Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf



Reviewed by Farah Abdulsamed

Taleex: Waa San Uma Beryin!
Wq. Cali Maxamed Cartan
Diisember 12, 2011

Magaaalada Taleex waxay ku taallaa dooxada  bilicda san ee Nugaal. Horumar badan kama hirgelin labaatankii sano ee dawladdii dhexe ee Soomaaliya faraha ka baxday.  Tusaale ahaan, magaalada Taleex kama jirin wax maamul ah, horumar caafimaad haba sheegin, xagga waxbarashada illaa dugsi sare bay magaaladu lahayd. Kaas oo ay hirgeliyeen dad is xilqaamay oo deegaanka u dhashay.

Dibu dhaca magaalada ku yimi  waxaa eeddeeda iska leh dadka deegaanka u dhashay balse nasiib wanaag waxay magaaladu muddadaa 20-ka sano ah ku caan baxday nabad  iyo xasillooni illaa iyo intii la abaabulay shirkii loogu magacdaray Khaatumo II. Shirkani wuxuu dabo joogaa Khaatumo I oo lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska (Abriil 21, 2011). Hadafka la shaaciyey ee shirkaasi wuxuu ahaa sidii la isugu keeni lahaa beesha Dhulbahante ee taladoodu sida tusbax furtay in muddo ahba ahayd.

Bulsho waxa qeexa ma'aha cadowgooda, ama waxa dadka kale ka sheegaan, waase sida bulsho kastaa isu qeexdo. Dhab ahaan reer SSC Rabbi uma darraan, oo dad iyo duunyaba wuu ku manaystay ay kula jaan qaadi karaan gedgedoonka siyaasadda jaah wareersan ee Soomaaliya - La mood noqonse wayday - arrinta beeshu waxay la mid tahay hadalkii hooyadu wiilkeeda ku tidhi “ Aabahaa Alle waxaa ma tusin”. 

Mahadhada taariikhdu kama xishoon doonto in ay xusto fashilka ku dhacay beesha ee ay xakamaha ugu xidhan yihiin toban dagaal ooge iyo madax dhaqameedyo sidii waagii mugdiga u dhaqmaya qarnigan maanta la joogo ee 21-aad.

Taleex

Nasiib daro Taleex waa san uma beryin. Maanta oo taariikhdu tahay Diiseembar 12-keeda, 2011, waxaa fal waxashnimo ah, oo qorshaysan, oo naxdin lihi ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool ka dib markay koox budhcad ah oo u adeegaya maamul beeleedka “Somaliland” ku dileen  labo xubnood oo deegaanka ka soo jeeda Halkaas. Labada marxuum ee la dilay waxa ay kala ahaayeen Ganacsade Jaamac Cali Shire iyo Mubaarik Saalax Cali Shire.  Waxa iyana goobtaas lagu dhaawacay 2 xubnood oo kale  oo kala ah: Cabdisamad Maxamed Axmed Sanqadhweyn iyo Weriye  Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle) .  Dhanka denbiilayaasha waxa lagu soo waramayaa in qof ka dhaawacmay magaciisa oo dhamaystiran aanan illaa hadda hayn.

Falkan argagaxasnimo wuxuu ka dhacay duleedka magaalada ka dib mar marxumiintu(AUN)  ku sii jeedeen xarunta Taleex. Budhcadu waxay si gaadmo ah ku laayeen dadkaas rayidka ah ee aan waxba galabsan.  Rabbi samir iyo iimaan ha ka siiyo eheladii iyo asxaabtii marxuumiintu ka geeryoodeen Aamiin. Marxuum Jaamac Cali Shire wuxuu ahaa ninkii dayactiray dugsiga sare ee magaalada muddo haatan ilaa labo bilood laga joogo.

Dadka u kuur gala taariikhda deegaanku waxay is waydiinayaan waa maxay dhufsanayaraha ka dhexeeya dagaalkii Ceerigaabo, Yagoori iyo mashaqadan ugu danbaysay ee ka dhacday  magaalada Taleex. Ma’aha ulajeedada dhambaalkani dabagalka dhacdooyinkan deegaanka ka soo cusboonaaday waase arrimo aan xiriir hoosaadkooda la fududaysan karin.

Mar kale hadafka dhambaalkani ma’aha faaqidaada siyaasada murugsan ee beesha.

Gebegabadii  fikirkayga qof ahaaneed waa:

  1.
Meeshii aan caddaaladi jirin, nololi ma jirto.  Teeda kale caddaalad dib loo dhigay waa caddaalad la inkiray. Sidaas darteed si aan falal denbiyeedka noocan oo kale ahi u soo noqnoqon waa lagama maarmaan in dadkii falkan gestay ay wajahaan sharciga oo laga takhaluso goortay iyo goobtay doontoba ha ahaatee.
  2.
Cid walba oo arrintani khusayso waxaan ku boorrinayaa in ay ka feejignaadaan wixii fadqalalo ah ee nabadgelyada deegaanka cirka ku sii shareeri kara.
  3.
Haddiiba hal qoys oo magaalo wada dega falal noocaas ah, oo bini’aadanimada ka baxsan, iskula kacayaan waxaa lama huraan sii noqonaysa  baahida loo qabo sidii dib loogu soo noolayn lahaa qarankii Soomaaliyeed

Cali M. Cartan
E-Mail:aliartan@gmail.com

__________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2011 WardheerNews.com