Home Articles Somali Songs About us  

 


Dood Qaran: Diinta iyo Dawladnimada
W.Q.  C/raxmaan C/shakuur Warsame
Sept. 29 , 2009

Ummad kasta waxaa sal u ah horumarkeeda isbedel joogta ah oo bulshadeeda ku dhaca, kaasoo saamayn ku yeesha sida ay bulshadaasi nolasha u aragto, habdhaqankeeda bulsho, qiyamkeed, siyaasaddeed iyo habkeedda dhaqan dhaqaale.  Isbedelku iskama yimaado ilaa ay si go'an oo dareen hufan  leh indheergaradkeeda iyo hogaanka bulshadu u  dareemaan baahidiisa, islmarkaana hay'adaha sida tooska ah bulashada raadeeya ay ka hawlgalaan arrinkan. Hay'adahaas waxaa ka mid ah, Qoyska,  Dudsiga, Masjidka, Warbaahinta iyo kuwii la halmaala. Waxaa lama huraan ah in ay taa barbar socoto dood qaran oo si joogta ah u furan.

Dad badan ayaa aaminsan in doodo badan oo muhiim ah ay Soomaalida seegeen, kuwaasoo xiriir wayn la lahaa aayaheeda dawladdeed iyo jiritaankeeda qaranimo. Tusaale ahaan Soomaalidu intii ay Miyiga ama Baadiyaha  ku nooleyd oo ayan magaalooyinka u soo guurin waxaa jiray habdhaqan bulsho oo uu qabiilku sal u yahay. Qabiilku wuxuu ahaa unugga Bulsho ee salka u ah qaabdhismeedka bulshada baadiyaha, dhiigga iyo wadadhalashaduna waxay ahaayeen xariga  bulshada xiriirinayey , taa ayaana lagu salayn jiray dhammaan xeerarka nolasha.

Qabiilku maadaama uu ahaa udubdhexaadka qaabdhismeedka bulshada reer miyiga, ma ahayn wax ceeb ah in la isku hayb soocdo ama la isku hayb warsado, lagu xeertamo  laguna xuduntamo. Dhibse wuxuu ka yimid markii magaalo la yimid oo la doonay  in dawlad casri ah la dhisto. Dawlad Casri ah qaabdhismeedka waxaa unug u ah bulsho madani ah, xariga bulshada xiriirinayana waa xirfad iyo dan. Muhiim maaha in dadka dawlad casri ah dhisanaya ay ishayb garanayaan ama isku dhiig yihiin ee waxaa muhiim ah in ay isku xirfad, dan iyo deegaan yihiin.

Haddaba, waxaan wada ogsoonahay in aan haba yaraatee wax dood ah laga furin waagii xornimada loo dirirayey iyo markii la qaatayba sidii looga soo dhalaali lahaa shuruudaha dawlad casri ah, taasoo ah sidii looga guuri lahaa qaabdhismeedkeedii  bulsho ee baadiyaha ee qabiilka unug dhismeedkeeda bulshou  ahaa oo loogu guuri lahaa bulsho qaabdhismeedku madani yahay.

Dooddaas markii ay ina seegtay waxay dhashay bulsho beled iyo magaalo degan laakiin weli qaabdhismeedkeedu kii baadiye yahay. Marna si cilmiyaysan looma hawgelin hay'adaha raadeeya, kobciyana wacyiga iyo fikirka nolasha ee bulshadda,  si ay uga qayb qaataan isbedelka lagama maarmaanka u ahaa bulshadda. Qoyska, Dugsiga, Masjidka, Warbaahinta, jaamacadaha, xarumaha cilmibaarista haddiiba ay jireen ma ahayn kuwo ku wahajan in ay  bulshada gaarsiiyaan sidii ay u gudn lahayd shuruudaha iyo arkaanta ay dawlad  casri ah u baahantahay, taasna waxaa ugu wacnaa in hogaanka dalku uu isaguba aanu hiraalka caynkaa ah lahayn.

Dooda Diinta

Iyadoo dooddaa aan weli laga soo bixin, ayaa waxaa soo baxay dood kale oo ah in diinta bal halagu dayo in lagu xaliyo  mushkiladda Soomaalidda.

Maxuma oo diintu waa cunsurka keli ah ee isku hayn kara bulsho qabiil  habdhaqankeedu yahay, laakiin waxay su'aashu ka taagantahay ma aha Diinta ee waa dadka doonaya  inay metelaan.
Sida la wada ogsoonyahay Diintu waa  naska oo ah Kitaabka iyo Sunadda Nabiga. Waxaa iyana jira culimada oo hawshoodu tahay in ay diinta fasiraan, nusuusta diintana ay waaqaca usoo dejiyaan. Waa sedex geesood aan kala maarmin, Naskii, Culimadii iyo Waaqica.

Culimadu si ay sahal ugu noqoto gudashadda waajibka laga doonayo waa inuu xeeldheere ku yahay diinta iyo culuumteeda, islamarkaana uu fahamsanyahay waaqica la doonayo in diinta loo dejiyo. Culuumta dinta waa aaladda lagu fahmo naska diiniga ah sida Fiqiga, Usuul Fiqiga, Cilmiga Quraanka iyo Cilmiga Xadiiska, Luqadda laamaheeda kala duwan , sida Naxwaha, Sarfiga, Balaaqadda, Curuudka iwm. In aad diinta iyo culuumteed aqoon u leedahay ma ah mid kaafi ah oo ruuxa ku filan ee waxaa iyana laga maarmaan ah in aad aqoon iyo macrifo fiican u leedahay waaqaca la doonayo in naska loo dejiyo. Waaqucu wuxuu isna leeyahay cilmi laga maarmaan u ah in la darso si loo fahmo, sida cilmiga bulshadda, dhaqaalaha, Siyaasadda, Qaanuunka iyo Taariikhda iwm.

Waxaa iswaydiin mudam in ay dhici karto suurtagalnimada in la helo ruux intaasoo aqoon ah isku darsaday. Way muuqataa in ay yartahay in la helo ruux intaasoo aqoon ah kulansaday, waa taana mida laga maarmaan ka dhigaysa in la helo goloyaal ay ku dhanyihiin culimo aqoontaasoo dhan kulansatay, aqoonta diinta iyo culuumteeda iyo aqoonta waaqaca iyo Cilmigiisa. Dunida maanta joogta ma ah mid saamaxaysa in ruux uu kaligiis ka waramaa arrimaha diinta oo looga danbeyaa. 
Haddaba waxaan ogsoonahay in aysan Soomaaliya ka jirin goloyaal culimo oo leh aqoonta aan soo sheegnay, mana jirto xarumo aqooneed diinta Islaamka lagu darso marka laga reebo xalaqaadka masaajidadda oo lagu barto aqoon guud oo asaasi ah, taasoo soo saarta dad wacdi iyo waano diineed ku siman. Taas waxaa daliil u ah in aysan ilaa iyo haatan jirin culimo Soomaaliyeed oo  heer Alifaad gaartay ama cilmi baaris lagu soo saarayo qoraalo diineed amaba ka qaybqaadata dooddaha ka socda dunida Islaamka.

Iyadoo ay taa jirto ayaa dadka diinta hormoodka u noqday Soomaaliya ay yihiin kuwo bulshadda ka go'an oo aan si wayn ugu xirnayn , taasina waxay keentay in aysan wax badan kala socon, habdhaqanka dhaqandhaqaale ee bulshadda, taariikhdeeda, joqraafigeeda, suugaanteeda iyo sooyaalkeedii siysaaddeed. Haddii si kale loo dhigo Soomaaliya ma haysato culimo kulansaday aqoon diineed iyo mid waaqic. Tani waxay adkaynaysaa in halkudhigyada wanaagsan ee ay ku dhawaaqayaan ee ay ka mid tahay in Islaamku xalka yahay uusan si sahal ah ku hirgalaynin.
Haddaba iyadoo aanu kasoo waaqsan la'nahay cawaaqib xumidii ka dhalatay dooddii ina seegtay xiligii la doonayey in dawlad casri ah la hoos harsdo, ayaanu dhexda ka maquuranay dood kale oo aan weli loo bislayn oo dadka hurmuudka ka ahna ayan weli soo buuxin shuruudihii ay mashruucaan hogaan ugu noqon lahaayeen. Taasina waxay keentay in la galo jahwareer qaran, kaasoo ay ka dhalatay in magac diineed la isku dilo, diintiina ay noqoto sharciyad dhiig, hanti iyo burburin lagu banaysto, lana kala sooci waayo ra'yiga shakhsiga, damaciisa siyaasaddeed iyo diintii.

In magac Diineed la isku dilaa ma aha wax Soomaalidu ugu horayso oo xiligii Saxaabada, ayaa la isku dilay oo Mucaawiyo iyo Cali (Alaha ka raali noqdee) ayey ahaayeen raggii kumaanan kun iska laayey. Inta badan Firqooyinka diinta waxay salka ku hayaan oo sababay in ay soo unkamaan waa Siyaasad, laakiin si waxa ay wadaan sharciyad iyo aqoonsi u helaan ayey diinta huwin jireen. Tusaale ahaan Shiicadu waxay kasoo bilaabatay doodda ah in Cali Bin Abii Dhaalib uu xukunka xaq u lahaa kana mudnaa Abuubakar iyo Cumar. Eeg waxay ka bilaabatay xaq u yeelasho xukun. Sidoo kale Khawaarijtu waxay qabeen in Cali oo ay taageersanaayeen qacdii hore uu ka leexday dariiqii saxa ahaa oo uu xukunkii Ilaaheey rag taladii ka dhigay, taasoo ay ka wadaan markii uu Cali Abuu Muusa Al-ashcari soo wakiishay halka Mucaawiye uu Camar Ibnu Caas soo wakiishay si ay ugu gar naqaan.

Xageen ka aadnaa halkan

Dhibaatada Soomaalida ee dheeraatay waxaa barbar socday aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed oo qalinka u qaaday inay dhibtan wax ka ifiyaan. Maalin kasta waxaa la qoraa maqaalo fara badan, waxaa socda dooddo  ay ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha iyo suxufiyiinta isku deyeyaan bal in la ifiyo mushkiladda ina haysata, xalna loo helo. Dooddahaas waa kuwo togan laakiin intooda badan waxay ku wajahanyihin dhacdooyin maalmeed siyaasadeed, umana daadegaan mushkiladda gunteeda iyo halka ay sartu ka quruntay.

Haddaba waxaa ila haboon in dood furan oo xor ah oo heer qaran ah laga furo, Diinta iyo sida haatan loo metelo, mase yihiin dadka haatan magaceedda ku hadlaya kuwo qaadi kara oo soo buuxiyey shuruudihii laga maarmaanka ahaa?, waa maxay farqiga u dhexeeya diinta iyo dadka ka turjumaya?, Diinta, Dastuurka, iyo  Qawaaniinta dalka xagey iskaga soo dhacaan, sidoo kale Siyaasadda, dawladnimadda iyo Diinta.

Waxaa iyana dood mudan ma nahay bulsho si casri ah u dhaqan oo dawlad casri ah yeelan karta mise waxaynu nahay bulsho bilaw ah oo qaabdhismeedkii bulsho Baadiyeed xiise iyo hilow u qabta ilaa aanu xeerarkeenii 4.5 ku qorono oo aan qabyaaladdii sharciyeyno, culimadiina ay qabiilkii u qiil dayaan oo ay yiraahdaan quraankuu ku dhiganyahay, iyadoo la daliishanayo aayada Quraanka ah ee oranaysa in Ilaaheey Shucuub iyo Qabaa'il inaga dhigay, si aan isku garano, laakiin Ilaaheey wuxuu hormariyey Shacabka, qabiilkana wuu dib dhigay inaguse qabiilka ayaanu soo hormarinay oo qaadanay shacabna waan iska daynay. mase dhici kartaa iyadoo qabyaaladdii sharci tahay in qabiil laga gudbo oo qaran loo gudbo.

C/Raxmaan C/Shakuur Warsame
E-Mail:cabdirahman@hotmail.com  
____

C/Raxmaan C/Shakuur Warsame waa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ee dawladda kmg ah.
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com