Home Articles Somali Songs About us  

 


Soomaaliyey Maxaa Helay Halyeyadiinii iyo Haybadii Qarankiina?
W/Q Girma Gizaw
W/Tarjumay C/raxmaan M. Muuse

May 29, 2009

Odhaahda Tifaftirka: Maqaalkani waa maqaal xiiso leh oo uu qoray Girma Gizaw, oo ah qoraa reer Itoobiya ah. Md. Gizaw oo la hadlaya dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay, lana wadaagaya ama xasuusinaya Soomaalida xurmadii iyo sharaftii ay horey u lahayd Soomaaliya iyo waxiii uu kala kulmay intii uu joogay Soomaaliya. Md. Gizaw waxa kale oo uu u soo jeedinayaa Soomaalida talooyin ku aadan dhibaatooyinka iyo dagaalada seetada dheeraaday ee ragaadiyay Soomaaliya. Maqaalkan waxaa tarjumay C/raxmaan Gurmad.
_____________________

La'aanta af wadareed kulmiya oo ay ku wada hadlaan quruumaha Afrikaanku ee adeegsada luqadaha shisheeye, aniga oo ka cudurdaaranaya arinkaasi isla markaana adeegsanaya luqada Ingriisiga, waxaan door biday inaan u jeediyo walaalahayga Soomaalida waydiin ama su’aal qayaxan oo in badan maankayga ka guuxaysay, aniga oo ula badheedhayaa su'aashaas igu rafatay.

Soomaaliyey; Maxaa ku dhacay halyeyadiinii?

Is badalka iyo geedi socodka taariikhaha aduunka waxa uu ina dhaxal siiyaa waayo aragnimo aynu dib ugu jaleecno dhacdooyinka waayaha aduunka, kuwaasi oo keena in aynu isweydiino ama jawaabo u raadina dhacdooyinkaasi, oo laga yaabo inay yihiinba su'aalo fudud.

Hadaba inta aanan jawaabta su'aasaashi guda galin, waxa jecelahay inaan ka hor mariyo araar kooban. Mar kasta oo la soo hadal qaado dhibaatada Afrika, waxa lagu mashquulaa hagardaamooyinka guumaystaaashii reer Yurub laga dhaxlay. Qof ahaan, ma doonayo inaan wadadaas maro oo aan eeda dhibaatada dalalka Afrikaanka ku habsatay oo dhan dusha kaga tuuro guumaystayaashii reer Yurub. Hadii sidaas la yeelayo, waxa dhici karta inaynu dhaliisha iyo eeda ay leeyihiin ka leexino hogaamiyayaasha, kali talisyada dambiilayaasha Afrika la hadhay sida: Melez Zinawi, oo aadeegsada xeelad kasta oo dhagareed oo ku qoran buugaagta shirqool maleega ee ku saabsan sida ugu haboon ee loo beer laxawsado loogunu adeego danaha wadamada reer galbeedka ah oo uu ka helo malaayiin Doolar oo uu u adeegsado cirmri dheeraynta taliskiisa macangaga ah ee ku dhisan siyaasadaha qaybi oo xukun.

Talisyada sidaas oo kale ah ayaa ku khamaaray aayahii dadyowga reer Afrika, kana hortaagan dadyowgooda aayatiin ifaya! Sidaas awgeed Afrikaanku waa inay ka talaabsadaan calaacalka iyo gocoshada hagardaamooyinkii guumaystaayasha reer Yurub iyo gacan yarayaashooda Afrikaanka ah, kuna dadaalaan sidey cagta u saari lahaayeen wadada horumarka iyo barwaaqada.

Talaabada ugu horaysaana waa inay lugta ku dhuftaan kana waantoobaan deeqaha iyo gargaar ku sheegyada reer galbeedka ee ujeedooyinka badan iyo saamayntooda siyaasadeed.

Gacma hoorsigaas reer galbeedka lala hoos fadhiyo ayaa ah siday qabaan ruugcadaa iyo indheergarad badan oo Afrikaan ahi lugooyada ragaadisay ee  kasloonidii iyo hankii dadnimo ka xayuubisay quruumaha Afrikaanka ah.
 
Hadaan u soo noqdo arintii Soomaalida, Melez Zinawi waxa uu si nacabnimo iyo bahalnimo ku dheehantey uga faa’iidaystay kala daadsanaantooda iyo tabar daridooda. Isagoo adeegsanaya cudurka iyo boogta Soomaalida loogu daw galay ee asaagood (facood) ka reebay.Waa Qabyaalada, tartanka hantiyeed iyo xukun ee ka dhexeeya beelaha Soomaaliyeed (ama madax ku sheegooda).

Itoobiyaan hadaanu nahay, aqoon fiican ayaanu u leenahay isku duubninida, hal-adeyga, kartida aan jileeca iyo isdhiibka aqoon ee dadka Soomaaliyeed. Waanu ognahay inay yihiin Soomaalidu, dadka ugu geesisan quruumaha Afrikaanka ah. Soomaalidu; waa dad ay kuu dheehantay geesinimo iyo wadaniyada qoto dheer. Dhinacayaga (waa Itoobiyaan ahaane),waxaanu cabsi iyo aragax wayn ka qabnay Siyaad Barre.

Waxaanay saraakiil badan oo Xabashi ahi aaminsanyiin, inuu ahaa hogaamiyihii ugu wadani sanaa Soomaaliya. Cabsidaasi waxay raad iyo xusuus ku reebtey, qof kasta oo Itoobiyaan ah oo da’diisu ka wayntahay 30 sano ama xasuusan kara xiliyada Soomaalidu cududa lahayd.

Dareenkaasi oo aad ugu baahay bulshada Xabashiyeed, heer laga badbadiyay oo dadka qaar rumaysnaayeen in ciidanka Soomaaliyeed sida cawska u jibaaxi karo Itoobiya, kuna qabsan karaan todobaadyo kooban.

Waa yaab iyo amakaage, dadkii sidaas ahaa; maxa helay? Miyaa la rogey,oo ifkaba kuma noola? Mayee ragii Itoobiya kaga qaylisiiyey?
Xagey qabteen rugcadaagii, xarbi yahanidii iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed?

Sida Cumar Carte Qaalib; ninkii danjiraayasha Itoobiya ee qaramada midoobey go’doonka galiyey, ee ku riday wajibaxa; kuna fashiliyey doodoodii jabnayd madasha qaramada midoobey!
Mayeey janaraaladii iyo saraakiishii libaaxyada ahaa, sida Jeneraal Da’uud iyo Axmed Terza?

Iyadoo ay jirtey colaada guunka ah ee dhextaal Itoobiya iyo Soomaaliya, hadana waxaan ka mid ahaa ardaydii Xabashiyeed ee magan galyada ka helay Soomaaliya,ee hoos hadhsaday kuna nabad galay calanka Soomaaliyeed anigoo Mingiste ka soo firxaday.

Ardaydii xabashiyeed ee ka carartey Mengiste ee maganta u doontey Soodaan, Jabuuti iyo kiiniya; kama ay badbaadin dhagartii iyo sirdoonkii Mingiste. Halkay joogeen ayuu ku ugaarsan jirey.
Halka aniga iyo intii Soomaaliya magan gashay,aanu nabad wanaag iyo soo dhawanyn la kulanay!

Cid kale iska daayee, xataa Melez Zinaawigaas maanta Soomaalida sidaas u galaya, waxa uu  marti maamuus ku nool u ahaa Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa dadkii ka faa’iidastay dhaqanka, deeqsinimada iyo soo dhawaynta ku salaysan ee dadka Soomaaliyeed. Bal fiiriya, dhagarta iyo xumaanta uu uga abaal guday Soomaalidii sacabada u gogoshay, cadaawada uu u qabey Soomaalidii garab qabatey waxay gaadhey heer uu soo weeraro oo qabsado caasimadii dalkooda.

Qabsashadaas, oo dhacdey xilli ay Soomaalidu ka soo kabanayeen fawdadii iyo dagaaladii sokeeye, oo uu Muqdisho ka hano qaaday talis xasilooni iyo kala danbayn ku soo abaalay. Hadaba, Melez markuu uu arkay inay qarankii Soomaaliyeed dib u soo noolaanayo, ayuu weerar dhicisayn iyo is kaba raacin ah ku qaaday. Waliba, isaga ayaa si dadban iyo si daalacanba u hurin jirey dagaaladii sokeeye iyo xasilooni daradii Soomaalidu ku sugnaayeen mudada 17 sanadood ahayd.

Hababa, Jawaabta ugu fudud ee laga bixin karo su'aasha maqaalkani waa:

Cadawga Soomaaliya ee wanaaga iyo xasiloonida ka hortaagini waa dalalka deriska la ah; Kiiniya iyo Itoobiya. Kuwaas, oo aan habeen kali ah nabad seexanayn ilaa Soomaaliya jiritaankeeda ay tirtiraan. Waa sida talo galkoodu yahaye.

Cadawga kale ee Soomaalidu waa; UNDP iyo hayadaha kale ee qaramada midoobay iyo ururada aan dawliga ahayn ee loo yaqaan NGO.Ururadani, ayaa ka taliya Soomaaliya waa sidaas runta murugada xambaarsani.

Hadaba, akhristow ma kula tahay inay ogolanaayaan inay Soomaalidu ka tashadaan aayahooda?

Maya,maya, Waayo? Waxay dani ugu jirtaa in Soomaalidu sidan u kala daadsanaato, una dayacnaato si ay u sii haystaan Soomaaliya. Arimuhu waxay gaadheen, heer saraakiisha Qaramida Midooobay ku hadlaan magaca Soomaalida, shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brusels ee dalka Belgium ee la lahaa” deeq ayaa loogu ururinayaa xukuumada Soomaaliyeed”. Wax kale iska daayoo waxay maraysaa xaaladu in saraakiisha UNDP  qoondeyaan halka ay ku baxayaan lacagihii loogu balan qaaday xukuumadii Jabuuti lagu soo dhisay dhawaan. Ma malayn kartaan takri fal iyo talo maroorsi intaas ka wayn.

Waxaabay u dhaqamayaan saraakiisha Qaramada Midoobey sidii madax shacabka Soomaaliyeed uu doortey. Waxa waliba hubaal ah in lacagahaas lagu bixinayo sidii ay ugu sii seeto dheerayn lahaaheyn dhibaatada Soomaaliya

Hadaba waxaan ku soo koobi lahaa qoraalkayga,talo iyo baaq aan u jeedinayo dadka Soomaaliyeed. Soomaaliyey intey doontaba ha gaadhee waa inaad ka dhiidhidaan oo ka xorowdaan, dulliyeynta iyo guumaysiga UNDP idinku hayso.

Ka maarma deeqda sumaysan ee reer galbeedka sheegaan inay idiin fidinayaan waa dabin gumaysi. Ka waantoobaan taageerista iyo ku gacan siinta dagaal oogayaasha. Iska dhaafa garab istaaga iyo taakulaynta wadaada xag jirika ah,dagaal u jooga ah wanaag idiinma soo wadaan.
Ka kaca fadhiga quusta ah,oo dib u soo ceshadii haybadii iyo qaranamdii luntey idinka  oo ka shidaal qaadanaya dhaqankiina wacan iyo diintiina Suuban.

Dhisa Soomaaliya cusub,oo lugeehada isku taagta, oo ay horkacayaan hogaankana u hayaan indheer garadkiina daacada ah. Hawlaha kala saara, idinkuna is qaybiya.Ninba howsha tuu qaban yaqaan waa lagu haleeyaaye. Wadaadadu iyo culimadiina wanaagsani, ha ka shaqaayeen nabada iyo sugista amaanka. Ha la tiigsadaan qof kasta oo gaf sameeya,cadaalada iyo garsoorka,laftoodaba ha ahaatee. Ha dabaqaan shareecadan caalamku ka qaylinayo. Ha dhagaysanina cida kale, idinkaa dantiina cid kasta uga xog ogaalsan. Gacan wax xaday oo la gooyo ayaa  ka dhib yar qaran dhan uu la waayo raq iyo raad, hadaba,hadii shareecada oo lagu dhaqamo nabad iyo naruuro lagu gaadhayo, meel mariya oo ku dhaqma..

Dhinaca kalena, wadaadaduna faraha ha kala baxaan hawl maalmeedka, maareynta iyo jaan goynta hawlaha siyaasada. Hana ka dheeradaan hadalada seef la boodnimda iyo salfudaydka loo yidhaahdo sida “waxaanu qabsanaynaa Itoobiya iyo Kiiniya”

Waayo? Hadaladaasi waxa ka faa’iidaysanaya oo taageero iyo dhaqaale uu idinkula dagaalo ku helaya Melez Zinawi. Sidaas awgeed ha siinina cadawgiina xujo iyo marmarsiiyo uu xoog ku sii korodhsado.

Ka digtoona ( waadaadadow) oo qoobka ha la galina, dabinada siyaasadeed ee laydiin maleegayo!
Soomaaliya waxay ku jirtaa gacmo khaldan(UNDP)  Wakhtiguse wuu idinla jiraa maanta. Waxa bidhaamaysa fursad Soomaaliya ku samato bixi karto. Soomaaliyey, ka waantooba qabiil oo u dhiibta xilalka iyo hogaanka dadkiina aqoonta iyo hufnaanta ku tilmaaman.

Waxa kale oo aad ku qaadaan dagaal aan naxariis lahayn; Qaadka geedka la yidhaana .Waxaa uu aafeeyey dhalinyaradiinii kana hor joogaa aqoonta iyo dadaalka. Waliba, lacagta jaadka aad ku iibsataan, waxay ku dhacdaa jeebka taliska jiritaankiina neceb Melez Zinawi. Maya,maya,ha korinina cadwagiina!

Ugu danbayn,waxa idin odhan lahaa; xasuusta,oo ha iloobina geesiyadii Soomaaliyeed,ee u dhintey una dagaalamay qaranimadiina( dal jirka dahsoon).

Waxaan idinka tagayaa;
Soomaaliya Ha Noolaato.

Qalinkii: Girma Gizaw
Email: Girma.gizaw@gmail.com

Waxa turjumey  C/raxmaan M. Muuse
Email: cgurmad@yahoo.com

----------------------
- Maqaalkii Girma Gizaw

_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com