|
||||||
Runtii waa mawduuc muhim ah, aad u ballaaram, una baahan in dhinacyo badan oo afka la xiriira loo kuur galo oo laga bogto. Hase yeeshee maqaalkan gaaban waxaan ku dadaalayaa inaan u sed buriyo laba qodob:
Afku guud ahaan wuxuu nolosha dadka ka qaataa kaalin aan qiimaynteeda iyo qadderinteeda si fudud loo soo koobi Karin. Hawl kastoo dadku ku dhaqaaqo mid muruq iyo mid maskaxeedba si toos ah ayey afka ula xiriirta.
Wada-hadalka, war-tebinta, ra’yi-kordhinta, doodwadaagga, cilmi iyo aqoon-gudbinta, ay ka dhalato kor-u-qaadidda wacyiga iyo awoodda maskaxeed ka sokow, waxaa u dheer in afku yahay dhaqan-sidaha ummadda. Waa kaydiyaha taariikhdeeda ee si sax ah looga daalacan karo heerka ilbaxnimadeedu had walba ku sugan tahay. Culimada afafka adduunka u kala dirsoocda asal ahaan halkay ka soo jeedaan, waxay Af-Soomaaliga ku tilmaamaan inu ka tirsan yahay bahda la yiraahdo KUSHITIGA ee aynu la wadaagno dhawr qowmiyadood oo geeska Afrika iyo waqooyigeeda dega sida Oromada, Cafarta, Nuubada, Saaho iyo kuwo kale. Af-Soomaaligu waa af guun ah. Kumanyaal san ayuu soo jirey. Mudadaas dheer waxaa dadka Soomaliyeed soo maray dagaallo fara badan, kuwo waqtiyo gaagaaban socdey iyo kuwo xilli dheer qaatay, kuwo dadka Soomaaliyeed dhex marayey iyo kuwo iyaga iyo shisheeye ay isku haleeleen. Waxa kale oo ay dadka Soomaaliyeed la kulmeen abaaro aad u xun iyo aafooyin cudurro khatar ahi ka mid ahaayeen. Af-Soomaaligu waa Af hodon ah.Gaar ahaan dhinaca suugaanta waxaa lagu tilmaamaa Af aad ugu ballaaran. Soomaalida ka solow aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel dheer danaynta, isku-tacalujinta, u-kuur galka, iyo lafa-gurka Af-Soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood arrintaa isla wada qirsan. Xeeldheerayaashaasi rumaynta go’aankoodaas waxay mar walba u maragsadaan maansooyin abwaanno Soomaaliyeed dareeriyeen laga soo bilaabo qarnigii 19 aad horraantiisii illaa iyo maantadan aynu joogno. Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af-Soomaaliga ereyadiisa oo dhan in la soo tira-koobo waxa loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo. Meeday kolkaas hodonnimadii Afka lagu sheegayey? Ma cidla-ka-faan bay iska ahayd? Maya.. ee bal qabsoo waa mid e Afka hodonnimadiisa meelo kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirta baaxad weynida iyo qota-dheerida ereyadiisa ku duugan. In kastoo aynu niri Af-Soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rog-rogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.
Si kale haddaan u dhigno, Af-Soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay asal ahaan iyo dhismo ahaanba waa Af aad ugu nugul una laylsan nolol-awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, iskorintiisa, aqoon-qaadkiisa, adduun-higsadkiisa, isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khalkhal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqoodaan dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jibuuti iyo Wajeer, Boosaaso iyo Hawaas iyo inta u dhexsaysa oo idil. Meelaha hakadka iyo halistu kaga iman karto:Intaas oo kooban, oo aad u yar haddaan kaga kaaftoomo ammaanta baallaaran ee Af-Soomaaligu runtii u qalmo, bal markan aan u jeesanno meelaha iyo siyaalaha ay hakad, dib-u-dhac, iyo naafa halis ahi kaga iman karaan. Hor iyo horraan, af cir-ka soo-dhac ahi ma jiro. Afku ammaan kastuu gaarsiisan
yahay keligi isma wado. Isma wadi karo. Wuxuu ku bilan yahay oo ku boqran
yahay waa dadkiisa. Af waliba wuxuu la xiriiraa ummadda ku hadasha iyo nolosheeda. Horumarkiisana mar walba waxa toos u saameeya horumarka ummaddiisu ka gaarto nolosheeda dhinaca dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, maamulka, iwm. Haddaynnu xaqiiqadaas adduunku isku wada raacsan yahay, taariikhda guunka ahina ka marag kacday aynnu ka cabbir iyo cibrad qaadanno, oo xaaladda ummaddeennu maanta ku sugan tahay ilays fiican ku daarno, sawir aad u madow iyo murugo badan ayaa inna hor imanaya. (2) Qorista Afkeennu waa mid aad u fac yar. Afartan sano ma dhamma markii far rasmi ah afkeenna loo doortay. Cilmiga bulshada dadka u heellani badanaa waxay isla wadaagaan ra’yiga ah in dadka ummadnimadiisu aanay dhammaystirnayn mar haddaan afkiisu qornayn. Hadba da’da qorista afkiisu le’eg tahay ayaa ummadnimadiisuna qoto le’eg tahay. Sida qayrkeen ayey arrintaasi innagana innagu bannaan tahay.
(3) Dawlad la’aanta dalkii ka jirta,, waa afka aqalkiisii oo udub dhexaadkii ka maqan yahay. Dawlad la’aani waa qaran la’aan. Qaran la’aanina waa ummad la’aan. Waa ummaddoo dhinac walba burbur ka cuskado, jeer ay shuuqdo oo”shaluu jirey” noqoto. (4) Aqoonyahankii iyo farsama-yaqaankii ummadda oo xeryo qaxooti ah afarta beeni-jaho ee adduunka ku caanseersan iyadoo qoysaskoodi weliba weheliyaan. Garoo waa intii laga dhawrayey in ay ummaddeena horumar, iibaxnimo, iyo nolol sareedo leh u horseedaan. (5) Intii tabar yari ama dan kale dalkii ku dabartay oo kooxo hubaysan oo qori la yaacayaa kala jiidanayaan, ku rafanayaan oo rafaadinayaan. Ama baabuurtii is-jiidka ahayd ee cuntada iyo daawada maatada xeryaha deggan u sidday jidka ku weeraraysa ee kistii naf-qabadka loogu talagalay duurka ku malafsanaysa sidii weer. (6) Adduuka maanta jira oo saamayntiisu, gaar ahaan dhinaca afka, dhaqanka, iyo fikerka, kun jibbaar ka weyn tahay tii aabbayaasheen la kulmeen konton sano keliya ka hor. Ummad iyadu gunta iyo gudaha ka fagmaysa, ka burburaysa, dubbaha dibedda kaga yimaadaa si sahal ah ayuu amsaxa uga dhigayaa. Dubbayaasha (saamaynta dhaqammada shisheeye) ee ummaddeena ku wada kulmayaana ma yara. (7) Carruurta iyo facaadda soo koraysa oo aad ugu nugul qabsashada iyo qaadashada dhaqanka qalaadeed ee degaanka iyo dalalkay ku nool yihiin. Dadaal waalid oon arrintan u babac dhigi karayn si kastay isugu dayaan sababo badan awgood. Balse kaaga sii daranee laga ba yaabaa in aabbayaal badani ku diirsadaan markay arkaan sida ilmahoodii yaryaraa afka dalkaas u dudubinayaan iyagoo koodii hooyo ka agnaan ah. Ummad ahaan wax lays dhaxalsiiyo dhaqanka ayaa ugu sed roon. Facaadda soo koraysaa markay sedkaas weydo, shaki ma laha in ummadnimadeedu wiiqmayso. (8) Sidoo aanay kuwan hore, afka curyaamintiisa iyo caanseerintiisa keligood ku fillayn oo u babac dhigi karayn, ayaa maantana ‘qalin-duurre’ qiire fatahayaa oo qalbaysani, amley saddex gees ah usoo tuntay, faras waalanna usoo fuulay. Farriintooduna waa:
Mashaqooyinka kor ku xusan, ayaandarrooyinkaasi, markay is-biirsadaan oo isku mar wada tumaatiyaan afkeenna qoris ahaan weli ugubka ah, maxaa ka iman kara haddii gudo iyo dibedba xaaladdaas murugsani ay sidaas kusii socoto: Waxaa iman kara:
Maxaa dan ah intaan nimirigaas afka looga gelin ?!!Waa su’aal culus oo xildhibaan kasta la gudboon. _____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|