
|
Dood: Shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed
W/Q Caabi Shaafici (Wadani)
May 30 , 2009
|
Waa dood faneed gaaban oo lagu ifinayo su’aalaha shacabka Soomaaliyeed u qabaan Shabaabka. Doodani waa qeybtiitii labaad, iyada oo qeybtii 1 koowaad aan horey u soo bandhignay. Waxa su’aalahaa jawaabahooda laga heli karaa dhaqanka Shabaabku ay la soo ifbaxeen mudadii magacoodu ka jiray geyiga Soomaaliyeed.
 |
 |
Shacabka: Falalkiina arxandarida ah, ee aad dad ashahaadanayo aad ku biraynaysaan sidii xoolahii, waa arinta keentay in dadka dib u fiiriyaan ficiladiina, kana muujiyaan cabsi iyo taxadar. Waxaanu ognahay in dhaqankani ahayn kii nabi Muxamad SCW oo Ilaah uu lasoo diray naxariis inuu dunida ku fidiyo, Maxaad ka leedihiin arintan?
Shabaab: Biraynta dadka waxaan uga dayanaynaa Sheekhuna Muscab Al-Zarqaawi, oo Ciraaq ku shahiiday, anaguna sidayadaba falalka waxaan uga dayanaa shuhadada Afgaanistaan iyo Ciraaq, kama eegno in nabigu sameeyay iyo in kale. Argagixinta cadawga Ilaah (Gaalada & kuwa taladayada diidan), waa mid u baahan xeelado kala duwan. Mar dhawna waxaan ku dari doonaa xeelado cusub sida dhufaanid oo lagu samayn doono kii diida inuu nagu daro wiilashiisa si ay jihaadka uga qaybgalaan, sababtoo ah, ma doonayno inuu dhalo caruur aan jihaadka Ilaah ka qayb qaadanayn.
Shacabka: Maxuu yahay xiriirka idinka dhaxeeyo idinka iyo Xisbul-islaam?
Shabaab: Aad ayaad ugu mahadsantahay su’aasha aad u waydiisay, tan ayaa ka muhiimsan kuwii hore oo dhan. Xisbul-Islaam waxay doonayaan in layara tartiibiyo xawliga lagu socdo, oo hadda hadafka laga dhigo Geeska Afrika, anagana sida aad la socotaanba kuma istaagi doono meel ka sokaysa Alaska iyo Saybeeriya. Tan kale; Hogaamiyayaasha ururkaas waxay ka caado dhigteen munaafaqnimo, waa hubaal inaga iyo labada Xassan waxwayn oo inoo dhaxeeya ma jirto, oo aan ka ahayn in anaga ina hayso fudayd dhalinyarnimo iyagana yahiin odayaal. Anaga waxaan u aragnaa munaafaqnimo in waxa himiladaada ah aad ka qariso aduunka kale. Waxaa kale oo jirto arin cusub oo illaa hadda aan fahmi la’nahay, oo uu ku dhaqaaqay Sh. Xassan Daahir, oo ah inuu qaatay ganiimadii inooga soo aaday ciidankii iyo qalabkii Yuusuf indho-cadde. Fahankayaga Islaamka waxuu qabaa in ganiimadaan la marsiiyo wadadii dadkii gaalada ee Badar lagu qabtay “ hantida in sida ay tahay loo qaybsado, uuna ugu badsado kan tiknikada saaran, uuna ku xigo kan daba-miishaarka huwan kadibna AK-47, la yuururka wax la isaga tuuro.
Shacabka: Wiilkii yaraa ee maalin dhawyd isku qarxiyay ciidamada dawladda wuxuu ahaa wiil yar oo reer faqiir ah ka dhashay, iskool/dugsi midna aanan tagin, idinku soo raacay inaad quudisaan si uu usii noolaado, idinkana waxaad u dirteen aakhiro, oo sheekadaan gaaban ayaa dhaxmartay isaga iyo kii afarta kilo ee masaamirta iyo baaruuda ah u guntiyay:
Dhibbane: Maxaad iga doonaysaa?
Sheeekh shabaab: Inaad isku soo qarxiso cadawga Ilaah
Dhibbane: Maxaan ku halayaa is qarxinta?
Sheekh shabaab: 72 Xuurul-Cayn iyo inaad la daristo Nabiyada Ilaah iyo Shuhadada iyo Saalixiinta, wax lala darsana iyaga ayaa ugu qiimo badan.
Dhibbane: Sheekhoow halkaa adiga ayay kugu haboontahay, kulana jeclaaday ee maad tagtid, oo aniga iga masaamax diyaar uma ihiye.
Sheekh Shabaab: Suunkii (Qarxayay) guntiga ayaa laguugu dhuujiyay, haddana meel aad ka laabato ma joogtid, lagaamana furi karo, ee adigu labo mid “ Inaad cadawga Ilaah la aado, oo aad hesho waxaan kuu balan qaaday iyo inaad meel cidlo ah isku qarxiso oo aad Naar ku waarto ajirkana sidaa kugu seego.
Shabaab: Hadalkaa waa mid xaqiiqda ka fog, xaqiiqu waxay tahay in wiilka mar hore balan laga qaaday in cadwga Ilaah uu dabar-goyn doono meelkasta oo ay joogaan. Laakiin sidaad ogtahiinba; waxbaa ka jiro, in markii suunka loo guntiyay uu yaraha argagaxay, iskuna dayay inuu iska furo, suumankaana meel laga xiro way leeyahiin ee siriq laga furo malaha. Haddii mar laguu xiro horeey ayaad u siisocon. Hal kale aan kuu raaciyo: Baabuurta la isku qarxiyay ee aad maqlayso Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo Soomaaliya, waxay u badanyahiin kuwo lagu rakibay qalabka qarxa isaga oo mulkiilaha/darawalka uusan ka warhayn, halkaana waxaa dhacdo in darawalkii ku geeriyoodo magaciisa aan ku darno SHUHADADA.
Shacabka: Mar hadii aadan u imaan shacabka dantiisa, oo aad doonaysaan in halkan ay ka bilaabmato wadada aad u maraysaan Saybeeriya - in kasta oo Afgaanistaan ay ka dhawdahay – shacabka miyuusan xaq u lahayn inuu diido qorshahiina?
Shabaab: Maya, madiidi karo, Ilaah ayaa ku adoonsaday shacabka inay qorshahayaga taageeraan, wayna ka shalaayi doonaan hadii ay isku dayaan arintaas.
Shacabka: Waxaan aragnaa in dagaalkiina ku jeedo dadka muslimiinta ah, oo aadan wax dhib ah aadan u gaysanayn gaalada joogta Muqdisho?
Shabaab: Sidaad ogtahiin inaga awood aanu uga hortagno ciidamadaa gaalada ma lihin, oo horaan ayaa intaan isugu daynay aan ku waynay rag qaali ah, sababtu waxay tahay,
1-aad ayay u tababaranyahiin,
2- Saanad aad u tirabadan iyo tiknikona way haystaan,
3-dhimasho ayay diyaar u yahiin.
Sidaa darteed; inagu meesha nalaga qaniinaa waa naqaanaa.
Shacabka: Erayga MURTAD oo aad kusoo kordhiseen qaamuuska Soomaalida bal inoo micneeya, oo maxaad ka wadaan?
Shabaab: Mahadsanid; waa su’aal aad u qiimo badan, Murtad: waa qof Islaam ahaan jiray oo gaal noqday, waad maqasheen ayaan u malaynayaa DOOFAAR WAXAA LOO CADAABAA FICILKIISA, oo raggaa dawladda sheeganaya oo qofwalba oo ka soo horjeedo qaab aan aduunka u aragno, waa MURTAD = GAAL CAD.
Shacabka: Miyaad garanaysaan waxa ka dhalanayo eraygaan, sidii Nabiga SCW inoo sheegay “Qof haduu gaaleeyo qof kale, gaalnimda meel cidla ah ma dhacayso, oo kan lagu sheegay ayaan gaal ah ama kan sheegay ayay ku soo noqon”.
Shabaab: Anaga xagayaga waan hubnaa in falakayaga uu Ilaah maqsuud ka yahay, ee kuwa qasaaray waa kuwa inaga horyimaada. hadii aan sharax yar raaciyo micnaha erayga MURTAD, waxaa ka dhalanayo in haweenka ay qabaan MURTADIINTA ay ka furanyahiin, oo mustaqbalka ay noqonayaan IMAA, oo uu macnaheeyahay adoon la iska leeyahay sidoo kale caruurtooda waxaa kala qaadan doona mujaahidiinta, oo caruur ka dhigan doono, maadaama aysan waqti uhay guursi iyo caruur dhalid.
Shacabka: Xaaladda waad u jeedaan oo shacabkii dhamaa wuu dhamaaday, maxaa talo ah?
Shabaab: Talada Ilaah ayaa hayo, inaga waxaa kaliya oo nalagu adoonsaday inaan isaga raalli galino, ee hawshayada maha inaan ka fikirno waxa shacabka danta ugu jirto, Taana waxaa diinta uga baxay kooxda dawladda noqotay iyo kuwa taageera.
Abwaan Caabi Shaafici (Wadani)
Email: wadani33@live.co.uk
-----------------------
Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca
- Dood Al Shabaab & Shacabka Soomaaliyeed - Qaybtii kowaad - Caabi shaafici
-Qabuuraha Qufidoodu Ma Qaladbaa Ma Saxbaa? W/Q Axmed Maxamed
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |