Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

WAAYAHA AF-SOOMAALIGA: Halistii
Weli Way Taagan Tahay   
Wq. Siciid Jaamac Xuseen
Feb. 02, 2011

Runtii waa mawduuc muhim ah, aad u ballaaram, una baahan in dhinacyo badan oo afka la xiriira loo kuur galo oo laga bogto.  Hase yeeshee maqaalkan gaaban waxaan ku dadaalayaa inaan u sed buriyo laba qodob:

  1.
Af Soomaaliga libintiisa, quruxdiisa, qaayihiisa iyo kaalintuu nolosha ummaddeena kaga jiro.
  2.
Xaaladda qallafsan ee dalkeenna ka jirta iyo isbeddelka weyn ee adduunka ka socdaa saamaynta ay u geysan karaan Af-Soomaaliga.
Somali Language Map
Degaanka afka Soomaaliga lagaga hadlo
Afku guud ahaan wuxuu nolosha dadka ka qaataa kaalin aan qiimaynteeda iyo qadderinteeda si fudud loo soo koobi Karin. Hawl kastoo dadku ku dhaqaaqo mid muruq iyo mid maskaxeedba si toos ah ayey afka ula xiriirta.

Wada-hadalka, war-tebinta, ra’yi-kordhinta, doodwadaagga, cilmi iyo aqoon-gudbinta, ay ka dhalato kor-u-qaadidda wacyiga iyo awoodda maskaxeed ka sokow,  waxaa u dheer in afku yahay dhaqan-sidaha ummadda. Waa kaydiyaha taariikhdeeda ee si sax ah looga daalacan karo heerka ilbaxnimadeedu had walba ku sugan tahay.

Culimada afafka adduunka u kala dirsoocda asal ahaan halkay ka soo jeedaan, waxay Af-Soomaaliga ku tilmaamaan inu ka tirsan yahay bahda la yiraahdo KUSHITIGA ee aynu la wadaagno dhawr qowmiyadood oo geeska Afrika iyo waqooyigeeda dega sida Oromada, Cafarta, Nuubada, Saaho iyo kuwo kale.

Af-Soomaaligu waa af guun ah. Kumanyaal san ayuu soo jirey.  Mudadaas dheer waxaa dadka Soomaliyeed soo maray dagaallo fara badan, kuwo waqtiyo gaagaaban socdey iyo kuwo xilli dheer qaatay, kuwo dadka Soomaaliyeed dhex marayey iyo kuwo iyaga iyo shisheeye ay isku haleeleen. Waxa kale oo ay dadka Soomaaliyeed la kulmeen abaaro aad u xun iyo aafooyin cudurro khatar ahi ka mid ahaayeen.

Waxaa soo raaca guur-guurka iyo hayaanka dheer ee hab-nololeedka xoolo-dhaqatada ummaddeennu u badnayd, caankana ku ahaayeen. Ku dar saamaynta afafka qalaad, dhaqammada shisheeye iyo xataa diimaha dadkeenna muddadaas ku wada furnaa.

Sidaas darted waxaa la oran karaa jiritaanka Af-Soomaaligu jiro iyo heerka uu maanta soo gaarey iyo siduu uga soo doogey aafooyinkuu kala kulmay geeddigaas taariikheed ee dheer waxay si muran-ma-doonto ah u sheegayaan inuu Af-Somaaligu tiirar adag oo xididdo durugsan leh ku dhisan yahay.

Af-Soomaaligu waa Af hodon ah.

Gaar ahaan dhinaca suugaanta waxaa lagu tilmaamaa Af aad ugu ballaaran. Soomaalida ka solow aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel dheer danaynta, isku-tacalujinta, u-kuur galka, iyo lafa-gurka Af-Soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood arrintaa isla wada qirsan.

Xeeldheerayaashaasi rumaynta go’aankoodaas waxay mar walba u maragsadaan maansooyin abwaanno Soomaaliyeed dareeriyeen laga soo bilaabo qarnigii 19 aad horraantiisii illaa iyo maantadan aynu joogno.

Maansooyinkaas ay ka muuqato sida caqiibada leh ee abqaannadaasi arrimo badan, kala duwan, murugsan oo nolosha la xiriira u guda galeen una soo bandhigeen iyadoon marna is-raac-wanaagga murtida iyo miro-xulashadooda wax durriin ah lagu sheegi karin.

Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af-Soomaaliga ereyadiisa oo dhan in la soo tira-koobo waxa loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo. Meeday kolkaas hodonnimadii Afka lagu sheegayey? Ma cidla-ka-faan bay iska ahayd? Maya.. ee bal qabsoo waa mid e Afka hodonnimadiisa meelo kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirta baaxad weynida iyo qota-dheerida ereyadiisa ku duugan. In kastoo aynu niri Af-Soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rog-rogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.

Xarfaha Af Soomaaliga
Xarfaha Farta rasmiga ee afka Soomaaliga ee la qaatay 1972.

Si kale haddaan u dhigno,  Af-Soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay asal ahaan iyo dhismo ahaanba waa Af aad ugu nugul una laylsan nolol-awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, iskorintiisa, aqoon-qaadkiisa, adduun-higsadkiisa, isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khalkhal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqoodaan  dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jibuuti iyo Wajeer,  Boosaaso iyo Hawaas iyo inta u dhexsaysa oo idil.

Meelaha hakadka iyo halistu kaga iman karto:

Intaas oo kooban, oo aad u yar haddaan kaga kaaftoomo ammaanta baallaaran ee Af-Soomaaligu runtii u qalmo, bal markan aan u jeesanno meelaha iyo siyaalaha ay hakad, dib-u-dhac, iyo naafa halis ahi kaga iman karaan.

Hor iyo horraan, af cir-ka soo-dhac ahi ma jiro.  Afku ammaan kastuu gaarsiisan yahay keligi isma wado.  Isma wadi karo.  Wuxuu ku bilan yahay oo ku boqran yahay waa dadkiisa.  Af waliba wuxuu la xiriiraa ummadda ku hadasha iyo nolosheeda.  Horumarkiisana mar walba waxa toos u saameeya horumarka ummaddiisu ka gaarto nolosheeda dhinaca dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, maamulka, iwm.  Haddaynnu xaqiiqadaas adduunku isku wada raacsan yahay, taariikhda guunka ahina ka marag kacday aynnu ka cabbir iyo cibrad qaadanno, oo xaaladda ummaddeennu maanta ku sugan tahay ilays fiican ku daarno, sawir aad u madow iyo murugo badan ayaa inna hor imanaya.
 
(1) Dib-u-dhacsanaanta ummaddeenna haysataa waa mid naxdin leh. Xoogagga wax-soo-saarka iyo xiriirka bulshadu heerka uu gaarsiisan yahay ayaa had walba laga gartaa ummad kasta cilmigeeda, dhaqankeeda (Afku laf dhabarka u yahay) ibaxnimadeeda, iyo horumarkeedu heerkuu ku sugan yahay.  Innagana in yar baa dunida hoos innaga marsan.

(2) Qorista Afkeennu waa  mid aad u fac yar. Afartan sano ma dhamma markii far rasmi ah afkeenna loo doortay. Cilmiga bulshada dadka u heellani badanaa waxay  isla wadaagaan ra’yiga ah  in dadka ummadnimadiisu aanay dhammaystirnayn mar haddaan afkiisu qornayn. Hadba da’da qorista afkiisu le’eg tahay ayaa ummadnimadiisuna qoto le’eg tahay. Sida qayrkeen ayey arrintaasi innagana innagu bannaan tahay.

Dagaalka ragaadiyay Soomaalida iyo dawlad la'aanta
Xasillooni darada dalka ka jirtaa waxa ay ka mid tahay arrimaha hakadka gelinaya koboca iyo horumarka afka

(3) Dawlad la’aanta dalkii ka jirta,, waa afka aqalkiisii oo udub dhexaadkii ka maqan yahay. Dawlad la’aani waa qaran la’aan. Qaran la’aanina waa ummad la’aan. Waa ummaddoo dhinac walba burbur ka cuskado, jeer ay shuuqdo oo”shaluu jirey” noqoto.

(4) Aqoonyahankii iyo farsama-yaqaankii ummadda oo xeryo qaxooti ah afarta beeni-jaho ee adduunka ku caanseersan iyadoo qoysaskoodi weliba weheliyaan. Garoo waa intii laga dhawrayey in ay ummaddeena horumar, iibaxnimo, iyo nolol sareedo leh u horseedaan.

(5) Intii tabar yari ama dan kale dalkii ku dabartay oo kooxo hubaysan oo qori la yaacayaa kala jiidanayaan, ku rafanayaan oo rafaadinayaan. Ama baabuurtii is-jiidka ahayd ee cuntada iyo daawada maatada xeryaha deggan u sidday jidka ku weeraraysa ee kistii naf-qabadka loogu talagalay duurka ku malafsanaysa sidii weer.

(6) Adduuka maanta jira oo saamayntiisu,  gaar ahaan dhinaca afka, dhaqanka, iyo fikerka, kun jibbaar ka weyn tahay tii aabbayaasheen la kulmeen konton sano keliya ka hor. Ummad iyadu gunta iyo gudaha ka fagmaysa, ka burburaysa, dubbaha dibedda kaga yimaadaa si sahal ah ayuu amsaxa uga dhigayaa. Dubbayaasha (saamaynta dhaqammada shisheeye) ee ummaddeena ku wada kulmayaana ma yara.

(7) Carruurta iyo facaadda soo koraysa oo aad ugu nugul qabsashada iyo qaadashada dhaqanka qalaadeed ee degaanka iyo dalalkay ku nool yihiin. Dadaal waalid oon arrintan u babac dhigi karayn  si kastay isugu dayaan sababo badan awgood. Balse kaaga sii daranee laga ba yaabaa in aabbayaal badani ku diirsadaan markay arkaan sida ilmahoodii yaryaraa afka dalkaas u dudubinayaan iyagoo koodii hooyo ka agnaan ah. Ummad ahaan wax lays dhaxalsiiyo dhaqanka ayaa ugu sed roon. Facaadda soo koraysaa markay sedkaas weydo, shaki ma laha in ummadnimadeedu wiiqmayso. 

(8) Sidoo aanay kuwan hore, afka curyaamintiisa iyo caanseerintiisa keligood ku fillayn oo u babac dhigi karayn, ayaa maantana ‘qalin-duurre’ qiire fatahayaa oo qalbaysani, amley saddex gees ah usoo tuntay, faras waalanna usoo fuulay.

Farriintooduna waa:

  -
in xarafyada laatiinka ah far Somaalida lagu qoraa, ay marka horeba xaaraan ahayd
  -
in af Soomaaligan aan lagu shaqaysanayn, biyona lagu cabbayn, barashadiisuna ay tacab-khasaar iyo waqti lumis tahay
  -
in dhaqanka duugga ah ee la laasimay, sida dhar-xirashada haweenka, suugaanta, heesaha iyo cayaaraha, dikriga iyo mawliidka, iwm ay yihiin cawaannimo kasoo jeeda casrigii jaahiliga ahaa ... ee jihaadka ha la ogaaado.. ha la ogaado.. oo  ha la ogaado.

Mashaqooyinka kor ku xusan, ayaandarrooyinkaasi, markay is-biirsadaan oo isku mar wada tumaatiyaan afkeenna qoris ahaan weli ugubka ah, maxaa ka iman kara haddii gudo iyo dibedba xaaladdaas murugsani ay sidaas kusii socoto:

Waxaa iman kara:

 
Inta dibedda ku nool, waayeelka oo gabooba oo galbada; carruurta oo korta oo shisheeye ku milanta, dhaqan iyo hidde guurta, dalkii dib usoo jalleeci weyda.
 
Inta gudaha joogta oo colaad iyo dagaal ka bixi weyda, loo caga dhigi waayo, cilmi iyo waxbarasho ka calool go’da, sidii cawsha ugaarowda.
 
Ololihii barashada qorista far Soomaaliga

Maxaa dan ah intaan nimirigaas afka looga gelin ?!!

Waa su’aal culus oo xildhibaan kasta la gudboon.

In kastoo aan soo tiriyey masalooyin dhawr ah oo runtii kasoo wada hor jeeda korriinka fiyaow ee Af-soomaaliga iyo horumarkiisa la naawilayo, misna wax waliba damdaguugan ma aha.  Bal aan laba ka soo qaadno.  Mid guud aynu caalamka la wadaagno iyo mid innaga inoo gaar ah marka xil-gudashada laga hadlayo:

Tan guud aynu adduunka la wadaagnaa waxay tahay  xoojinta nabadda adduunka.. ilaalinta iyo adkaynta xuquuq-ul-insaanka.. baahinta dimuqraadiyadda iyo talo wadaagga.. badbaadinta degaanka iyo cimilada dunida.. tix-gelinta iyo horudhigidda kaalinta ururrada iyo heyadaha sama-falka ee dawladda ka madax bannaan.  Giddigood waa kuwo loo kaashan karo dadaalka loogu jiro daryeelka Af-Soomaaliga.

Midka inoo gaarka ahi waa ka-hortagga aafooyinka aan soo xusnay ee caqabadda ku ah horumarka Af-Soomaaliga.  Xil culus iyo dagaal qaraar ayey soo hor dhigayaan dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan.  Hase yeeshee, kaalinta kowaad ee lagama maarmaarka ahi waxay si gaar ah u saaran tahay aqoonyahannada Soomaaliyeed  sida macallimiinta, qorayaasha, abwaannada, halabuurka, fannaaniinta, suxufiyiinta, cilmi-baarayaasha, iwm.   Meel kastay joogaan iyo xaalad kastay ku sugan yihiin, had walba is-ururinta iyo is-habaynta kooxahaasi ay ku dhaqaaqaan ayaa awooddooda ka dhigaya mid meel mar ah oo miro dhasha.  Taas oo lala yimaado ayaa isla markiina saaxiibbadeenna ajnabiga ah ee Af-Soomaaliga daneeya iyo heyadaha gargaarka bani-aadmiga ku hawllan u suura gelin karta in ay gacan weyn oo hagarbax leh ka geystaan gudashada xilkaas.

Waxaan kaga baxayaa,  qoraalka oo dhinac kasta oo nolosheenna ku saabsan la kordhiyo, tiro iyo tayo ahaanba  ayaa afka yididiiladiisa dhabta ahi ku jirtaa.

__

Siciid Jaamac Xuseen waa qoraa deggen magaalada London si joogta ahna qormooyin ugu soo bandhiga WardheerNews. Waxa uu xubin ka yahay Golaha Duqayda Somali Pen, waxaanu guddoomiye xigeen ka ahaa ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Pen. Waxa lagala xidhiidhi karaa: E-Mail: sjx2005@hotmail.co.uk

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2011 WardheerNews.com