|
![]() |
|||||
|
KU DHASHAY MAGAALADAN BOSTON 1809i, Edgar Allen Poe waxa uu ahaa maansayahan, qoraa iyo suugaandhaarri Maraykan ah oo ka sheeggan dunida maansoolaha. Waxa uu Poe nolaa muddo dhan afartan sannadood, isaga oo siddeediyo-toban jir ah na waxa uu daabacay buuggiisii ugu horreeyay oo uu maansooyin kooban ku soo bandhigay. Sanadihii ugu dambeeyay nolashiisa waxa uu Poe ahaa suugaandhaarri naqdiya suugaamo badan oo sheekooyin iyo maansooyin ba leh oo xilligiisii caan ahaa.(1) Waa markan marka uu Poe si fiican dhidibbada ugu aasayo, oo uu qeexayo, hab-qoraalka sheekada gaaban, soona shaac bixinayo “qiimaha ay sheekada gaabani leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto suugaanta magoogasho.”(2)
Inkasta oo uu maansayahan murtiile ah ahaa, haddana Poe waxa uu caan ku ahaa naqdinta suugaanta. Taas oo uusan gacan jixinjix leh ugu hagaagi jirin.(3) Hasayeeshee, intii uu mootanaa waxa ay suugaantiisu, siiba maansooyinkiisu, noqdeen kuwo laga dab qaato, oo sheekooyin iyo aflaamo hor leh laga allifo. Tusaale ahaan, maansada “Riyo riyo dhextaal” ee qoraalkan ku gudbadhigsan(4) waxaa lagaga dab qaatay filimka caanka ah ee “Inception”; sawirro badan oo filimkan ka dhex muuqda ayaa toos uga dhex muuqda maansada.(5) Poe maansadiisan waxaa la daabacay bilo uun ka hor intii uusan dhiman; waxa ayna maansadu soo baxday xilli uu Poe ku sugnaa xaalad qarracaneed. Taas oo ay sabab u ahayd dhimashada, laba sano uun ka hor, xaaskiisa, oo ay ilma-abti ahaayeen.(6) Waxa uu qarracankaasi u wacay inuu Poe noqdo mashaqayste, sakhradi daashato, sanadihii labada ahaa ee nolashiisa ugu dambeeyay. Maansada, oo asalkeeda siday ku soo baxday hoosta laga daalacan karo(7), marka aynu furfurno, meerisyada 1-5 waxa uu Poe ku sagootinayaa Nolasha; waxa aad na mooddaa in uu Poe garwaaqsanaa inuu dhanka loo badanyahay u sii luudayey. Waxa uuna Poe dib u gocanayaa nolashiisa waxa uu ku soo dhammaystay; isaga oo Nolasha lafteeda la garramaya ayuu waxa uu qirayaa, sida ay Nolasha uu ku sugnaa marka uu maansada curinayey u sawiraysay, in waayihii nolashiisa ku soo maray ay ahaayeen riyo. Hasayeeshee, meerisyada 6-11 waxa uu Poe ku doodayaa in Nolashuba ay tahay riyo riyo dhextaal. Waxa uu aragtidiisan ku xoojinayaa in qofka Nolasha ka rajadhiga uusan kala jeclayn macaan amma qadhaadh waxa ay Nolashu ugu fadhido. Weydiin culus ayuu waxa uu dul dhigayaa in Nolasha dharaarteeda amma habeenkeeda aan la kala xigsan karin marba haddii aan midna la danaynaynin. Tanna waxa ay keenaysaa in Nolasha loo fasirto riyo riyo dhextaal. Meerisyada 12-16 waxa uu Poe inoo sawirayaa xaaladda uu ku sugnaa marka uu maansada curinayo iyo nolashiisa intii qaayaha lahayd oo uu xajisan kari la’yahay. Waxa uu ahaa maansayahan la qaddariyo, oo laga dambeeyo, muddaba dhawr iyo toban sannadood, balse xilliga uu maansada curinayo waa sakhraan, aysan cidina dayin. Waxa ayna isaga la tahay in qaayihii uu lahaa, ee aan in badan soo jirin, uu qiilqiil galay, maaddaama oo uu dhex dabbaalanayo nolol ceeb uun u soo hoysa, ahmiyaddii uu bulshada ku lahaana ka xayuubisa. Inta ay maansadu ka gabagaboobayso marka laga bilaabo meeriska 17d waxa uu Poe la ilmeenayaa in uu qaayihii uu lahaan jiray, midna Eebbe ha ka yeelee, uu soo ceshan la’yahay. Waxa uuna ku soo noqonayaa rajo la’aantii hore, oo uusan 100% ayidsanayn in ay isaga haysato, iyo in Nolashuba, sida ay isaga ula noqotay, ay tahay riyo riyo dhextaal. Markan Poe waa uu soo dabcayaa, oo su’aal ayuuba ka qabaa in ay nolashu tahay riyo riyo dhextaal; waxa ayna tani caddaynaysaa in uu Poe rajo wali ka sii qabay nolashiisa. Si guud ahaaneed na waxa uu Poe caddaynayaa in nolasha aan rajo lahayni iska tahay riyo. Gudbadhista maansada ee halkan hoose ku soo bandhigan waxa ay u qaabaysan tahay sida masafada; hasayeeshee, bayd(8) wal ba meeriska hore waa jiifto, halka uu ka dambana ka yahay haanto (amma heesta haanta). Waxa ayna gudbadhistu tahay sidatan: Dhunkashada sagootiga ‘ Dhac ku siiyay koodkaaye Anu waxan dhex taagnahay ‘ Guuxeed dhagtaw dhigaye ------ Idiris M. Cali waa qoraa deggen magaalada Boston ee dalka Mareykanka oo si joogta ah sheekooyin gaaban, maqaallo iyo qormooyin kaleba ugu soo bandhiga WardheerNews. Waxa aad kala xidhiidhi kartaan:Dhanjac:idiris.m.cali@gmail.com DHUGMO(1) Poe Museum. “Poe’s Life.” Web. <http://www.poemuseum.org/life.php> (2) Cabdiraxmaan Cumar Warsame. “Hab-qoraalka Sheekada Gaaban.” Bogga 6d. <http://webapp1.dlib.indiana.edu/metsnav/general/navigate.do?oid=VAA3479&pn=2&size=screen> (3) Wikipedia. “Edgar Allen Poe.” Web. <http://en.wikipedia.org/wiki/Edgar_Allan_Poe> (4) Gudbadhig waa tarjamid. (5) Dufresne, Alix. “How a Dream within a Dream Influenced Incetion.” Web. <http://voices. yahoo.com/howdream-within-dream-influenced-inception-8326605.html> (6) Poe Forward. “Virginia Clemm Poe.” Web. <http://www.poeforward.com/poe/virginia. html> (7) Waxa ay maansadu asal ahaan tahay: Take this kiss upon the brow! (8) Bayd waxaa la yiraahdaa labo meeris oo is hor yaal oo kala qoqoban, balse duluc ahaan isku xiriirsama. Badanaa masafada ayaa yeelata baydyo. Tusaale ahaan, alfiyada caanka ah ee Ibnu Maalik waxa uu ku bilaabay: Qaala Muxammadun huwa ibnu Maalik ‘ Axmaddu Rabbi-LLaaha khayra Maalik Masafadii jiiftada ahayd ee Xaaji Aadan na waxa ay ku bilaabatay: Cabdow way sa seegteen ‘ Saaxibkaa Hadraawiye ____________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com Copyright © 2012 WardheerNews.com |