Afartan Sano Ka Dib Kacaankii Oktoobar
WQ. Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)
October. 21 , 2009
|
Ma jirin diyaargarow iyo abaabul loo sameeyay. Wax dabaaldeg iyo damaashaad ahi kama dhicin maanta sidii caadada ahaan jirtay fagaarihii 21ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho iyo gobolada kale midna.
Uraradii bulshada, ardaydii, ciiddamadii qalabka siday iyo dadweynihii tirada badnaa ee u soo daawasho tagi jiray maanta oo kale fagaarayaasha lagu xusi jiray kacaanka midkoodna lama arag.
Madax iyo marti sharaf kale oo dunida ka timid si ay shacabka Soomaaliyeed ula qaybsadaan xuska maalintan iyana maynaan maqal.
Sidoo kale ma jirin wax mashaariic horumarineed ah oo la hirgeliayay, laguna beegay furitaankooda xuska afartan guurada kacaanka.
Heesihii ammaanta kacaanka lagama maqlayo idaacacadaha. Sidoo kale Cawke, Axmed Siciid Cige, Haydara iyo Daanduray midkoodna lama maqal codkooda. Kuwaas oo ahaa weriyeyaashii la socodsiin jiray dadweynaha aan nasiibka u helin damaashaadkii ka dhici jiray fagaaraha 21k1 Oktoobar maanta oo kale.
Dadka badankoodu maba dareesana in ay maanta tahay afartan guuradii kacaankii 21kii Oktoobar.
Wadanku waa burbursanayahay. Ma jirto dawlad awood leh oo hanata ammaanka iyo kala dambeynta. Shacabka badankiisu waa tabaalaysanyahay. Dagaal, gaajo iyo cudurro ayaa isu biirsaday. Ruux walba tiisii ayaa cuslaysay.
Soomaaliya waxay noqotay meel aanay macno ku fadhiyin nolosha qofka bani’aadamka ahi. Waa cadaab. Cadaab adduunyo. Qofkii ka carari karayay waa hore ayuu iskaga tagay. Bad iyo berriba waa loo kala qaxay.
 |
Qaxa iyo qaxootnimadu waa rajada keliya ee ay hadda haystaan shacabka Soomaaliyeed, si ay uga nabad galaan masiibada dabada dheeraatay ee ka taagan dalkooda.
Waxay noqotay meel aanu dagaalku ka dhammaan. Markii marxalad laga gudbo ee la is yidhaa hadday wax hagaagayaan, waxaa la gayaa mid tii hore ka sii daran.
Hadda waxaa lagu jiraa Jihaad. Waxa isku jihaadayaa waa muslimiin; Waa Soomaali. Waa dad wadaaddo sheeganaya oo cumaamado madaxa ugu duubanyihiin. Cid kasta oo ka aragti duwan waxay u arkaan Gaal. Xalka keliya ee ay hayaan waa dil iyo dagaal joogto ah.
Waxaa la aaminsan yahay xaaladda hadda lagu jiraa in ay ka khatarsan tahay wixii dhib iyo dagaal hore loo soo maray.
Haddaba yaa eedda iska leh oo loo aanayn karaa dhibka iyo dawlad la’aanta dabada dheeraatay ee loo maara la’yahay?
Waxaan jeclaystay in aan akhristayaasha WardheerNews halkan ugu soo gudbiyo maqaal aan ugu magac daray Qaran Dumis oo aan kaga hadlay arrinta kor ku xusan. Maqaalakan waxa aan lix sanno ka hor ku soo bandhigay Mareegaha Soomaalida qaarkood.
Haddaba maqaalkii oo aan waxoogaa dib u habayeeyay hoos kaga bogo.
Qaran Dumis
Waxaa laga yaabaa dad badani marka ay maqlaan ereyada "Qaran Dumis" in ay soo xusuustaan xukuumaddii kacaanka ee uu hoggaamin jiray Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Waxay ahayd sifo ay ku timaami jireen cid kasta oo ku margata ama dhabqisa heesihii ammaanta kacaanka iyo hogaamiyihiisa.
 |
Qofkasta oo looga shakiyo inuu ka soo horjeeddo kacaankii barakaysnaa iyo mabaadiidiisa, ayaa bilawgii waxaa lagu yeedhi jiray "Kacaan Diid". Hase yeeshee arrintani markii dambe waxay isu rogtay Qaran Dumis, sababo aan gadaal ka arki doono dartood.
Shacabka Soomaaliyeed waxay ku soo dhaweeyeen niyad sami iyo caleemo qoyan, ka dib markii ay ciidamada qalabka sidaa, kula wareegeen maamulka dalka, af ganbi aanu dhiig ku daadan.
Dadka Soomaaliyeed oo aan ku qanacsanayn sidii ay xukuumadihii rayidka ahaa wax u wadeen xilligaas, ayaynu sabab uga dhigi karnaa sida ay u soo dhaweeyeen isbedelkaas ciidamadu horseedka ka ahaayeen.
Dadaalkii naf hurnimo ee shacabka Soomaaliyeed iyo abaabulkii kacaanka, ayaa sababy in sannado yar gudahood ay dadka Soomaaliyeed wax badan qabsadaan. Wax qabadkaas ummaddeed darteed ayaa hogaamiyihii kacaaanku is mahadiyay isuna arkay in uu isagu sabab u yahay horumarkaas.
Waxaa la bilaabay buunbuuninta iyo weynaynta shaqsiyaddisa, xukunkii iyo awooddii oo dhammina waxay ku soo ururtay gacantiisa. Waxa dhidibada mutay xukun keli talis ah.
Keli talis (Dictatorship) waa nidaam ay awoodda oo dhammi gacanta ugu jirto hal qof ama koox yar. Awooddaas oo aanay jirin qawaaniin iyo hay'ado xakameeya midna. Keligii taliyaha ayaa sidiisaba waxaa ku hareeraysan xayn dad ah oo ku magacaaban xilal qaran, hase yeeshee talada inta ay ku leeyihiin ay aad u yar tahay.
Waa shakhsiyaad aad ugu dhaga nugul awaamiirta keligii taliyaha. Qofkii ka horyimaadda ama laga shakiyo haddii aanu lafihiisa la cararin qoorta ayaa loo dheereeyaa ama xabsiguu ku abaadaa.
Kooxdan nacamlayaasha ah ee xilalka macag u yaalka ah hayaa waa kuwo had iyo jeer marin habaabiya keligii taliyaha. Si dhab ah ugama warbixiyaan xaaladda wadanka, dhibaato kasta oo jirtana waxay uga dhigaan wax aan macno lahayn. Waxa ay had iyo jeer u sheegaan dhagaha keligii taliyuhu waxa ay jecelyihiin in ay maqlaan.
 |
Keligii taliyuhu marka danbe wuxuu gaaraa heer uu ku dhex milmo qaranka, oo la kala saari waayo qaranka iyo isaga. Dalka iyo dadkuba waxay noqdaan hanti uu iska leeyahay. Wuxuu isku arkaa qofka keliya ee daryeelka qaranka dan ka leh. Waxaa adkaata in uu qofnaba ku aamino xil qaran, maadaama uu dadka kale oo dhan ka aamin baxo oo u maleeyo inay wax qaribayaan, isaga keligiina yahay ka wax hagaajinaya. Ugu dambayntana wuxuu aaminaa in isaga cid aan ahayni u talin karin ummaddan.
Haddaba marka aad fiirisid sifooyinkaas kooban ee keligii taliyaha, wax lala yaabo ma'aha in marar badan Maxamed Siyaad Barre laga soo sheego isagoo leh haddii aan meeshan ka tago bal yaa loo dhiibaa oo qarankan lagu aamini karaa hogaankiis?!
Markii xukunkii keli taliska ahaa dhidibada mutay ee qarankii iyo kacaankii isku milmeen ayaa kacaan diidkii waxaa loo ragay qaran dumis.
Haddaba ummadda oo dhammi umaanay dhaga nuglayn hogaamiyaha kacaanka ee maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii badanayay dadka ka soo horjeeda.
Maadaama ay adkayd in mucaarad abaabulan laga hirgeliyo wadanka gudihiisa ayaa inta badan kooxaha mucaaradku waxay ahaayeen kuwo lagaga dhawaaqo wadanka dibaddisa.
Mucaaradkaas siiba kuwa hubaysan inkastoo ay ka sinnaayeen macagyadooda oo ka bilaabma xarafka "S" hadana koox waliba waxay matalaysay qabiil gaara.
Adeegsiga qabyaaladdu waxay ka mid ahayd waxyaalihii ay kooxahaas mucaaradka ahi ku eedayn jireen taliskii Siyaad Barre, waxaana la yaab lahaa in kooxahaasi laftoodu ay adeegsadaan qabiilkii ay ka dhiidhiyeen si ay qaranimada u badbaadshaan.
Waxay ku guul darraysteen bilawgiiba in ay awooddooda iyo ujeedooyinkooda mideeyaan si ay ummadda uga dul qaadaan xukunka caddalad darrada ku dhisan. Waxaa marar badan dadka siyaasadda Soomaalida ka faaloodaa xusi jireen in cimri dhererka taliska ay sabab u tahay kala qaybsanaanta mucaaradku.
Qabiilka ay u kala safnaayeen mucaaradku ka sakow waxay wateen ajedayaal siyaasadeed oo kala geddisan iyagoo isla markaana shaki iyo aamindarro kala qabay.
Taageerada iyo saldhigyada ay siisay dawladda Itoobiya oo caddaawad taariikhi ahi ka dhexaysay shacabka Soomaaliyeed ayaa dad badan mad madaw ka gelisay xaqnimada halganka hubaysan ee kooxahaasi.
Waxaa xoogeystay dagaaladii sokeeya iyo weerarada ay mucaaridka hubaysani ku soo qaadayeen wadanka. Dagaaladaasi oo ka bilawday gobolada dhexe markii danbana ku fiday waddanka oo ay wadeen mucaarad kala gedisani ayaa dawladdu uga jawaabtay si naxariis darro ah oo ka baxsan bani aadanimada. Waynu ka dharagsanahay wixii ka dhacay gobolada dhexe iyo sidii waxashnimada ahayd ee loola dhaqmay gobolada waqooyiga.
Dhanka kale xaaladda dhaqaale siyaaso, bulsho iyo nabad gelyo ee wadanku waxay ahayd mid marba marka ka dambaysa ka sii daraysa.
Musuqmaasuqa, eexda, qaraabakiilka iyo caddaadiska shacaka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay. Qaranimada iyo dawladnimada Soomaalida ayay soo food saartay xaalad halis ah oo aan waligeed horey loo arag.
Inkastoo qaranka Soomaaliyeed ku taagnaa dhabaha burburka, haddana way adkayd cid malaysanaysay in xaaladdu ku dambayn doonto sida ay maanta tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku dhex lumeen talis naxariis darran oo eex iyo musuqmaasuq ku dhisan iyo mucaarid aragti iyo dareen qarimo ka madhan.
Dhammaadkii 1990kii ayaa xabbaddii ka qaraxday caasimaddu, dagaal toddobaadyo socday ka dib kacdoon qabali ahi dhaliyay wax loo malaynayay dhammaadkii maamulkii keli taliska ahaa ee Maxamed Siyaad, ase noqday bilawgii qaran burburka iyo dawlad la'aanta Soomaaliyeed.
Haddaba innagoo ka dheregsan xaaladda dawlad la'aanta iyo wixii wadanka ka dhacay muddadaas ayaa waxaan ku tilmaami karaa waqtigii ugu adkaa ee Soomaalidu soo marto inta la xusuusan yahay.
Maanta way adag tahay in jawaab lagu qanco loo helo su'aasha ah yaa dumiyay Qarankii Soomaaliyeed ?
 |
Waxaan shaki lahayn in jawaabta su'aashan ay kooxiba meel ku taarto.
Kacaanka iyo kaadiriintiisu waxay markiiba la soo boodaan kuwii ka soo hor jeeday ee ay qaran dumiska ugu yeeri jireen inay arrintan u sabab ahaayeen.
Kuwa kale waxay eedda ku soo koobaan ururka USC oo isagu ahaa kii qabasaday caasimadda maadaama ay ku guul darraysteen inay isu keenaan shacabka Soomaaliyeed si dhidibada loogu taago dawlad qaran oo bedesha tii ay dumiyeen.
Dad baa iyana qaba in Maxamed Siyaad iyo rajiimkiisii ay maleegeen shirqool ahaa in ayna cidi uga dambayn xukun Soomaaliyeed.
Waxaa iyana jira dad badan oo farta ku fiiqa wadamada reer galbeedka iyo Yuhuudda oo qaba inay ka shaqeeyeen burburka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay idaacadd BBC-da laanteeda af Soomaaliga iyo maandooriyaha qaadka wax ka saaraan arrintan.
Koox kale waxay qabaan in geel jiruhu u sabab ahaa burburka dawlanimada Soomaaliya. Kacaankii, mucaaradkii iyo guud ahaanba Soomaalida oo dhan ayaa waxay u arkaan inay yihiin geel jirayaal. Waxay qabaan dhaqanka reer guuraanimada iyo nidaamka dawladnimo in ay yihiin kuwo aan is qaban karin oo iska hor imanaya waayo dawlad maamulkeed (maandeeq) iyo geel dhaqiddii waa laba shay oo aad u kala duwan.
Waxaa iyana jira kuwo ku tilmaama dhibaatada Soomaaliya ku habsatay in ay ka timid cadho Alle. Kuwaas oo dulliga ay Soomaalidu faraheeda ku kasbatay u saara xagga Eebbe.
Si kasta arrinku ha ahaadee waxaan shaki lahayn in Soomaali oo dhammi ay ka qayb qaadatay burburkii qaranka, ha la kala badsadee, dhammaantoodna ay yihiin qaran dumis, maantana aan weli diyaar loo ahayn dib u dhiskiisa.
In ku dhaw labaatan sano oo dawlad la'aana iyo dhawr iyo toban shir oo dib u heshiisiineed oo lagu guul darraystay ka dib ayaa hadda awooddii dalku waxay u gacan gashay kooxo sheegta in ay Islaamiyiin yihiin oo iyaga laftooda loollan adagi ka dhex aloosan yahay.
Waa Kooxo wata ajandayaal siyaasadeed oo iska soo horjeedda. Waa kuwo wax aan dil iyo burbur ahayn u hayn Soomaalida. Kuwa badan waxay adduunyada kaga suntan yihiin waxa loogu yeedho argagixisada, Soomaaliyana waxay hadda hoy u noqotay dadkaas dambiilayaasha ah.
Ma aaminsana qaddiyad iyo qaran Soomaaliyeed midna. Meel walba waxay ka taagteen calan madaw oo ay iyagu leeyihiin, waxaanay dhibootooyin badan ku hayaan shacabka ku dhaqan goobaha ay ka taliyaan.
Waxay halaagaan ubad yar yar oo ay u adeegsadaan dagaalada iyo falalka ismiidaaminta ah ee ay ku caan baxeen. Dhibaatadoodu kuma koobna dadka ku sugan meelaha ay ka taliyaan, balse waxay hadda gaadhay meel kasta oo Soomaali ku nooshahay, oo ay ku jiraan wadamada reer galbeedka ee ay u qaxeen.
Waxay sababeen in qofka Soomaaliga ahi maanta noqdo mid il gaara la isaga eego.
Inkastoo dawladdii kacaanka sagaal iyo tobon sano ka hor xiddidada loo siibay, Maxamed Siyaadna in ka badan 14 sano uu mootan yahay, haddana weli kama dhalan Soomaaliya wax dawlad lagu sheegi karo oo kacaankii bedela.
Haddaba wax la yaab leh ma aha in taliskii diktaatooriga ahaa oo wixii uu baday ummadda aynu la socono in dad badani u boholyoobaan xilligan. Sidoo kale la yaab ma leh in aan aragno dad xaflado iyo xusas u sameynaya maalinta 21 ka Oktoobar, wixii kacaanka ka soo horjeedayna u arka qaran dumis, saa wax kacaankii dhaamma lama hayee.
Ismaaciil A. Xasan (Khaliil)
WardheerNews, London
E-Mail:Khalillha484@hotmail.com
_________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 WardheerNews.com
|