|
||||||
Gadhku wuxuu u joogaa gafuurka. Daba-galiskuna (surwaal) gondaha. Shaarub dheer iyo shiddo badan midna ma lahaan jirin. Haddase Alamtarana soo dhaaf. Dhuubni wuxuu ka qabo waxa lagu naanaysi jiray "Xiid". Haddana inta ay is furaani waxay ugu yeedhaa "Xaydh". Calool aan ba'nayn iyo calal bilicsan baa oogadiisa ka muuqda. Talaabada marka uu qaadayo waxaad mooddaa waran la tuuray. Kutub aan badnayn oo uu raacday marka laga tago, ma yaqaanno meel uu buuniyada diinta ku bartay. Haddana waxa lagu jaaday Sheekh. Marar badan ayuu is hoos isula faqay oo is weydiiyay aqoon diineed oo ku gaadhsiisa heer sheekhnimo ma lihid, Karaamo awliyaad oo aad badaha ku dul martona warkeeda daa, weli siraata oo samadu u furan tahayna haba sheegin oo ma tihid e, ee tolow haddaba waa yaabe, dadku maxay kugula jeclaadeen sheekhnimada?
Warcelinta waydiintani waayo badan bay maankiisa mashquulisay. Waxa ay ku riday wel wel aan yarayn iyo farxad aan badnayn. Waayo wuxuu kala saari waayay in lagaga maadsanayo iyo in laga run sheegayo. Waa danbese waxa uu ogaadey sirtii sheekhnimada lagula jantay. Oo tolow maxay tahay sirtaasi? Waa gudashada salaadda, gadashada khamiiska, gunaynta gadhka; gaabinta shaarubta iyo goynta balwadda. Shantan tiir waxay lagama maar maan u yihiin noqoshada wadaad Soomaaliyeed. Haddii aan intaa lagaa helina, aqoon diineedkaad doonto lahaw oo ha isku hawlin hana isku hungurayn wadaadnimo. Waayo waxaad noqon haddii il naxariis leh lagugu eego Cilmaani, haddii kalena waxbaba noqon maysid. Balwaddiisa u wayni waxay ahaan jirtay oori xalaala, tiisa u yarina qaxwe caddaysa. Haddase taas laga soo gudub oo hammigiisa u wayni waa siduu mansab ku heli lahaa, tiisa u yarina waa siduu maal ku hantiyi lahaa. Macangagnimo, aragti gaabni iyo bakhaylinimaba isaga ayay ka soo kallahaan, isaga ayayna ku hoydaan. Uurkiisa haddii la dooxo iimaan yar oo qaraxa waa laga heli, kalgacalse ha sheegin, xasad aan xisaab lahayn waad ugu tegi, xaqdhawrse ha sheegin; cuqdad ciiddaa ka badan wuu buuxaa, cafis se ha ka yaabin! Dhibic dhiiga oo waddaniyad ahi jidhkiisa kuma hallaabin. In ay ku laga heli waayana waxa keenay ceeb baabu u haystaa. Waxa taas u sabab ah caqligiisa yar marka laga tago, maba arag culimadiisa oo ka hadlaysa. Sidaa darteed erayga "Waddaniyad" agtiisa qiime sidaa u sii ridan kama laha, qaamuuska noloshiisana kuma jiro. Oo maxaan ula yaabayaa ma dad ay maanta qaddiyaddaas qiime la leedahay ayaa jira? Mar walba wuxuu ku khudbeeyaa "Ma bannaana qofka muslimka ahi, qofka kale ee muslimka ah saddex cisho wax ka badan in uu u cadhoodo", dad kuwii ay shalay isugu dhawaayeenna, salaanta iskama qaadaan maanta. Oo tolow xadiisku miyaanu isaga qaban? Uma eka. Oo muxuu u qaban waayay? Wuxuu isku haystaa wakiil uu Rabbi arlada u soo diray oo ceeb ka saliima. Waxa uu isu haystaa in uu gacan yare u yahay malaa'igta danbiga iyo derajada qorta. Hebel ma tukado, hebel waa tusbax dheere, hebel waa gadh dheere, hebel waa cilmaani, hebel gabadh buu la socday, hebel bisinkuu kor u qaadaa, hebel mawliidkuu banneeyay iyo wax aan intaa dhaafsiisnayn buu dadka ku xujeeyaa, kuna xag xagtaa. Afar iyo labaatanka saacadood intaasuu ka fikiraa, kana hadlaa. Marka uu ka hawlahan ku dhex jiro wuxuu iska dhigaa nin wax wanaajinaya. Haddana run ahaantii waxay ka yihiin ceebayn iyo canbaarayn. Wanaagsanaan lahaydaa isaga oo ku baraaruga ceebihiisa Cadan lagu hayo. Wacnaan lahaydaa isaga oo isku fiirsada inta uu dadka farta ku fiiqayo. Ka kaalay oo ka soo gudub. Wuxuu ku dedaalay ilaalinta sheekhnimadiisa, waxanu ku guulaystay helitaanka shaqo ku habboon. Shaqada aqoon kuma helin, wuxuuse ku helay aamminimo iyo balwad la'aan. Oo aqoontu ma wax is daba marin baa, mise waa wax hagaajin? Waa kolba sida qofka lihi ka dhigo. Wuxuu noqday Sheekh shantii tiir, shaqadii iyo shilimaduba u aayeen. Si hufan ayuu u gutay hawshiisii, si haadsanna wuxuu jeebkiisa ugu hakiyay shilimadii. Run ahaantii shilimadu aad bay ugu duceeyeen, waayo nasashaba waxa ugu horaysay maalintii ay jeebkiisa galeen. Waxa uu si hoose ugu heesay" Xaggan u diid; xagganna u diid, xataa isku diid, xuska (qasnadda) mooyee, xag walba u diid". Waxanay ugu hal celiyeen" Haddaan helnay kaanu raadin jirnoo, hoodii faxalkii ka raysanaynaa" In badan ayay asxaab iyo ehelba ku soo lugo'een iyaga oo ay xaraaradu xaradhaaminayso. Xiiq iyo xiinna jidhkooda ka baxayo. Wuuse uga dhaartay oo dariiq cad buu iska mariyay. In sidaa yeelana wuu ku sax sanaa waayo xoolaha uu isagu isku diiday sidee buu nin gubaya ugu deeqaa? Alla haaye abti xaraaradu waa wax daran!! Waxa ka daran baa lagaa yidhi bakhaylnimada. Waayo maalmo xeel lagaga qaaday wuu ka gubtay maalmo dad xilo ku lihi ka qaadeenna wuu ka gam'i waayay. Kuwa kale oo badan, oo baahan buu iyana hareer iska mariyay. Mar walba wuxuu ku andacoodaa in diintu wax daadaadinta reebtay, kumase daro in diintu gacan adaygana maanacday. Adduunyada nin neceb buu iska dhigaa, adduunkana (maalka) labadiisa indhood ayuu ka jecel yahay. Mar walba wuxuu ku hadaaqaa oo uu dadka u sheegaa inaanay adduunyadu qiime lahayn. Haddii taasi dhab tahay muxuu hadh iyo habeenba u ururinayaa ee uu tobanka shirkadood sheerarka ugu leeyahay. Muxuuse la madoobaadaa marka uu shilin bixiyo cadho daraadeed. Oo horta kaalay diintu adduunyada ma in la caayo ayay inna faraysaa mise in la cammiro? Waxa hubaal ah in xaqiiqado tahay in la camiro. Diintu may tiritirn adduunyada ee waxay sheegtay qiimigeeda dhabta ah. Oo qiimigeeda dhabta ahi muxuu yahay? Wuxuu yahay in lagu shaqaysto, lagana shaqaysto. Oo xaggee loo shaqaysanayaa? Aakhiro. Wuxuu la soo booday maya, waad qaldan tahay diintu waxay sheegtayIlaahay agtiisa adduunyadu inay orgi dhukan ka qiima liidato. Anba kuma odhan Ilaahay agtiisa adduunyadu hal irmaan bay la mid tahay, waxaanse kuu sheegay inaan adduunyada la isku ilaawin, la iskana ilaawin. Cadho ayuu is abudhay waana iga kacay.
Reerkii gabadhu markii inanta laga doonay umay diidin, umanay dardaar warin. Oo maxay ugu diidayaan miyaanu Xadiisku ahayn "Haddii uu hablihiina idinka soo doono nin aad diintiisa iyo dabcigiisa ka raalli tihiin ha u diidina", isna waxaaba u sii dheer duunyo'e. Oo kaalay diinta iyo dabcigu ma laba shay bay kala yihiin? Haa, waase laba shay oo isku sidkan, isku lammaan, isku qurxoon, isku habboon. Oo diinta garanaye dabcigu waa maxay? Waa dulqaadka, dadnimada, dabacsanaanta, daacadnimada, deganaanta iyo dad la dhaqanka habboon. Dad la dhaqanka marka aan ku leeyahay ha u qaadan muslin la dhaqanka ama Soomaali la dhaqanka, ee waxan u jeedaa dadka Eebbe uumay oo idil. Muslinka iyo Soomaaliguna waaba ka sii xag jiraan. Diinta ninkan gabadha lagu siiyay waa gadhka, khamiiska iyo barta madaw ee wajigiisa ku taalla. Oo maxaad ugu diidaysaa miyaanu dhaamin ka dhiman ee baasaboorka lagu siinayo? Miyaanu dhaamin ka aan waligiiba kubkiisa biyaha marin? Miyaanu dhaamin ka balwadu budada ka dhigtay ee akhtarka u ekaaday? Diintu waxay ka kooban tahay Cibaado iyo Mucaamalo. Cibaadada Ilaahay baa kugu leh, mucaamaladana dadkiisaa kugu leh. Ninkan odayga ahi waa Cibaadaystaa, mucaamalada dadkase waxba kama yaqaanno, haddii aad u sheegtana waaba kula yaabayaa. Haddii aanu kula yaabina sidii inan naaska la taabtay ayuu bikh iska siinayaa. Ugu yaraan calool xumo ayuu kuu qaadayaa ama meelahaas ayuu kaa caayayaa. Tan danbe ayaana loogu qaatay. Isaga oo sidaasa, haddana wuxuu isku haystaa diintii oo lugaynaysa. Marka aad dhaqamadiisaa foosha xun wax ka sheeg is tidhaana wuxuu kaa dhigayaa nin diinta wax ka sheegaya. Dadku ma kala yaqaanan isaga iyo diinta. Inay kala garan waayaana waxa keentay aqoon yari. Aqoon yaridaana waxa ka masuul ah isaga iyo inta la midka ah ee bulshada ku hor doobyaysa. Marka uu dan leeyahay aad buu u yaqaannaa ku adeegashada diinta. Markase uu dantiisa gaadho wuxuu la soo baxaa dabeecooyinkiisa qallafsan. Xaaskiisa mar walba wuxuu uga sheekeeyaa sida ay haweenkii wanaagsanaa ee Nabigu (nnkh) ahaayeen, ugamase sheekeeyo sida nabigu nnkh u ahaa ooryihiisa. Oo muxuu uga warramaa, wuxuu og yahay inaanu halna kaga sugnayn sifooyinkii wacnaa ee suubbanuhu lahaaye. Isaga oo reer iyo ubadba yeeshay haddana habeen walba huteelka ayuu ka cunaa cunto dhadhan iyo dheecaanba leh. Caqligiisu ma siiyo sida aad ugu baahan tahay bay ubadkaaga iyo ooridaaduna ugu baahan yihiin. Marka uu guriga tago waxa loo soo dhigaa canjeero indhaha isku haysa oo laba bilaydh dhex hurudda. Bismila Allahuma baariknaa inta uu yidhaa ayuu far iyo suul ku cunaa, isaga oo sunnadii nabiga dabbaqaya. Sunnadu ku qabatay dheh ! Marka uu laba jeer taab taabto ayuu ka kacaa oo uu Al-jazeera, "Xasaadul yoomka" ka fiirsadaa, ama duqdiisa baahan ku dibara dhacsadaa isaga oo cifta haya dharag daraaddii. Xaaskiisa ayay saaxiibaddeed maalin kula kaftantay "Odaygaagii oo shaydaanka laga naarayo ayaan arkaye maxaad siisay walaalo?" Iyada oo dhoolla cadaynaysa, baraad la'na ayaa waxay ugu hal celisay: "Naa walaalo laba hal oo canjeero ah kama badsado, Ilaahay baase u barakeeyay oo waadiga arkay, quwadiisana haddaad aragto......" Inta ay tidhi ayay haddana dib u xishootay oo ay liqday wixii ay soo wadatay. Barakadaaba dhacday, iyada muxuu Rabbi ugu barakayn waayay sawtan ayaydeed u ekaatay. Oo haddii ay u ekaatay ma dan buu ka leeyahay wuxuuba rabaa in ay hore u rawaxdo oo uu tu yar isku ceshado'e. Markase ay iyadu sidan liidata u hadlayso ma ka daacadnimaa, mise waa ka doqoniimo? Ma ka damiinimaa mise waa ka diin?. Oo maxaad u sheeganaysaa miskiintu ninkeeda ha iska haysatee? Maxaannu ugu sheegan waynay dulmiga iyo dullinimada ay qabto ayaa na dhibayee. Oo arliga ma rag baad ku og tahay adigu? Maya, wadaad iyo naago ayuun baan ku ogahay. Oo raggii xaggay mareen? Waxay noqdeen wax jaad raamsanaya iyo wax kuurkuursanaya oo maradu ka dhacayso, hadh iyo habeenna sidii hablaha is daawanaya, isna facsaya. Inantii beryo noolayd ee markii wadaadku la aqal galay aroortii hooyadeed ku tidhi: 'Alla hooyooy wadaad illayn waa nin" maanta haddii ay nooshahay maxay odhan lahayd? Malaha waxay ku hadaaqi lahayd "Alla hooyooy nin aan wadaad ahayniba ma jiro." Iyaga iyo dumarkuba nabsigii bay heleen ma la odhan karaa? Haa, waa la dhihi karaa, talo xumase mar walba agtooda ka eeg. Islaantiisu ma sheegato magacii ay hooyadeed iyo aabaheed u bixiyeen, waxayse isugu yeedhaa magaca inanteeda curad oo ay xagga hore ka marisay "Ummu" oo noqonaya " Ummu heblaayo" Sida uu odaygeedu gadhka iyo khamiiska ugu haysto diin ayay iyaduna magacan cibaado ugu haysataa. Tolow maxay samayn lahayd haddii ay ogaan lahayd in habraha Carbeed ee gaalada ahiba la baxaan "Ummu heblaayo", oo aanu magacu cibaado iyo diin toona lug ku lahayn ee uu dhaqan carbeed iska yahay. Haddii uu intii hore adduun ku mamanaa, hadda wuxuu heegan ugu jiraa sidii uu kursi ugu fadhiisan lahaa. mansabkaasna wuxuu ku raadinayaa kitaabka Alle ayaan idinku xukumayaa. Ma xuma laakiin miyaanay horta habboonayn in uu barto kitaabka Eebbe, miyaanayse wanaagsanayn in uu isagu ku dhaqmo kitaabkan uu leeyahay waan idinku xukumayaa? Ninkani diinta miyuu ku adeeganayaa mise wuu u adeegayaa? Dadka miyuu ka eryayaa mise wuu jeclaysiinayaa? Ma gabbood buu ka dhiganayaa mise gaashaan buu u yahay? Bal adba! Axmed Ismaaciil Maxamuud ( Axmed Deeq) E-Mail:awliyo177@hotmail.com _____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|