|
![]() |
|||||
La iskuma hayo in dadku taariikh ku abtirsadaan.
Taariikhdaasi mar waa sax; marna waa khalad.
Marar badanna waa in sax ah iyo in khalad ah oo isku jira.
Soomaaliduna waa sidoo kale.
Qabaa'il ayey ka soo jeedaan. Taasi waa run aan la diidi karayn.
Dhinaca kalena waa dad muslim ah oo diinta Islaamka si weyn u rumaysan. Taasna cid muran ka keeni kartaa ma jirto. Qabiilka iyo diintu waa labada tiir ee qofka Soomaaliyeed guudahaan ku dhaato ee la shir yimaaddo. Kun sano ku-dhowaad ayaa xeerar labadaas tiir cuskanaya Soomaalidu ku dhaqmaysey; lays ku guursanayey, lagu wada xididayey, colaad iyo nabad lagu gelayey. Arrintaas oo sidaas u degemsanayd, guux aan yaraynna hoos ka baxayo, ayaa maqaal Maxamed Hirad maalin dhoweyd degelka ‘WardheerNews’ ku qoray arrintii iyada ahayd ee laga meermeerayey ka hor tegey oo shafka u dhigtay. In kastoo Maxamed Hirad uu maqaalkiisa cinwaan uga dhigay su’aasha ah: ‘Qabaa'ilka Somaalidu Ma Isbahaysi baa, Mise Waa Dhalasho?’, misna markaad
maqaalka sii gudagashid waxaad arkaysaa in aanu dooddiisa ku ekayn in uu
muujiyo keliya in qabaailka Soomaalidu ku dhisan yihiin isbahaysi ee wuxuu isla markiiba si weyn u tilmaamayaa arrimmo muhim ah oo tan hore la xiriira. Waxa qormadiisa Hirad u kaashanaya aqoon taariikheed, da’, cilmibaaris, waaya-aragnimo iyo dhulka Soomaalidu degto oo uu nolol ku soo maray.
Markiisa horeba Maxamed Hirad uma soo xusul duuban in uu caddeeyo asal ahaan
halkay Soomaalidu ka soo jeeddo; ee danta uu sida weyn ugu guntaday, kana lib keenay, waxay ahayd faaqidaada qabaa'ilka Soomaaliyeed ee isku dhalashada sheeganayaa, in ay weligood ku dhisnaayeen isbahaysi ay danta iyo guurguurku u sal iyo sabab ahaayeen. Arrintaas lafteeda ayaa u geysey, badheedh iyo badheedh la’aan, in uu si roon u tilmaamo waxyaala badan oo Soomaalidu si ba’an ugu dhaadataa in ay yihiin, marka runtooda la soo taabto, ‘wax-kama-jiraan’ lays ka dhab-dhabtay, ka bacdina duuduub loo aamminay, iyadoon wax isweyddiin ah dib loogu la noqon.
Marka xaal kalkaas marayo, shaki ma laha su’aasha dad badan oo Soomaaliyeed ku dhalan kartaa in ay tahay: “ Haddii uu odaygaa Maxamed Hirad tiirarkii cuslaa ee taariikh ahaan aannu cuskanayney naga dumiyey, maxaannu la shir tagnaa, oo meesha noo yaalla? Jawaabtuna waa: Taasi waa mid idinka idiin taal. Tan horeba idinka ayaa dhoob-dhoobtay ee haatanna tu kale ayaad uga rogan kartaan, intaad runta ka gaaraysaan.’ Ugu dambayntii, kaalintaas wacan ee Maxamed Hirad sida hufan ee cilmiga ah u iftiimiyey wuxuu mudan yahay hambalyo diirran iyo bogaadin, isagoo siduu sheegay weliba halkaas ka sii wadi doona dhammaystirka qorista buugga uu dhexda kaga jiro, oo xiise weyn loo hayo, lana sugayo. Waxa iyana in la xuso mudan arrinta kale ee maqaalka maxamed ka muuqata ee ah in si weyn loogu baahan yahay in si dhab ah daraasado loogu sameeyo isirka, asalka iyo taariikhda sooyaalka Soomaaliyeed. Saciid Jaamac Xuseen ---- Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed. Maqaalada kale ee Siciid qoray laguna daabacay degelkan: * REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|