
|
Daahfurka Miisaanka Maansada
WQ Axmed Xasan Mahdi Xaaji
May 21, 2009
|
Arar:
Ugu horrayn, labaatan sano iyo dheeraad ayaa la bililiqaysanayey hantidii qarankii Soomaaliyeed. Sidoo kale,
suugaantii, maansadii iyo wax ka qabadkoodii ayaan iyana ka badbaadin dhibta dhacday.
Gogol-dhig:
Aniga oo ah Ahmed Hassan Mahdi Xaaji, 1973 ayaan galay dugsigii sare ee Maxamed Cabdalla Xasan kuna yaalay magaalada Marka.
Sannadii 1975 waxa dugsigaa macallimiin noogu noqday:
Yusuf X. Said
Cabdillaahi Diiriye
Faarax Abokor(Farah-askari)
Cali Xasan iyo kuwo kale
Shan iyo toddobaatankii ayaa Cabdillaahi diiriye oo af Ingiriisiga iyo suugaanta noo dhigi jirey noo sheegay in
gabayga Soomaaliguna sida ka Ingiriisiga leeyahay miisaan. Waxa uu noo dhigay sida gabay Soomaaligu u dhismo iyo
xeerarka uu leeyahay. Weli waxa aan ka xasuustaa, Hooyaalayey..." Buugga Cabdillaahi qoray ee na tusay waxa la
odhan jirey, "Gorfaynta Gabayga". Waxa aan ogaa in 1976 kii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ka iibsatey. Isla laftiisii baan
2008 ku arkay Wardheer News. Mar kalena, waxa aan dhegeystey marwo Faadumo Axmed Caalin (Fatima-ureji) oo afkeeda
ka qiraysa in Prof. Cabdillaahi D. Guuleed yahay qofkii ugu horreeyey ee qora miisaanka maansada. Waa kol weriye
Somaliradio.dk waraysanayey.
"Miisaanka Maansada Soomaaliyeed" ee Cabdillaahi qoray waa mid dhadhan iyo ku dhegisba igu reebay. Nasiib wanaag 2007
ayaan ka iibsadey Supper Market Xamarwen oo ku yaal magaalada Colombus ee gobolka Ohio.
2009 waxa aan akhriyey qoraal la faafiyey oo guddi Oslo joogtaa qortay. Waa 04.12.08. Waxa kale oo aan maqal-muuqaal (DVD & youtube) ku daawaday gole caadi ah (informal) oo go'aankoodu yahay: "Annagu yaa hor baahiyey(published) uun baanu ka garniqi
karnaa." Waa taariikhayn keli ah. "Yaa labada hawlood shilis ama qoto-dheer, Soomaalida & aqoon yahanka xeesha u leh baanu u
dhaafaynaa." Golihii rasmiga (formal) ahaa ee Jaamacadda Oslo cashar bixin (presentation) buu ahaa.
Isla 02.01.09 waxa Wardheer News ku soo baxay maqaal Prof. Cabdillaahi ku deedafeeyey go'aankii guddida Oslo.
Gebagebo:
Haddaba waxa meesha ka soo baxay waa su'aalahan soo socda:
1. Guddidu ehel ma u tahay hawshan baaxadda leh?
2. Go'aankoodii fadhiga ahaa, kii casharrada iyo qoraalka ka soo baxay ma is waafaqayaan?
3. Taariikhayn iyo daahfur la kala saaray maxaa haddana isku badhxay?
4. Markhaatiyadii maxaa looga kaaftoomay?
5. Guddidu qoraalada ma wada akhriyeen, mise dood uun bay xukumeen?
Garsoor:
Aqoonyahanno hawshan ku xeel-dheer baan qoraaladii oo dhan hor dhigayaaye iga war dhawra. Waa saddex buug iyo
maqaaladoodii oo Cabdillaahi qoray iyo dhawrka maqaal ee Gaariye waxa is barbar yaallaa.
Waxaa kale oo aan goob joog ka ahaa dooddo is daba joog ahaa oo sanadadii 1979 iyo 1980, Xuseen Tanzania abaabulay. Professor Abdullahi si firfircoon ayuu uga qayb galay, hase yeeshee Gaarriye iyo aniguba dhagaystayaal baanu ahayn. Waxaa kale oo markhaati ka ah Dr. Said Fahiye in aan Gaarriye Miisaanka maansada aqoon u lahayn, sababta uu sheegtayna tahay markii golayaashii guulwadaynta kaariye ka sheegtay, Aqoonta uu leeyahay Maansaduna waa intii uu ka bawsaday Professaka idman Caraale Diiriye.
Wa billaahi tawfiiq.
Axmed Xasan Mahdi Xaaji
E-Mail:xaajifaarax@gmail.com
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |