Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Hassan Abukar

Isha Qarsoon(IQ): Caydh abuurtay caydh kale, dabargoynta noloshii miyiga
Wq. Cabdillahi Cawed Cige

December 14, 2011

Intii na aan war u hayn caydha Ingiriisku bixiyo waa silic, boqol doollar oo nolol-maalmeedku ka qaalisan yahay ayaa qofka keligii ah toddobaadkii la siiyaa, reerka na waa looga yar sedburiyaa. Ujeeddadu waa yaanu qofku bakhtiyin, Soomaalida se waa u nolol, aan idhaahdee nolol way dhaaftay oo waa ba u dhaqan.

Sida loo kala ubad badan yahay ayaa loo kala caydh badan yahay, loo kala hagbad urursi badan yahay, loo kala daaro dhisasho badan yahay. Mustaqbal waxa leh qofka dalkii guri shan qol ah oo marmar leh, daaraddiisu na hadoodilan tahay ka dhista ayaa bulshadii Ingiriiska u soo qaxday is dareensiisay.

Magaalada Burco, oo aan muddo bil ah fadhiyay, waxa aan indhahayga ku soo arkay khasaaraha qarsoon ee caydha Ingiriisku abuurtay. Meel wal ba daar naqshad xun, jidka sidii la doono loogu gooyay ayaa laga taagay. Qoyskaas dhistay intii miyiga ka joogtay oo xoolihii yaraa ee ay ku nabnaayeen laga soo fujiyay ayaa lagu soo xereeyay. Burco kolkii ay ka soo tooseen ayaa xawaaladaha lagu ballamiyay. Caydh dadkaas in laga soo dhigay cidi ma dareensana, kii soo raray iyo ka la soo raray midna ba. Sida runtu tahay in wax loo qabtay ayaa ba loo haystaa.

Goor casar ah ayaan xaafadda Hodan Qaylo, meeshii aan ku koray, oo hooyaday deggan tahay u kicitimay. Jid aan moodayay inuu furan yahay, jidad wada balballaadhan ayaan ku ogaa, ayaan baabuur soo mariyay mise dhagxan baa ku go'an. Waan soo kala jeestay oo riyo aan baabuurta ka gabban hoonka ku garaacay. Guri dhagax ah oo albaab bir malaasan ah oo aad mooddo in jeel loogu talagalay ku samaysan yahay ayaa degdeg loo furay. Nin baa qaarka sare kala soo baxay oo indho cascas si 'ku garanmayno' ah iigu eegay, inuu i haybsado ayuu ku sigtay ayaan is idhi. Dhaar haddii aan ku maro in ninkaas golihii geela aan ka kiciyay dembi iga ma raaceen. Waa tabtaas oo miidhan bulshada caydha ah ee magaalada lagu soo xereeyay.

Shaadh cawlan, cilmi yari iyo maarayn la'aan habka magaalo loogu noolaado ayuu reer miyiga soo barakacay ku soo kordhiyay magaalooyinka Burco ka mid tahay. Jidadka dhan wal ba loo degay, deyrarka oodda lagu wareejiyay iyo lebbiska ka duwan ka bulshadu xidhan tahay oo lala yaabaa waxay amaarad u tahay dhimashada dunta reer magaalnimo ee degaan lagu yaqaannay.

Kolka reer miyigii sidaas magaalo loo soo dhoobay, caydh duunyo la' na laga dhigay waxa loo furay xafiis sidii kuwii Qaramada Midoobay qaxootigaas qaabilsan. Xafiiskaasi sida kuwa QM galley iyo hadhuudh kirmiici ah ma bixiyo ee wuxuu dhiibaa doollar. Xafiiskaasi waa xawaaladaha Soomaali meheradda koowaad u noqday, doollarka ay dhiibaanna waa caydhii Ingiriiska laga soo ururshay.

Wax ba kuma jabna haddii danyarta loo gacantaago, kuwa jilicsan la taakuleeyo, kuwa  da'da ah iyo waalidka ba la gacanqabto. Waxa kale oo iya na aan la difaaci karin nolosha miyiga, waa dani ku badday, waa nafta ku qabo, waa halkii bini-aadamku ka soo bilaabay noloshiisa in bulshada lagu horjoogaa na noqonmayso horumar ee waa dib u dhac iyo nolol la'aan.

Waxa aan soo galay mid ka mid ah xafiisyada xawaaladaha ugu waaweyn ee Burco, nin degdegsan ayaa soo daf yidhi. Safka in la ixtiraamo dhaqan meesha lagu yaqaan maaha, isaga oo aan cid na dan ka lahayn ayuu lacaghayihii madaxa la galay; 'Heblaayo Hebel baadh' ayuu degdeg ugu sheegay. 'Telefoonka ku qoran sheeg' ayuu ninkii shaqaalaha ahaa ku yidhi. Mid aan aleenkiisii gacanta u filayo ayuu duddubiyay. 'Mid kale sheeg' ayaa lagu yidhi. 'Ma waraabataag baa?' ayuu yidhi. 'Haa' kolkii la yidhi ayuu lambar dheer akhriyay. 'Maya ee gabadhii keen' ayaa lagu yidhi. Cabbaar ayuu meesha ka gunuunucay oo aakhirkii iska dhaqaaqay.

Tusaalahan iyo qaar kale oo badan waxa kaaga soo baxaysa isku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ka dhex abyantay caydha qurbaha iyo caydhan ay abuureen ee cusub. Waxa kuu muuqanaysa muruqa iyo maskaxda dhallinyarada ah ee waxsoosaarku ku jiro ee la caydheeyay, caydha Ingiriisku na u noqotay nololmaalmeed laga sugo Dahabshiil, Qaran, Tawakal iyo xawaaladaha kale.

Intii na la socotay Arafadii dhowayd qiimaha adhigu wuxuu seyladaha ka gaadhay $100. Haa, boqol doollar oo Maraykan ah. Wuxuu adhiga Soomaalida qiimihiisii marayaa ama dhaafay ba kii saliidda Carbeed. Hilibka iyo iibintiisu na waa waxyaabaha Baraasiil foosburburka hadda dunida ka taagan ay kaga badbaadday.

Qofka halkii uu caydha Ingiriiska sed ka sugi lahaa maanta samaysta beer yar oo waxoogaa ido madax madowi ku jiraan, sannadkii haddii uu soo saaro toban wan oo ahmin ah oo gacanta koowaad lagaga qaato $50 waa $500 oo labanlaab ku ah dakhliga sannadkii ee dadka gobolka ku nool.

Ninkaas la caydheeyay waxa biilka loo qoray u dheer waardiye guriga loo dhisay u ilaaliya, jaariyad u shaqaysa, baalashle, iyo qashinqaade dhammaantood Oromo ah. Waa kaas isaga oo caydh ah telefiishan, telefoon iyo alaab qaali ah oo Shiinaha laga soo waariday isku qoofashay ee carruur caydhi dhashay ku dhex koriyay.

Faa'iidada laga helo lacagta qurbejoogtu soo diraan in badan ayaa laga hadlay, waxa se muuqda khasaare kale oo isna lacagtaasi samaysay; bulsho dhan oo ku tiirsan gacan kale wax ku jira. In laga tashado, khayraadka muuqda(macno ma leh saliid baa dhulka jiifta) ee dhulka na laga faa'iidaystaa waa arrin u baahan in la is xusuusiyo, la isku booriyo laga na qaybqaato. Si taasi u suurtagasho waa in xoolaha maalgashi lagu sameeyaa, dadka na shaqaale xoogsato ah oo muruqooda maala laga dhigaa, aan se caydh abuuristeeda dalka lagu soo kordhin.

Cabdillaahi Cawed Cige,  Liverpool, UK
E-Mail: edleh@hotmail.com

Maqaallo la xidhiidha

* Isha Qarsoon(IQ): Ogow halista qarsoon ee bulshada khatarta ku ah
* Isha Qarsoon(IQ): Dayac muuqda iyo dabinkii Berbera
* Isha Qarsoon(IQ): Tan ku bukood, bakteeriyada iska bari ayaa dhaanta
* Isha Qarsoon(IQ): Masaajidku waa guri Eebbe (swt), sow maaha?
* Isha Qarsoon(IQ): Danyare weliba askari ah
* Isha Qarsoon (IQ): Ku eeg Hargeysa, baabuurta, jidadka iyo dadka
* Isha Qarsoon(IQ): Suugaan, Kaddare iyo Xusuus fijaan ku jirta
* Carwada Bandhigga buugaagta Hargeysa: Yaasmiin iyo wacdarihii kale

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2011 WardheerNews.com