Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar


BOOLIQUUTANIMADA ARAGTIYAHA:
Ma Dhayalsi baa, mise waa Dhagris?
Wq: Idiris M. Cali
Sept. 05, 2012

Waynu ka dibbirsannahay sidii laga yeelay Fariid Sakariye markii uu xaday taariikh qoran, oo uusan aqoontiisa ku kasbannin: In jagooyinkii uu CNN iyo Time ba ku kala lahaa laga xannibay, iyo in uu raalligalin ka bixiyey falkii xadista ahaa ee uu ku kacay. Sidee ayey ku dhici kartaa in uu Fariid, oo qoraa ruugcaddaaya, aragtiyo uusan maskaxdiisa ka curinnin inta uu soo boolyado—oo maqaalkiisa caatada ah ku naaxiyo—haddana kobgalsho caalami ah ku soo bandhigo, magaciisa na ku soo saxiixo?
Plagiarism

Bulshadani isma weydiiso su’aashaas iyo wax la mid ah! Bulshadani waxay ka gaashaamatay in falal noocaas oo kale ihi dhiciddoodu baahdo, waxay na yeelatay dhaqan ay aragti-xadista ku yarayso. Qof kasta oo dalkan ku nool waxa uu ku gawracan yahay dhaqankan—ha ahaado barte saddexaad ah (isaga waa lagu ababiyaaye), mid jaamacadda ku jira, amma bare ku xeeldheer taariikhda. Dabuubta dhaqankan waxaa lagu soo gaabin karaa: Mar na ba is ma siin kartid aragti [qoraal (hal erey na ha ahaadee), maqal-muuqaal amma farshaxan lagu cabbiray oo] uu qof kale ku saxiixanyahay, bal se waad isticmaali kartaa aragtidaas—haddii loo baahdo, oggalaansho debadeed—adiga oo oofinaya qodabadawax-xigashada, oo ah in aad si hufan oo dhammaystiran u xustid cidda iska leh macluumaadka aad adeegsanayso iyo meelaha aad ka soo heshay. Sida jirta, dhaqankan bulsho kasta, oo dunida ku dhaqan, baa leh—bulshadan Maraykanaad baa se ugu ad-adag marka loo eego hirgalintiisa.

Qofka dhaqankaas garab mara ciqaab baa la marsiiyaa: Digniino mid iyo laba ah dabadeed, qofka u hoggaansami waaya dabuubta dhaqankan dugsiga amma jaamacadda ayaa laga buriyaa, magaca ayaa ka hallaaba, tuug buu na soo baxaa; sida Fariid oo kale na, waxa uu waayaa jagooyinkii uu shirkad, wargeys amma meherad kale ka hayey. Looma jixinjixo qofka kas u garab mara dhaqankan, oo waxaa ba laga yaabaa in uu xabbis mutaysto. Xitaa qofka hal mar kama’ u garab mara dhaqankan, marka labaad kuma doodo: “Si kama’ ah bay iiga dhacday.” Waa sida ay ku maahmaahaane, kanu waxa uu la mid yahay qofka qaraxdada gooraynteeda hal mar khalda, oo uusan u bannaanayn kaayo kale oo uu mar labaad ku khaldo!

Haddaba, badbaadadu waxay ku jirtaa barashada qaababka wax-xigashada iyo adeegsigooda si aan loo tiimbanin arrintaas kore ee halista leh—waa garab marista dhaqankaas e. (1) APA, (2) MLA iyo (3) Chicago Manual waa saddex qaab oo qoraha iyo waxbaaraha u fududeeya inuu ka badbaado garab marista dhaqankaas suubban; waxa ay na u horseedaan inuu si cuddoon (si qaab leh wax u qoro oo) aragti kasta oo ay dani u qabato u xigto.

Waa in aynu ogaannaa in baahida ay keento wax-xigashadu ay ka dhashaan qaabab wax loo xig-xigto: Dabiici ahaan qofku waxa uu xigtaa nuxurka hadal uu qof (amma dad) kale u sii gudbinayo. Tusaale ahaan (sheekadan hoose, nuxurka hadalka uu yiri Ba’e, ee uu Tage sii gudbinayo waxaa ku xiran (oo ay tahay in lagu xiro) astaanta xigashada; waxaana intaa dheer inuu Tage xusayo qofka hadalkaas yiri, oo ah Ba’e):

  Ba’e: War Tagow Jabe waxaad dhahdaa geela oodda ka qaad.
  Tage: Jabow wuxuu Ba’e ku yiri, “Geela oodda ka qaad.”
  Jabe: Waan maqlayey, se diiday!

Si haddaba sheekadaas (nuxurkeeda) qoraal ahaan loo sii gudbiyo, ayaa waxaa loo baahanayaa qaab loo gudbiyo; waxaana qaabkan laga soo dhex dooran karaa saddexdaas qaab ee kore (amma kuwa kale ee aad taqaanno) midkood. Siyaalo kala duwan ayaana qaabkan la doortay loogu adeegsan karaa sii gudbinta nuxurka sheekadaas (amma gebigeed ba). Gudbinta iyo sii gudbinta aragtiyuhu kama maarmaan xigasho. Waxbaaraha iyo qoruhu na kama maarmi karaan adeegsashada qaabab ay wax u xigtaan—waa haddii ay danaynayaan adeegsashada aragti, qoraal, hadal, maqal-muuqaal amma farshaxan uu qof kale leeyahay, qoray, dhahay, jeediyey amma sameeyay.

Sida dabiiciga ah, afku wuxuu leeyahay ereyo qaabbilsan wax-xigashada, oo uu (tusaale ahaan) xogjeedshe kastaayi u adeegsan karo xusidda cidda iyo meelaha uu aragtiyaha uu jeedinayo ka soo amaahday. Oo, waxa uu oran karaa xogjeedshuhu: Sida uu Bsr. Carraale qoray, “Suugaani waxa ay aloosantaa marka aadmiga dhexdiisa ay ka dhashaan wada dhaqan.”(1) Dhageysteyaashiisa uu hor joogo waxa ay ka dalban karaan—oo ay tahay in ay ka dalbadaan—inuu xogjeedshuhu u sheego meesha uu ka helay xogtaas. Si fudud ayuu na u oran karaa: Waxaad ka haleysaan xogtaas bogga 9d, ee buugga uu Bsr. Carraale qoray, ee Gorfaynta Gabayga.

Haddii uusan xogjeedshuhu diyaar u ahayn ka warcelinta weydiinta dhageystayaashiisa, waxaa meesha ka baxaya kalsoonidii lagu qabay xogta uu jeedinayo. Waa na inuu raalligalin ka bixiyaa, sheegaana sababaha uusan diyaar ugu ahayn caddaynta barta uu xogtaas ka soo miiqay. Haddii uu xogjeedshuhu wax ka jeedinayey PowerPoint, waxaa ka awdmaya dawgii uu ku sababayn lahaa inuu “waayey” meel uu ku qoro raadraaca xogta uu jeedinayey. Haddii kale se wuxuu ballan ku gali karaa inuu si uun dhageystayaashiisa ula soo socod siin doono xogtan meelaha uu ka soo gurbiyey.

 
 

Haddii uusan xogjeedshuhu xusin (amma ogaan u qariyo) cidda iyo goobta uu ka soo amaahday aragtidaas uu dhageystayaashiisa u soo gudbiyey, waxaa uu ku kacayaa fal xadis ah, fal booliquutanimo aragtiyeed. Si ay doonto ba, marka lagu soo saaro falkan uu geystay, waxaa xogjeedshahan (amma qof kastoo sidiisa u dhaqma) soo food saaraya ceebaha uu leeyahay qof garab mara dhaqankii aynu ka soo faalloonay—waa se haddii dalkan iyo dalal kale oo dhaqankaas laga tixgeliyo uu ku nool yahay. Haddii kale na, waxaa dadka u muuqanaya tuugnimadiisa, magaciisu na sidaas ayuu ku hallaabayaa.

***

Bulshada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah shakhsiyaad caadaystay oo caddaystay dhicista aragtiyaha (badanaa qoran ee) ay “jeclaadaan” (Axmed, 2008). Kuwani hal iyo laba tuducood oo ay qoraallaadooda ku naaxiyaan ma ba daneeyaan e waxa ay qaataan qoraalka (ay dhacayaaan) siduu u dhan yahay, waxay na baddalaan magaca uu qoraalkaasu ku saxiixan yahay, oo ay iyagu isku saxiixaan—dib na u soo daabacaan! Shakhsiyaadkanu kuma jiraan jaamacad looga dacwoodo, mana jirto jago ay wargeys weyn ka hayaan oo laga buriyo (waxaan ka ahayn in meelaha ay wax ku soo daabacaan oo laga xannibo), magacoodu na lama weyna. Marka hore ba, kuwani haddii aysan lahayn maskax ay ku garwaaqsadaan in lagu soo saari doono boolida aragtiyaha iyo qoraallada ay dhacayaan waxa uu sharcigu u qabto ayaa ba khasaaro leh; waxaana kuwan inooga filan in aan iska garanno in ay meelahaas mareegaalaystaan (Xasan, 2008). Waana suurtagal in ay qoraalkan isku magacaabaan!

Ka waran qoraaga xogaha tuducyo aad buug galshada ku jira ka akhrisan jirtay sidooda ugu naaxistay buug cusub oo uu qoray? Ka waran haddii uu san qorahani wax xigasho ah, oo kuu fududeysa raadraacidda xogahan, ku daba darin macluumaadkaas aad la socon jirtay? Ka waran haddii uusan qorahani xitaa dhugmo ahaan u xusin meelaha uu ka soo guray iyo dadka uu ka soo kala qaatay xogahan? Nasiib waxaad ku leedahay in aad ogtahay in uusan qorahani xogahan maskaxdiisa ka soo saarin! Waxa kale oo aad nasiib ku leedahay in aad ogtahay meesha uu qorahani ka soo siibsiibay xogahan iyo cidda leh.

Tani waxay i qabsatay mar aan u faraxashay in aan akhriyo buugga Culuumta Maansada ee uu dhawaan qoray Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi). Sidii aan u akhrinayey macluumaad, si aan nuxur lahayn loo soo bandhigay oo, uu qoraagu kaga hadlayo suugaanta, ayaa waxaa foolka igaga soo booday tuduc qurux badan, oo waxa ay suugaantu tahay dhab uga faalloonaysa.(2) Tuducdaas markaan dhammeeyay akhrinteeda, ayaan ereygeedii ugu dambeeyay ka gartay in aan hore u dhadhansaday nuxurka iyo dhiska tuduc tan la mid ah. Duq Google baan kaashaday bal inuu soo tuuro rugta galshada ee aan hore uga akhristay tuducdan. Wuu ii kala furi waayey, mar dambe ayey se igu soo duxday in tuducda caynkaas ihi uu qoray hindisaaga Miisaanka Maansada! Buuggiisii Gorfaynta Gabayga, ee ku jirta kobgalshaha WardheerNews.com, ayaan is hor keenay, tusmada ayaanan ka ogaaday in uu bogga 9d kaga hadlay suugaanta. Mise tuducda labaad ee boggani waa tii!

Tuducda tan ku xigta ee saddexaad ee isla buugga Gorfaynta Gabayga iyadana waxaan dib ugu arkay buugga Culuumta Maansada. Isku bog ayey labada tuducoodi ku wada jiraan, waxay na kala sitaan tiraalka 1 iyo 4, hormayntii. Waxa ayna ku jiraan bogga 37d. Labada tuducood ba wax aan dhammayn shan erey ayuu qoraagu ka baddalay (marka loo eego buugga Gorfaynta Gabayga), sida: taariikhsooyaal, isaga oo tuducda dambe hal weedh ah ku daba nabay. Weedhanna waxaa ba ku bilaabata tuducda afraad ee bogga 9d ee buugga Gorfaynta Gabayga. Sida jirta, qoruhu xogahan waxa uu u soo bandhigay sidii ay yihiin “aqoon guud,” oo wax xigasho ah ma raacin, dhugmo ahaanna uma xusin cidda uu ka soo amaahday aragtiyaha labadan tuducood. Wuxuu qoray, “...hadda Suugaan [waxaa] loo yaqaanaa,” ka dib na waxa uu soo taxay labadan tuducood ee Bsr. Carraale iyo laba kale.

[Dabcan, waa in aad labada buug (Gorfaynta Gabayga iyo Culuumta Maansada) is garab hayso si aad u garwaaqsato arrinta aan tuducdan kore ku caddeeyay.]

Qoruhu wuu ka feejignaan kari lahaa falkaas dhayalsi e, waxaa laga yaabaa in uusan aqoon fiican u lahayn hab-xigashada aragtiyaha iyo xogaha uu qoraa kale ku fara-yaraystay. Sababta oo ah, labada bog ee ugu dambeeya buuggiisa waxa uu qoruhu u hanneeyay raadraacyada buugga. Waxaana raadraacyadan ka mid ah buugga Miisaanka Maansada—oo ah buug ka tafiirmay ka Gorfaynta Gabayga—ee Bsr. Carraale. Haddii uu qoraagu xogta labada tuducood (iyo kuwa kale ee laga yaabo in ay buuggiisa ku dhex filiqsanyihiin ee aanan wali u dhabbagalin) iyo raadraacaas xiriir ka dhaxaysiin lahaa, waxaa meesha ka bixi lahayd fikradda ah in uusan qoruhu aqoon u lahayn hab-xigashada aragtiyaha iyo xogaha uu qoraa kale ku fara-yarastay.

Laga yaabaa in uu qoruhu ogaan iyo kas u xusi waayey—oo ka dhabcaalay—meesha iyo cidda uu ka soo amaahday aragtiyahaas, isaga oo ku dhiirran waayey wax ka baddalistooda buuxda iyo si habboon u xusiddooda. Laakiin uma malaynayo, oo qofku waa Muslin Eebbe yaqaanna, waa se laga yaabaa.

***

Marka uu qore soo xiganayo tuduc amma dhawr tuducood, oo uu sidooda ugu soo biirsanayo qoraalkiisa, waxaa u furan inuu xogtan (1) ku xiro astaanta xigashada, amma (2) in uu far yar yar ku qoro, hore na u durjiyo—oo uu wali ba xigasho na raaciyo. Tusaale ahaan, dawga labaad sidan ayaan u cabbiri karnaa:

Suugaani waxa ay aloosantaa marka aadmiga dhexdiisa ay ka dhashaan wada dhaqan, wada noolaansho, is bahaysi, wax is waydaarsi iyo garaad ururis si uu u dar yeelo jiristiisa, iyo kor u qaadkeedaba, ugana guulaysto dabeecadda aan u jixinjixayn haddii aanu karti ugu jilib dhigin. Run ahaantii, in ereyo lagu sugo waxa ay tahay suugaani, waxa aan qabaa in aanay fududayn (Guuleed, 1976).

Dhanka kale, waxaa iyadana jirta is-xigasho. Qoraagu waa uu is-xigan karaa, si’uu akhristayashiisa ula socodsiiyo in uu horey u qoray, oo uu meelo kale ku qoray, xogaha uu u soo bandhigayo markaas. Guud ahaan, haddaba, wax-xigashadu waxa ay waxtar ku leedahay ilaalinta aragtiyaha uu qofi ku magcaaban yahay. Waxa kale oo ay waxtar u leedahay waxbaaraha ku fooggan wax-ka-qorista xogaha uu baaristooda ku guda jiro. Wax-xigashadani na is-xigasho iyo soo-xigasho ba waa ay leedahay.

Ogaanshaha siyaabaha kala geddisan iyo adeegsiga qaababka kala duwan ee wax loo xigto (amma la isu xigto) waa salka ay waxbaarista habbooni ka bilaabato. Qof ka booday salkan, oo korka u booday, waxaa toosman in hawshiisii (uu dadka sanka kala soo galay) laga yeelo hal bacaad lagu lisay. Gaar ahaan, arrintani waxa ay dhab ka tahay dalkan Maraykanka. Bal se dal wal ba waxaa habboon in laga tixgaliyo aragtiyaha qoraaga, oo aan sinna ba loo bannaysan in la iska daldasho, qoraallo kale na lagu naaxnaaxisto—xusid la’aan iyo xaq-dhawris la’aan.

In salkaas laga booday waa dhaliisha ugu weyn, ugu na halista badan, ee uu yeeshay buugga Culuumta Maansada. Si ay qorayaasha dambe (ee uu ka mid yahay qoraha buuggani) iskaga dhawraan arrintaas sal-ka-boodnimo ayaan goostay in aan maqaalkan qoro, bulshada na u soo gudbiyo. Waxaanan filayaa in ay meel weyn u buuxin doonto, amma hannaan-sami-qoraaleed ku qaadi doonto, qoraha buuggan; waa na kii dalbaday in loo gudbiyo “dhaliilaha” uu buuggiisu yeesho (Gahayr, 2012).

Inta ay goori goor tahay waa in ay bulshada Soomaaliyeed ee wax akhrida, qaarkood na wax qoraan, ka gaashaamato booliquutanimada aragtiyaha ee ay ku kacayaan shakhsiyaadka ka dhex tirsan. Jaamacadaha iyo dugsiyada gebi ka aloosan geyiga Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa in aynan barte na ku sii daynin dhaqanka booliquutanimada ee aragtiyeed; waa na in ay barte wal ba ku beeraan dhaqanka ilaalinta aragtiyaha qofafka kale. Tan macneheedu waa in ay dedaal dheerri ah ku bixiyaan barista sida wax loo xigto waxbaare kasta oo ka tirsan goleyaashooda wax-barashada. Si aan dedaalkoodu u noqon “meel madhan” waxaa habboon in ay ciqaabo adag u diyaariyaan barte kasta oo kas u jabiya dhaqankan. Sidoo kale, waxaa dhaqankan ilaalintiisa qayb libaax ka qaadan kara rugaha (kobabgalshooyinka amma madbacadaha) fududeeya waxdaabicista. Iyagu na waa in ay ilko waaweyn u yeeshaan burburtinta cidda kas uga boodda dhaqankan.

Sidee baad dhaqankan u jabin kartaa isaga oo sida dharkaaga kugu duuban? Afkaaga miyeynan kamid ahayn ereyada, yiri/dhahday, sheeg(t)ay, qor(t)ay, iwm. oo aad u adeegsan karto gudbinta aragtiyaha aadan dhihin, dheegin, oo aadan qorin? Haddii aad eegto maansooyinka silsiladda ah ee la isugu warceliyo, waxaa kuu soo baxaya wax-xigasho “xushmad” leh (Caabbi, m.m.). Ismaaciil Mire oo xiganaya (oo tix-raacaya) Qamaan Bulxan,(3)

Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey
Cawlkii la dabay ee middida, dabaxda loo waayey
Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula'e
Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye

saw sidaas kuma maansoon? Waa halkii uu Qamaan ka yiri:

Cowl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan
Golxobtiyo lawaa toorriday, Gurey ku noolayde
Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay gaarraaye
Adiguna gaddii baad tahoo, ways gunaanadiye

“Gabayaagii hore” sidaas xushmadda leh ayuu aragtiyaha uusan lahayn u xigan jiray (Caabbi, m.m.). Mar ba hadday silsilad tahay, gabayada maantuna sidaas ayey wax u xigtaan—oo kama maarmaan in ay is tix-raacaan, waa haddii ay is la hal mawduuc wada qaadaadhigayaan e.

Marka, maxaa kuu diidaya in aad dhaqankan hirgaliso, oo aad barato agabyada kuu fududeenaya hirgalintiisa? Agabyadan oo sida muuqata midkood (waa APA e) aan ku adeegsaday maqaalkan, oo aan af Soomaali ahaan u adeegsaday. Ma dhayalsi ayey kaa tahay, mise dhagris—mar ba haddii aad kala aasayso curiyaha iyo aragtiyihiisa?

___

Idiris M. Cali waa qoraa deggen magaalada Boston ee dalka Mareykanka oo si joogta ah sheekooyin gaaban, maqaallo iyo qormooyin kaleba ugu soo bandhiga WardheerNews. Waxa aad kala xidhiidhi kartaan:idiris.m.cali@gmail.com

Raadraac

Axmed, I. Y. (2008). Waxa aad Jeclaato ha Xadin. Laga soo dheegay
http://wardheernews.com/articles_08/April/Hawd/05_Waxaad_jeclaato_ha_xadin.html

Caabbi, X. A. (m.m.). Gabayaagii Hore; Xigasho Xushmad leh. Laga soo dheegay
http://www.doollo.com/mainpage/Maqaalada/xigasho.htm

Gahayr, S. M. (2012). Culuumta Maansada: Aqoonta iyo u Abtirinta Maansada. Stockholm. Iftiinka Aqoonta.

Guuleed, C. D. (1976). Gorfaynta Gabayga. Laga soo dheegay
http://wardheernews.com/articles_08/July/Carraale/13_Gorfaynta%20Gabayga.html

Xasan, I. C. (2008). Tuugow Mareegaale: Tani waa Bililiqo aan Geedna loogu soo Gabban. Laga soo dheegay
http://wardheernews.com/Articles_08/Nov/17_tuugow_mareegaale_khaliil.html

(1) Soo gaabinta “Bare-Sare” ayaan u dhigay qaabka, “Bsr.”

(2) Suugaantu waxa ay tahay waxaa si nuxur leh uga faallooday Abwaan Siciid Saalax Axmed. Eeg kalkan: http://youtu.be/-UvtdVpMsiE.

(3) Gabayadani waxay ku jiraan silsiladda Guba. Labadan tuducood na waxaan u dhigay sidii uu u dhigay Xaddis A. Caabbi, ereyada qaar ayaan saxay, amma aan qababsiiyay astaanta xigashada—si aan u muujiyo in uu Ismaaciil Mire tix-raacayo Calidhuux Aadan, oo ereyga “doqon” adeegsaday.

Dhanka wax-xigashadayda, “m.m.” waxay u taagantahay “malti ma leh”; halka ay af Ingiriis ahaan ka tahay, “no date” loona soo gaabiyo: “n.d.”Ereyga “malti” waxaan uga mahadcelinayaa inuu erey-bixiyey Siciid Cabdilaahi Cabdi, kana eeg boggiisa Af-Haaneedka Soomaaliga.

____________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2012 WardheerNews.com