Home Articles Somali Songs About us  

Maalinta Hooyada
W/Q Bashir Goth
May 09, 2010

Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May xusa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo aradka kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin lagu xusuusto.

Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga, indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.

Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa fahmaya Af-Soomaaliga ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.

HOOYO

Dunidoo holcaysoo
Hooyo
Halasuhu wax leefay
Hooyo
Halkaad adigu joogtiyo
Hooyo
Hadh qaboobidaayey
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo.
***
Jiilaal hawaarsaday
Hooyo
Hamadigu wax laayay
Hooyo
Goshaad igu habaysiyo
Hooyo
Hugaagii dugsoonaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Colaad la isku hiifiyo
Hooyo
Meel balo ka hoortay
Hooyo
Hoobeeyadaadaan
Hooyo
Hurdo nabad ku seexdaa   
hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Anoo kaa hulleelaad
Hooyo

Hareertayda joogtaa
Hooyo

Dhagixii i hantaaqaba
Hooyo
Hobo' baad i leedahay
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooyo
***
Anoo kuba hilmaamaad
Hooyo

Laabta igu haysaa
Hooyo

Habaar iima quudhide
Hooyo
Ducaad igu hagoogtaaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Halyeey iyo haldhaa iyo
Hooyo
Hoodo iyo Hibaaq dhala
Hooyo

Hadba kii hafeef qaba
Hooyo
Hurdadawga saakuma
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Waan arkaa humaaggii
Hooyo

Adoo igu hadraayee
Hooyo

Hadhka iyo habeenkii
Hooyo

Waan kugu hadaaqaa
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Eebbeheen ku hanayoo
Hooyo

Wadka maalmo kaa hay
Hooyo

Oo jannooyin hooda leh
Hooyo

Ku waar hoyga aakhiro
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooyo

Bashir Goth
Email: bsogoth@yahoo.com
___________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 


Copyright © 2010 WardheerNews.com