|
||||||
Alle ha u naxariistee Siciid Ismaaciil Buux (Xamarqoodh) waxa uu ku dhashay magaalada Dirdhaba sannadkii 1940kii. Dugsi Qur’aanka Dirdhaba ayuu ka galay oo uu ka dhigtay. Isagoo dhawr iyo toban jira ayuu Jabuuti u soo wareegay. Siciid Xamarqoodh yaraantiisiiba fanku wuu ku abuurnaa, isagoo arrintaa ka warramayana waxa uu yidhi. Fanka tan iyo yaraantaydiiba waan jeclaa oo meelaha lagu heesayo ayaan tegi jiray. Waxaan gaadhay heer ah inaan gacan-yare u noqdo fannaaniintii berigaa heesi jirtay. Toddobiyo toban jir baan ahaa markaan ku soo biiray caalamka fanka.
Mar lagu waraystay Telefiishanka Jabuuti oo la weydiiyey xilligii uu fanka ku soo biiray, waxa uu sheegay inuu ku soo bilaabay fanka Soomaaliyeed 1957kii. Isagoo ka warramaya heestii u horraysay ee uu ku soo galay fanka waxa uu yidhi. Waxa jirtay hees uu qaadi jirey fannaankii caanka ahaa Axmad Cawad kana tirsanaa kooxdii fanka ee laanta af Soomaaliga ee raadiyo Addis Ababa. Heestaa oo midhaheedii ay ka mid ahaayeen, (Xiddigta waabaraay, mar ila hadaloo,) ayaan xafiday anoo yar oo markaa jooga magaalada Dirdhaba. Heestaa ayaa beri dambe loo sameeyey midho kale oo Nebi ammaan ah. Nebi ammaankii baan ku qaaday habeenada xuska Mawliid-AlNebiga. Heestaas baa iigu horreysay hees aan ku luuqeeyo. Taas oo noqotay tii aan kaga midka noqday fannaaniintii raadiyo Jabuuti 1957kii. Hadduu qaafilo raaco Allaha u naxariistee Siciid Xamarqoodh mar la weydiiyey fannaaniintii uu fanka ku soo gaadhay berigaa magacyadoodii waxa uu ku war celiyey sidan: Fannaaniintaa waxa ka mid ahaa, Ismaaciil-qays, Cumar Subagle, Maxamuud Guuleed, Cabdi Aw-Cumar oo isagu kaalinta hablaha jili jiray waagaa ,Jaamac Sulaymaan, Cabdillaahi Bullaale iyo rag kale. Dhinaca dumarka waxa heesi jiray oo aan ku soo gaadhay, Caasha Cawaale, Sureer Daahir iyo hablo kale. Xilligii aan fanka ku biiray wax yar ka dib fannaanadda Xaawa Geelqaad baa nagu soo biirtay. Xaawa oo berigaa noqotay gabadhii u horraysay ee riwaayad nala dhigta. Xaawa horteed rag baa kaalinta hablaha qaadan jiray. Dhinaca muusigga waxa tumi jiray, Maxamad Nahaari, Cali-Damaam, Daaha Nahaari, Cali Ibraahim, Maansuur iyo qaar kale oo badan. Siciid Xamarqoodh bilawgii uu fanka bilaabayba magaciisu cirka ayuu isku shareeray, waayo waxa uu markiiba la soo baxay cod Ilaahay ku mannaystay oo aad iyo aad u macaanaa.Arrimaha kale ee jacaylka dadka uu ku soo jiitay waxa ka mid ahaa, isagoo soo qaatay heesihii miyiga isla markaana dib u cuboonaysiiyey oo muusig u sameeyey. Heesahaa waxa ka mida kuwa loo yaqaan Guuxa, tusaale haddaan soo qaato waxa ka mida middan soo socota Malamaleeyana waa Ilaah Sidii xareed roobo macaan Way sidii diin iyo dawoco Ani makaankay waa mus geel, Hadba qolaan qoollaaliya Siciid intaa waxa u dheeraa isagoo weliba soo tarjumayey heesihii berigaa ay fannaaniinta waddamada reer galbeedku qaadi jireen,gaar ahaan kuwii ay qaadi jireen Ray charlles iyo Sam Kuk,kuwaas oo uu fannaanku ugu tala galay in dhallinyaradu kaga maaranto afafka shisheeyaha.Allaha u naxariistee Siciid Xamarqoodh waxa uu kow ka ahaa raggii sida weyn u cusboonaysiiyey isbaddalka muuqdana ku sameeyey heesaha, waayo waxa uu is waafajiyey heesihii dhaqanka iyo muusigga casriga ah.Gumaysigii dalka haystay waxa uu ahaa mid shacabka kala dagaallami jirey wax barashada, isagoo taa ka duulaya ayuu 1900 iyo dhawr iyo lixdankii Siciid dadweynaha ku guubaabin jirey waxbarashada iyo faa’iidada ay leedahay,heesta uu waagaa ku qaaday midhaheeda waxa ka mida. Wax baarashaadu Wehey tacliinta Ruuxaan wax baaran Ruuxaan wax baaran Ruuxaan wax baaran Siciid Xamarqoon intaa waxa u dheeraa heeso waddaniya oo uu dadka gobannimo-doonka ah ku hoga-tusaalayn jirey qaarna uu laabta ugu qaboojinnayey shacabka si aanay u niyad jabin. Heesahaa waxa ka mid ahaa heestan loogu wan qalay Dikhil. Heestan sannadkii 1966kii ayuu fannaanku soo saaray oo uu ku heesay. Sannadkaa oo kacdoon gobannimodoon ahi ka socday Jabuuti. Gumaysigii Faransiiska ayaa berigaa cadaadis xoogle saaray dadweynaha isla markaana kidimmada u laabay xisbigii hoggaaminayey gobannimadoonka ee (P.M.P) Parti mouvement populair(Ururka dhaqdhaqaaqa shacabka). Madaxdii ururkana xabsiyada ayaa laga buuxiyey. Guddoomiyihii oo ahaa Cabsiiye Buux ayaa berigaa lagu xidhay magaalada Dikhil. Waanigii degganaayee Ninka deeqda ku joogaa Waanigii da’yaraayee Wixii aad dabiciisa Heestan kale Siciid Xamarqoodh waxa uu ku heesay, ka dib markuu gumaysigii Faransiisku ku shubtay aftidii la qaaday 19kii Mars 1967kii. Heestan dadweynaha ayuu laabta ugu qaboojinayey. Heestaa ereyadeeda waxa ka mid ahaa kuwan: Toosa Toosa waa ta Ilaahe Heestan soo socota ee magaceeda la yidhaa Damac waxa uu fannaanku ku heesay 1967kii. Sannadkaa oo gumaysigu shacabka dusha ka saaray rag isaga dabadhilif u ahaa. Raggaa waxa madax u ahaa Cali Caarif Burhaan. Heestani nimankaa damacooda ayey sheegaysaa. Damac Dadnimo aanad lahayn Daacaddaa dugsigii Siciid mar la weydiiyey sida ay ugu suurta gashay, heesaha waddaniga iyo guubaabada ah in uu ka sii daayo isla raadiyooga uu gumaysigu gacanta ku hayey, waxa uu sheegay in heesuhu sarbeeb ahaayeen sidaa daraaddeed aanu gaalku garan karin. Waxase jirtay buu yidhi in kuwii la shaqaynayey qaarkood isku dayi jireen inay dhacsiiyaan, hasayeeshee way ka dhaadhicin kari waayeen,waayo erey jacayl amma gabdh sheegaya ayaan goor kasta ku dari jirey. Taasaa u diidday inuu garto dadkayguna markaaba way I fahmi jireen, xitaa haddaan hees jacayl ah soo bandhigo waddani bay dadweynuhu u macnaysanayeen. Dhinaca heesaha jacaylka uu ka tiriyey amma uu ku heesay oo aad u badanaa waxa ka mida tan loogu magacdaray Carta oo aan midhaheeda qaar ka soo qaadan doonno. Hawadii Cartaad Hagaagsane inaan ahay Hilbihii xagaasaday Dumar hoodo lagu sheeg Allaha u naxariistee Siciid Xamarqoodh fanka Jabuuti iyo guud ahaan ka Soomaalida horumarintiisa qayb weyn buu ka soo qaatay. Intii uu noolaa waxa uu curiyey heeso badan ,heeso kale oo ay curiyeen abwaanno kale oo uu ku luuqeeyeyna way jireen. Waxa kale oo uu ka qayb qaatay intooda badanna uu xiddig ka ahaa riwaayado badan oo Jabuuti lagu dhigay. Mar la weydiiyey riwaayaddii u horraysay ee uu xiddig ka noqdo waxa uu ku jawaabay: Riwaayad aan dhigo middii iigu horreysay magaceedii ma xasuusto, hasayeeshee hees ku jirtay oo aan qaaday ereyadeedii waxa ka mid ahaa. Siciidaay haddii nin lagu siiyood Riwaayadihii kale ee uu jilay waxa ka mid ahaa 1977kii ayuu fanka ka fadhiistay oo berigaa dabadeed fagaare laguma arag. Waxa uu shaqaale rasmiya ka ahaa aqalka madaxtooyada ee Jabuuti tan iyo intuu hawlgab noqonayey. Siciid Xamarqoodh intii uu noola waxa uu guursaday saddex dumara oo u dhalay toban hablood iyo laba wiil oo kala ah, Aragsan, Amaal, Amran, Ayaan, Idil, Maan, Miiran, Mahado, Milgo, Malabo,Ayaanle, iyo Axmad. Intii uu dhalay iyo intay sii dhaleen wadartoodu waa 33 qof. Allaha u naxariistee Siciid Ismaaciil Xamarqoodh, 18kii bishii mars 2010ka ayuu ku geeryooday Jabuuti. Siciid Xamarqoodh Ilaahay jannadiisa ha ka waraabiyo, qoyskiisii ,qaraabadiisii, asxaabtiitii iyo intii jeclayd dhammaan samir iyo iimaaan ha ka siiyo, Aamiin (1) Ururintii Cabdalla Xaaji Cusmaan (1) Dhammaan heesaha ku qoran maqaalkan, qolka kaydka ee RTD ayaan ka soo qoray. _____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|