|
Dayaxaa I dhibay xalay!
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)
Feb. 17, 2011
|
Waa habeen madaw oo haybadiisa wata. Buuq dadeed iyo biib biib gaadhi midna ma laha. Dadka intii caafimaad qabta waa u hurdo, intii cudur qabta waa u hiin raag; intii ciil iyo caashaq qabtana waa u huq iyo hibasho. Xoolaha afartooda meesi waa u raamsi, waa u taah; waa u asool. Xayawaanka habeen socodka ah waa u qadhaabsi, waana u quud raadsi. Laba lugoodle aan aniga ahayn oo socdaa ma jiro, haddii uu jirana ma badna. Anna fool i qabatay awgeed ayaan saqdii dhexe sariirta ka booday. Xumaddii iyo xanuunkii ay lahayd ayaan kolba tiir qabsaday. Dabinta hoose ayaan foolasha ku mutay, Wajiga ayaan ururiyay; indhaha ayaan is galiyay. Gurxanka iyo guuxa gudaha maankayga ka baxaya ayaan isku maleeyay aar gantaal lala helay oo gumucu naafeeyay. Gurigii ayaa igu yaraaday, dabadeed aniga oo kankoonsan ayaan dibada uga booday. Laydh qabaw oo i martay awgeed ayaan jeedaaliyay hortayda, hareerahayga iyo heegadaydaba.
Cirku wuxuu isku shaqlay xidigo. Xidiguhu in is ogol oo isku urursan sida ummaddaha qaarkood iyo in kala tagsan sida Soomaalida labadaba waa leeyihiin. Waxayse ka midaysan yihiin qurxinta cirka iyo ifinta dhulka. Ma aqaano mid mid baa dhulka ku soo dhacaysa, tolow ma ajasheedii baa dhamaatay, waa sahan?. Bal adba.
Dayaxu isaga oo dhamaysa dhinacayga midig buu ku beegan yahay. Wuxuu xidhan yahay dhar dahabi ah oo dhaayihii jaleecaa dhibaatada ay hilmaamayaan. Talaabada sida uu u dhubad qaadayo dhaygag baa ku dilaaya. Iftiinka iyo quruxda wajigiisa ka soo kaahaya ayaa kalgacayl hor leh kugu abuuraya. Daawashadiisa kama xiisa goynaysid, kamana xalad beelaysid. Waxaan is idhi wuxuu ku sii socdaa gacalisadiisii oo ay maalin idil kala maqnaayeen. Wadartii waayo ka cabatay dayaxa ayaa maankayga ku soo hormaday, ka dib intaan daawashadiisii hilmaamay ayaan iyagii dood hor leh la yeeshay, Waxaanan idhi.
Dayaxaa qurxoonee,
Qalanjada la moodee,
Dhibahana
ka qaayibay,
Qaabkiisuna wareeg yahay,
Bi'i waaye Qaysoow*,
Qalbi dararshihiiyoow,
Caqli quruxshihiiyoow,
Awliyada u qayshoow,
Qiimigeed adduunyada,
Kii qalin u qaatee,
Hawraarta quruxda leh,
Codkii qawdhamaayee,
Qaali Maxamed Moogee,
Qalbiyada gil gili jiray,
qamuunyada dawayn jiray,
Qadhqadhyada dugsiin jiray,
Heesaha qaraamka ah,
Qaaciga u dhiibow
Aakhiro qudheedana,
Intay wiilal qoodhiyo,
Hablo qaaliyoo wacan,
Qabto oon dib loo arag,
Weydiinta quruxda leh,
Kii kuba quruurshoow,
Haddii aanad qiiliyo,
Qasdi kale lahaynoo,
Qawlkaagu saxan yahay.
Bal maxaad u tidhi waa: "Dayaxa I dhibay xalay, intaan daawanayoon, dantaydii ku seegee". Hoogi waaye, Cabdi Aadan Qaysaw daawashada dayaxu ma dhibaa mise waa dhaymo? Ma rafaad baa mise waa raaxo? Ma danseeg baa mise waa dugsi? Tolow dayaxu miyuu maqlay hawraartaadaa? oo haddii uu maqlo ma dan buu ka leeyahay ammaantuu lahaa baa arlada ka badatee.
Muxuu run sheegay abwaankii carbeed ee yidhi: "Dhamaan waxaynu jecel nahay dayaxa... Dayaxuse yuu jecel yahay?" Waydiintan warcelinteeda aniga oo raadinaya ayaan iskala guday dayaxa. Meel baydhsan markii aanu iskula baxnay, ayaan si qiiro leh ugu idhi: Dayaxaw ma ogtahay inaan ku jecelahay. Si mooganaana ayuu ii yidhi: Dadkuba waa I wada jecel yihiin. Madaxa ayaan kor iyo hoos u ruxay, waxanan ku idhi waad mutaysatay. Haddii aanu cabaar sheeko guud wadnay, ayaan luqunta kor u taagay, oo aan si quus iyo quudarayni ka muuqato ugu idhi: Adigu ma I jeceshahay? Ma hadlin ee madaxa ayuu dhawr jeer midig iyo bidix u war wareejiyay. Isaga oo aad moodo inuu indhaha galka ka soo saarayo wajigiisana ay ku qoran tahay maya far waawayn lagu dhigay. Naxdin ka xumaansheed oo I saaqday ka dib, waxaan ku idhi:
Ma xoolo la'aan baad igu nacaysaa?
Maya.
Ma aqoon la'aan baad igu diidaysaa?
Maya.
Ma fulaynimaad igu diidaysaa?
Maya.
Ma fool xumaad igu diidaysaa?
Maya.
Ma doqoniimo ayaad igu nacaysaa?
Maya.
Intan oo aan iskaga shakisanaa markii aan ka bari noqday, ayay naftu igu soo wada noqotay, waxaanan si kaftan iyo kalsooni leh ugu idhi :
Oo haddaa ma Xaramaynka ayaan galay oo aan gubay maalin ciida?
Maya.
Oo haddaa ma agoon baan faro xumeeyay? Maya.
Waaba yaabe, haddaa maxaad igu nacaysaa?
Waxaad tahay Soomaali.
Yaab, oo Soomaaligu ma mudna miyaa in la jeclaado?
Haa ma mudna.
Waayo?
A
anigu ma rabo, cid rabtaana ma jirto.
Oo maxaa la nagu nacayaa?
Waxa la idinku nacayaa idinka ayaan is rabin, idinka ayaa isku ura, idinka ayaa is dooxa, idinka ayaa is dila. Adduunyaduna cid aan is jeclayn ma jecla.
Marka aad idinka leedahay ma waxaad u jeedaa dadka dalkii jooga, siiba koonfur?
Kuwiina dibadaha joogaa ma heshiis baad tihiin?
Haa, waanu nahay oo isma layno.
Maxaad heshiis ku tihiin?
Waxanu heshiis dahsoon oo aan qornayn ku nahay inaan Soomaaliya dawladi ka dhalan.
Oo sidee baad ugu tihiin?
Waxanu ugu nahay mid wal oo naga mid ahi wuxuu saad iyo sahay u diraa reerkooda, waxaanu ugu diraa inay reerka ku xiga ku qabsadaan hantidooda iyo dhulkooda.
Oo ma bulshada cad ee aad la nooshihiin baa sidan u dhaqanta oo aad ka barateen?
Maya, ma fiirinaba bulshada aanu la noolahay.
Oo haddaa maxaad fiirisaan?
Annaga ayuun baa is eegna.
Oo idinku ma doqono ayaad tihiin?
Doqonadu ma iyaga ayaa is eega?
Haa, waxa la yidhi doqontu laba iyo toban indhood bay leedahay, oo koob iyo toban walaalkeed bay ku eegtaa, midna cadawga ayay isaga eegtaa.
Annagu haddaba laba iyo tobankaba waxaanu ku eegnaa walaalkayo.
Oo inaad ku eegtaan maxaa keenay?
Caqli yari, Istaaqfurula! Waxanu nahay dadka adduunka ugu caqli badan, ugu aqoonta badan, ugu geesisan, ugu qabta wayn.
Oo yaa idinku yidhi waad tihiin?
Annaga ayaa is nidhi.
Oo inaad is tidhaahdaan maxaa keenay?
Waxa keenay xidh xidhnaansho iyo xog la'aan adduunka naga haysa.
Oo sawdinkan dalal hana qaaday oo horumaray jooga.
Haddii aanu joogno dhinac yar ayuun baanu wax ka eegnaa.
Oo muxuu ahaa dhinacaa yari?
Waa dhinaca xumaanta, oo mid wal oo naga mid ahi wuxuu ururiyaa xumaanta meesha uu joogaa ay leedahay,ama qofka uu la nool yahay uu leeyahay.
Oo maxaa keenay inaad ururisaan?
qaab fikirkayaga.
Oo qaab fikirkiinu waa sidee?
waa qaab fikir taban.
Maxaad ka wadaa qaab fikir taban?
Waxaan ka wadaa, wax walba waxaanu ka eegnaa dhanka xun, waxaanuna ku eegnaa indho xun. Ka wax noo bartaa, wuxuu bartaa sida bulshada loo yaso ama loo bah dilo. Marka uu hadlayana wuxuu yidhaa: Soomaalidu waa bulsho juhalo ah oo liidata. Waa bulsho aanay nolosha waxba uga baxsanayn. Waa runtii, waxase looga fadhiyaa inuu halkaa dhaafo oo uu la yimaado qorshe iyo qaab cad oo uu bulshadiisa wax kaga badalayo.
Haaye qofka aqoonta dhabta ah leh waxba uma dhiibataan ee sidee buu wax idiinku qaban karaa?
Waa run oo wax uma dhiibano, laakiin xilka iyo aqoontu miyaanay kala laba ahayn?
Waa kala laba, laakiin aqoonta marna waxa loo bartaa aad dadkaaga wax ugu qabatid, marna aad xil ku qabatid.
Haddii aad Soomaali tihiin waxaad wax u barataan aad xil ku qabataan.
Oo maxaa ku jaban haddii nin aqoon lihi xilka qabto?
Waxa ku jaban ninkani xilka wuxuu u qabanayaa aad xoolo ka qabsatid. Kase u baranaya aad dadkaaga wax ugu qabatid waxa u furan kun waddo oo uu wax ku qaban karo. Haddii uu xil hayana waxaabu ka wax qabad badan yahay marka aanu xil hayn. Nasiib darase bulshada Soomaaliyeed markii aan fiiriyay waa ku yar yihiin. Ummadduhuna waxay isku dhaafeen ragga noocan ah.
Oo ragga noocan ahi miyay ku dhashaan sidan?
Maya, waa lagu dhaliyaa.
Oo yaa ku dhaliya?
indheer garadkooda.
Soomaalida miyaa lagu dhalin karaa?
Haa, waliba waxaan u arkaa inay yihiin dad aad munaasab ugu ah waxayse la'ayihiin cid u hagar baxda ee maad u hagar bixi?
Haa, laakiin qof wuxuu qaban karo ayaa iska yar.
Ma yara, midda kale haddii aad Soomaali tihiin waxa idinka dhaadhacsan waxba ma qaban kartaan ama qof wuxuu qaban karo ayaa iska yar. Run ahaantiina waa fikrad qaldan oo idinku wada abuuran in la idinka tir tiraana waqti bay qaadanaysaa, waxaanse idiin sheegayaa bulshooyinku waxay ku horumareen qof walba wixii yaraa ee uu awooday ayuun buu qabtay, ka dib waxa meesha ka soo baxay waxan aad u taqaanaan wax qabadka wayn.
Oo hadda waxa aad i leedahay waxa yar ee aad awoodo qabo?
Haa, qabo adiga oo aan dhankaa iyo dhankaa eegin.
Waxaan awoodaa inaan wax yar oo aan macno buuran lahayn qor qoro, waxaanse kuu sheegayaa bulshadaydu maaha bulsho wax akhris ee waa bulsho hadal oo baahi badan uma qabto wax qoris sax?
Subxaana laah, horta mar marsiiyo aan macno lahayn baa la idiinku daw galay haddii aad tihiin Soomaali. Bulshooyinka adduunka oo idili marxalada wax akhris la'aanta waa soo wada mareen, waxase ka soo saaray rag.
Oo sidee bay uga soo saareen?
Intay aqoon ahaan iyo fikir ahaanba dhismeen ayay go'aansadeen inay bulshadoodana dhisaan oo ay u huraan hayntooda iyo hibadoodaba.
Waan gartay, laakiin anigu is dhiskii baan ku jiraa ee bulshadu ha I sugto.
Waxan ku idhi ku jir ama ha ku jirin bulshadu adiga ayay marti kuu tahay nabadeeyna hoygaygii baa soo dhawaadee .
Haddii aanu is nabad galiyaynay dayaxii, waxaan is arkay aniga oo banaan cad jooga. Fooshii gurigayga iga soo saartay oo ahayd fikrad rabtay inay dhalato ayaan iska waayay. Badanaa inta ay fikradi iga bururtay, badanaase inta aan fikrad dhiciyay. Caawa saw fikrad wacan ma dhaleen haddii aanan is arki lahayn dayaxa. Oo maxaan uga abaal ka dhacayaa dayaxuba wax badan buu igu kordhiyaye. Oo muxuu kugu kordhiyay? wuxuu igu kordhiyay in bulshada is jecel ay dadku jecel yihiin, waxa kale oo uu igu baraarujiyay in qof waliba waxa uu qaban karo uu qabto. Anna waxa iga go'aana inaan bulshadayda wixii aan u qaban karo aan u qabto aniga oo aan cudur daar caantayna la imanayn. Bal adna walaalkayoow/ walaashayeey ma ila qaadan fikirkan?.
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed deeq)
Email:awliyo177@hotmail.com
________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|