Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


Reviewed by Farah Abdulsamed

“Hadday Meel Baas Gashay”
Wq. Caa'isha A. Qaasim

November 21, 2011

Nin baa laga sheegay; tolkay sidaan marba mid u nacayey baan tol la’aan ku dhowahay. Waa sida oo kii ugu dambeeyayna waxa uu noqday walaalkeen oo ah farshaxanka weyn ee caanka ah! Waa cajiib, waxaan soo joogay tiiyoo waxgalka iyo waxgaradkaba iska laysa, wixii soo harayna warkood ba daa’.

Waxay hoos u sii socotaba, waxay soo gaadhay in hablihii xishoodka la huwin jiray si bareer ah loo jar jaro adduunkana markhaati looga dhigo.  

Mar baad is oranaysaa, war kuwan mutacallimka isku sheega ee mareegaha iyo degelada Soomaalida wax ku qor qora, amaba wax ku sawira, haddaan hooyadood malcaamadda ku darin, tolow maxay soo bixi lahaayeen? Mise cilmigaba waxaa ka horreeya caqliga iyo dhaqanka fayow.

Waqti aan sidaa u sii fogeyn baa aqoonyahan Somaaliyeed maqaal af ingiriisi wanaagsan ku qornaa soo bandhigay. Maqaalka halku dheggiisu wuxuu ahaa: Mahiiga: Another UN operative who may have fallen in love with Somaliland. Maqaalkii markaan furay mise waa Mahiiga oo calan hor yaalla eegaya. Anigii baa Illaahay yaab ii keenay oo is iri, tolow habeenkii madasha waad joogtaye goormay calankan hordhigeen?

Ka dar oo dibi dhal! Waa meel kale, waana gabadh mudaharaadsan oo calal loo ekaysiiyey oo Calankii Qaranka madaxa ku soo duubatay! oo af soomaali ku leh intii af ingiriisiga lagu daboolay. Belo’ se waxay dhacday, markaan arkay cajaladdii cudurkaba keentay oo laga duubay Mahiiga oo qolkii martida  Soomaali oo dhan ku qaabilay fadhiya oo kuwii markaa la joogay ku leh, “Waar calankan horaan u arkaye maxaad iigu keenteen.

Amins Cartoon

Sidii Mahiiga ayaan haddeer u yaabbanahay. Waxa iga fajiciyay sawirkii Mahiiga oo tie-ga la hayay. Haddaba, ma wuxuu ula jeedaa, ragga gabdhahaa dhaamee talada dalka ha loo dhiibo, mise wuxuu meel ku ogyahay kuwo is leh seddexda hay'adaha dowladda kmg ah ugu sarraysa hala idink ku badalo? Wixiise intaas ka soo hara waa alif wax maleh.

Hadda iyo talo, kuwan u caraysan maxaa Mahiiga, Meles, Museveni, Mow Mow, iyo Mii Mii, arrinka Soomaaliyeed soo gashay, maansadan* ila dhuuxa:

Haddaad aqalkaaga       Afaafka adkayso
Albaabkana ooddo         Ilaashato hee dheh
Alaabta dhexdiisu          Illayn lumi mayso

Haddaad agabkaaga      Agtaada ku dhowrto
Ishaada ku hayso          Intaad ba ujeeddo
Aqoon xume tuug ah      Illayn arki maayo

Haddaad arrinkaaga        Ergooyin u dhiibto
Afkaagu ka sheexo         In aad ku caddayso
Aqoonta naftaada          In aad ku adeegto
Ayaa ku leh eedda?

Haddaad asalkaaga        Awoow dhaxalkiisa
U ooddo gumaysi          Ahaato alaabo
Afkuun ka hadlaysa       Awoodna la haynin
Ayaa ku leh eedda?

Haddaad isticmaarka     Arbow u taqaano  
adoonsi wax fiican        Ilawday dantaa
Aboor ku cunaaya        Haddaad u abqaasho       
abuur iyo geedba         Ilowday dantaa 

Haddaad aynigaaga     Asaagga filkaaga        
Abeed u ahaado         Ilowday dantaa
Haddaad ururkooda    Ushaada u dhiibto
Adaa is dilaayee         Ha eersan adduunka   

Eelkaad dhigtay weeye     U gaabi naftaada        
La jiif urugtaada              Afkaaga ka dhowro     
Cid baa I ataagtay

Usoo degay hoose         Maxaa arligeenna
Abaarta ka yeelay         Maxaa umadeenna
Alhuuma dul joogta!       Maxaa ubadkeena
asaagood ka reebay                            

Maxaa odaygeenna       Agnaanka ka yeela!  
Agoonhyahankeenna     U diiday odhaahda                         
Indheergaradkeenna     Waxuu la irdhoobay                      
Arlada uga dhoofay    Ayaa garanaaya?

Aqoondarro maaha       Iftiinka adduunka
Islaamnimo fiican         Awood la yaqaanno
Allaa inba siiyo            Nimaan akhriyayna                  
Agteenna ma joogee

Inaynu adeecno           Awaamirta Eebbe
Islaanna ahaano           Akhyaarnimo keeno
Ayaa is hor taagay?

Hadday ummadeennu      Israaci lahaydoo
Aqoonsan lahayn            Mar uun arki layd
Idbaarka naftooda          Dhibkay ku idlaatay
Ur baa bixi laayoo           Ishaaro wanaagsan
Ayaa iman layd

Bal eeg arligeenna          Bal eeg umadeenna
Bal eeg arageena           Anfaciyo dhibka haysta
Abaarta ku faaftay         Irdhada olalaysa
Aydii lagu foofshay         Waxay afka saarto
Iyo anaanuf ka wayday

Dhulku waa asal             u baahan rag ilaalsha         
Agtaagan  dantiisa          Illaahay ka yaaba oo          
Abaabul wanaagsan         Asluubta nidaamka               
Aqoonta xaq dhowrka       Dadkoo aayo samaysta          
Dowladdoo la adkeeyo      Ayaa ila fiican

Intaanan dhammaynin       Bal aan eraygeega        
Illaah baryadiisa               Aakhiir uga yeelee           
Dadow idilkiinba                Aamiinta i raacsha

Abaarta dalkeenna            Ilaah haka qaado
Ixsaanka wanaagga           Islaamnimo fiican     
Ilaah hanna siiyo

Aqoon lagu faano              Afrika laga sheego
Sidii awalkeeni                  Ilaah hayna siiyo
Dadkoo ah walaalo             Abtiyo ina eeddo
Adeer inankiisa                  Ayeey ehelkeeda

Arxaam na dhehyaalo          Af xumo laga dhowro
Israaco dhammaan ah         Ilaah hanna siiyo
Awlaad umadeeda              Haddeer u adeegta
Aqoonin xumaanta              Iblayska qabiilka
Ahyaa wadaniin leh             Ilaah hayna siiyo

Dadkoo is arkaaya               Eed aysan dhex oolin
Eexda oo la dhameeyo          Sinnaan ambaqaada
Ilaah hayna siiyo

Ibtilo xuma reebta                Isir laysugu faano
Anaa u sarreeya                   Anaa xukumaaya
Anaa ugu fiican                    Waxaa arligeenna
Amuugan ka yeelay               Ilaah hana dhaafsho

Argaagaxa yaalla                   Aabaha la dilaayo
Agoonta qaxaysa                  Asayda haweenka
Ilmada qubanaysa                 Ilaah hana dhaafsho
Afduubka dadkeenna              Ayaamahan haystay

Ikhyaar laga qaaday               Awooddii dadweyne
Rag kale ku adeegto               Ilaah hana dhaafsho
Dadkoo isku uura                   Ul iyo sidii diir ah
Is aamin yimaaddo                 Ilaah hana siiyo                     
Ilaah hana siiyo, Amiin

Aaisha A. Kassim
Email:aakassim1@gmail.com

* Maansadan waxaa tiriyey abwaan Abdirahman Yahye Galaydh.

__________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2011 WardheerNews.com