Home Articles Somali Songs About us  

 


 BADDA..DHULKA.. IYO QOFKA
WQ Saciid Jaamac Xuseen
Feb. 28, 2010

Universe scope
Dunida aynu ku nool nahay dhererkeeda, dhumucdeeda, iyo qaradeeda marka la fiiriyo kawnka ku weegaaran waxaa lagu qiyaasaa inay kaga aaddo irbad caaradeed wax ka sii yar. Taariikhdu waxay caddaysay dunideenan aynu u jeednaa siday maanta u taal, dadkeeda, duunyadeeda, degaankeeda, iyo cimiladeeda  kala nooca ahi mar qura inaanay ku iman. Kumanyaal malyuun oo sano ayey ku qaadatay say ku soo gaarto xaaladda ay eegga ku siman tahay.

Qoyanta badda iyo qallaylka dhulka ayaa ugu weyn inta ugu hor abuurmay.  Dhaxan samhariira ka qabow ayaa bilawgii labadooda kor saarnaa.  Gudcur dam-daguuganina sida bustaha ayuu ugu hullaabnaa.  Midiba meesheeday yuururtay, ku yoongsanayd girifgirifna awoodi karayn jeer fallaaro xiimaya oo dab xanbaarsani qorraxda kaga yimaaddeen oo tartiib tartiib uga xayuubiyeen cullaabtii dusha ka fuushay.

Wahabkii ayaa kolkaas ka duulay. Indhihii ayaa u dillaacay, agagaarkooda ayey fiiriyeen.  Mid waliba baaxaddeeda ayey markii ugu horreysay aragtay, isu bogtay, ismahadisay oo isla baxday.  Labadoodii ayaa isu muuqday, isu bu’ay oo isku baxsaday.  Midiba tan kale inay dunida ka tirtirto ayey goosatay.

Dagaal  iyo loollan joogtaysan, aan kala go’ lahayn, damayn, hakanayn, daalayn, nasanayn, wahsanayn, mar kasta dardar hor leh soo curinaya ayaa ka dhex aloosmay.

BADDA

Hugunka iyo guuxa habeen iyo maalin loogu tegayo badda xeebaheeda, si kastoo dhawaaqaas argagaxa lihi bartuu ka soo yeerayo laysku khilaafayo, misna la dhaafin waa in lagu fasiro:

Cartan iyo colaad,
Faan iyo baan,
Car iyo wir,
Iyo cayaar wigloo
Caynkaas u taal.

Biyaha badweynta dhibcahoodu fallaaraha qorraxda ee saynta fardaha ka miiqan ayey salaam ka dhigtaan, salooshaan, kor u raacaan, samada u baxaan.. isqaybiyaan.. afarta beena jaho kala aadaan.. circa sare isku shareeraan.

Kor-u-baxoodaasi hab iyo xeelad ayuu laasimaa. Heerar kala duwan ayuu maraa.  Intay cir-baxa ku jiraan, si aan loo garan oo dhulku u dhaadin hadba muuqaal iyo midabbo kala kaan ah ayay huwadaan iyagoo daruuraynaya.  Cudbi la kala filqiyey sidiisii ayey hawada hoose u eg yihiin. Kor markay u kacaan, xayr bay shabbahaan aan midabkeeda dhayda laga garan.  Sida shabaagta ayey isdareeriyaan,  isdaadiyaan, iskala waraan. Way sii maaxaan, jiitaan, jiciirtaan, circa sare ku sii libdhaan, cod cod fariistay caynkii teel teel u kala tagaan.Midab sagal ah ayaa dhay caddaantoodii ku dhafma.

Marxalad hor leh ayey u gudbaan. Way isu sanqadaan, isu soo dhowaadaan, feeraha isku qabtaan, Foocsamaan.  Buuro sal ballaaran circa ka dhistaan,  midab doorsoomaan oo madow dugul ah isu rogaan.  Iftiinka qorraxda ayey gadaal u diraan.. dhulka ka celiyaan oo diirimaadkeeda u diidaan. Guux iyo gunuunuc bilaabaan, hillaac iyo onkod isku daraan. Si wacdaraha ay soo wadaan dhulku ka yaabo mararka qaarkoodna danabyo soo diraan.  Ka dibna dhulka dusha kaga yimaaddaan iyagoo mahiigaan ah.

Badweyntu baaqaas
ayey haleeshaa..

Garataa oo u guuxdaa..
Dhinaceeda iska diyaarisaa..
Giir iska kicisaa, gadooddaa..
Coof yeelataa, cartantaa..
Xumbaysaa, xamaakiir dhigtaa..
Xawaaraysaa oo xeebta isku qaaddaa
Itaalkeeda ku sii daysaa say dhulka dib
ugu riixdo oo meel durugsan kaga soo harto.

DHULKA

Qotomahaas qardan,
maroorahaas malaasan,
jaliiladdaa gaamurtey,
qaraweyntaas qallafsan quwadda ka muuqata
dhagax.. bir.. geed.. ciid.. iyo kumanyaal shey
aan la magac dhebin ayaa isku milmay oo isku
maloongaysmay.
 
Dhulku sida la moodi karo ama la malaysanayo baarqabbaynta baddu cabsi iyo fajiciso kuma riddo.  Siniin iyo miniin ayuu u toghayey fawfawdan iyo weerarkan ay baddu la tanaadayso, mar
ay kor iska soo shubto, iyo kol ay hoos ka soo doobisoba.  Wuu ka sii tabaabushaystay.  Isaguba maan la’aan meel uma fadhiyo.  Qorshe iyo xisaab u dejisan ayuu qabaa.. dayac iyo daggani inaan cidla’ lagaga helin wuu kasii gaashaantay.

Qorraxda kulkeeda ayuu uurka u rittay, ku sii shiday, ku karkariyey illaa ay dhamacda naareed u ekaatay suu xilligan oo kale hirtaanyada cirka ka soo yeerta ugaga hor tago.  Burkaammo qawdhamaya oo carrabkooda guduudan, ee maddanaha ka guduudani, cirka soo leefayaan ayaa kor isu gana iyagoo hugunka cirka kaga yimi ugu jawaabaya:

Waa beene,

Waa barafe,
Wad baranne

Dhulku wuxuu kaloo fallaaraha qorraxda u kala qaybiyaa carrada saxaaraha lama-degaanka ah.  Kulaka goobahaas cuskadaa wuu soolaa.. qallajiyaa..engejiyaa.. bacaad buda ah ka dhigaa.. oon iyo omos nafleydu ka haayirto ku beeraa.  Biyaha cirka kaga soo dooxma ayey afka u dhigtaan oo ka dig siiyaan sidii xaabada jaxiima loogu tala-galay.  Daqiiqado ka dib aan loo malayn in shuux yari weligood ku da’ay.

Roobka soo hooray, qaybo ka mid ah, waxa dhulku ku ururiyaa badyarta, balliyada, haraha oo cidla  ciirsila’ ku go’doomiyaa:
“ Bal halkaan dhigay day!” isagoo badda ugu faanaya.  In kaleetona,
marin fasax- wadiiqooyin yaryar –ayuu u jeexaa say ugu shubmaan baddii ay awelba kaga yimaaddeen iyagoo haybad jabay, kana  sanqar yar intoodii oo saqiiray sida durdurrada iyo bahdooda.

Badweynta haw-hawda badan iyo mawjadaheeda cartamaya  iyaga ciidda iyo camuudda ay abeesada iyo abguridu daaqaan ayaa xeebaha heegan ugu ah oo kaga hor taga, ku quwad jebiya oo quusiya, gadaal u dhirbaaxa.  Kolkaasay dib u gurtaan iyagoo gaasirmay.

Qarniyaal baa laga joogaa waqtigaas.  Welina sidii baa colaaddii uga dhex taagan tahay.. sidii baa boola-xooftadii u jirtaa.. sidii  baa badweyntu isugu soo maqiiqaysaa xeebtii.. sidii bay cirka ugaga imanaysaa dhulka iyadoo roob reemaya usoo rakaabsatay. Dhulkuna uu rasaastiisa culus iyo rukummadiisa adag ka hor geynayaa isagoo ku diganaya:

“ Maandhey, maad iska joogtid
  Ma shalaytaad wax iska hagranaysey?!”

Labadaas garba-weyne ayaa is-qabdhaafay, quwad isu sheegtay, keligood isla qooqay, isu qaatay inaan wax la baaxad ahi ifkaba jirin jeer qofku is-keenay adduunka, xilli aan dhowayn, dhawr malyuun oo sano laga joogo.

QOFKA

‘Qofka – hoobaantii nolosha, maankeedii garashada dheeraa, wadnaheedii lahashada badnaa, dareenkeedii fannaanka ahaa, adkaysi iyo dulqaadkii aan xadka lahayn.  Qofku kolka guntiisa loo dhaadhaco, ma aha lahasho indha la’ oo gubaysa oo in la raalli geliyo bad iyo buuraba laysaga xooro; ma aha shahwad laga ledi waayo.  Caynkaas iyo wax u dhow toonna ma aha. 

Wuxuu yahay, uurka iyo gunta ka yahay, garasho xeel dheer oo abuur iyo cusboonayn leh, caraf iyo reexaan leh oo ku dheehan nolosha.  Waa taariikh hore u socota, waa hawl iyo damaq, waa baadidoon aan kala go’ lahayn; kol uu ku hungoobo iyo kol uu haleelo; mar uu kufo iyo kol uu kaco.  Waa ugboonayn joogto ah.
Waa ilo ay xaradh, farsamayn, iyo xarrago hor lihi ka butaacayaan.’
(Saalax Jaamac 1976)

Badda iyo dhulka is-haleelay, isku raftay oo isku riiqmay waxaa ka dhashay san-ku-neefle aan tiradiisa la soo koobi karayn oo kala maan ah, kala midab ah, kala muuqaal ah si walba u kala abuur iyo tastuur duwan.  Tan keliya ay ka wada siman yihiin waxay tahay isku sii -dhejinta nolosha.  Hase yeeshee qaar badan baa suulay oo adduunka wejigiisa ka tirtirmay.  Mana aha sida la moodi karo intii ugu itaal iyo jimir yarayd inta dabar go’day, ee waxaa ka tirsanaa oo tilmaan innoogu filan DINASOORKA xagga joogga, qarada, iyo lixaadka boqol maroodi bara-dheeraynayey.  Isku soo wada qaad noolahaas soo kordhay ee ifka yimi.. Mid baa ku jirey aan xilligaas waxba cayayaanka ka duwanayn.. cidina is oran marbuu maqaam yeelan doonaa – Qofka.

Qofku wuxuu ku indha-furay noolaha jiraa siduu isu cunayo, isu gumaadayo, isu dabargoynayo.  Malyuun sano ayuu ku fooganaa halgan qaraar suu jiritaankiisa u badbaadiyo.  Tabo iyo xeelado cusub ayuu bartay..aqoon iyo waaya-arag ballaaran ayaa u kordhay. Ummanihii adduunka ku weheliyey ayuu ka soocmay.. ka gacan sarreeyey.  Xawayaankii ayuu kasoo jeestey.. ka cabsi baxay oo u kuur galay inu dantiisa iyo noloshiisa u muquuniyo.  Maroodigii, awrkii, dibigii, iyo dameerkii ayuu lugaha ka dabray, hoggaan qoolka u suray oo hayin ka dhigay.  Libaaxii, shabeelkii, jeertii, iyo wiyishii wax is-bidayey ayuu xeryo u samaystay.  Daayeerkii, fardihii, koobradii, kalluunkii (doolfinka), haadkii ayuu muusig u tumay oo cayaarsiiyey, dhammaantood loo daawasha tagaa oo hawl-
maalmeedka lurteeda lagaga yara nastaa.

Hirdanka ugu ba’ani goobuhuu ka socdey ee dhulka iyo baddu isku haleelayeen ayaa qofku soo degey; daaro iyo dekedo ka samaystay.. magaalooyin quruxdooda lagu ashqaraarayo ka taagey qoorigooda.  Xeebta ciiddeedii ka yeelay goobo lagu nafaxaado.. loo dalxiis tago oo ka qaalisan dahabka cas.

Daruurihii sida buuraha cirka is-tuulyey ee beri beryaha ka mid ah roobabkoodu qofka cabsi ku ridi jireen uu isagoo kurbanaya boholo meeshii ugu dhow nafta kula roori jirey, ayuu sida murjiska ka dhex baxay isagoo wuxuu doono usoo fuulay..  mar dayuurad, mar sayruukh, mar dayax-gacmeed.. maantana ku qalqaalo jiraa inu isagoo keligiis ah usoo bareero inu laydha guud ku leexaysto sida haadda.

Badweyntii karkaraysey, mawjadihii boodboodayey ee xunbada cad doobinayey ayuu sidii tulud rabbaysan u rartay oo u sandulleeyey.. mar uu kor maro iyo kol uu hoos u muquurtoba, hadba siduu doono aan maraakiibtiisa koob shaah ka daadin Karin si kastay mawjadeheedu is waalwaalaan.  Libaax-badeedka iyo nimirigii beri khatartooda bisinka laga qabsan jirey, ayuu badweyntii ku raadsaday, raacdaystay oo ugaarsaday.  Hilibkooda, saantooda, subagooda iyo barwaaqada uurkooda jiifta manaafacsaday.. hadduu doonona daawasho  keliya kaga ekaaday.

Dhulkii iyo baddii uu sabanno aan yarayn gadoodkooda ka baxsan jirey, baaxaddooda u sadqayn jirey ubadkiisa uu dhalay bilcanta u qurxoon ee loogu jecel yahay suu caradooda uga magan galo ayuu maanta shey-baar la dul taagan yahay oo waxay ka kooban yihiin kala shiilayaa.  Calankii boqortooyada adduunka ayuu hantay oo haleelay aan cidi ku haysan.  Waa boqorka keliya ee hankiisu halkuu ku siman yahay aan la sheegi karayn.

Qofka maanta heerkaas loo jeedo soo gaarey, awoodda ka dambaysaa waxay ka soo maaxaysaa maskaxdiisa uu madaxa yar ku watto ee ka dhalatay aqoon iyo waaya-arag qota dheer oo qarniyaal fara badan isasoo biirsaday.  Ku darsoo awooddiisa maanta marka loo eego inta weli madaxaa  ku sii duugan, waxay kaga aadaysaa waxaan irbad caaradeed gaarin.  Miyay kolkaas la yaab leedahay inu haweysto inu boqortooyadiisa ku simo kawnka idil ahaantiisa.

Saciid Jaamac Xuseen
E-Mail:sjx2005@hotmail.co.uk

----

Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed.

Maqaalada kale ee Siciid qoray laguna daabacay degelkan:

* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS
* INTOLERANCE: A VILE AND DANGEROUS HUMAN ATTITUDE
* AWOODDA EREYGA QORAN
* Memories of my trip on the Britannia

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com