Home Articles Somali Songs About us  

Afkaarta Hooseeya iyo Saameynta Dhaqaale
W/Q Maxamed Muxumed
Sept 02 , 2009

Waxaan jecleystay sida habsamida iyo xiisaha leh ee uu fikraddiisa u qoray Maxamed Heebaan iyo labadii qoraal ee fikrad dhaliska ahaa ee iyaguna aan ka dhacayn ee "Fulayada Fikirka" ee Ibraahin Yuusuf Axmed iyo "Wadaad Fekeraya" oo uu qoray Cabdullaahi M. Adam.

Aniguna waxaan rabaa inaan waxoogaa ku darsado oo aan fikraddayda u dhiibo si kooban. In kasta oo aan si toos meesha loogu soo qaadin anigu waxaan aamminsaanahy in "saameynta dhaqaaluhu" ka muhiimsan yahay ka dhaqanka. Taasi waxay ka dhigan tahay saameynta dhaqaalaha ayaa ka xoog badan midka ka-yimaad dhinaca dhaqanka iyo waxyaabaha aan la taaban karin ee sabjagtiifka ah. Dhaqaalaha adduunku wuu is haystaa oo markaa si kasta oo aad u sameysato dawlado gaar ah, oo aad ugu dadaasho dhaqanka illaa wa illaa waxa ka xoog badan dhaqaalaha reer Galbeedku gacanta ay ku haystaan ee dan-yarta adduunyada aan cadaaladda u lahayn. Marka xornimada ay dowladahaasi leeyihiin weyba iska kooban yihiin. Laakiin afkaartu hadday sarreyso oo ay yeelato udub dhexaad wax weyn ayay ka qaban kartaa horumarinta dheeli-tirka dhaqaalaha.

Haddaba waxa kaliya ee wax looga qaban karaa inay adduunyada dulmani meel ka soo wa jeedsadaan oo ay ku biiraan kuwa ka shaqeeya danaha guud ee dadka daneeya meel kasta oo la joogo. Dadkan waxa ka mid noqon kara  dowladaha, hay'adaha, ururrada diiniga ah iyo kuwa aan ahaynba, iyo kuwa la midka ah ee ka taliya horumarka, caafimaadka, bi'aadka (deegaaanka) oo loo tudho, gaajada iyo cudurka la dagaallanka, iyo waxyaabo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Anigu xitaa tusaale waxaan uga dhigi karaa ninkii maalintii dhaweyd geeriyooday ee Edwaard Kenedi oo xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ka tirsanaa ee olalaha ugu jiray wax ka badan 40 sano sidii qofka kasta oo Mareykanka ku nool loo siin lahaa sharafta dadnimo oo qofka xaq ugu leeyahay in u caymis caafimaad u helo. Dowladaha, ururada iyo shaqsiyaad diinta ka soo jeedaana waa inay cid kasta xuquuqdooda u halgamaan.

Marka la eegana waxyaabaha sabjagtiifka ah ee afkaartu ka midka yihiin, waxaad odhan kartaa waxay u qaybsamaan labo nooc oo kala ah mid hagoogsan danaha guud ee aadamaha iyo mid ka takhasuseysa dano gaar ahaaneed. Si kale haddaan u macneeyo afkaaraha guud ayaa midho dhalkoodu ka badan yihiin afkaaraha gaarka ah oo badiyaa ayna ka maqnayn danaha gaarka ee dhaqaale ka raadiska ah. Haddii afkaaraha Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan ay ku bilaabi lahaayeen fikrado guud oo u hiilinaya qofka xuquuqdiisa dhaqaale iyo dhaqanba, maanta marxaladdan xun Soomaali kuma ayana sugnaateen. 

Waxaan xasuustaa maalin aan TV-ga ka daawanayey 80 yihii qolyaha Waqooyiga Ayrland ee Burotestaantiga (protestant) ah, oo magaalada Beelfaas ee gobolka Ulster, ay iyaga oo calanno wata gudaha u soo gali jireen sannad kasta xaafadaha Kaatoligga si ay u daandaansadaan. Markaa waxa la wareystey ninka calanka ugu weyn sitay ee mudaaharaadka hor socday. Qofki wareysanaayay ayaa ninkii su'aalo dhowr ah weydiiyay, markaa waxa u sheegay ninkii wariyaha ahaa oo ninkii ku yidhi " waxan oo calan ah halkeed keenteen?" Markaasu yidhi "warshad aan leeyahay ayaa lagu sameeyaa".

Markaa haddaba afkaartu haddayna dadka aadamaha wanaagooda ka dhaxayn had iyo jeer waxa ku dhex jira dano gaar ah oo shaqsiyeed ama dabaqadeed ah. Magaalada Tehraan maanta waxay u qaybsan tahay dadka guudka sare iyo dadka guudka hoose ku nool, oo dadka xukuumaadda haystaa caaruurtoodu dibadaha ayey wax ka bartaan oo wadaaddadu qaarkood dibadaha ayey lacaghooda dhigtaan.

Cabudhista xuquuqaha qofka shaqsigu u leeyahayna waa kuwa lid ku noqon doona afkaarahaa gaar laftooda marka wakhtiga dheer la eego. Waxyaabaha Dawladdii Soofiyeetiga waxa kala daaddiye waxa ka mid ah cabudhitaas xuquuqaha dadka, kala joojinta dadka kala socda iyo ku daneysiga xafiisyada .

Dhinaca kale, haddii ayna fikradahaasi raacin sawirkaas guud waxay ka dhigan tahay waxay u  taageereysaa, si aan toos ahayn, kuwa ay sheeganayaan inay inay ka soo horjeedaan. Dadka danaha gaarka ku haysta Reer Galbeedkuna dhaqdhaqaayada noocaas ah weyba jecel yihiin, oo looma midoobayo.

Waxa kale oon jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo arrinta ereyada aan ka soo ergisano Carabiga. Bulshooyinka adduunku waligood aqoonta iyo dhaqanka way isku dhaafin jiray.  Bulshooyinku  siday isaga xoog badan yihiin ayey wax kasta iskugu magacaaban inay iyagu keeneen taariikh ahaan. Culuuntana cidina iskama leh, sababta oo ah cid kasta ayaa wax ku biirsatay markaad eegto sooyaalka taariikhda. Yeye ahaayeen dadkii markii ugu horreysay beer wotay? Shaagga isticmaalay iwm?

Markaa ayaa yaqaan inay markii hore ereyga ‘fikir’ u ka yimid luqadaha Afrika. Markaa anigu waxaan aamminsanahy erey kasta oo afka ku macaanaada oo dadku badiyaa isticmaalaan, ha noqdo, Carabi, Ingiriisi, Talyaani, Sawaxilihi, Amhaarik, Oromo, Faransiis ama luqad kaleba wuxuu  wax iska leh Soomaali. Haddii mid u dhigma oo Soomaali ah la helo ereygaas tosaaraska (thesaurus) ha ugu horreeyo. Ereyada oo qudha ma ahee xataa afkaartuna wey ku jirtaa sida u ‘Fulayada Fikirka’ uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed.

Hadal iyo dhammaan, maanta la joogo waxay inoo sheegaan in dhaqan lagu dagaallamayo. Laakiin runtu wey ka fogtahay taas. Xaqiiqdu waa sidii gaajada iyo cudurka, dagaallada iyo dhibaatada looga bixi lahaa oo loo heli lahaa nolol qofka bani aadmaka u qalanta. Afkaartan waxa ugu waxtar badan kuwa dadka inta ugu badan danahooda ka shaqeeya.

Maxamed Muxumed
Email: Jananka111@yahoo.com

__________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com