|
![]() |
|||||
OdhaahdaTifaftirka: Waxaa waayadan dambe isa soo taraya dayaca la soo dersay qorista Af Soomaaliga. Taas oo sababtay in uu qof kasta u qoro af Soomaaliga sida ay la tahay, iyadoon loo aabo yeelin higgaada erayada. Haddaba Liibaan Axmed ayaa inala wadaagaya saamaynta xarfaha labalaabma ay ku leeyihiin af Soomaaliga iyo sidii loo dhawri lahaa. Waa maqaal si wacan u iftiiminaya shibbaneyaasha labalaabma. Qoraalkani waxa uu horey ugu soo baxay WardheerNews sanadkii 2006. Sida Soomaalida dhib ballaaran uga soo gaaray dagaalka sokeeye iyo wada-burburka ayaa afka Soomaaliguna dayac la taahayaa. Waxaan maqli jirey dadka oo yiraahda ”xoolo iyo ninkii lahaa way is raaceen.” Haddii aan maahmaahdaa murtideeda ka shidaal qaato waxaan oran karaa : “ af iyo dadka leh way is raacaan.” Inkastoo aan waxbarashadii dugsiga hoose iyo tii sareba ku soo qaatay afka hooyo, haddana marka la I weydiiyo, weydiin ku saabsan sida af Soomaaliga wax loogu qoro, waxaan moodi jirey in weydiintaa tahay mid silloon. Waayo? Waxaan aamminsanaa in aan af Soomaaliga ku hadlo, sidii aan doonana wax ugu qoro! Ma fogeyn markii aan ogaaday in aan u baahanahay horumarinta xirfaddayda qoraal ee af Soomaaliga. Fiiro uma yeelan jirin ereyada leh shibbaneyaal laba-laabma. Shibbaneyaasha laba-laabma ee af Soomaaliga waxa lagu soo ururiyey weydiintan: Ma nala garaadbaa? Ku baraarugga shibaneyaasha laba-laabma waxa ka dambeeyey maqaallo af Soomaali ku qoran oo aan aqriyey; maqaalladaas waxa qoray qoreyaal Soomaaliyeed oo hannaankooda qoraal kala duwan yahay. Waxaan ogaaday in dhawris la’aanta xeerka shibbaneyaasha laba-laabma uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesho micnaha wax ku qorista af Soomaaliga. Miyay habboon tahay in dabacsanaan higgaadeed la muujiyo marka la qorayo erey shibbane laba-laabma uu ku jiro? Weydiintan way ku soo noqnoqotaa maankeyga. Way jiraan ereyo Soomaalida siyaabo kala duwan ugu dhawaaqaan hase ahaatee aan saameyn ku yeelan dhawaaqa culus ee muujinya in shibbane laba-laabma uu ereyga ku jiro. Tusaale: ereyga deg waxa Soomaali badan ugu dhawaaqaan una qoraan dag. Ismaandhaaf ayaa dhasha haddii qof loo sheego in sida uu erey ugu dhawaaqay aanay ahayn sida saxa ah. Ismaandhaafkaa ma hakiyo oo keliya horumarinta afka Soomaaliga, ee wuxuu abuuraa dareen ah in Soomaalida qaarkeed isa siiyaan lahaanshaha afka Soomaaliga. Ogaanshaha ilaha uu ka dhasho ismaandhaafka afeed ayaa saldhig u noqon kara ka doodista sida loo higgaadiyo ereyada af Soomaaliga. Tusaale: ma waxaad qori Ma adka in la isku raaco higgaadinta ereyada af Soomaaliga ee aan laga soo ammaahan afafka qalaad. Isku raacistaa waxay noqon kartaa “si uun ha loo wada higgaadiyo ama ha la ogolaado in qoloba si u higgaadiso haddii qormadu yeelanayn micno kale ama micneyaal badan.” Ereyada qaarkood ee leh shibbaneyaal laba-laabma waxay saameeyaan micnaha weedha haddii aan si hagaagsan loo higgaadin. Waxaan aqriyey iidheh ku saabsan shirkad abaabulsha socdaalka. “Ma Dagan tahay… magaalooyinkan?” baa iidhehda loo qoray. Meel ka hooseysa weydiinta waxaa lagu taxay magacyada magaalooyinka shirkaddaasi adeegyada socdaal ka fuliso. Waxaan markiiba u qaatay in la I weydiiyey inaan daganahay! Waxaan xusuustay mahmaahdii daayeerkii Yackoo.” Mar i dage Allaha dago,haddii mar kale la i dago anigaa is dagay.” Ka tegista laga tagay shibbanaha laba-laabma ee G ayaa mcnihii saameeyey Su'aashu waxay ahayd “ Ma daggan/ deggan tahay magaalooyinkan?” Mar aan fogeyn waxaan aqriyey buug ku saabsan taariikhda Soomaalida. Qoraha buugga oo ka sheekaynaya xiriirkii qotada dheeraa ee ka dhaxeeyey dalkii la oran jirey Dhulkii Udgoonaa iyo Faraaciintii Masar wuxuu qoray: “Waxay boqoradu u dirtay Soomaaliya wafti watey shan doonyood….” Ereyega ‘boqaradu’ wuxuu ku saabsanyahay boqoraddii Xatsebshuut ee la sheegay inay booqasho ku timid dhulka Soomaaliyeed waagii loo yiqiin Land of Punt. Shibbanaha laba laabma ee ka maqan ereyga Boqoradu ,-- waa siduu qorahaa buugga aan xiganayo uu u qoray e – ayaa beddelay micnihii iyo majarihii naxwaha. Boqoradu waa dhawr boqor ( kings) haddii lagu daro shibbanaha laba-laabma ee " r ". Haddii ay iyagu yihiin kuwa diray shanta doonyood waxay weedhaa u qormi lahayd “boqorradu waxay u direen Soomaaliya… “ Qofka ku ad-adag (purist) si wanaagsan u higgaadinta afka Soomaaliga waxa markiiba buuggaa uga muuqan ilduuf tafaftireed. Adeegsiga ereyada qaarkood waxa fudeeya aqoon dhaqameed. Ereyeda leh shibbaneyaasha laba laabma ee inta badan lagu tunto waxa ka mid ah: dawladda, gaashaandhigga, arrimaha iyo kuwo kale oo badan. Waxa jira ereyo naxwe ahaan fal ah oo laba-laabma mararka qaarkood. Kuwani waa ereyada inta badan keena qalad xagga naxwaha ah. U fiirso weedhan ka mid ka ahayd sheeko lagu soo qoray hoy Internetka ku yaal ( website ). “ Dilka Soomaalida loo geysanayo ayaad yara moodaa sanadkan labadakun iyo lixda in u carcar tiisa wato.” Sida loo higgaadiyey ereyga mooddaa oo aan sax aheyn ayaa saameyey naxwaha. “Waxan moodayaa mirihii jannada iyaduna ma oga!” ayuu fannaankii Cabdi Baadil yiri. Haddii qof yiraahdo “waxaad moodaa,” way kuu muuqan in shibbanaha "d" ee laba-laabma oo maqan dartii ay weedhu aad u maqlayso sidan: ” waxaad moodaa”. Shaki baa ka geli kara in qofka weedhaa yiri uu af Soomaaliga yaqaan iyo in kale. Dhegeheennu uma dulqaataan qaladka ku dhawaaqista erey. Dareenka noocaas ah ma abuurmo marka erey si aan sax aheyn loo higgaadsho. Ereyada aan ka soo ammaahannay afafka qalaad ee marka lagu dhawaaqo ay muuqato in shibbaneyaal ka mid ah ereyadaas la adkeeyey ama la shedey, marnaba dabacsanaan lagama muujin karo haddii laba-laabista aaney keeneyn in ereygaa dhawaaqiisa uu bedello micnaha weedha ama u ekaado erey af Soomaali ah ee jira. Waxaa ereyadaa ka mid ah ummad oo afka Carabiga aan ka soo ammaahannay. Waxa kale oo jira ereyo ammaaheed xagga dambe ka laba-laabma: Way wanaagsan tahay in qoreyaasha, abwaannada, aqrsitaayaasha iyo dhegeystaasha xil iska saaraan fidinta, si wanaagsan wax ugu qorista af Soomaaliga si jiilasha dambe aanay u noqon kuwo nagu xusuusta ku tumashada afka Soomaaliga oo far lagu qoro loo dooray sanadkii 1972kii. Liban Ahmad ______________________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |