Image
Home Articles Somali Songs About us  

Waa Qoloma?
Wq. Aamina Xaaji Cali
Oct. 17, 2010

Aad baan ula wada soconnay damaashaadkii iyo raynrayntii ka dhacday dalka Jili (Chile) ka dib markii sida qurux badan loogu guulaystay in laga badbaadiyo macdan qodayaashii (Miners) dalkaas ee godkii ay macdanta ka qodayeen uu ku dumey. Ilaahay amarkii bilowgii iyo dhammaadkiiba aad baan u xiiseynayey oo ula socdey. Dadkaas meesha ku jirey waan u damqanayey. Waxaan isku taxalujiyey inuusan marnaba I dhaafin warkoodu. Tallaabo tallaabo ayaan ula socdey. Run ahaantii in badan baan la ooyey eheladii 33 kaa nin ee aan telefishanada kala soconnay masiibada la soo gudboonaatay. Farxad, qosol iyo oohin baan isku daray markii lagu guulaystay qofkii u horreeyay in laga soo saaro bohoshaas 1,000 ku dhawaadka mitir ama baac hoos dhulka ugu qodnayd.

Kolkii la bilaabay in laga soo saaro godkii ay dadkaasi ku xabaalmeen ee qof qof dibedda loo soo dhigay, iyadoo la adeegsanayo qalabkii ay ugu talo galeen ee ay ku magacaabeen kaabsulka , kolkii ay reer Jili illaa madaxweynahoodii Sebastian Pinera ay goobta isa soo wada tubeen oo heegan ku ahadeen; Kolkii aan arkay sida, xataa qoysaskii raggaas iyo carruurtoodiiba dugsi iyo adeegyo kaleba goobtii shilku ka dhacay loogu geeyay muddadii 2 bilood iyo dheeraadka ahayd ee ay meeshaas dul deggenayeen; Kolkii aan daawaday agabkii kala duwanaa ee lagu samato bixinayay iyo qalabkii gargaarka degdegga ah oo heegan ah iyo wax walba oo loo baahnaa oo la sii diyaariyey, waxaan is weydiiyey keligey intaan hoos iskula faqay:

Tolow, maxaa dadkeyga u diidey inay isu damqadaan? Tolow, maxaa nafta qofka Somaaliyeed ka dhigey mid raqiis ah oo ta diqsiga oo kale ah? Maalin kasta waxaan maqalnaa, 40 qof ayaa lagu diley suuqa Bakaaraha, 30 qof ayaa lagu diley meel hebla, 90 kalena waa dhaawac."

Markaasaa waxa aan dareemay ilmadii tirada badnayd ee ka daadatay indhahaygu in ay ahayd mid la weheliyo. Baroortayda iyo ilmadu meel shishe ayay ka socotay. Waxa ii caddaatay sida ayna nafta qofka Soomaaliyeed maanta wax qiimo ahba ugu fadhiyin iyo sida aan u noqonnay dad dareenkii ka suulay." Waxa aan is tusay sida dadkeennu weli uga baraad la' yahay dulligga ku habsaday ee ay iyagu is badeen, ee aan cid kale loo eersanayn. Waxa taas ka sii daran sida ay dammanaha uga yihiin ee ay weli wixii daashaday ugu dhex jiraan.

Silica Soomaaliyi maanta isbedday

Waxaan hoos isu weydiiyey, tolow shilkan ama mid la mid ahi haddii uu ka dhici lahaa dalkeenii hooyo, su'aasha ugu horreysa ee ay Soomaaliyi is weydiin lahayd maxay noqon lahayd? Waxa aan malahayga is idhi weydiinta koowaad ee maskaxda dadka Soomaaliyeed ku soo dhici lahayd waxa ay noqon lahayd su'aasha dhexdeenna caanka ka noqotay ee ah Waa Qoloma? Sidaas baan ka badin waayay markaan dhinac kasta ka rogay.

Qabyaaladda iyo dulliga ay inna badday ma'aha mid innaga dahsoon. Hore ayaa maansooyin iyo heeso badanba loogu tilmaamay. Bal xusuuso gabaygii caanka ahaa ee Dugsi Ma Leh Qabyaaladi Waxay dumiso mooyaane ee Eebbe ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Tima Cadde mariyay muddo 40 sano iyo dheeraad hadda laga joogo. Waxa cad in abwaanku berigaas uu hore Soomaali ugu sheegay in ay Soomaaliyi nolosha ku saaqidayso, wannaaguna uu ka doorsoomayo haddii aanay cudurkan iska daweyn. Tuducyo gabaygaas uu ku soo gabagabeeyay waxa ka mid ahaa:

......Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane


Haddaad u dhabba gasho magac kasta oo ay Soomaaliyi la baxdo ama mid kooxeed ha ahaado ama mid kalelba e waxa cad in dhibka Soomaaliya yaallaa qabyaalad uun uu salka ku hayo. Qabyaaladina meel inna geyn weyday. Sidii horay loo yidhi qabyaaladdu waa sida basasha oo kale. Haddii aad is tiraahdo basal dhil, sida aad marba qob uga qaadayso ayay dhammaataa. Meel ay isku taagtana ma leh. Qabyaaladduna sidoo kale ma dhammaato, oo kuma joogsato meel. Waxa is diley laba hooyo wada dhashay oo laba qabiil ka soo kala jeeda, waxaa idishey ilma Eddo, Ilma habreed, iwm. Waxay dishey qabyaaladii laga bilaabo miskiin kaba caseeya ah illaa, dhakhtarkii.

Sedka isku duubnida

Soomaaliyi weligeed sidan oo kale uma rajo beelin. Xilli baa jiray ay aad u fahamsanaayeen isku duubnidu sedkay leedahay.. Bal u fiirso qiimaha dalka iyo dadku leeyahay marka ay isku duubniyi jirto. Markii uu adduunku shacbiga iyo dawladda Jili arkay siday arintan meel uga soo wada jeesteen ayaa sida aynu u jeednay loogu soo gurmaday. Dawlad waliba waxa ay jeclaysatay in hawshaas la wada arkayo ay iyana ka muuqato. Innagana kala daadsanaan iyo tafaraaruq iyo necayb laysu hayo ayaa inna baday in 20 sano lagu soo aslaaxi waayo inaynnu samaysanno dawlad dhexe oo ummaddeennu isku raacsan tahay.

Waxa kala jajabka iyo iska horimaadkani keenay dawladaha kuwii aynu deriska ahayn ee isugu dhoweyn ee Itoobiya iyo Eritieriya in ay kooxaha is-haya kala raacaan, isku hubeeyaan, oo dabka sii shidaan, innagana dhaawaca iyo meydku innagu bato.

Al Uruba
Al Curuuba dagaalka ka dib

Milicsi kale.. xilli xarrago iyo faan innoo bannaanaa:

Bilawgii toddobaatanaadkii mar ay dalka Uganda iyo Tanzania maryo dhiig leh ay kala furteen, waxay ahayd dawladda Soomaaliyeed tan hawshaa dusha saaratay ee dhexdhexaadisay ee gacmaha isu saartay ee heshiisiisay. Isku- duubni, dan iyo qaran la wada ilaashanayey ayey Soomaaliya awoodda iyo haybaddaa ku hanatay.

Abaartii daba-dheer ee 1973-1974, ummadda Soomaaliyeed dad iyo duunyoba way ku hooban lahayd, ee shacbiga iyo dawladdii sida wada jirka ah ugu gurmaday ayaa ummaddeenna halaaggii ka samata-bixiyey.

Saban aan sidaas u sii fogayn (1974) ayaa madaxda qaaradda Afrika shirkeedii ay sannad walba ku kulmi jireen ku qabsatay Muqdisho. Soo dhoweynta iyo marti-qaadka wacan ee ay la kulmeen ka sokow waxaa la yaab iyo ashqaraar laga qaaday quruxda iyo sida magaalada Muqdisho xilligaas ay u billayd. Maantana waa bahalo galeen indhaha laga qarsanayo.

Dhacdooyinkaa iyo qaar kaloo badan ayaa I wada hor yimi intaan daawanayey gurmadkii u dambeeyey ee lagu soo daadguraynayey shaqaalihii macdan gureenka ahaa ee reer Jili ee dhulka hoostiisa ku go'doomay.

Gibilka ayaa I dubaaxiyey, kolkaas ayaan tixdan gaaban oo aan 8 sano ka hor tiriyay aan dib u xusuustay oo aan idhi wallee inta aynaan masiibadaas xoorin Soomaali iyo halaag isa seegi maayaan.

. Mar haddii qabyaaladi,
. Mitir lagu cabbiro iyo,
. Miisaan la saariyo,
. Iyo meel ay ku negaato,
. Midna aan la garaneyn,
. Masiibadaa ma xoornaa?

. Mar haddii qabyaaladi,
. Macaan hooyadeen iyo,
. Marwo habaryarteen iyo,
. Milgo eeddadeen wacan,
. Midhahoodii deyneen
. Masiibada ma xoornaa?

. Mar haddii qabyaaladi,
. Macdanta dhulkeeniyo,
. Mashaariicda waaweyn,
. Matoorada faraha badan,
. Musbaar yar koley tahay,
. Midna noo sancayneen,
. Masiibada ma xoornaa?

. Mar haddii qabyaaladi,
. Mutacallimkii dalkeeniyo,
. Maalka kii tabcaayiyo,
. Macallinkii quraankiyo,
. Miiskiin kaba caseeya ah,
. Midna ayna reebeyn,
. Masiibada ma xoornaa??

. Mar haddii qabyaaladi,
. Miinada qarxaysiyo,
. Maska waabeyda badan,
. Macaluusha gaajada,
. Maydkii bakhtiyey iyo,
. Maal qudhuntey ka daran tahay,
. Masiibada ma xoornaa??

. Mar haddii qabyaaladi,
. Mowdka ayna celineyn,
. Mowlaha hortiisiyo
. Maalinta qiyaamaha,
. Marag adag nafteeniyo,
. Miiciin noo ahaaneyn,
. Masiibada ma xoornaa?

Aamina Xaaji Cali
E-Mail:aminah.ali25@yahoo.com


---

Maqaallo la xidhiidha:

* ANAA LA SOO JEEDEY ... JEER NINKII U DAMBEEYEY IFKA LOO SOO SAARAY Wq. Siciid J. Hussein

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright 2010 WardheerNews.com