Home Articles Somali Songs About us  

 


Qaad Bi’iye (Gurxan & Bulxan)
W/Q Axmed-Asad, Murtisoor (G & B)
November 29, 2009

Sayladda Burco ee Qaadka
GURXAN:

“Mirqaankaad maqasheen waa
Naf mowtideed la cadaaboo
Mootan oon  is  ogaynoo
Maqsin foorno la moodoo
Marfash baas lagu sheegoo
Daaqaddii  la  malaasoo
Albaabkii  laga moosoo
dhammac miici galooliyo
Maygaag weyn dhuxushiisa
Markaa laysu dul saaray……”

GURXAN:

“Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummaddaasi
Waar malaa ma jiraanba?”

WAA MAXAY MIRQAAN?

“Mirqaan waa naf awoowgeed iyo asuulkeedba la gubay, oo lagu abudhay qol bilaa daaqad ah oo dhamaci ka holcayso. Taas oo lagu cabudhiyay dhawr baakidh oo sigaar ah iyo tennekad  bigays ah. Miriqaanka aad maqasheen waa naftaa sirinsirqaysan, ee markay kob ay ka baxdo weydo indhuhu bannaanka u soo boodaan.” Sidaas waxa ku tiraabay nin reer Soomaali Galbeed ah oo aanan magaciisa hayn.

Rag Qaad cunaya

Haddaba, murtidaas ayaa soo gaadhay Gurxan & Bulxan (G & B) oo sidaad hore ula socoteen ahaa laba nin oo aalaaba figradahoodu isku yihiin “Maan Barrey & Maan Billaal”. Haseyeeshee, doorkan waxay u wada guuxeen murtidan sare ku xusun, waxayna aragtiyo isku dhaw ka muujiyeen dhibaatooyinka Qaadku keeno ee ay ka mid yihiin: Mirqaan Raadis, Dhamac Oogis, Sigaar Fuuqis, Shaah Qalaxsi, Badh go' Qayilaadeed, Dubaab Qaadis, Qaadiraysni, IWM.



GURXAN 1:

Mirqaankaad maqasheen waa
Naf mowtideed la cadaaboo
Mootan oon is ogaynoo
Maqsin foorno la moodoo
Marfash baas lagu sheegoo
Daaqaddii  la  malaasoo
Albaabkii  laga  moosoo
dhamac miicii galooliyo
Maygaag weyn dhuxushiisa
Markaa laysu dul saaray!
Meeshaa laysku bukhuuree
Miciinkii laga dhaarshay
Bay mirqaan  ka dayaane
Maandhe sow lama yaabtid!

BULXAN 1:

Dabkaa naarta la moodo
Marka uu  miir dillaacee
Dhididku meel walba daato
Dhex-mushaaxo jidhkoo dhan
Mijin qaad lagu sheegoo
Oday aan sannad maydhan
Oogadiisa madowga
Uskagga miiddale heerku
Midabaystay korkiisu
Farahiisa  millaalmay
Laga maydhin habeedda
Marduufkuu ku xidhaayo
Maydhaxduu  ku jiqsiiyee
Ku  maroojin  yaqaanno
Markuu boog xoqanaayo
Malaxdii  ka  da’aysay
Caleentuu marinaayay
Bay markaa ragga qaadku
Iyagoon ka mishiiqsan
Misna aan wiswisaynin
Ay sidii wax maraad la
Jilibka ugu mutaanoo
Aan mirqaanno dhahaane
Maandhe sow lama yaabtid!

(GURXAN & BULXAN) Hooris!

Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummaddaasi
Waar malaa ma jiraanba?

GURXAN 2:

Markay baakidh sigaar ah
Malow qiiq ka madow leh
Sambabka meelo daloosha
Kansar-mowdle horseeda
Oon midhkaa dux lahayn
Ay sidii warshad miiggan
Marraaqii la shidaayay
Markab shooladda taagtay
Qiiq mudhaa kaga saari
Aan mirqaanno dhahaan
Maandhe sow lama yaabtid?

BULXAN 2:

Markuu shaaha cabbaayo
Madawgiisa bigeyska
Malihii toban  koomboon
Midna aan laga maydhin
Bullooy sheeko macaanto
Uga miisto maraadkuu
Intuu qoorta maroojo
Marba  gees  is majiiro
Meelaan roobba ka muuqan
Meeshaasaa tus jiraayoo
Mayay baa di’i doonoo
Mirqaankaa illa jiidhee
Bal maleeya yidhaahdo!
Maandhe sow lama yaabtid?

(GURXAN & BULXAN) Hooris!

Mijaynoow minna naar
Magane cawdu billaah
Ma waasheen ummaddaasi
Waar malaa ma jiraanba?

GURXAN 3:

Markuu qaadku dhammaado
Indhaha uu kor  majiiro
Ku madiixo calaacal
Anigoo mijin haystaa
Hebel laan iga maagoo
Anna maanan masuugine
Ku maqiiqay caqaar dhan
Badhgo’ baan ahay maantee
Mar kalaan bixin doonaa
Adeerow wax ma haysaa
Eeddoy maanta I daymi
Uu dul meero shaxaadtan
Orod meesha ka foof tag
Oday seedo maxaadhle
Amaahdii hore meeday
Erey  loogu majiibo
Isagoo il miskiin leh
Ilko huuro madow leh
Af-qashuushni ka muuqdo
Ardaaga meehannaabo
Adba maanad la yaabin?

BULXAN 3:

Markuu seexdo habeenkii
Dubaab waa mushkilee
Bisad dhoollaha miiqan
Baa ku baacin midh jiir ah
Naf malay malab weeyee
Isagood murjin moodoo
U maqiiqan si waallan
Midhicirkiyo ubucdiisu
Meesha ay ku kulmaanbuu
Ka muquuran caloosha!
Daba jiir ma muc weynee
Midigtiisu halleeshay
Mirqin dhuuban ahayde
Miskahaa sabarkooday
Ka ruqdaa mullacdeedu
Madaxa qoortiyo laabtiyo
Mudkii  oo isku yaalloo
Murguxan baa ku go’aaya
Mana qayshan karaayo
Mana qiil kale keennee
Markuu quuqda guraayo
Ummaddii qosol maagto
Quus miyaadan ka joogsan?

SAMATAR: 

Adeer, aniga waad I og tihiin oo sidiina tix ma tiriyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa arrintan labadiinuba waad asiibteen! Waxaadse ilowdeen qaadka dhibkiisu kuma dhammaado badhgo’a  ee wuxuu ku dhammaadaa Qaadirada. Qaad cune qaadiro wuu yaqaannaa, Ilka-caddana looga qisoon maayo!  Waxaanse idin xusuusinayaa, Soomaalidu cadawyo badan bay leedahay. Kuwo waa dabiici oo waa sida abaaraha oo kale, oo iyaga Illaahay baa SWT keena; Laakiin 3 Aafo oo 9 Wax Dhima  keena, dhammaantoodna wax laga qaban karo ayaa Soomaalida dullaystay: Seddexdaa Aafo waxay kala yihiin: B) Colaad , T) Qaad, iyo J) Jahli. Sagaalka wax dhima ee ay keenaanna waa:

  1. Colaaddu; dadka, dalka, iyo duunyadaba way dhintaa!
  2. Qaadku;  maalka, maskaxda, iyo muruqa ayuu dhimaa!
  3. Jahligu;  horumarka, hanuunka-Alle, iyo hal-fahanka ayuu dhimaa !

Haddaba, xalka aafooyinkan sare ku xusani waa sadex heer: Xal Qaran, Xal Qoys, iyo Xal Qof. Colaadda; Dad badan baa huriya, sidaa darteed, qaranka ayaa daminteeda looga fadhiyaa! Qaadku; Waa abaarta 2aad ee qarnigan, sidaa darteed,xalkiisa qofka cuna ayaa looga fadhiyaa! Jahliga; “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”, sidaa awgeed, qoyskaa in ay carruurtu waxbarasho u hesho looga fadhiyaa!

La Soco Dooddaha Dambe ee Gurxan & Bulxan (GB),  iyo Ereyga Samatar!

Axmed-Asad, Murtisoor (G & B)
E-mail: Ahmedy98@yahoo.com
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com