|
![]() |
|||||
Heerka cilmiga, aqoonta, teknoolojiyada, iyo ilbaxnimada
la gaarey ee adduunka qaarkiis maanta ku siman yahay waa mid dadka badankiisa ku ridday dhakafaar iyo dhabana-hayn. Heerkaasi
xad-dhaafka ah ee loo jeedo bani-aadmigu taariikh malaayiin sano lagu qiyaaso ayuu u soo maray. Gedgeddoonkaasi marna ma ahayn mid toosan oo sahal ah. Wuxuu ahaa mid qalqallooc badan oo bani-aadmigu taxanihiisa kala kulmay hoog iyo halaag, silic iyo saxariir aan la soo koobi karin.
Nolol astaamaheeda ugu waaweyn lagu tilmaami karo inay ahaayeen baahi, cabsi, welwel iyo walbahaar joogta ah oo dhinac walba mugdi ka hareereeyo ayuu baniaadmigu soo jibaaxayey jeer uu hawlgal, halgan, nafhur, iyo baadidoon dheer ka dib, si isdaba-joog ah u haleelay ammuuro dhawr ah oo u suurtageliyey inuu nafleyda kale oo idil ka soocmo, kana gacan sarreeyo. Laba keliya haddaan ka xusno, waxaan oran karnaa nabad uu dugsado, awood uu dareemo, iyo itaal uu isbido
uga ma horrayn maalintuu qofku dabka hantay ee dhimbiishiisa belbeliyey, iyo
maalintuu birta tuntay ee ugaarsiga xawayaanka kale u foof tegay.
Himiladaas durugsan ee lama huraanka ah waxa tallaabada ugu weyn ka geystey, ka geysanaya, kana geysan doona EREYGA QORAN. Garashada ban-iaadmigu wax garto shan marin ayey usoo maraan maskaxdiisa. Waa aragga, maqalka, urta, dhadhanka, iyo dareenka jirka. Shantaas ilood weeye kuwa dhalashadeenna illaa dhimashadeenna maskaxdeenna ku waraabiya aqoonta ay u oomman tahay. Si gaar ah marka aqoon-korodhsiga laga hadlayo saamiga weyn waxa la siiyaa kaalinta ay dareenka aragga iyo kan maqalku ka qaataan. Qalabka warfaafinta ee maanta jira haddaan tilmaan usoo qaadanno, saddex ayaa loogu isticmaal badan yahay- raadiyaha, telifiishanka, iyo wargeyska. Raadiyuhu maqalka keliya ayuu toos u abbaaraa. Wuxuu hayuu ku shubaa ay maskaxdu toos u maashaa. Telifiishankuna aragga iyo maqalka ayuu isku mar soo wada jiitaa. Sidaas darteed, raadiyaha wuu ka awood fidsan yahay, maskaxdana wuu uga saamayn ballaaran yahay. Wargeyskuse ereyga qoran ayuu gacanta kuu geshaa. Sidee bay saamayntooda maskaxeed u kala duwan tahay? Midkood baa ugu saamayn culus?
SHAKESPEARE, Qoraagii Ingriiska ee caanka ahaa wuxuu riwaayadihiisa qoray qarnigii 16aad. Waa afar boqol oo sano ka hor. Misna tan iyo maantadan aynu joogno waxaa riwaayadihiisa lagu soo bandhigaa raadiyaha, masraxa, iyo shinimooyinka qiimiga ay leeyhiin awgood. Waxaase laysku raacsan yahay inaan masraxa, filimka, iyo raadiyaha tooni soo cagacagayn karayn kaalinta buugaggiisu gudan karaan. Runtii filimka, masraxa iyo raadiyuhuba waxay ka shidaal qaataan ereyga qoran ee buugga ku duugan. Dhinaca tacliinta, falanqaynta, doodda, iyo lafa-gurka kolka loo leexdo waa buugga kan loo noqdaa. Ereyga qoran ee hadalkaygu u dhacayaa marna ma aha mid kastoo xaashadaha lagu madmadoobeeyo, oo aqriskiisa indhuhu kugu madoobaadaan, maskaxdu kugu daasho, maankuna jahawareer iyo mugdi kasii qaado; ee waa kan wax-ku-oolka ah ee indhaha nuuriya, maskaxda iftiimiya, laabta doojiya, danta kun jirtana dadku fac ka fac isaga wada marag kacaan libinta ku jirta iyo liibaanteeda. Aqoon-kordhinta ka sokow, Ereyga Qorani nolosha qofka waxtarka ugu weyn
Marka laga yimaaddo buugagga laga qoray cilmiga taariikhda, xisaabta, sayniska, dhaqaalaha, bulshada, falsafadda, iwm oo qiimiga ay u leeyihiin baniaadmiga iyo horumarkiisa la wada garan karo ee laysku ekaysiiyo keliya qoraallada ku saabsan suugaanta dhinaceeda tiraabta, gaar ahaan qisada dheer (novel), ma dhici karto inaad adigoo kasoo jeestey aqris qisad uu leeyahay mid ka mid ah abwaannada tiraab-curinta ku caan baxay sida Charles Dickens, Ernest Hemingway, Victor Hugo, Lev Tolstoy, Naguib Mahfoud, Chinua Achebe, Garcia Marquis, Jorge Amado iyo kumanyaal kale aad dareemi weydid in baniaadminimadaadii wax weyni kusoo kordheen oo intaadii hore inaad ka weynaatay oo ka wacnaatay ka qiimi iyo qadder fiicnaatay.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaa misna tijaabo shakhsi ah u leeyahay sida mutacallimiinta Somaaliyeed ee farta lagu fiiqo inay jaamacado waaweyn kasoo qalin jebiyeen intooda badani weli ka maagto aqriska buugta mac nooc kasta ha ahaatee. Waxaa muuqata in xiisahooda, iyo danayntoodu weli ku kooban tahay warsidaha iyo wargeys-moodaha (tabloids and fashion magazines) rogroggooda. Weli waxa gondaha sii haysta sida mara-boobta dhaqankii hadlaaga. Dhallaanka Somaaliyeed iyo facaadda soo koraysa kuma filna in lagu canqariyo oo maskaxdooda ugub lagu barbaarsho ‘Sheekooy..sheeko.. Shilin baa dhuustay…’ iyo dhaqanka hadlaaga oo keligi mutuxan.. Ereyga qoran iyo sawirro farshaxan badan ayey carruurtu casrigan u baahan tahay mar hadday gosha hooyadood soo dhaafaan. Dunidan jaqaafisay iyo ilbaxnimadan xarka-goyska ah ay maalin walba kusii fogaanayso, ruuxii Ereyga Qoran hanta keliya ayaa runtii la qabsan kara oo inuun la jaanqaadi kara gedgeddoonkeeda iyo caji’aabka ay waagii beryaba la waabariisanayso.Inta kaloo idil geed kastoo ay ku xoqxoqdaanba cagtay marinaysaa. Saciid Jaamac Xuseen ---- Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed. Maqaalada kale ee Siciid qoray laguna daabacay degelkan:* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|