyeyaasha ku Sugan Goobaha Dagaalka iyo Anshaxa Saxaafadda (Talo soo jeedin)
W/Q Cabdinuur Maxamed Axmed
May 17 , 2009

Cabdinuur Maxamed Axmed
Qoraalkan aadka u kooban waxaan ugu tala galay oo keliya inaan talo u soo jeediyo saxafiyiinta, sawir qaadayaasha, iyo Tifaftirayaasha saxaafadda socod baradka ah ee Soomaaliya ee ku shaqaynaya xaalado aad u dhib badan iyo duruufa ay adag tahay in saxaafaddu ku kobocdo misna ka guul gaadho hadafka ay higsanayso. Kaas oo ah in dadka laga haqab tiro warar, faallooyin, iyo maqaallo ka turjumaya waxa ka socda dalka. Qoraalku ma'aha mid ku socda Baraha internet ka iyo Wargeysyada u adeega danaha kooxo gaar ah.

Maalmihii la soo dhaafay qurba joogga Soomaalidu waxay garwaaqsadeen muhimada qalabka wabaahintu u leeyahay bulshada wargalinteeda. Waxay isha ku hayeen daqiiqad kasta waxa baraha internetka, kuwooda ugu afka dheer ee Soomaaliyeed ka qorayeen dagaalka siyaasadda dabada ku haya ee dalka ka qarxay.

Soo tebinta dagaalka iyo xaqiiqda dhabta ah ee meesha ka jirta looma sinnayn. Saxaafadda qaarkood waxay ahaayeen kuwa usoo gudbinaya dadka goobaha dagaalka ka dheer jooga sawir macne u samaynaya. Maxaa dhacay? Yaa ku hardamaya dagaalka? labada dhinac meeqaa ka  dhimatay? Maxaa dhaawac ah? Dhul intee le'eg ayaa lagu kala qabsaday? Dadka Rayidka ah maxaa khasaare ah oo soo gaaray? Yaase looga itaal roonaaday dagaalkan culimada waawayn ee Soomaaliyeed ku sheegtay mid fitna ah? kuwa kale ayaa bilaabay inay lumiyaan dhexdhexaadnimadii saxaafadda looga bartay iyaga oo siyaabo kala duwan ula kala saftay kooxo gaar ah. Taas oo macnaheedu yahay qarinta jabka kooxdu u webkaasi sida gaarka ah u taageero iyo buunbuuninta jabka  kooxda kale haleelay.  Meeqa Murtad ayaa bakhtiyay? Maxaa ka shihiiday koox hebel?  Iyo ereyo kale oo an haboonayn in xilligan lagu hadaaqo.

Aan usoo dago biya dhaca qormadan aan ugu magac daray “TALO SOO JEEDIN” ee  ku socota bahda ku lug leh warbaahinta dalkeenna hooyo. Intii dagaalkan Muqdisho ka qarxay bilowday waxay saxaafaddu soo bandhigaysay sawirro naxdin leh. Kuwaas oo aan saluugay soo bandhigidooda dhacdooyinka dagaalada. Waxaan arkay wiil Soomaaliyeed oo xiran dharka ciidanka dawlada oo loogu yeerayo “MURTAD”.  Waxan arkay mid kale oo cimaamad wata oo la bahdilayo. Iyada oo aan ognahay ka saxaafad ahaan in dagaalkani yahay mid hooyo Soomaaliyeed ku goblamayso wiilasheenuna ay ku dhimanayaan ayaan hadana u bareernay inaan maydkiisa oo yaal goobta dagaalka kamarad la raacno oo sawirro naxdin leh ka soo qaadno.

Intii uu bilowday isticmaalka aaladdan sawirada lagu qaado mawduucani waa mid dunida oo dhan lagu kala qaybsan yahay. Saxafiyiin waawayn ayaa qaba in dadku xaq u leeyihiin in ay ogaadaan wax kasta oo dhacaya saxafiguna xaq u leeyahay inuu dadka usoo bandhigo waxa uu shakhsi ahaan la kulmay. Kuwa kale ayaa qaba inaysan anshax ahaan habboonayn sawirka mayd yaalla goob dagaal in la qaado.

Wariyayaal badan oo ku dhiiraday falkan xilliyadii Maraykanku ku jiray dagaalkii 2aad ee dunida, kii Vietnam, iyo kan hadda ka socda dalalka Ciraaq iyo Afghanistan waxay la kulmeen canbaarayn ba’an, qaarkoodna waxaa lagu abaal mariyay in lagu magacaabo khaa’inul wadaniyiin. Kuwa kale ayaa ku mutaystay in loogu hanjabo dil. Dadwaynaha Maraykanku waxa ka sinnaayeen marka laga reebo tiro aan badnayn in hal meel looga soo wada jeesto sawir qaadihii soo sawira gabdho iyo wiilal xiran direyska ciidanka Maraykanka, gudanayana waajib dalkiisa ka saaran.

Anshaxa saxaafaddu waa muhiim waana udub ka mid ah tiirasha ay ku taagan tahay saxaafadda casriga ahi. Sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan mid mid ula hadlo saddexda kooxood ee aan kor ku soo xusay oo aan isleeyahay way baajin karaan in sawirradan foosha xun bulshada la dhex keeno.

Mudane Sawir-qaade:

Aniga oo ogsoon in aad xaq u leedahay qaadidda sawir kasta oo aad u aragto mid bulshada anfacaya,  sharciga saxaafadduna ku siinayo xorriyad kaamil ah oo aad ku duubi karto, kuna qaadi karto sawir kasta oo aan diinta ka hor imanayn, haddana waxaa habboon inaad isweydiiso su'aalahan. Inta aadan sawirin maydka yaalla furinta dagaalka waxa wanaagsan in aad isweydiiso maxaad ka samayn lahayd haddii qofkan meydka ahi yahay mid aad taqaanno waliba ku wayn qalbigaaga. Maxaad ka yeeli lahayd haddii qof kani yahay mid ka mid ah eheladaada kuwa aad ugu jeceshahay? Waxaan filayaa in jawaabtu tahay in aadan sawirkaa qaaddeen.

Haddii aad tahay qof qadarinaya quluubta dadka uu ka geeriyooday qofkan dagaalka ku dhintay ama aqoonta gaar ahaaneed u leh waxaa kuu soo baxaya inaysan habboonayn inaad murugo galiso quluubtooda. Sidaa daraadeed ka dheeroow inaad wiil Soomaaliyeed oo mayd ah sawirkiisa soo qaado si dadku u daawadaan.

Mudane Wariye:

Maadaama hawshaadu tahay mid nagu wayn, dhagtana aan u taagaynno jabaqda kaa soo yeeri doonta daqiiqad kasta waa inaad isku daydaa inaad ka reebto warbixinta aan dhawrayno sawirada aan kor ku xusay. Waa inaad dareentaa inaad tahay qof bulshada dhexdeeda ku leh maqaam. Waa inaad ka fogaata dhaawaca quluubta dadka Soomaaliyeed ee ka naxaya sawirada wiilasha dagaalka sokeeye ku dhimanaya ee” Ma liibaanayaasha lagu liibaanay loogu magac daray.”

Mudane Tifaftire:

waxaa tahay qofka  ugu danbeeya ee miiskiisa ay ku soo dhacaan sawiradan naxdinta leh, ha ahaado film qof la tooganayo, mid la gubayo ama mid ciidda quruqriyay oo waa hore xabaddi leeftay. Waxaa tahay “ Gate-keeper” oo macnaheedu yahay inaad sii dayn karto ama xannibi karto warbixin kasta oo dhiillo xamnbaarsan iyo inaad ka reebto qoraalka wariyaha  kuu soo gudbiyay wax kasta oo aad u aragto mid khilaafsan sharciga iyo anshaxa saxaafadda. Tifaftiruhu waa inuu ilaaliyaa sidoo kale wararka lidka ku ah danaha dalkeena, diinteenna, iyo dadkeenna.

Dunida maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ahi. Mid kasta waxay wax kasta ka hormarisaa danaha qarankeeda “national interest” ama amniga dalkeeda “national security”, waxaase la isku dhaafay sida anshaxa wanaagsan loogu dabaqayo saxafadda maanta jirta.

Mudane Tifaftire waa inaad kala saartaa ra’yiga saxafiga iyo warka oo ah laba shay oo aan is qaadan karin. Waa inaad u carbisaa Wariyayaashaadu inay noqdaan kuwa ku eg soo tabinta waxa dhacay, meesha uu ka dhacay, sababta uu u dhacay, goorta uu dhacay, iyo sida uu u dhacay.

Mudane tifaftire waa inaad ka dheraataa isticmalka ereyo kooxo gaar ahi ku hal qabsadaan sida;  Xukuumadda Ridada, Khawaarijta, Takfiirka, Ciidanka Alle, Cadawga Ilaahay, Mujaahid, Murtad iyo kuwa kale oo badan maadaama dagaalka maanta socda ay culimo waawayni ku tilmaameen inuu yahay mid fitna ah labada qolana aysan jirin mid isu aqoonsan kuna qanacsan magaca loogu yeerayo.

____

C/nuur Maxmed Axmed waa Saxafi madax bannaan oo wax ka barta kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda International  Islamic University ee Islamabad. Waxa aad kala xiriiri kartaa nobleman254@hotmail.com

_______________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 Wardheernews.com