Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

ANDRZEJEWSKI - Macallin Xurmo iyo Maamuus Mudan
Siciid Jaamac Xuseen
September 05, 2010

B. Andrzejewski oo Soomaalidu u tiqiin macallin Guush waxaa geeridiisii ka soo wareegtay 16 sano.  Ajnabiga daneeya ee wax ka qoray ummadda Soomaaliyeed Nolosheeda dhinacay doonto ha ahaatee ma tira yara.  Dhawr qowmiyadood oo kala duwan ayaa intooda ugu caansani ka dhasheen. Qaarkood afkooda qura ayey arrimaha Soomaalida wax kaga qoreen.  Inta Af-soomaaliga ku hadasha ee wax ku qortay ama tarjumtay, sida la ogsoon yahay, ma tira badna.  Kuwaas dambe waxaa ugu magac bilan B. Andrzejewski.

Macallin Guush siyaasadda Soomaaliyeed iyo murankeeda in kastuu si door ah ula socdey muddo aad u dheer oo u dhuun daloolay, misna baddeeda marna ma gelin ee culayskiisa iyo danayntiisa gaarka ah wuxuu si lixaad leh u saaray afka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.  Hawshaas ayuu si weyn ugu guntaday, wuxuuna ka dejiyey tiro gaaraysa boqol qoraal oo isugu jira buugag iyo maqaalado.  Albaab aanu garaacin oo wax ka qorin, ka faalloon ama wax ka tarjumin ma jiro, hadday ku tahay maansada, maahmaahaha, sheeko-xariirrada, masraxa, sheekada, riwaayadda, maqaaladaha iyo qaar kaloo badan.

B. Andrzejewski, xaaskisa Sheila iyo Georgi Kapchits
Georgi Kapchits, sheila iyo B. Andrzejewski

Waxaa tilmaan innoogu filan inu 1993 sannad ka hor geeridiisii isku tacallujiyey inuu suugaanta Soomaaliyeed kala soo baxo xul 41 maanso oo sooyaal iyo kuwo casri ah isugu jira oo uu buug kusoo ururiyey isagoo weliba Af-ingiriisi ku tarjumay. Waxa hawshaa ku wehelisay xaaskiisa Sheila Andrzejewski. 

Imminka xuska akhyaarkaas iyo haddaan goonni-hadalkayga u yara baydho:

Labaatan sano ka hor, 1990 mar aannu qoraaga Georgi Kapchits, wariyihii laanta Af-sooomaaliga ee Raadiyo Moosko warqado is-weydaarsi ku wada xiriiri jirnay, ayuu igu la taliyey in aan qoraallo yar yar oo aan lahaa oo uu isagu u bogay aan u gudbiyo mudane Andrzejewsk i(Macallin Guush).  Ninkaas oo uu ku tilmaamay, runtiina u qalma, aabbaha/awoowga cilmi-baarista afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.  Qadderintaan u hayey Andrzejewski oo xilligaas noolaa awgeed, ayaan jawaabtan saaxiibkay Georgi Kapchits u qoray; iyadoo maantana iga ah salaan aan Macallin Guush aakhiro ugu dirayo

Gacaliye Georgi:

Mudane B. Andrzejewski si fudud kuma dhaafi karo. Warqad aan kuu soo qoro tii ugu horreysey ayaan ku bilaabay:

‘ nin afkaaga barashadiisa iyo korriinkiisa isku hawlaa runtii waa nin tolnimo iyo gacaltooyo kuu sheegtay.’  Xeel-dheeraha Andrzejewski ayaa weedhaas oo kale ku bannaan tahay, amase ku yar tahay markaan dib u dhuganno libintuu ka geystey Af-soomaaliga iyo suugaantiisa.

Adiga geesinimo ayaan u yeeshay inaan kugu martiqaado ‘waxar yar’- Qoraalada gaagaaban ee aan kuu soo diray- anoo muujinaya qadderinta aan u hayo kaalintaada caqiibada weyn leh. Prof. Andrzejewski waan kala xishooday warqad gaaban iyo qoraallo weyd ah inaan ku sooro.

Ninkaad ku tilmaantay aabbaha/awowga cilmibaarista Soomaaliyeed oo aan kula qabo in uu tilmaantaas si dhab ah ugu qalmo, uma arko in lagu martiqaadi karo wax ka yar ‘ Tulud GEEL ah oo GOOL ah.’ Aniguna waxaraha yaryar aad aragtay wax ka roon ma hanto.

Sidaas awgeed ayaan talo ku daastey caalinkaas weyn, abwaankaas maamuusan, barahaa ma-daalaha ah inaan la kaashado dad badan oo iyaguna wada aqoonsan xurmaynta xildhibaankaasi ka mudan yahay ummadda Soomaaliyeed iyo afkeeda oo uu muddo qarni barki gaaraysa sugaanteeda ururinaayey.. u-kala dir soocayey.. illow iyo suulid ka ilaalinayey.. murtideeda soo ifbixinayey.. hodonnimada afkeeda mar walba dhinac dahsoon ilays weyn saarayey..  boqollaal qoraal turjumad ku faafinayey.. indheergaratada Somaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ee daneeya afkeeda hadba doco aanay dhaadayn ku baraarujinaayey.. aqoonsiga adduunka ku simaayey.. Facaadda soo koraysa u kaydiyey dhaxal aan marna dahab gooyn karayn. 

Ma ninkaas oo kale ayaa lagu la dhici karaa in waxar yar loo loogo, Saaxiib!  Xaasha..Eebbaheen wadaaggayo cimridherer ha siiyo si aan mar uun u gudanno abaalmarinta akhyaarkaasi naga geyo inta weli ifka lagu wada nool yahay.     

Siciid Jaamac Xuseen
Email:sjx2005@hotmail.co.uk

___

Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.

Siciid waxa kale oo uu degelkan WardheerNews ku soo daabacay maqaalada hoos ku qoran:

* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS
* INTOLERANCE: A VILE AND DANGEROUS HUMAN ATTITUDE
* BADDA..DHULKA.. IYO QOFKA
* Awoodda Ereyga Qoran
* Memories of my trip on the Britannia
* Dhaqankii dib ha loogu noqdo
* Suugaanta Dalmareenka: Safar Dayuuradeed
* Dr. Kaynaan
* A DAY AT A SOMALI NOMAD’S HAMLET
* Tiirar Xididadda Loo Siibay & Hambalyo ku Socota Maxamed Hirad
* WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
* Somali Food
* SHUF-BEEL (Sheeko Gaaban)
* Rooxaan

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com