Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf

Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn II
(A Flight Into the Unknown)
Wq. Siciid Jaamac Xuseen
June 12, 2012

Gebagebada qaybtii kowaad ee xusuusqorkan ayaan ku soo sheegay in safarkii Ticis uu noo dhammaaday, wefdigii Soomaaliyeedna berrito dalkii ku noqonayo.  Anigu inaan wefdiga ka haro oo ciddaydii iyo Cadan maalmo sii joogo ayaan talo ku goostay.  Taladan fulinteedu marna uma sahlana sida aan go’aankeeda ku gaaray.  Intaan hore soo magacaabay mooyee, wefdiga madaxweynaha waxaa weheliyay safiirka Soomaaliya u joogay magaalada Cadan ee Maxamed Jaamac (MJ) iyo gashaanle sare Xuseen Saalax, la taliyaha militariga ee safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.  Labadaba waan la socodsiiyay in aan maagganahay inaan Cadan u sii raaco marka shirku noo dhammaado.

Siciid Jaamac Xuseen
Siciid Jaamac Xuseen

Dhib iyo caqabadi waa sidaan madaxweynaha uga fasax qaadan lahaa iyo gashaanle sare Maxamed Jibriil sidaan baasaboorka uga la soo noqon lahaa.  Waxaan sii qorshaystay in aan marka hore Maxamed Jibriil ka qaato baasaboorka iyadoo aan sababaynayo, ka dibna madaxweynaha ka codsado fasax gaaban.  Waqtigu sida muuqata talo ila dhawri maayo ee si degdeg ah ayuu  isu gurayaa.  Qaboonadii waaberiga ayaa quraacdii laga soo jeestay oo safarkii la isu qalqaaliyay. Dayuuraddii way joogtaa oo in la raaco uun bay sugaysaa. Waa lagu sii kala horraynayaa; oo madaxweynaha ayaa wax u soo baxa ugu dambeeya sida habmaamuusku yahay.

Qorshihii aan dhigtay ayaan ku dhaqaaqay oo gaashaanle sare Maxamed Jibriil ayaan ku hor maray oo l a socodsiiyay in madaxweynuhu hawl gaar ah Cadan iiga diray.  Sidaas ayaan kaga qaatay baasaboorkii anoo ku kalsoon in aanu madaxweynaha warkaygan ka soo hubsanayn.  Madaxweynaha isaga waxaan la beegsanayay inaan turjumaan u noqdo marka ay madaxweynaha Yamaned is sii sagootinayaan oo aan kolkaas  codsigaygan ka dhammaysto. Wefdiga Soomaaliyeed intii Xamar ka timi, diyaaraddii ayay wada fuuleen.  Labadii madaxweyne oo ay la socdaan dhawr sarkaal oo Yamaneed iyo Xuseen Saalax oo Maxamed Siyaad Barre (MSB) af-celiyeen u ah ayaa diyaaradda hoosteedii wada yimi si ay isu sii sagootiyaan.  Marka aniga xaaladdaydu way cakiran tahay.  Qorshahaygii khalkhal baa galay.  Nasiib-wanaag, Yamantu way la socdaan inaan wefdiga Soomaaliyeed ku jiray.  MSB iyo Xuseen Saalax ayaan safkoodii ku biiray diyaaradda hoosteeda.   Markii ereyada maca-salaamaynta la is dhaafsaday ayaa MSB oo cabbaaradaba u jeeday inaan meesha taagnaa, ayaa igu soo tuuray:  “Siciid Jaamac, adigu ma Yamantaadii ayaad iskaga hartay?! Kolkaas ayaan ku jawaabay, ‘Maalmo qura, Jaalle.’

Tacis iyo Cadan diyaarado looma kala raaco.  Si walba jidka dhulka ayaa ku habboon.  Baabuurkii safiirka oo raashin daf ka yahay ayaa diyaar noo ahaa.  Anigoo cuntada Cadan loo qaadayo la yaabban, ayaa la ila socodsiiyay in cuntadu aanay qaali keliya ahayn ee qaalinimada ay kaga darantay in aan la helin.  Hadalkaasi si weyn ii ma gelin oo Cadantii aan ka tagey iyadoo cammiran ayaa ii hillaacaysa.  Waqtiga ugu macaan in Cadan la joogo waa jiilaalka – Oktoobar iyo Febraayo u dhexaysa.  Booqashadaydu waxay ku soo aadday xagaa weliba nolosha dadku adag tahay.  Judhiiba waxaa wejiga naga leefay hanfi kulul oo dabada ku wata dhidid iyo dhegdheggiisa, daal iyo cagajiidkiisa, caro iyo camal-xumadeeda.  Anigase cimiladaa iyo gadoodkeeda waa la iiga darnaa.  Meelaha aan rabo inaan soo wada arko iyo dadka inaan la kulmo aan xiisaha u qabo ayaa xagaagan geesa-bixiyay igaga cuslaa.

Khormaksar
Muuqaalka qayb ka mid ah Khormaksar

Safaaradaha dalkaa ka furani, mid mooyee intooda kale waxay ku yaalliin degmada Khormaksar nabadgelyada awgeed.  Waxaana ku weegaaran xeryo miliari.  Tan keliya ee ka baxsani waa safaaradda Soomaaliyeed ee ku taal xaafadda Xaafuun ee degmada marsada weyn ee Macallo.  Safaaraddu guri aad u weyn ayay deggan tahay, ma aha iijaar ee waxaa leh dawladda Soomaaliyeed.  Anigu iyada ayaan ku degay.  Xussen Saalax isagu huteel magaalada ku yaal ayuu qol ka qabsaday.  Cadan iyo waxaan kala kulmay 10 sano ka dib, meel aan ku koray, wax ku bartay, ka shaqeeyay, ehel iyo saaxiibbo ku leeyahay, toddobaadkii aan ku hakaday aniga saacad waliba micne weyn ayay ii lahayd gaar ahaan marka aanad hubin inaad dalkaas mar kale ku soo nqon doontid intaad nooshahay.  Imminkase waxaan ka raacayaa inta aan isleeyahay waa la danayn karaa oo micne ayay inoogu fadhiyaan.

Suuqa Khudaarta ee Cadan

Dareenkii iigu horreeyay ee indhaha iga dhirbaxay waxuu ahaa dhismihii magaalada – guryihii, xafiisyadii, huteeladdii iwm sidii Ingiriisku kaga tegay oo bus iyo abaari fuushay aan mar keliya nuurad la marin ayaan kala kulmay.  Durba saluug ayaa i galay.  Waxaa sii dacareeyay markaan arkay suuqii wax laga soo gadanayay siduu u kala yaal.  Qudradda, hilibka, Kalluunka iwm qoysaska magaalada ku nool ayaa lagu sargooyaa baahidooda maalmeed.  Wixii 9ka subaxnimo ka dambeeya waxaad ugu tagtaaba waa sixaarado haawanaaya.  Inta keliya ee nafta igu soo celisay waxay ahayd markaan maqlay ee arkay in carruurta heerka xannaanada ilaa jaamacadda ugu sarraysa waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay. Caafimaadkuna ilaa qallinka dalka gudahiisa iyo dibeddaba uu sidoo kale yahay.  Taas oo ay weheliso in guri walba ciddii qaangaar ahi ay shaqo tago, mushaharku intuu doono ha le’ekaadee.  Markaas ayaan gartay in Ingirisku culayska saari jiray tiro yar iyo dhaldhalaalka magaalada.

Mashruuca Safiirka

Safiirka Soomaaliyeed ee Cadan fadhiya Maxamed Jaamac  (MJ) waa nin isku darsaday aqoon, waaya-aragnimo iyo dad la dhaqan uu ka kasbaday muddadii dheerayd ee uu dibloomaasinimada ku shaqaynayay.  Dhowaan ayaa dalka Ciraaq laga soo beddelay.  Mashruuc beryahaaba dabka u saarraa ayuu na la socdsiiyay aniga iyo Xuseen Saalax isagoo u arkay in xilli ay kaga habboon tahay joogitaankayagan aanay jirin.  Labadayaduba waxaan nahay reer Cadmeed, dalkaasna waxaan u naqaanaa sida baabacadayada.  In wixii karaankayaga ah aan gacan buuxda ku siino ayaanu guddoonsanay, natiijadduse ku xiran tahay hadba wejiga uu mashruucaasi leeyahay.  MJ wuxuu na la socodsiiyay in olole la galo ujeedadiisu tahay in qalabka warbaahinta Yamaneed, kuwa dawladda iyo kuwa kaleba, lagu faafiyo in Soomaalidu asal ahaan runtii ka soo jeeddo qowmiyadda carbeed ee aanay shalayto caraboobin markii ay ku soo biirtay Ururka Dawladaha Carbeed.  Halka laga bilaabayona ha noqto ayuu safiirku talo ku soo jeediyay Ururka Qoraaga, Suxufiyiinta, iyo Fanka. kuwaas oo dhinaca dawladda iyo shicbigaba sumcad iyo saamayn weyn ku leh.  Xuseen iyo aniguba aqoon roon ayaanu u leenahay ururka uu safiirku sheegay madaxdooda. Waxa kale oo aannu garwaaqsan nahay miisaankooda iyo waxtarkooda.  Midda walaaca weyni nagaga jiraa waa siday fikradda uu safiirka MJ wataa madaxda ururkaas ugu cuntami doonto.

Naadiga Gold Mohur
Naadiga ku yaal xeebta ‘Gold Mohur

Waxaa ballan laga soo qabtay madaxda Ururka Qoraaga iyo Hal-abuurka Yamaneed (labada Yamanoodba ururkan way ku midaysan yihiin) saddexda u sarreeya: Cumar Al-Gaawi, Dr. Cabdiraxmaan Cabdalla iyo Xaamud Jaamac. Naadiga ku yaal xeebta ‘Gold Mohur’ (Goolmoor) ee degmada Tawaahi ayaa ballantu noqotay.  Dhinaca Soomaaliyeed waxaa ka socday Safiirka MJ, Xuseen Saalax iyo aniga.  Fadhigu mid rasmi ah ma aha, waase lala wada socdaa arrinta laga hadlayaa culayskeeda ay leedahay. Sidaas darteed, ereyo kaftan ahi ha ku dhex jireen ee warka la isdhaafsanayaa waa mid si run ah la isugu dhiibayo.  Labada ugu doodda kululi waxay kala ahaayeen safiirka MJ iyo Cumar Al-Gaawi, ururka madaxdiisa oo la wada yaqaan heerka nufuuddiisu gaarsiisan tahay.  Al-Gaawi waxbarashadiisa jaamicadadeed wuxuu ku soo qaatay dalka Ruushka (Moscow), waxaana uu ku tegay deeq waxbarasho ay isaga iyo saaxiibbo kale oo Yaman ah ugu deeqay Xisbigii SDU ee Soomaaliyeed lixdamaadkii.  Waxa uu soo bartay saxaafadda.  Waxay isku arday ahaayeen Xuseen Saalax, Cabdiqaasim salaad, cabdiraxmaan Caydiid, Cumar jillagare, iyo kuwo kale.  

MJ: Dooddiisa iyo bareeradiisu waxay u dhacaysay sidan: Yamanigu waa Yamani.. Ciraaqigu waa Ciraaqi.. Masrigu waa Masri..          Suudaanigu waa Suudaani.. Soomaaligu waa Soomaali,  misna dhammantood waxay ka soo wada jeedaan asalka iyo qawmiyadda carbeed.  Dalalka ay juqraafi ahaan deggan yihiin ayaa kala magacya duwan, waase isku ummad.  Waa in sidaas loo fahmo in qawmiyaddayadu ay carab tahay.  Idinka gaar ahaan iyo ururkiinna oo cid walba Soomaalida uga aqoon roon waa  inaad fikraddaas siyaalo badan u gudbisaan si ay shacbiga Yamaneed u wada gasho.

Al-gaawi: Fasiraadda caynkaas ahi mid xaggayaga ka cuntamaysa ma aha.. Mana iib geynayno..ee adigu saaxiib sharrax noocaas ah iyo sheekada dalalka carabta ee aad soo qaadday iyo safaaradahooda ula tag oo ka dhaadhici.  Annagase mid naga hoo, safaarad ahaan iyo Soomaali ahaanba hawlaha aad wadatid kuwo ururkayaga kaa soo gala iyo kuwo dawladda kaaga xidhma diyaar ayaanu nahay wixii shicbiga Soomaaliyeed waxtar u leh in aanu shardi la’aan gacan buuxda kugu siino.  Laakiin ummadda Soomaaliyeed ee aanu qurumo dhan isniqiin inay ummad iyo qaran gaar ah tahay in aan maanta saxiixno inay carab tahay, waxay noogu muuqataa riwaayad cusub oo khiyaali ah oo aanu allifayno ee saaxiib Maxamed Jaamacow aan danta ka raacno.

Labada kale ee Al-Gaawi weheliyay waa Dr. Cabdiraxmaan Cabdalla oo ay isku dugsi iyo saaxiib ahaayeen M.I. Warsame "Hadraawi", kan kale Xaamud Jaamac waa walaalkay.  Labadan dambe waa wasiir-ku-xigeenka warfaafinta iyo kaaliyahiisa oo maalin walba idaacadda iyo telefiishanka dalka faallada barnaamijka ugu dmabeeya ee laga sii daayo soo diyaariya.

Al-gaawi oo caan ku ah kaftanka, hadal-caddaanta iyo laab-xaarnida ayaa markaan isu taagnay in la kala tago MJ ku yidhi: Saaxiib Maxamedow,  weligaa waxaad ogsoonaataa jinsiyadda iyo qowmiyadda loo dhasho mooyee, wixii kaloo dhan shahaada aqoonsi iyo markhaati-kac ayaa la isku siin karaa ee Soomaalinimadiinna ku dhegganaada.  MJ: wax taladaa i fara kan ugu dambeeya ayaad Cumarow tahay.  Soomaalijacaylkaagana waad ku mahadsan tahay. Iyadoo la wada qoslayo ayaa la kala dhaqaaqay, saddexba dhankeedii.

Tawahi
Degmada Tawahi & Huteelka Rock ee isla
degmadaas ku yaalla
Rock Hotel Tawahi

Shirkii Cadmeed ee Kala Guurka

Safarkii aan Xamar ugu ambabixi lahaa ayaa i soo gudagalay iyadoo aanay weli meelihii aan rabay inaan tago iyo dadkii aan doonayay inaan la kulmo ii wada suuragelin.  Sidaas darteed, waxaan ku tashaday inaan isku meel ku wada kulanno saaxiibada intii la heli karo.

Dalka Yaman meesha keliya ee badda iyo buuro ku kulmaan waa xeebta magaalada Cadan. Dekedda Tawaahi ku taal, muddo 50 sano qura laga joogo waxay ka mid ahayd 3da marsooyin ee adduunka ugu caansan, iyadoo ay labada kalena kala yihiin New York iyo Hong Kong. Khoorigaas baddiisa deggan, maraakiibta ku soo xirata, suuqa laga ganacsado, iyo xeebta daanteeda kale ee aad ugu tegaysid Bureeqada batroolka lagu safeeyo .. intaas oo isku qoofalan quruxda ay leeyihiin sida keliya ee aad kaga daymo-sugan kartaa waa adigoo Rock Hotel dabaqiisa ugu sarreeya ‘panorama-hiisa’ ka soo daawada. Goobtaas ayaan saaxiibbo la fadhiyay oo haasaawe, iswaraysi iyo sii-wada-ballan noo socday, marka Saciid Al-Ganaaxi, suxufi aan aqiin nagu soo biiray oo dhegta ii saaray:
Isa soo yara taag,’ oo warkan igu taabtay, ‘ Cabdilfataax ayaa raba inu ku arko imminka.’  Cabdilfataax saddexda dalka Yamanta Koonfureed ka taliya ayuu ka mid yahay.  Xisbiga dalkana isaga ayaa madax u ah.  Uma aan baahan wax isu-diyaarin ah. Isaraggu mid rasmi ah ma aha.  Waxaan gartay in kuwii aan shirka Tacis ku wada jirnay u sheegeeen inaan magaalada joogo iyo isagoo aannu hore isu niqiin.

Xafiiskiisa xarunta xisbiga ayaan ugu tegay.  Salaan diirran iyo isxaalwaraysi shakhsi ah ayaa hadalkayagu u badnaa.  Markaan soo baxayay ayuu iigu daray sidii qof ay markaas ku soo dhacday oo kale: “ Odaygiinnii dagaal buu soo wadaa, ee si weyn uga digtoonaada .. oo ha isku dayina  dabayshaas xooggan inaad ka hortagtaan.”  Judhiiba waxaa ii baxay in hadalkaasi la xiriiro kulankii ay Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu ku wada yeesheen CADAN ee Fidel Kaastro ku dhexdhexaadinayay bilo ka hor.  Uma aan baahan inaan kulankaas uu C/Fataax goobjoog ka ahaa wax ka weydiiyo.  Waxaa xilligaas magaalada joogay safiirka Yaman Xamar u fadhiyay Axmed Maxamed Raagex oo kulankaas tafasiishiisa la socday, C/Fataaxna ay aad isugu dhowaayeen.  Inaan arrintaas isaga si deggan uga waraysto ayaan ku daystay.  Kooxdii Rock Hotel ayaan ku soo noqday.  Waxaa raggaas ka mid ahaa oo na la fadhiyay safiirka Raagex walaalkiis.  Waa fursad wacan – in uu safiirka ballan degdeg ah oo aan ku arko iiga soo qabto ayaan ku adkeeyay.  Sidii bayna noqotay oo maalintii xigtayba waan la kulmay.  Arar dheer iyo naashnaash midna looma baahan ee mawduucii shirka Cadmeed in uu iiga warramo ayaan weydiistay iyadoo inaan C/Fataax isaragnay aan hubay in walaalkiis la socodsiiyay sidaan sii faray.  Safiirkii wuu ii warramay.  Kulanakaas inta muhimka ah ee wax ka soo qaadka lihi waa mawqifka ay kala qaateen MSB iyo Mengistu ee ay isku mari waayeen.. iyo sida F. Kaastro dhinaca Megistu ugu xaglinayay.  Ururin kooban oo aan xusuus kula noqday murtidiisii:

 
Mengistu:
Waxa uu ku tiiqtiiqsaday in ay ka reeyeen oo iska rideen boqortooyo 3 kun oo sano shicbigooda beerka kaga fadhiday, oo imminka ay u baahan yihiin si ay casri cusub oo horumar leh dadkooda ugu ridaan in gacan lagu siiyo.  Hiil iyo hooba inay uga fadhiyaan saaxiibbadood xilligaas adag.  Kuwa ay gacan weyn ka quud darraynayaanna ay yihiin walaalahooda Soomaaliyeed ee ay deriska yihiin, intaan cid kaleba la soo qaadin.
 
MSB
Isagu waxa uu culayska saaray in haddii kacaannimo, horumar rabid iyo hanti-wadaaggu uu dhab ka yahay Itoobiya waa in ay horta dalkii laga xoogay dadka Soomaaliyeed loo sii daayaa xornimadooda Iyo halkay rabaan in ay ku biiraan.  Markaas keliya ayaa la rumaysan Karaa jaallenimada taliska Itoobiya, wax-wada qabsiguna uu eg Yahay.
 
F. Kaastro
oo labada madaxweyne dalalkooda dhowaan kula soo kulmay, Kuna rajo weyn in uu isku soo dhoweeyo ayaa ku taliyay in marka hore la isla garto oo la garwaaqsado in la isku mabda’ yahay oo cadowga meel looga soo wada jeesto.. wixii kale oo dhan dib loo dhigto oo iskaashi iyo wada-hadal jaallenimo lagu xalliyo.
 
MSB:
ayaa arrintii diirka ka qaaday oo bareerihiisa ka geystay intuu sheegay in hantiwadaaggu yahay mid taabasho leh, la soo tijaabiyay sida tan Soomaaliya ka jirta iyo mid weli laalan oo uur-ku-jir ah sida tan Itoobiya.
Isagoo ku daraya: ‘ mabda’yaga cidla u tuuri mayno.  Markii horeba cidi nagu ma qasbin ee annagaa doorannay oo hirgelinnay, imminkana sii wadi doonna cid kasta la’aanteed.
 
F. Kaastro:
oo aaminsan in dal adduunka saddexaad ka tirsani aanu cagihiisa isku taagi karayn oo xornimadiisa ilaashan karayn keligiis haddii lagu sii daayo.. waa ba se mid leh hantiwadaag ayuu isku maamulayaa isagoon cidna u baahan.  Mid aanu filanayn ayay la noqotay.
Catsro iyo Mengistu
Intuu shirkii ka kacay ayuu albaabka qabsaday.  Safiirku intaas waxaa uu iigu daray in C/Fataax oo shirka joogay ka daba tegay F. Kaastro oo ku yiri : Si kasta oo MSB aanad hadalkiisa u jeclaysan, misna waa meel ka-dhac inaad shirka ka duddid ee Jaalle MSB raalli geli.  Kaastro intuu soo noqday ayuu MSB ku yiri: ‘Iga raalli ahow, jaalle Siyaad Barre.. weligay hurin dagaal kacaannimo aan huriyo mooyee isku ma dayin inaan waanwaan nabadeed iyo wada heshiisiin dhexdhexaadiyo.  Tanaa iigu horraysay iyana waanigaa ku fashilmay.’

Labada wasiir ee rayidka ahaa ee wefdiga MSB la socday shirkaa Cadmeed waxay kala ahaayeen Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyo Ibraahim Meygaag Samatar.  Siday iigu warrameen, aanna ka arkay labaduba mawqifka madaxweynuhu istaagay ayay la qabeen.  Ka dibna markii dagaalku si dhab ah u qarxay, inta taageersan ayay ku jireen, halka aqoonyahan badani ka soo hor jeedeen dagaalka xilligaas la qaaday.

Booqashadii Cadmeed markay ii dhammatay ayaan Xamar isk shubay oo madaxtooyada iska xaadiriyay.  M.S. Barre iyo Saalim Rubayac Cali madaxweynaha Yamaneed way isku fiicnaayeen.  Labaduba dalalkooda awood ayay ku lahaayeen.  Saalim Rubayac waa lala wadaagay talada oo xisbi si adag u dhisan ayaa meesha ku weheliyay.  Bilo yar ka dib, dagaalkii Itoobiya lala galay ee 1977 kki ayaa dhacay.  Waana lagu hoobtay.  Inta la isugu tegay ciidankii Soomaaliyeed ayaa si xun loo jebiyay.  Shirkii Cadan intii joogtay iyo xulufadoodii ayaa si buuxda uga soo wada horjeestay Soomaaliya.  Maalintaas ayaa tiir-dhexaadkii isku hayay qarannimada ummadda Soomaaliyeed burburkiisii halkaas ka bilowday.. luflufkiina horor iyo haad baa u yimi oo weli hiigaya.  Jabkaas ka dib  ayaan dalkii ka soo googoostay, welina qurbaha ku noolahay.    

Siciid Jaamaca Xuseen
E-Mail: sjx2005@hotmail.co.uk
___

Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed, islamarkaana si joogto ah wax ugu qora degelka WardheerNews. Waxa uu hadda ka mid yahay Siciid duqayda Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed.

Maqaallo la xidhhidhaa qormadan:

* Xusuus Qor: Safar aan Jaho Lahayn (Qaybta Koowaad) Wq. Siciid Jaamac Xuseen
* Infidel Fidel iyo Geeska Afrika - Boowe Maxaa kaaga baxay?
Wq. C/Fataax S. Faamo

_______________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2012 WardheerNews.com