Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf



Reviewed by Farah Abdulsamed

Qaybtaydii Meeday
Wq. Aamina Xaaji Cali
December 21, 2011

Libaax haybad leh

"Hal bakhtidey raqdeedaa,  Reer Hebel  isugu yimid"

"Reer Hebel badh baa hadhaye, hilbaha ha ku loofarin!”

Waxa la yidhaa libaaxu kolka uu bakhtiyo, xawayaankii kale ee ka biqi jirey intii uu xoogga iyo xayiga ahaa ayaa raqdiisa u soo biyaysta oo cuna. Waxaa dhacda oo la arkaa in isla markiiba ay ku soo xoomaan, gaar ahaan kuwooda  bakhtiga cuna. Kuwaas oo midba ka uu ka xoog badan yahay ka riixdo. Haddaad u sii fiirsato waxa kuu muuqanaysa  xawayaankii tabarta yaraa oo sugaya inta kuwa ka xoogga badani ay ka boganayaan, kamase fogaadaane meel u dhow ayey joogsadaan oo way ku dul wareegaan, hunguri  iyo gaajo darteed.

Eebbe  ha inna badbaadiyee, xaaladda Soomaaliya iyo dalkeennii ka taagan  maanta ayaa sawirkaas oo kale u eg. Taas oo markasta isoo xusuusisa libaaxaas iyo xayawaanka kale ee markii uu tabar dhigay ee dhintay bakhtigiisa raqay.  Waxa mararkaas sidoo kale iyana madaxayga ku soo dhacda oo aan xusuustaa hees  reer miyiga Soomaaliyeed dhexdooda caan ka ahayd oo odhan jirtay:

"Hal bakhtidey raqdeedaa,  Reer Hebel  isugu yimid"
Mid kale ayaa u jawaabaya oo isna odhanaya:
"Reer Hebel badh baa hadhaye, hilbaha ha ku loofarin!”

Waxaad mooddaa maanta in cid waliba Soomaaliya hungureysey, ka hirqatay oo la isugu habar wacday. Waxa cad in qoladii Soomaaliya soo gaadhi kartaaba ay tidhi, "Qaybteydii Meeday?" Waa ayaan darro inteeda le’eg. Miyaanay kula ahayn  arrin laga madluumo, in dal waliba, intuu doono ha le’ekaadee xilligan u soo qalab qaato in uu dalkeennii  dillaal ka noqdo? Waxa calool xumo weyni weliba kugu sii dhacaysaa kolka aad aragto sida raggayagii wax dareensaniba  aanu u jirin oo uga baraad la’ yihiinba. “Xaalku waa reer ba’ow yaa ku leh?” Sidaas baa weliba qaar mashquul ku yihiin, sidii ay dhibaatada ka jirta dab iyo baansiin ugu sii hurin lahaayeen, halka qaar kalena dantoodii ugu soo ururtay sidii ay xoolo uga tabcan lahaayeen.

Yaxyaxa ugu badani se waxa uu kugu dhacayaa marka aad aragto mid ku leh dad ajaanib ah: "Annaga Reer Hebel baa nala yidhaahdaa." Kolkaasaan  dib u xusuustaa sheeko la ii sheegay aniga oo 7 jir ah oo ahayd:

Odey iyo islaan is qabay ayaa miiska ku wada cashaynayey. Kolkaas baa dabayl xoog lehi albaabkii furtey. Odeygii baa dabadeedna islaantii ku yidhi:

"Naa albaabka innaga xidh."
Islaantiibaa ku jawaabtay:
"Waar adigu xidh, annaga ha noo dirine."

Odeygii oo hadalkii islaanta ka cadhoodey baa yidhi:

"Waa tahay e ee hadba keenna hor hadla ayaa xidhaya albaabka".

Qaddar yar ka bacdi waxaa soo gashay bisad ama mukulaal. Miyow, miyow, intay tidhi ayay hilbihii meesha yaallay iska cuntey markay aragtay in aan cidina ka ceshanayn. Haddana waxaa soo galay ey.  Wah wah, intuu isna yidhi ayuu wuxuu cuni karay iyo wixii uu walaaqi karayba walaaqay. Kolkaasuu isna  iska baxay.

Inta waxaas oo dhammi dhacayaan weli odeygii iyo islaantii iyagaa isu muuqda oo afka isu taagaya! Waa yaab!

Markii dambe waxaa soo galay tuug. Wuxuu yidhi: "Alla maantay ii dhacantay. Waa dad dhega la' oo indho la'. Allaylehe aan maanta ka faraqabsado oo ka hirqado." Wax kasta markuu gurtay ayaa wuxuu meel hakeer ah ka arkay kildhi ama Jelamad duq ah (antique) oo meel saaran. Markaasuu yidihi: "Alla kildhigan qurxoonna aan qaato.” Islaantii ayaa intay is hayn kari weydey tidhi: "Alla Jelemadaydii." Odeygii ayaa inta sacabka kor u tumey, kor u booday oo farxay yidhi: "Haddaba adaa hor hadlay eh, ee albaabka naga xidh."

Soomaalida maanta joogtaa, khaas ahaan raggu waa wada odeygaas oo kale. Arrintaas ka cudur daaran maayo oo waxaan odhan karaa runtii waannu IDIN KU BA'NAY! Waa dal dadkiisii diyaar u yihiin in ay xaraashaan haddii maanta cid ka iibsata ay helayaan! Waa ummad u wada saloogan in ay soo wada dhoofto oo ka haajirto baradii ay asalka iyo abka u lahayd! Su'aashu se waxay tahay bal muxuu tolow aayahoodu ku dambayn? Waxa cad in maanta Soomaaliyi iyada oo aan kala hadh lahayn gudo iyo dibedba WADA SAAQIDDAY.

Meeday Taydii

Haddii sidaas loo eego micnaheedu wuxuu ka dhigan yahay mid keliya oo aan labo lahayn.  Waa carruurteenna iyo carruurtooda oo kafantii lagu aasi lahaa la sii tolayo. Marka dalku dhaxal wareego, inta maanta ku faanaysa in ay ka faraqabsatayna dibedda u soo dhoofto, ubadkeeda ku korsato, nolosha dhalanteedka ah mahadiso, isu bogto oo isla  baxdo.. xilligu ka daba yimaaddo, oo ay godkii lama huraanka ahaa ku dambeeyaan, waxa hubaal ah in ubadkoodii meel kasta oo ay joogaan, darajo kasta oo ay ka gaadhaan, ay kolleyba la kulmi doonaan su’aashan:

Immigrants

Horta adigu xaggaad ka timid?

Anigu waxaan ahay Maraykan ama British..Dutch..Canadian..iwm

Gartay, ee waxaan ka wadaa, intaan laguugu deeqin jinsiyadda aad sheeganaysid, markii hore xagaad ka soo jeedday, dalkee baadse u dhalatay?

Anigu halkan ayaan ku dhashay, aabbayaashayse Soomaaliya.

Oo meeday imminka Soomaaliya? Xaggay ku taal?

Geeska Afrika ayay ku oolli jirtay.

Oo maxaa ku dhacay, cid sheegaysa ma aragnee?

Aabbayaashay ayaa markay maamuli kari waayeen, go’aan ku gaadhay in ay iska iibiyaan.

Oo Kolkaas bay kharshakii ay dalkoodii siisteen, idin ku soo dhoofiyeen, oo qurbaha idinku keeneen?

Haa, oo annaga ayay na soo badbaadiyeen ugu yaraan oo way nala dadaaleen.

Gartay, oo adigu imminka ma isleedahay iyadoo waalidkaa dalkoodii markay maamuli kari waayeen, ee ay ku la soo baxsadeen, inaad adigu imminka tan aanad taariikhba ku lahayn, dhaqankeeduna kugu cusub yahay oo kugu adag yahay aad maamuli doonto intaad meel sare ka gaadho?.  Marna ma u fadhidaa arrintaas ? Waa taas sababta aan markii horeba kuu weydiiyay dalkee baad horta ka soo jeeddaa?

Waxaad waddaa waa midabtakoor oo waxaad tahay ruux cunsuri ah.

Adigu sidaad doontid u qaado, kolleyba su’aashaydu waa mid aad in badan la kulmi doontid.. ama midabtakoor ku sheeg ama magacaad rabtid u la bax.

Tanina sheeko kale ayay ahayd haddii wax lagu qaadanayo.  Mid baase mar walba  is xusuusin mudan: Weli dabaqabatayn bay leedahay ee yaan la is dhiibin. Tobannaan sannadood ka hor, iyadoo dalka iyo dadkeennuba inta maanta ka adduun yaryahay..ka aqoon yaryahay..ka awood yaryahay..ka waayaarag yaryahay..ka tira yaryahay.. ka tabar yaryahay ayaa misna uu xaqiijiyay arrimmo Afrika iyo adduunkuba ku majiirtaan.

*
dalkii u horreeyay ee laba guumeysi (Ingiriis iyo Talyaani) isku mar iska kiciyay (1960)
*
dalkii u horreeyay ee halyeynimo iyo kansha-adayg u yeeshay in uu  ummaddiisii isla maalin ku mideeyo iyadoo uu dillaal iyo mallaal iyo labaclabacii cagajiidayay geed iskaga xidhay (1960)
*
dalkii u horreeyay ee gumeysiga reer yurub (Britain) dagaalkii 1aad ee adduunka dabayaaqadiisii dhaqdhaqaaqii xornimodoonka ee Daraawiishta diyaarado ku duqeeyay (ciidamada cirka ee Britain waa markii ugu horraysay ee tijaabo la geliyo – the little war- iyadoo aan rasmi ahaan weli loo qaadan ciidan miisaan le’eg kan badda iyo kan dhulka  1921)
*
dalkii u horreeyay ee afkooda intay xuruuf u qaateen, sannad qudha ka dib 1972 rasmi ahaan kaga dhaqan geliyay maamulka hey'adaha dawladda iyo dugsiyada waxbarashada ee dalka oo idil
*
dalka keliya ee ummaddiisa la isku raacsan yahay inaan cidina la wadaagin sed wanaagga ah ..  isku midab, isku af, isku dhaqan, isku diin, isku taariikh, oo dhammantood wada ah calaamado suuragelinaya in qarannimada si fudud iyo waqti gaaban dhidibbo adag loo aaso aan si sahal ah loo liicin karin.

Intaas aan soo sheegay ee ummaddeenna ammaan iyo qaddarin ugu filan ayaa godob weyn laga gelayaa marka la eego xaaladda lagu sugan yahay maanta. Bal eeg dayaca, baylahda, kala daadsanaanta iyo dabinka u qoolan ee lagu daadanayo. BI’IWAAYA E, miyaan mid keliya aakhirtu loo guntan karin oo lagu fara-adaygi karayn- jiritaanka miyaan lagu tuuntuunsan karayn si aan loo dabar go’in oo dalku goblan ugu dambayn.  Ha la tashado intay goori goor tahay, ee weli aan xeedho iyo fandhaal kala dhicin.

Aamina Xaaji Cali
E-Mail:aminah.ali25@yahoo.com

Qormooyinka kale ee ay Aamina ku daabacday degelkan:

* Waa Qoloma
* Do the Somali elderly in the Diaspora Deserve Jail or Joy in old Age?
* Alxamdu Lilaah, Allahayow! (Maanso)

__________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2011 WardheerNews.com