|
![]() |
|||||
Taariikh ahaan ma fogeyn goortii la taagay derbigii weynaa ee lagu kala qaybiyey caasimaddii dalka Jarmalka waxana la dhisay sanadkii 1961 kii.
Dabbaaldeggii iyo damaashaadkii dhowaan loo sameeyey dhacdadani ma ahayn mid lagu xusayey dhismihii derbiga iyo intii uu taagnaa ee waxay ahayd mid loogu dabbaaldegayey labaantan guuradii ka soo wareegtay dumintiisii iyo isu furidii labadii dhinac ee caasimadda dalka Jarmalka oo u kala qaysanayd laba dal. Gidaarku derbi keliya ma ahayn ee waxa kale oo uu astaan u ahaa laba mabd’a oo iskaga soo hor jeeday, xagga fikradaha, siyaasadda iyo cududda mileteri ee la isugu faani jirey. Inkasto oo ay dhacdadani ahayd mid dhaxal gal u ah dadka Jarmalka oo ay mahadiyeen, waxa kale oo ay ahayd xus taariikhi ah isla markaana noqday calaamad lagu taariikheeyo burburkii iyo fashilkii ku yimi aragtidii hantiwadaagga ee uu calanka u siday Midawgii Soofiyeetku. Sidaa awgeed waxay noqotay cutub hor leh oo ku soo biiray taariikhda casriga ah. Waxay sannadguuradani dadka in badan xusuusisay isbedelkii ay dunidu soo martay labaatankii sano ee u danbeeyey. Dawladaha reer galbeedka sida Maraykanka, Faransiiska, Ingriiska iyo Jarmalka laftoodu waxay ku qiimeeyaan in ay ahayd guul u soo hoyatey fikraddoodii iyo hannaankii siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka guulaystay kii dawladdii xooga badnayd ee Midawgii Soofeyeetka (USSR). Dhinaca kale marka laga eego waxay ahayd bilawgii kala daadashadii iyo furfurankii gaashaanbuurtii bariga ee loo yaqaanney Waarso. Inkasta oo dawlado badan oo dhinaca bari kaga yaal qaaradda Yurub ay ka soo kabteen khasaarihii ka dhashay isbedelkaa weyn ee soo foodsaaray mudadaa yar gudeheeda haddana meelaha qaar waxa uu kaga tegay xannuun iyo dagaallo sokeeye oo ka qarxay Yurub gudaheeda sida kuwii ka dhexdhacay Yuguslaafiya oo markii danbe u qaybsantay dawlado yaryar.Dhinaca kale dunida saddexaad waxa laga dareemay isbeddel aan yarayn. Waxa isla xiligaa ku beegnaa ruxashadii iyo dhiciddii cadceedii qaranka Soomaaliya iyo galbashadii Kacaankii barakaysnaa ee 21ka Octotar! Waxay ahayd dabbaaldeggiisi ugu danbeeyey intii ka danbeysay 1989kii Octobar, dib danbena looma dabaaldegin. Isla sannadkaa uu kacaanku labaatan jirsaday waxa dalka hadheeyey dagaallo sokeeye oo isa soo tarayey, caasimaddii Muqdishona waxa ka jiray bandaw iyo cabsi aan la qiyaasi karin. Dilka dhaca iyo afduubku waxa uu ahaa mid si weyn u baahay. Waxa si tartiib tartiib ah loo sii gelayey god mugdi ah oo aan la saadaalin karin dhererkiisa iyo inta ay qaadan doonto in lagaga baxo. Dhinaca kale jabhado qabiili ah oo aan qorshe kale hayn in taliska la rido mooyee ayaa magaalooyin badan gaala-baxayey, ugu danbeytiina dagaalkii waxa uu soo gaadhay caasimaddii. Dhammaadkii 1990ka waxaa ku soo gebogeboobay dawladdii Soomaaliyeed ee cimrigeedu ahaa 30 sano oo keliya. Illaa maanta oo ay ka soo wareegtay labaatan sano oo kale waxa sahan loogu jiraa sidii loo ebyi lahaa ama loo unki lahaa qaran soomaliyeed. Waa kaaf iyo kala dheeri. Taariikhdu nina uma hiiliso, waataa maanta ninna uu u dabaaldegayo libinteedii nina jiritaankiisu qiir qiir ku jiraa. Abwaankii soomaaliyeedna waa kii lahaa: ‘Taariikhdu dadkay bartaa Haddaba duruusta ugu muhiimsan ee laga baran karaa Derbigii Baarliin waa badan yihiin. Waxa loogu horaysiin karaa saameynta uu fekerku ku yeelan karo is bedelka bani’aadamka iyo in aan wax is hortaagi karaa jirin haddii dadku doono in uu xaaladdiisa nololeed wax ka bedelo. Waxay qoraalada taariikhda iyo saxaafadduba tilmaamaan in si xoog ah loo ilaalin jirey labada dhinac ee gidaarka, haddana markii dadku ku qamaameen ee ay dubbaha iyo mandaraqa ku bilaabeen waa la celin kari waayey, iyana xadhkahay goosteen. Wariye u soo waramayey kanal caalami ah oo sawiradaa ka faaloonayey waxa uu tilmaamay in ay noqotay mid la garan waayo si loo sharraxo markii la arkay dadkii oo u tallaabaya dhinaca galbeedka, askartiina aanay wax xabbad ah ku ridayn. Ra’iisal wasaaraha ingiriiska Gordon Brown oo eray ka yidhi xafladdii dabbaaldegga waxa hadaladiisii ka mid ahaa: ‘ Gidaarkii ka dhignaa xabsiga adag ee aan cidi ka baxsan karayn waxa jebiyey; Qiiro (iimaan) dad ku dhiiraday in ay riyoodaan- ‘himiladooda gaadhaan’ xilli adag oo mugdi ah’. Su’aasha is weydiinta lehi waxay tahay imisa gidaar ayaa kala dhexyaal ummadda Soomaaliyeed ee aan cidi debed kaga soo duulin derbi muuqdana aan lakala dhexdhigin, laakiin ay u dhexayso boqolaal gidaar oo ka dhaadheer kii Baarliin. Waxay u baahantahy maskax in badan soo jeedda oo habeen iyo maalin fekerta (riyoota) sidii ay isbedel ku gaadhi lahayd marka danbena ficil ku dara sida dadka Jarmalka oo kale. Faarax X. Maxamed ------------------ ___________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |