Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn
(A Flight Into the Unknown)
Wq. Siciid Jaamac Xuseen
April 21, 2012

Safarrada i soo maray way badan yihiin. Inta aan is leeyahay waa lagu la danyan karaa aad ayay u tira yar yihiin. Kaan soo wadaa ka mid ah, waana kii iigu cajaa’ibka badnaa.  Cajabtiisu
xaggee bay ku jirtaa?

  - Waa kii ugu gaabnaa, oo habeen keliya ayaa safarkaa lagu maqnaa
  - Waa kan keliya ee aan madaxweynaha u raacay
  - Waa kan keliya ee si toos ah  ama dadban ula xiriira dhacdooyin ka horreeyay ama    ka dambeeyay.. kuwaas oo noloshayda saamayn ku reebay, qof ahaan, qoys ahaan,    iyo qaran ahaanba
  - Waa kan keliya ee aan kala wada kulmay kedis, dalxiis, kaftan, digniin, booqasho aan u busaylay10 sano ka dib, iyo go’aan kii iigu qaraaraa aan gaaro.

Arrimahan isku guda jra, sidee baan u kala guraa, xaggee ka bilaabaa?

Mar hadday dhacdadu xasuusqor safar dhab ah tahay, sidaan soo sheegay, waxaan goostay in halkay ka bilaabmaysay iyo siday u bilaabantay aan ku daysto.

Siciid Jaamac Xuseen
Siciid Jaamac Xuseen

Waa dayrtii 1977 oo jawi macaan iyo maalin Isniin ah.  Aqalkaygu wershadda korontada Xamar ee Afar irridoodka ayuu ka soo horjeeday.  Daakiraaddii salaadda waaberi ayaa albaabka na lagu garaacay.  Anigu sardho Ilaahay uun raaxadeeda ogyahay ayaan ku jiray.  Xaaskayga ayaa ciddii garaacaysay ka furtay, ka dib na i toosisay.  ‘Waa ayo waxa xilligaas nagu garaacayaa?’ ayaan caro ku su’aalay.  “Waa kuwii kuu iman jiray.” Ayay ku jawaabtay.  Hadalkeedii inay askar sheegayso ayaan  ka gartay, haddii kale cidda ay yihiin ayay ii sheegi lahayd. Sidii bayna noqotay oo askari albaabka aan soo dhaafin ayaan u tegay oo baabuur ‘otto otto’ ah watay. 

“Siciid, belo ma jirto.” Ayuu judhiiba niyadda iigu qaboojiyay.  “safar ayaa loo baxayaa subaxan aad ku jirtid ee  adigu madaxtooyada is gee.” Ayuu warkiisii kaga baxay oo baabuurkiisii kaxaystay.

Siyaasad ahaan dhaqanka berigaas Xamar ka jiray wuxuu ahaa, ciddii xilligaas oo kale askar otto otto wadataa u timaaddo laba ayuun bay mid ahaan jirtay: Ama waa la gunnayn..ama waa la ganaaxi.  Ama jago sare sida wasiir oo kale ayaa laguu magacaabi jiray inta madaxweynaha laguu geeyo, ama xabsi aanad garanayn kuu noqon doono ayaa laguu taxaabi jiray.  Waa sababta askarigii la ii soo diray, akhlaaq wanaag waxuu ka qabay judhiiba iigu yiri ; 'Belo ma jirto.'  Wuu la socday sida dadku u sharaysan jireen marka waqtigaas oo kale la soo siyaarto.

KEDISKII aan safarka ku tilmaamay ayaa bilaabmay:
In uu safar jiro gartay oo askarigii ayaa ii sheegay (weli waan u duceeyaa!)
Kolleyba waa madax ee waa kuwa ma?
Dalka la tegayaa waa dalkee?
Immisa casho ayaa lagu maqnaan doonaa?
Dhar noocee ah ayaan ugu sii tala galaa? Ma qaboobaa mise waa kulayle?
Kolleyba inaan wax qoro ama tarjumo ayaa la iga rabaa ee sidaan isu sii diyaariyaa?
Xaaska maxaan ku la sii ballamaa? (weli waa isku cusub nahay oo dardar baan qabnaa)

Duullimaadka ka hor, xataa markaan ogaado dalka aan aadayo, si aan ugu soo sheegaa ma jirto. Xafiisyada dawladda mooyee, telefoonno laga xiriiraa ma ay jirin.  Anigana aqalka mid ii ma oollin.  Taan laga badinayn ayaan ka raacnay:
“Markaan soo noqdo ee Ilaahay isu keen keeno ayaan kuu warrami doonaa,” ayaannu ku kala tagnay.

Dhinaca isdiyaarinta welwel badan isma aan gelin.  Waxa la iga rabo in aan safarka qabto, intaan maskaxda ku wato ayaan kaga tala galay.  Dhar waxoogaa ahna boorsadaan ku ritay, wixii aan ka maarmi waayo, magaalada la tago ayaan ku daystay inaan la dhawro.  Anigoo xaalladdaas ku sugan ayaan madaxtooyadii isgeeyay abbaara 6dii subaxnimo.

Madaxtooyadu beryahaas xero miliari ah oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhow ayay ku dhex tiil.  Askar ilaalo ah mooyee waqtigaas masu’uliin iyo shaqaale kale  ma joogin.  7da subaxnimo ayaa shaqada la iman jiray.  Saaxiibbadaydii aanu wada shaqaynaynay waxna ima ay weydiin, waxna uma aan sheegin. In aanay i war dhaamin waan ogaa.  8dii subaxnimo mar ay ahayd, ayaan la kulmay g/s Cabdi Warsame Isaaq, wasiirka mataxtooyada ee arrimaha shaqaalaha.  Isaga ayuu ahaa qofka askarigii ii soo diray, isagaana markan qardhaastii xirnayd ii furfuray.

In Yaman safar loogu ambabaxayo..
In wefdi m/w Maxamed Siyaad Barre wato la raacayo..
In shir 4 gees ah la isugu imanayo oo ka kala socda Somalia, Sudan iyo labada Yaman..
In arrinta laga hadlayo ku saabsan tahay Badda Cas..
In uu isagu wefdigayaga u qaabilsan yahay arrimaha dibedda..
In aniga iyo saaxiibkay Cumar Saalim oo aan madaxtooyada ka wada shaqaynno hawshayadu tahay tarjumidda iyo wixii qoraal ah ee kale ee loo baahdo.

Maxamed Siyaad Barre

Muddada la joogayo Yaman ii ma uu sheegin.  Waanse garanayay in 2 maalmood aanay ka badan karin.  Mar hadduu shirku dhammaado, in madaxdu dalalkoodii u kala dhoofayaan.  Siciid Cali Giir (saaxiibkay oo aannu isku reer cadmeed ahayn wadana shaqayno) ayaan sii faray in uu xaaskii la socodsiiyo in maqaadiirtii xaggaa iyo Yamanta ii la kacday.. (10 beri ka dib iyadoo aan farriintaasi weli gaarin ayaan Xamar ku soo noqday!!)

Madaxweynaha waxaa weheliyay dhawr askari iyo taliyahooda g/s Maxamed Jibriil oo ahaa xilligaas taliye xigeenka NSS-ta.  Iyadoo weli barqo ah ayaan gaarnay magaalada Sanca, caasimadda Yamanta Waqooyi.  Gobolkaasi waa goobta keliya ee marka la calaamadaynayo cimilada Jasiiradda Carabta waa meesha keliya midab cagaaran lagu sunto.  Biyaha, doogga iyo barwaaqada waran waa meesha Quraanku ku tilmaamo inay Nabi Saleebaan iyo Boqoraddii Sabaa ku kulmeen.  Waa meel indho basaasay ay kuugu bogsoodaan. 

Waxaa wefdiga garoonka diyaaradaha ku sii sugayay madaxeyne xigeenka Al-Qashmi.  Shirku wuxuu ka dhacayay magaalada Tacis, magaalada labaad ee Yamanta.  Waana tan ugu dad badan uguna ilbaxsan.  Madaxweynihii Yamanta Ibraahim Xamdi iyo martidiisii kale ee m/w Numeyri oo Suudaan ka socday iyo m/w Saalim Rubayac oo Cadan ka socday waxay ku sii hormareen goobtii shirku ku qabsoomayay. 

Ta'iz, Yemen
Magaalada Tacis

Soo dhowaynta Qashmi ka dib waxaan u safarnay Tacis.  Bilicdeeda ka sokow, waxyaalaha soo jiidashada ah leh ee aad la kulmaysid haddaad Tacis nasiib u yeelatid inaad tago waa buurta tilmaaman ee aad u dheer ee lagu magacaabo Jabal Saber illaa dhawr kun oo mitir dhererkeedu gaarayo oo cagaaran. Gunta illaa baarkana saro ka dhisan yihiin aad mooddid in dadkii dhisay aanay dhulka ka tegin ee cirka kaga soo degeen.  Wadooyinka, beeraha iyo biyuhuna waa joogto oo dadka fiiqaa saarani ma waayaan.  Qadadii ka hor ayaanu Tacis ka degnay.  Sida muuqatay, annaga uun baa na la sugayay.  Salaan iyo soo-dhwayn diirran ka dib, judhiiba hawshii ayaa hor laga galay.

Shirkaa waxaa la isla gartay in lagu magacaabo: “ KULANKII 4-GEESKA EE TACiS”
Waqti gaaban markay shir wada qaateen, madaxweynayaashii mawduuca ay judhiiba isla mari waayeen wuxuu ahaa: Badda Casi ma marin biyood Carbeedbaa? Mise waa marin biyeed caalamka ka dhexeeya? Sida la og yahay dawladaha kale ee aan Carabta ahayn ee iyaguna baddaas hareeraheeda deggan waxaa ka mid ah Ethiopia oo markaas ay Eritrea ka tirsanayd iyo Israel oo iyana xad ku leh.  4ta madaxweyne arrimo ay isla ogyihiin oo aan cidina isdiidsiin karayn ayaa jiray.  Dalalkooda oo meesha ku yaal mooyee, dhinaca awoodda in aanay wax badan muquunin karayn iyagoo xoogagga caalamiga ee ‘Bari’ iyo ‘Galbeed’ jira kala raaca mooyee.  Tan kale ee arrimaha sahlaysayna waxay ahayd, 4toodaba isafgarad wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay oo wax arrimo ah oo ay isku hayeen haba yaraatee ma aanay jirin.  Sidaas darteed, waxay go’aan ku gaareen inay isku raacaan in baddaasi dawladaha xadka ku leh iyo kuwa kaleba uga wada shaqeeyaan sidii ay Badda Casi u noqon lahayd marin biyo nabadeed. Taladaas ay isku raaceenna lagu soo saaro war-saxaafasdeed.

War saxaafadeedka arrinta Badda Cas ka sokow, waxa weheliyay qodobbo afarta dal ee isu yimi ay danaynayeen ama gaar gaar ama wada jir ahaan oo aan marna khilaaf ka imanayn.  War saxaafadeedka dawlad waliba waxay u soo dirsatay qof uga qaybgala.  Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan ee Cisaddiin waxaa la isku raacay in uu kooxdaas la taliye iyo kormeere u ahaado oo hawshooda ka soo ansaxiyo. 

Wefdiga Soomaaliyeed oo tala-soo-jeedinteeda uu lahaa Maxamed Siyaad Barre waxa uu culayska saaray arrinta Jibuuti oo xilligaas – gobanimada ka hor- meel xasaasi ah maraysay.  10 dhibcood oo halganka Jibuuti hiil u ah, gumeysiga Faransiiska haaraamaya, iyo taageerada in loo fidinayo Jibuuti u baahan tahay ayaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wefdigii u soo jeediyay.  Waa la isku raacay.  Aniga ayaa la ii xilsaaray inaan murti saxaafadeedkii dhinaca Soomaalida uga qaygalo.  Waxaana la ii sii dhiibay farriintaa Jibuuti  oo dhibcaheeduu fara badnaayeen hadalkeeduna aad u kululaa oo u ekaanayay haddii sidiisa lagu soo wada qoro warsaxaafadeedka dantii laga lahaa in uu hadhaynayo oo Jibuuti mawduucu isu rogi karo.

Sidaan soo sheegay, Badda Cas inteedii si fudud ayaanu Kooxdayadii uga soo jeesannay bayaankii na loo diray.  Waxaa waqti dheer naga qaatay arrimo yar yar oo badanaa ay labada Yamanood isku khilafayeen habka loo soo dhigayo.  Taas oo keentay in mar wal oo ay isqabtaanba labadayadii ergay ee ka kala socday Suudaan iyo Soomaaliya na loo saaro habaynta xaajada oo kolkaas la isku raaco.  Tan kale waxay noqtay go’aammadii faraha badnaa ee Jibuuti ku saabsanaa sidii loo ansixin lahaa.  Waxaa la isku raacay oo aan laftaydu la aqbalay in inta ugu culculus oo la isku duway laga soo qaado si war saxaafadeedka lafttiisa oo aan sii burrayni isu dheellitirnaado.

Hawshaas aanu duhurkii dabadadiis u fariisannay, gabbalkii ayaaa noogu dhacay.  Ugu dambaystii waxaannu guddigayagii la kala carraabnay nuqulladdii kama dambaysta ahaa.  Anigoo daashan, ayaan gataati dhacii wefdigaygii ku noqday war-saxaafadeedkii anoo wada. 

Saaxiibkay Cumar Saalim, oo aanu hawshaas wadaagnay aanse shirkaa igu la jirin, ayaan qoraalkii farta ka saaray si uu madaxweynaha ugu akhriyo oo la socodsiiyo sidaan wax u habaynnay.  Nasasho qalqaaladeed ayaan anigu markan u hawl galay.  Iyadoo aan weli shaag ii rogman ayaa Cumar oo ka tuurayaa degdeg ii gu soo laabtay isagoo warcelin farxad lihi wejigiisa inna ka muuqan.  Hadal badanba madxaxweynha isla ma ay gaarin ee arrintii Jibuuti maxaa laga yeelay iyo intee laga soo qoray markii la weydiiyay, laba qodob ayaa Cumar  ku jawaabay iyadoon waxa labada qodob koobayaan aanu sii raacin.  Aad ayaa madaxweynuhu uga xumaaday in talooyinkii toban ku dhowaadka ahaa in ay 2 qodob keliya ku koobmaan.  Cumar ayaa madaxweynuhu soo faray in sabab lagu diidi karo talooyinkani aanay jirin ee shirkii aan dib ugu noqonno oo ka soo wada ansaxino.  Cumar ayaa anoo is-dhigtay xilka cusub ee culus ee soo kordhay ila socodsiiyay oo iigu daray, mar haddaan markii horeba keligay ahaa inaan markanna anigu hawshaas soo fuliyo.

Xafiiskii iyo meeshii aannu ku shaqaynaynay ayaan isku qaaday. Beri hore ayaa laga haayiray. Kuwaan isku guddiga ahayn qof keliya kama aan hayo.  Mar ay talo igu caddaatay, ayaan isku soo baxnay Suudaanigii guddiga nagu la jiray.  Warkii iyo welwelka i haysta ayaan la socodsiiyay.  Wuxuu ila raadsaday Cisaddiin, wasiirkii na qaabilsanaa kooxdayada ee 4 madaxweyne u xilsaareen in uu ka wada eego war saxaafadeedka soo bixi doona, ee aannu qoraalkii u dambeeyay farta ka saarnay ee noo ansaxiyay.  Dhibta i haysata sida loo furdaamin karo iima muuqato.  Waqtiguna wuu is gurayaa.  Cisaddiin ayaan jaliiladda i saaran la socodsiiyay.  Wuu igu qoslay Isagoo niyadda ii qaboojinaya.  Waa sahlan tahay ayuu i yiri anigoo yaabban halkuu guddigii ka soo ururin doono iyo sidii hawshaas mar kale loogu noqon lahaa.  Aniga wuxuu i weydiiyay keliya warkaan rabey in go’ammada lagu daro.  Warqaddii aan bilawgii shirka la imid ayaan sitay markan ee talooyinkii madaxweynuhu ku taxnaayeen oo Af Carbeed ku qoran.  Farta ayaan ka saaray, iyadoon weli garan la’ahay wasiirku wuxuu maaggan yahay.  Suudaanigii aannu wada soconnay ayuu u diray in war saxaafadeedkii  go’aammadii Jibuuti ku tiil gebigeed dib loo garaaco,  talooyinka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre siday u dhan yihiin lagu soo daro, ka bacdina makiinadda lagu wareejiyo oo nuqul laga sameeyo. 

Wiilkii hawshii saacado yar ayuu ku dhammeeyay.  Wasiirkii ayuu u keenay.  Wasiirkii Cisaddiin hal nuqul ah ayuu i siiyay.  Iyadoon weli yaabbanahay ayaan wasiirkii ku iri: “Sidee loo helayaa xubnihii kale si warqaddan cusub ay u wada oggolaadaan?”  Cabbaar intuu igu dhaygagay ayuu isagoo dhoollo caddaynaya igu yiri: ‘ Adigu kuwaas sida loo heli doono, iyo aqbalaadoodu dantaa iyo mushkilddaada midna ma aha ee nuqulka aad sidatid madaxweynahaaga u gey.  Kuwan aad sheegaysidna, inta ay haystaan ayaa ku filan in ay madaxdooda iyo dalkooda kula noqonayaan.

Aden, Yemen
Cadan

Markan daal kastaa ha i hayee, nuqulkii Cumar Saalim uma dhiibin ee anigoo aad i mooddid inaan keligay col soo jebiyay ayaan madaxweynihii toos ugu tegay oo  la socdosiiyay sidaan hawshii ugu soo guulaystay.  Saacaddu habeen barkii ayay isku shareertay.  In berrito la baxayo oo Muqdisho lagu laabanayo ayaan ka war helay.  Talo laba ayay ii soo joogsatay in aan kala doorto: In aan wefdiga Xamar-tii shalay subax layga soo jafjafay u sii raaco, iyo in aan maalmo Cadan iyo ciddaydii kusii nasto- iyagana aan soo arko iyo magaaladaan ku koray, wax ku bartay, ka shaqeeyay ee 10ka sano iigu dambaysay..  Fasax wefdiga la iga siinayo iyadoo kharash la iigu darayo marna uma fadhiyo.. ku darso oo baasabooradii wefdiga oo idil kayguna ku jiro g/s Maxamed Jibriil ayaa haya.  Sidaas ay tahay ayaan talo ku goostay inaan Cadan iyo ciddaydii u tago.. taas baana dhacday.  Waxaan geeddigaa laba guurka ah kala kulmay iyo talooyinkii igu beermay waa xasuusqor kale oo xilligiisa sugaya.

Siciid Jaamaca Xuseen
E-Mail: sjx2005@hotmail.co.uk

___

Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed, islamarkaana si joogto ah wax ugu qora degelka WardheerNews. Waxa uu hadda ka mid yahay Siciid duqayda Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed.

_______________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2012 WardheerNews.com