|
![]() |
|||||
Dhulka iyo markii aad gubteen, dhoobadii degelka
Maanso, gabay ama suugaani waxay macno leeyihiin markay ujeeddo salka ku hayaan. Maansada dhabta ah lama doontee way ku soo doonataa. Abwaanka Cabdi Aadan Qays maanso uu tiriyey ayaa in badan dareenka dadka si weyn u taabata, waa inta wax dareenta ee dadnimo ku jirto’e. Dadku muuqa waa wada dad, haddana badh baa hoosta dugaag ka ah balse kaba sii liita. Marka muuqa laga tago ayaa caqliga iyo garashada lagu kala tagsan yahay oo qofna waxa ka muuqata karaamadii iyo sharaftii Eebbe ku sheegay aadamaha midna waxa ka soo if baxa dabeecadaha dugaagga iyo bahalaha. Aan sheekada ku soo noqdee intaanan u gudbin dulucda qormadan iyo sheekada Maxamed Yuusuf X. Cabdi (Kayse) iyo gabaygiisa ‘Dhuguc’; iyo waxa maanta igu xambaaray ka hadalkeeda iyo soo gudbinteeda, bal aan ku hormaro tixo iyo tilmaamo aan ka soo qaatay maanso uu tiriyey Cabdi Aadan Qays. Wuxu ka warramayaa ilme yar ooo uurka hooyadii ku jira oo habartii ku leedahay “Soo dhalo hooyo.... ” Ilmihiina dacwaddiisa ayuu soo gudbinayaa oo wuxu leeyahay..’Dhalan maayoo...dhalan maayo...’ Sababta aanu u dhalanaynna wuu sii sharraxayaa: Waa ilmo yar oo ku jira uurka hooyadii, wuxu diidayaa inuu soo dhasho,wuu doodayaa, wuu garnaqsanayaa oo wuu sababaynayaa waxa uu u soo dhalan laayahay. Wuxu sawir ka bixinayaa muuqaalka iyo qaabka ay u taal meesha uu ku soo dhalanayo; wuxu ku doodayaa in hadduu soo dhasho uu kollay silic u dhimanayo. Wuxu diidayaa inuu ku soo dhasho meel aan xataa dhallaanka loo naxayn oo lagu dhibayo, lagu dilayo, meel dhiig daadinta iyo colaaduhu dhaqan u yhiin, meel aan biri- ma- geydo lahayn. Wuxu inna weydiinayaa macnaha ay u samaynayso ku soo dhalashada degaanka caynkaas ah. Aan in yar inna dul geeyo sida dareenka maansadani ugu dhashay Maxamed-Kayse. Abwaanku wuxu booqday mareegta wararka ee la yidhaa: jilibweyn.com oo baahisay warkan soo socda taariikhdu markay ahayd 2-3- 2009. Warku sidan buu u qornaa (sawirka korena wuu la socday): ´´ Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa dagaalladii dhowaan ka dhacay dhaawacii la keenay waxa ka mid ahaa Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaadhay,balse waxaa naxdin ahayd in hooyada canug ay uurka ku siddey rasaasi ugu tagtey Caloosha hooyadiis. Waxa hooyadaa lagu sameeyey qalliin muddo saacado ah qaatay, waxaana laga soo saaray canuggii oo mayd ah, oo rasaastu kaga dhacday garabka meel u dhow oo wadnaha ku beegan.´´ Haaaaaaaa...intaa markuu arkay Maxamed-Kayse ayaa dareenkii soo dhuftay oo qalbigiisii rogmaday. Dareenka iyo godlashada maanka haddaad u weydo wax aad ku halbeegto, xanuunka iyo murugadu dib bay kuugu noqdaan oo ma awooddid inaad cid kale farriinta gaadhsiisid, halkaana waxa ku curyaama wax ka qabashadii dhibaatada iyo gurmadkii... Qofka abwaanka ahi wuu ka nasiib badan yahay dadka mararka qaar oo dareenkiisa iyo culayska saaran ayuu awoodda maansada ku soo daadejin karaa, markaas oo uu woxogaa nafis ah dareemo. Marar badanna wuu ka nasiib daran yahay dadka oo si aan dadku u damqan buu u damqadaa, wax aan dadka kale ka damqan buu ka damqadaa, wax dadka aan u muuqan baa u muuqda..isaga oo gu’yaal soo dhibtooday baa dadka kalena soo gaadhaa. Dooddii ilmaha uurka ku jira iyo hooyadii ee ahayd: Soo dhalo iyo dhalan maayo,.. iyadoon weli biyo dhicin ayaa masiibo ugu tagtay halkiisii. Codkii ilmaha iyo kii hooyaduba halkaasuu ku soo xidhmay. Intii ku hareeraysnayd ee ilmaha ku lahayd: Ha dhibin hooyadaaye soo dhalo..iyana halkaasaa afka iyo gacantu isku dhegeen. Wuxu gabaygu ka hadlayaa dambiilaha maanta iyo dadka dulmiga ku difaacaya si uu ubadkooda u dabargooyo. Wuxu la hadlayaa dadnimada iyo garashada goob kasta iyo goor kasta oo ay joogto. Ka maanta nool iyo ka berri dhalan doona ayuu la hadlayaa. Wuxu la hadlayaa inta bed-qabta ee dhulkooda iyo dadkoodu fayow yihiin inuu u noqdo cashar iyo waaye ay wax ka bartaan si ay uga badbaadaan masiibo tan la mid ah. Wuxu la hadlayaa dhego wax maqli kara iyo qalbi naxariisi ku dambayso. Aynu dhuuxno gabaygii ‘Dhuguc’: Dhawaaqii samaaneed markii, dhegaha loo diiday Xasan C. Madar (1) Maansada ‘Darmaan iyo Dalxiis’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino. _____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|