Home Articles Somali Songs About us  

 


Oohintu Orgiga ka Weyn……!
WQ. Maxamed Heebaan
January 07, 2010

Gabadh Somaaliyeed oo gashaanti ah ayuu qoyskooda orgi ka dhintay.  Dabadeedna gabadhii ayaa baroor qabsaty oo oohinteedii la aamusiin waayay.  Waxaa markii dambe la ogaaday, in sababta dhabta ah ee ay gabadhu u ooyaysay ay ahayd in nin ay gabadhu u doonanayd, oo ay is guursan rabeen geeridiisa la soo sheegay.  Laakiin madaama aysan isu mehersanayn, dhaqanka baadiyaha Somaaliyeedna iska yare adkaa, way ku adkaatay gabadhii in ay khadiibkeeda (fiancée) si caddaan ah ugu oydo, markaasay ku marmarsootay dhimashada orgigooda.  Oohintu orgiga ka weyn!

Waxaan soo xusuustay sheekadaas mar aan akhriyay  maqaal uu qoray Cabdullahi Maxamed Aadan oo cinwaankiisu ahaa Runta aan u Baahannahay.  Cabdullahi wuxuu weerar ba’an ku qaaday wadaaddada Soomaaliyeed isagoo marmasiinyahiisa kowaad ka dhigtay in markii uu yaraa ee uu dugsi Qur’aanka dhigan jiray uu macallinkiisii si arxan darro ah u garaacay.  Waxaan is weydiiyay in ushii beriguu yaraa lagu uleeyay ay weli gubayso iyo inuu ujeeddo kale leeyahay oo xaalkiisu yahay Oohintu Orgiga Ka weyn!
 
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Cabdullaahi sheegay inuu soo bandhigayo dood cusub oo looga hadlayo kaalinta wadaaddadu ku leeyihiin bulshada Somaaliyeed.  Waxaa kale oo uu Cabdullahi ku dhiiri galiyay akhristeyaasha in markii arrin la gorfaynayo loo baahaan yahay inaan la baqin oo talada runta laga sheego. Marka anigoo ka duulayo martiqaadkaas uu Cabdullahi u fidiyay akhristeyaasha, ayaan go’aan saday inaan qaadaa dhigo maqaalkii Cabdullahi.

Haddii aan runta ka sheego maqaalkii Cabdullahi, wuxuu ahaa mid tayadiisu aad u liidato.  Arrintaasna waxaa dhaliyay afartan arrimood ee soo socda:

  1.
Khalad iyo Khalkhal  uu isku khalday diimaha Kiristaanka iyo Islaamka, iyo  dunida Islaamka iyo reer galbeedka.
  2.
Ka bad-badin siyaado ah oo dhaawacday nuxurkii maqaalkiisa.
  3.
Tusaalooyin uu bixiyay oo xaqiiqada ka fog, runna aan shaqo ku lahayn.
  4.
Talooyin uu soo jeediyay oo aan caqli gal ahayn.

Afartaas arrimood oo is huwan ayaa maqaalkii Cabdullahi qiimo tiray.

I. Khalad iyo Khalkhal  uu isku khalday diimaha:

Khaladka kowaad ee uu Cabdulahi ku dhacay waa isagoo isku khalday diinta kiristaanka iyo tan Islaamka, iyo reer galbeedka iyo dunida Islaamka.  Tusaalooyinka uu soo qaatay oo dhanna waxay ahaayeen kuwo khuseeya kiristaanka iyo reer galbeedka, oo aan shaqo ku lahayn Islaamka iyo dunida Muslimka.  Tusaale, dadka kiristaanka ah iyo baadariyada kiristaankuba waxay aaminsan yihiin in dadka kiristaanka ahi haddii ay dambiyo galaan sida (sinada iwm), dabadeedna ay u qirtaan dambiyadaas baadariga kaniisadooda, in baadarigu dambi dhaaf u helayo. 

Dhinaca kale, dadka Muslimiintu waxay ogyihiin in iyaga iyo Ilaahay cid u dhexaysa aysan jirin, haddii ay dambi galaanna uusan jirin sheikh ama qof kale oo arrintaas wax uga qaban kara.  Sidaad darteedna loo baahan yahay in ay Ilaahay u toobad keenaan, oo ay waydiistaan inuu ceebtooda asturo, iyaguna ayna wadaad iyo cid kale toona ceebahooda uga sheekaynin! 

Dagaalka lagu riiqday ee uu Cabdullahi sheegay waa dagaal ka dhacay Yurub, Muslimiintuna aysan shaqo ku lahayn.  Marka haddii reer galbeedka iyo dunida kiristaanku go’aansadeen in ay kala saaraan diintooda iyo siyaasadda, arrintaasi waa mid u taalla iyaga, dadka muslimiintana run ahaantii waxba kama khuseeyaan.   Ma jiro waqti ama qarni iyo xilli ay muslimiintu kala saareen diinta iyo siyaasadda.  Marka waxaa nasiib darro ah ninkii Cabdullahi ee horumar ka sheekaynayay inuu xaalkiisii dhaafi waayay ku-dayasho indha-la’, oo wixii reer galbeedku sameeyaanba durbaan u qaata!

II. KA BAD BADIN SIYAADO AH:

Weerarka uu Cabdullahi ku qaaday wadaadada Somaaliyeed waa midaan ku dhisnayn caqli iyo wacyi midna, oo run ahaantii aad looga bad-badiyay.  Haddii siyaasi jooga Puntland uu ku kaco tallaabooyin xun xun oo Soomaalinimada ka baxsan, miyay habboon tahay in dadka reer Puntland oo dhan nacalad dusha looga tuuro?  Jawaabtu waa maya.  Waayo Puntland waxaa jooga dad badan oo tallaabooyinkaas gurracan toos uga soo hor jeeda.  Waxaa kale oo jira dad badan oo talaabooyinkaas niyadda ka neceb.  Waxaa kale oo jira dad laga yaabo inay tallaabooyinkaas taageersan yihiin.  Sidaas darteed, ma habboona, cadaaladna ma aha in dad badan oo sidaas u kala gaddisan eedayn ayna shaqo ku lahayn madaxa laga saaro.

Sidoo kale, waa xad gudub cadaaladda ka fog, in wadaaddada Soomaaliyeed oo dhan oo jooga, gobol walba, magaalo kasta iyo tuulo walba in lagu eedeeyo in ay “gummaadaan haweenka, carruurta, iyo wax garadka Soomaaliyeed!” sida uu Cabdullahi ku sheegay maqaalkiisii.  Ka bad badinta noocan ahi waa mid qiimo tirtay maqaalkiisa, kana dhigtay dacaayad raqiis ah, oo aan macno lahayn!

III. TUSAALOOYIN XAQIIQADA KA FOG:

Dersiga ugu muhiimsan ee qofka qoraaga ahi barto maskaxdana ku hayo had iyo jeer, waa inuu yaqaanno akhristeyaashiisa, caqligoodana ixtiraamo.  Shaki kuma jiro in Cabdullahi ogyahay in akhristeyaashiisu yihiin Soomaali, laakiin inuu caqligooda ixtiraamay iyo in kale waa su’aal furan, oo aan ka arki doonno tusaalaha soo socda ee uu akhristeyaasha siiyay markuu yidhi, “Siyaasiyiintu waa koox aan marna sharciga ka sarrayn, sharciga ayaana lala tiigsadaa siyaasi kasta oo ku takri fala awoodda maamul ee dalka”

Tusaalahan Cabdullahi bixiyay waa mid xaqiiqada ka fog, runna aan shaqo ku lahayn.  Sababtoo ah dunida Islaamka oo dhan laga billaabo Senegaal illaa Kazakhistaan, ama laga billaabo Morooko illaa Indooniisiya, 98% madaxda Muslimiintu way ka sarreeyaan sharciga, qaanuunkuna ma qabto!!  Dastuurka waddanka u yaalla warqad aan qiimo lahayn kama duwana, oo madaxdu markay rabaanna way badalaan, markay doonaanna way isticmaalaan.  Arrintani waa xaqiiqa cid walba oo arrimaha dunida Islaamka la socotaa ay ogtahay, umana baahna tafaasiil aad u dhaadheer.

Tusaale: abbaaraha 1987, ayuu Xusni Mubaarak madaxweynaha Masar ku dhawaaqay (markii loo diyaargaroobayay in mar labaad loo doorto madaxtinimada) in haddii uu laba waqti dhamaysto, inuu xukunka dalkaas ka degi doono, waayo wuxuu yidhi Dastuurka Masar wuxuu qorayaa inuusan madax weynuhu xukunka qaban karin laba waqti wax ka badan.  Doorashadii labaad ee Xusni Mubaarak wuxuu waqtigeedii dhamaaday 1992!  Toddoba-iyo-toban sano kadib weli isaga ayaa halkii taagan!  Weliba waxaa hadda laysla dhex marayaa inuu rabo haddii uu dhinto ama uu hawl gabo, inuu doonayo inuu wiilkiisa talada dalka ku wareejiyo!

Marka su’aasha meesha taalla waxaa weeye, xagey joogaan siyaasiyiinta uu sharicigu ka sarreeyo, ee Cabdullahi ka sheekaynayaa? 

Xaqiiqadu waxay tahay, Cabdullahi tusaalahan wuxuu kasoo qaatay dunida reer galbeedka, wuxuuna si toos ah ugu dabaqay dunida Islaamka oo aysan arrintani ka jirin.  Marka kolka uu Cabdullahi sidaas yeelay, ee uu madaxa isu galiyay laba arrimood oo aan isu cuntamin, wuxuu muujiyay inuusan ixtiraamin caqliga akhristeyaasha Somaaliyeed oo uu kasoo qaaday xoolo wixii loogu sheekeeyaba iska qaadanaya!

Arrimaha badan ee uu Cabdullahi ku eedeeyay wadaadada Somaliyeed waxaa ka mid ah isagoo sheegay inay wadaadadu rabaan inay talada dalka la wareegaan.  Qodobkani wuxuu i soo xusuusiyay sheeko gaaban oo aniga iyo nin Masri ah na dhex marty beri hore oo aan ku noolaa Masar.  

Maalin ayaa anigoo shah ka cabaya makhaayad u dhow naadiga ardayda Somaaliyeed ee Qaahira, ayaa waxaa ila soo fadhiistay nin Masri ah.  Ma xusuusto siday sheekadu ku billaabataye, balse ninkii Masriga ahaa wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo madax weynihii hore ee Masar Jamaal Cabdi Naasir oo uu aad ula dhacsanaa.  Kolkuu ninkii in muddo ah sheekadii waday, ayaan weydiiyay su’aal ah, “Muxu Jamaal Cabdi Naasir u laayay raggii Islaamiyiinta ahaa ee uu ugu caansanaa mufakirkii Sayid Qudbi iyo Cabdulqadir Cawdah iyo raggii ay isku fikirka ahaayeen?”

Ninkii wuxuu lasoo booday jawaab diyaar ah, wuxuuna yidhi, “Islaamiyiinta waxoodu diin ma ahayn ee xukun raadis bay ahaayeen.”

Kama aana waalinine, waxaan ku idhi, “Humma mush Masriyiin?”  Islaamiyiintu miyayna iyaguba Masaari ahayn?  Maxaa  ku jaban haddii ay xukunka wadankooda raadiyaan, oo ay qaybtooda ka qaataan?

Su’aashii  ninkii kadis ayay ku noqotay.  Marka inta uu shiisho uu cabayay dhinac isaga durkiyay, ayuu yidhi, “i sug, musqusha ayaan aadayaaye!”

Haddii wadaadada Somaaliyeed xukunka dalka raadiyaan, waxay ula siman yihiin muwaadiniinta kale ee Somaaliyeed, oo mid waliba xukunka usii maro shaqada ama xirfadda uu aqoonta u leeyahay.  Tusaale, dhaqaale yahanku(Economist) wuxuu xukunka usii maraa aqoontiisa dhaqaalaha, xirfadleyaasha kalena mid waliba xirfadda uu yaqaan ayuu xukunka usii maraa.  Marka haddii uu sheikh Somaaliyeed xukunka hunguri ka galo oo uu usii maro aqoontiisa diinta,  iyo sumcadda uu ku leeyahay ummadda dhexdeeda, qaanuun ka hor joogsanayaa ma jiro.

IV. TALOOYIN AAN CAQLI GAL AHAYN:

Arrinta ugu yaabka badan ee uu Cabdullahi lasoo shir tagay, waa midda uu leeyahay wadaadada Somaaliyeed oo dhan, kooda fiican iyo kooda xun, kooda bulshada wanaageeda weligiis ka shaqayn jiray iyo kooda aan waxba qabanin, mid dhibaato gaystay iyo midaan waligii wax dhib ah gaysan, dhammaantood ha laysku ladho oo sidii kab iyo xaarkeed ha laysla tuuro, dowladda Somaliyeed iyo xukunkeedana yaan loo ogolaanin inay shaqo ku yeeshaan! “Ma ahan talo fiican in la kala qaad qaado wadaadada oo la dhaho xisbi hebel iyo firqo hebel ayaa ka fiican kuwa kale.  Talada noocaas ah waa ma dhalays waana aragti aan weligeed lagu liibaanayn….Shacabka Somaaliyeed waxaa u furan hal waddo oo kaliya.  Taas oo ah in raga diinta ay ka fariisiyaan siyaasadda iyo nidaamka dowliga ah.”

Waxaan kala garan waayay markii Cabdullahi waxan qorayay inuu hurday iyo inuu soo jeeday!  Su’aasha aan jeclahay inaan Cabdullahi waydiiyo waxay tahay, “Wadaadkii shacabka Somaliyeed dhibaato u geystay la garay, ee kii aan weligii wanaag mooyee wax dhibaato ah aan u geysanin umadda Somaliyeed muxuu galab saday?”

Sidaan horay usoo sheegay, afkaarta Cabdullahi lasoo shir tagay ee ku saabsan in wadaadada laga ilaaliyo xukunka ma aha mid cusub oo asli ah, mana aha mid uu isagu leeyahay, ee waa mid uu kasoo guuriyay dunida reer galbeedka.  Sheekadiisa oo dhamina waa ku dayasho indha la’ min-alif, ilaa-ya!

Wadaadkii ummadda dhiba, ama dad laaya, ama khiyaamo sameeya, in la dacaadeeyo ummadana laga qabto waa daw.  Laakiin in boqollaal wadaad oo aan weligood wanaag mooyee xumaan u gaysanin ummadda, bulshadana laf-dhabar u ah, in la af-lagaadeeyo, sumcadoodana la dhaawaco, gar ma aha!

Nasiib darro waxaa Cabdullahi haysta jahli weyn oo uu ka qabo geedi-socodka taariikheed ee dunida Islaamka.  Soo jiidashada iyo bilicda wadaadadu kusoo jiiteen shacbiga Somaliyeed, ma aha mid ku timid sheeko ay allifeen wadaadada Somaliyeed oo hirgashay, sida uu Cabdullahi sheegay.  Marka uu Cabdullahi sidaas ku andacooday, wuxuu meel kaga dhacay shacabka Somaaliyeed oo uu ka dhigay wax ma garato sidii adhigii kolba dhinac loo kaxaysan karo.

Xaqiiqadu waxay tahay, soo jiidashada ay leeyihiin wadaadada Somaliyeed waa mid ay la qabaan Islaamiyiinta dunida Islaamka oo dhan, oo in muddo ahba xiddigoodu kor usocday.  Fiiri dunida Islaamka oo dhan, waddan kastana gooni u fiiri, oo is weydii kooxda ugu shacbiyadda badan ee ay dadku ugu jecel yihiin?  Waxaad ogaan in Islaamiyiintu yihiin kooxda ugu shacbiyad badan dunida Islaamka oo dhan.

Laakiin waxaa mudan in la xusuusto, oo maskaxda lagu hayo in, in ksata oo Islaamiyiintu waxyaabo badan oo wanaagsan ka qabtaan wadamadooda, haddana sababta ugu weyn ee keentay shacbiyadda Islaamiyiintu ay tahay FASHIL weyn oo ku yimid kooxihii kale ee Islaamiyiinta kula tartamayay xagga fikirka, siyaasadda iyo xukunka dalka.  Tusaale, dunida islaamku way ku daba tukatay reer barigii iyo hanti-wadaagoodii, waxaana Muslimiinta ka raacay jab iyo guuldarro.  Waxaa kale oo ay Muslimiintu ku daba tukadeen reer galbeedka iyo hanti-goosadkoodii, waxaana Muslimiinta ka raacay halaag aan wax lagu qiyaasaa jirin!  Markii lagu fashilmay daba orodkii reer bariga iyo reer galbeedka, ee madaxdii Muslimiinta hogaaminaysay tayadoodii sii xumaatay, ee wadamadii muslimiintuna gadaal usii dhaceen, meesha ay dunida inteeda kale horay uga maraysay, ayaad moodaa in shucuubtii Muslimiintu, meel kasta oo ay joogaanba yidhaahdeen, ‘To hell with the east and the west.  Let us give Islam a chance!’   Reer Bari iyo reer Galbeed badda Jaxiima ha aadaan, ee diinteenii aan u noqono. Dabadeedna xiddiggii Islaamiyiinta ayaa circa isku shareeray!

Halaagga laga dhaxlay reer galbeedka waxaa ka mid ah, iyadoo dunida inteedii kale lagu fidiyay xorriyad, doorasho xor ah, iyo dimoqraadiyad, in dunida Islaamka xorriyaddaas laga hor istaagay, oo loo diiday, oo nimankii reer galbeedka ee dimoqraadiyadda aabaha u  ahaa ay heshiis hoose la galeen diktaatooradii dunida Islaamka!  Waayo waxaa laga baqayaa in haddii doorasho xor ah iyo dimoqraadiyad dhab ah la keeno dunida islaamka, in cidda kowaad ee kursiga helaysaa ay tahay Islaamiyiinta!

Oo maxaa Islaamiyiinta looga baqayaa?  Waxaa looga baqayaa laba arrimood:

1—Inay diktaatoorada ducfiga, daba-dhilifnimada, iyo musuq-maasuqa isku darsaday ee dunida Islaamka haatan ka taliya ay xukunka ka qaadaan.   Halkaasna ay dhibaato laxaad lihi soo gaadho danihii faraha badnaa ee eer galbeedku ku lahaayeen dunida carabta iyo Islaamka.

2—Inay dunida Islaamka kasoo baxaan madax cusub oo karti, aqoon, iyo Islaamnimo isku darsaday, oo labada khayraad (khayraadka dabiiciga ah iyo kan Aadamiga ah) ee dunida Islaamka ceegaaga si habsami ah uga faa’iidaysta.  Dabadeenda muddo aan dheerayn kadib, suurto gal ka dhiga inay dunida Islaamka kasoo baxdo quwad weyn oo casri ah, oo dunida oo dhammi ka haybaysato.

Marka raggan kartida iyo aqoonta iyo Islaamnimada isku darsaday ee dunida Islaamka usoo kacaya, qasab ma aha inay dunida Islaamka oo dhan, ama wadammo fara badan hal mar kasoo wada kacaan.  Laakiin waxaa loo baahan yahay oo kaliya, in hal waddan oo Muslim ah, oo berigii hore diktaatoor musuq-maasuq ihi uu ka talin jiray ay taladiisa la wareegaan Islaamiyiin Dimoqraadi ah, oo xukunka ku yimid hab doorasho xor oo ay shacabkoodu kalsooni siiyeen.  Arrintani waa muhiim.  Waayo Islaamiyiin qori caaraddi xukun ku qabsaday, cidna meel gaadhsiin mahayaan.  Sidoo kale, Dimoqraadiyad aan Islaamnimo xakamaynin, dunida Islaamka bur-bur mooyee faa’iido u keeni mayso.

Weli ma is waydiisay sababtii loo burburiyay Dimoqraadiyaddii Islaaamiyiinta xukunka gacanta u gelin rabtay ee Aljeeriya?  Waxaa loo burburiyay waxaa laga baqay inay abuurto waxa cilmiga siyaasadda lagu yidhaahdo Khatarta Tusaalaha Wanaagsan, ama
‘The Threat of Good Example’.  Taas oo laga wado, haddii ummad baaxad ballaadhan oo dhibban sida Muslimiinta oo kale, uu kasoo baxo gobol ama waddan si fiican isu habeeya oo horukac sameeya, waxa laga yaabaa inuu horukacaasi baraarujiyo wadamada kale ee ay dhaqan iyo diin-wadaaga leeyihiin, oo uu abuuro waxa layidhaahdo Iska-daba-dhaca-Dubnadda ama ‘The Domino Effect’.

Islaamiyiintii Aljeeriya waxay isku darsadeen Islaamnimo, Dimoqraadiyad, Casrinimo, Aqoon(Sida uu qoray Dr. John Esposito, Islaamiyiintii ku guulsaystay doorashadii xorta ahayd ee Aljeeriya, 76% oo iyaga ka mid ihi waxay haysteen Shahaadooyin Masters ama Ph.D.

Marka haddii madax cusub oo Islaamiyiin, oo dimoqraadi ah, oo aqoontaas leh, oo kalsoonidaas buuxda shacabkooda ka haysta ay xukunka qabsadaan, waxay awood u yeelan lahaayeen inay Mususqmaasuqa la dagaalamaan, xasilooni siyaasadeed abuuraan, oo khayraadka dabiiciga ah iyo kan Aadamiga ah ee Aljeeriya ay si habsami ah u isticmaalaan, dhaqaalaha Aljeeriyana horay u mariyaan.  Muddo yar gudaheedna, waxay Aljeeriya awood u yeelan lahayd inay horukac laxaad leh ku tallaabsato. 

Hadday taasi dhacdana, reer Morooko waxay dalban lahaayeen inay dariiqii Aljeeriya maraan oo ay nidaamkaas oo kale samaystaan.  Dabadeedna reer Tunis ayaa sidoo kale dalban lahaa.  Dabadeedna reer Liibiya, Sudan, Masar, Suuriya, Lubnaan, Sacuudiga, Gobolada Khaliijka iyo dunida Islaamka oo dhan ayaa gees ka gees dariiqaas fiican ee xoriyadda iyo Islaaminimada iyo horumarka isku darsaday cagta saari lahayd.  Sidaas darteed, Dimoqraadiyaddii Islaamiga ahayd ee Aljeeriya waxaa loo burburay si aysan Tusaale Fiican ugu noqonin dunida Islaamka.  Taas halkaas ayaan kaga hadhi.

Marka iyadoo ay dunidii reer galbeedku ku wareertay sidii Islaamiyiinta xukunka looga takoori lahaa, arrintaas oo dowladihii reer galbeedka iyo madaxdoodii ka dhigtay Munaafiqiin (hypocrites) ka hor yimid siyaasadahoodii ay wadamadooda kaga dhaqmi jireen, waligoodna ay dunida kale ku wacdiyi jireen, ayuu Cabdullahi manta la yimid sheeko Diin iyo Siyaasad kala saar ah, oo  ay dunida Islaamku kasoo gudubtay 1930s, waqtiyadii Taha Hussein iyo raggii kale ee ku caan baxay Galbeed-daba-orodka.  Ololaha ay Taha Hussein iyo ragga la midka ahi ay waydeen, ee diinta iyo Siyaasadda lagu kala saarayay wuxuu qayb ka ahaa Dagaalkii dhaqan iyo fikradeed (Ghazwul Fikri) ama ‘cultural domination’ ee reer galbeedku ay rabeen inay dunida Islaamka ku qabsadaan.
Laakiin sidaan ku sheegay maqaal kale oo cinwaankiisu yahay The Thinking Somalis,
dagaalka dhaqan ee dunida Islaamka iyo reer galbeedka u dhexeeyay waa lasoo afjaray, guushii kama dambaysta ahaydna waxay raacday dunida Islaamka.

Sidaas darteed, kolka uu Cabdulllaahi hadda la soo shir tagay Islaamka iyo Siyaasadda ha la kala saaro, wuxuu runtii la mid yahay nin sidii qoladii Asxaabul-kahfigii hurdo dheeeeeeeeeer ka soo toosay, oo aan la socon meesha ay dunida Islaamku maanta marayso!

Gabagabo

Gabagabdii, waxaa muuqata inuu Cabdullaahi yahay nin dhiiran oo aan hadalka la baqin.  Laakiin waxaa nasiib darro ah, inaysan dhiiranidiisu ahayn mid ku dhisan cadaaladda iyo xaqqa oo la taageero, balse ay tahay mid ku dhisan Qar-iska-tuurnimo!  Sababtoo ah inuu qofku lasoo shir tago waxyaabo aan run ahayn, xaqiiqadana ka fog, waa qar-iska-tuurnimadii oo far-waa-weyn lagu qoray.

Waxa Cabdullaahi la gudboon inuu iskaga leexdo waddadan Tiiha ah ( A road to no where) ee uu cagta saaray.  Haddii kale waxay dhaxal siin doontaa inuu noqdo Haad Geed Waayay, oo ugu dambayn meel uu salka dhigo uu waayi doono.  Wuxuu Cabdullaahi gabagabada maqaalkiisa ku sheegay inuu madax ka yahay Gole Fikir Ururiye Somaaliyeed ‘A Somali Think Tank’.  Soomaalidu waxay tidhaahdaa, Geela sayncaddiisu durdurisay, Aarankiisa maxaa laga fili?  Golaha ninkii ugu qabqablaysnaa uu sidaa caqliga, xikmadda, iyo waaqica ka fog u hadlayo, tayadiisu maxay noqon?

Maxamed Heebaan
E-Mail:mohamed19456@hotmail.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com