|
Nac Sokeeye iyo Nabar Shisheeye
Qore: Cabdullaahi Janno
March 05, 2011
|
Goobtu waa raq. Habar-dugaag baa isugu timid. Dhurwaa ayaa miciyaha kula jira neef baqti ah. Xoogga iyo xiisaha ku jiro ayuu la gilgilmay madaxiisa. Dhiig malaxoobay iyo hilib qayirmay ayuu rifayaa. Neefkii baqtiga ahaa waxa uu magan u yahay gowsaha Dhurwaaga—iyo miciyaha habar-dugaag.
Waxa Dhurwaaga ku wareegaaleysaneysay Dawaco sugeysay in wax un ay dhuunta mariso. Haad hilib-doon ah ayaa dul heehaabeysay. Markii ay Dawacadu ku soo dhawaataba, waxa uu Dhurwaagu baacsadaa Dawacada. Markuu soo noqdana waxa uu ku soo noqdaa Haaddii oo ku dul degatay baqtigii. Iyaguu misana ka ceyrsadaa neefkii baqtiga ahaa.
Waxa soo ag maray nin socoto ahoo sitay waran iyo gaashaan. Waxa raqdii ka kala cararay habar-dugaag oo ay horseedayaan Dhurwaagii iyo Dawacadii. Ninkii geed ayuu iska hoos fadhiistay. Oo diif iyo dac-darro ka muuqdaan. Timuhu waa raammo. Bishimuhu way qallalan yihiin. Caguhu way dil-dillaaceen.
Dood dheer ayaa ninka ka dhex socotay. Xubnaha jirkiisaa is dagaalsan. Oo is diiddan. Oo dabin isku dhigaya. Waxaa uu muran u dhexeeyay xubnaha jirkiisa: Maskaxda, Kilyaha, Sambabada, Beerka, Lugaha, Gacmaha, Sanka, Afka, Dhegaha, iyo Carabka. Waxa nabadda iyo samaha ka taliso Far-yareeyda—iyaduna waa la quursadaa. La dhayalsadaa. La yasaa.
Gaashaanbuursi
Afka, Dhegaha, Carabka, iyo Indhaha waxa ay xulufo ku yihiin magaca Dareeme. Waxay heshiis ku yihiin in la cirib-tiro Kilyaha, Sambabada, iyo Beerka oo xulufo ku ah magaca Kalkaal. Xubnaha Kalkaalna waxay heshiis ku yihiin in la dabar-gooyo xubnaha Iskaashato oo ah isu-tagga Lugaha iyo Gacmaha—oo iyaguna neceb xubnaha kalee jirka. Maareeye waa xubnaha Maskaxda. Waraabshena waa Wadnaha. Xubinba xubin ayay col la tahay.
Shirkii Xubno Dareeme
“Tolyohow annaga waa nala yaqaan,” ayuu ku billaabay xubin ka mid ah xulufada Dareeme, “nimankaan reer Kalkaal waa in talo laga qabto. Iyaga ayaa jiritaankeenna hor taagan. Tuubooyin waaweyn ayay taagteen, oo sad-bursi noogu jiideen. Wixii san-dareero ahee loo sinnaa iyagaa afka u dhigtay. Intii tabarteenna ah waa in aynnu naafeennaa…haddii la inoo xoog-sheegtana waxaynnu qeylo-dhaan u diraynaa habar-dugaag.”
“Caaqilka reerka adigaa ah,” ayuu yiri xubin ka mid ah Dareeme, “innaguna waxaynnu nahay wax-garadkii iyo ganacsatadii iyo dhallinyartii reerka. Hadal xaq ah ayaad ku hadashay. Hiil iyo hoo annagaad noogu imaanaysaa.”
“Haddaba ina kiciya,” ayuu yiri caaqilkii xubnaha Dareeme, “aynnu kala soo tashanno habar-dugaag sidii aan isaga dhicin laheyn cadawgeenna.”
Shirkii Xubno Kalkaal
“Dibiga gowrac weysha ha ku quus-qaadatee,” ayuu yiri xubin ka mid ah Kalkaal, “reer Waraabshe iyo reer Maareeye yeysan noolaan. Intaas xaqeena ayay na duudsiyaan, oo talada waxaa isku koobay reer Maareeye keliya, oo iyaga ayaa ka danbeeyo colaadda ay nagu hayaan reer Dareeme. Reer Waraabshe iyagana waxay diideen inay cadowgeenna ka joojiyaan nafaqada ay ku dhurayaan. Ilaah dulmiga ma jeclo—imisaan reer Waraabshe u dirnay digniin. War iyo dhammaantii, haddii aynaan iska qaban reer Waraabshe iyo reer Maareeye, nolosheenna ayaa halis ku jirto. Tiro iyo tabar naguma yara. Cid naga laan-dheereysan ma jirto. Waa in aynnu is dhaafinnaa dulmiga xubnahaas. Waa jihaad xaq ah.”
“Laakiin caaqilkeennow,” ayuu yiri xubin ka mid ah Kalkaal, “sidee wax yeelnaa? Ma saddex gees ayaynnu colaad isaga furi karnaa.”
“Ha welwelina,” ayuu yiri caaqilkii, “is af-garad iyo gacan-saar fiican ayaan waxaan la leennahay habar-dugaag. Garab iyo hiil iyaga ayaan ka helaynaa. Si ay reer Dareeme u quustaan, aan horta meel iska marinno reer Waraabshe iyo reer Maareeye.”
“Adigaan kugu daba-safannahay, caaqilkeennow,” ayay yiraahdeen xubnihii Kalkaal, “dulmiga annaga ma aynnaan billaabin.”
“Haddaba ina kiciya,” ayuu yiri caaqilkii xubnaha Kalkaal, “aynnu la soo tashanno habar-dugaag sidii aan isaga dhicin laheyn cadawgeenna soo jireenka ah.”
Shirkii Xubno Iskaashato
“Annaga maxaa qodaxda iyo dhagaxa noo dhaweeyay?” ayuu yiri caaqilkooda, “imisa jeer ayay qodax nagu tagtay, ama uu dhagax ciddi naga saaray? Waa in aan xoog ku qabsannaa meesha ay deggan yihiin reer Kalkaal. Waa caddaalad-darro in ay keligooda isku koobaan meel dugsi iyo nafaqo leh. Tollaayeey goormay xubnahaygu wax fahmayaan?”
“Caaqilkeennow waa runtaa,” ayay yiraahdeen xubnihii Iskaashato, “caqli iyo karti waan kugu niqiinnay. Taladaada waan aaminsannahay. Ilaah baa na lehee waa xaq-darro in reer Kalkaal ay nasiib u helaan meel dugsi iyo doog leh. Annaga ayay reer Kalkaal nagu tiirsan yihiin, oo jiritaankeenna ayay wax ku noqdeen. Waxa la gaaray xilligii aynnu xaqeenna soo dhacsan laheyn.”
“War fiican ma idiin sheegaa?” ayuu yiri xubin ka mid ah Iskaashato, “reer Kalkaal waxaa saddexda gees uga furan colaad. Meel waxay dagaal kula jiraan reer Maareeye; meelna waxay dagaal kula jiraan reer Waraabshe; meel kaloo saddexaadna waxaa colaad uga furay reer Dareeme. Tollaayey waxa aynnu haatan heysannaa fursad qaali ah. Reer Kalkaal waa beylah!”
Waxa mucaaradday Far-yareeyda.
“Tolweynow i maqla,” ayay tiri Far-yareeyda, “reer Kalkaal wixii dheef iyo nafaqo ah ay helaan waan la wadaagnaa. Reer Kalkaal waxa ay naga difaacaan in ay nagu dhacdo hawo la’aan; waxay naga sifeeyaan dhiigga; waxay jirka u sameeyaan qashin-saar. Miyaadse hilmaanteen Hadalkii Ilaah ee oranayay ha isku kaashanina xummaanta, ee wanaagga isku kaashada? Haddii ay booska ka baxaan reer Kalkaal, ogow idinkuna ma calfan doontaan booskooda.”
Waxa lagu hoorriyay Far-yareeydii.
“Awalba qanjir nagu yaallaad aheyd,” ayaa lagu yiri Far-yaradii, “fuleey hooskeeda ka dideysaad tahayee tolkaaga dhinac ka raac…ama hantatacaaga doc nagala mar. Caaqilkeennow noo tali. Adigaan ku taageersannahayee na hag.”
“Haddaba ina kiciya,” ayuu yiri caaqilkii xubnaha Iskaashato, “aynnu la soo tashanno habar-dugaag sidii aan isaga dhicin laheyn cadawgeenna weyn.”
Shirkii Xubno Maareeye
“Xaq ma ahan sidaan la inoola dhaqmo,” ayay isugu jiibinayeen xubno Maareeye, “waa godob iyo gabood-fal in reer Waraabshe ay nala simaan xubnaha kale, oo uu waraabka noo xisaabiyo. Dhanka kale, reer Iskaashato waxay iska dhigaan in ay hawl fiican noo qabtaan. Waxay u maleeyaan in aan iyaga ku tiirsannahay. Yaa u baahan? Ma in laga maarmin ayay moodeen? Wallee ciddii isku kaaya taagtana wadkeeda ayay la kulmi…ciddii loo maaro-waayana miciyihii habar-dugaag ayaa yaqaan.”
Weerar
Waxaa is galay xubnihii Kalkaal iyo Dareeme. Waxaa laga itaal roonaaday xubnihii Dareeme. Waxa shir jaraa’id qabtay xubnihii Kalkaal.
“Cadowgii waan jebinnay,” ayuu yiri afhayeenkii xubnihii Kalkaal, “firxadkoodii waxaa lagu sii sheegayay carri fog, meydkoodana wuxuu waran yahay waddooyinka. Ciidankeenna ayaa weli ku raad-jooga. Bishaaraysta!”
Xubnihii Kalkaal ee dhageysanayay hadalkii af-hayeenka ayaa u riyaaqay oo qosol iyo sacabbo-tumis iyo foori hal mar isdaba dhigay.
Shirkii Xubno Dareeme
“Rag ciil cadaab ka dooray,” ayuu yiri odaygii xubnihii Dareeme, “Rabbi og ma harsan doonno illaa aan dulmiga iska qaadno; illaa aan reer Kalkaal la helno nabar xun oo ay ka soo waaqsan waayaan. Looba jooge.”
Waxa sacabbo iyo foori la isugu daray odaygii xubnaha Dareeme. Waa loo riyaaqay. Loo bogay. Loo jidbooday. Loo hoggaansamay. Loona ballan-qaaday hiil iyo hoo.
Dagaallo Ballaaran
Xubnihii Iskaashato iyo waxaa islaayay xubnihii Kalkaal. Waxaa loo itaal sheegtay xubnihii Kalkaal. Sidoo kale waxaa is galay oo is laayay xubnihii Waraabshe iyo Maareeye. Labada dhinacba guulo ayay kala sheegteen. Misana waxa weerar qaaday xubno Maareeye oo ku duulay Iskaashato. Sidoo kalena xubno Dareeme ayaa dagaal gaadmo ah ku qaaday dhaawacii xubno Kalkaal oo cisbitaal lagu dhayayo. Markii la isku baaba’ay oo qasaaro badan la isu geystay ayay xubnihii dagaallamay waxay qeylo-dhaan u dirsadeen habar-dugaag.
Shirkii Habar-dugaag
Dhurwaagii ayaa isugu yeeray habar-dugaag. Waxaa sidoo kale joogay Dawacadii iyo Haaddii.
“Beryahakan,” ayuu yiri Dhurwaagii, “waxaa eed-sheegasho naga soo gaartay xubno muhiim ah oo ka kala socdo ninkaa geedka hoos fadhiyay. Waxa ay naga rabaan gurmad iyo gargaar. Tani fursad qaali ah ayay inoo tahay. Yaa soo sahminaya sidii aan ku hanan laheyn hilibkan beylahda ah?”
“Looma dhawaan karo,” ayay la soo boodeen habar-dugaag, “ninku wuu hubeysan yahay, oo waran iyo gaashaan ayuu heystaa.”
“Annaga xataa cabsi ayaa nagu jirto,” ayay yiraahdeen Haaddii, “ninku wuu xooggan yahay. Oo hubeysan yahay. Oo heybad ka muuqataa.”
“Been haddii aan iska dhowro,” ayuu yiri Dhurwaagii, “aniga qudheyda ayaa ka cabsanaya ninkaa. Wuu iga burji sarreeyaa. Alleylehe waxaan u diri laheyn boqorkii habar-dugaag ee Libaax, hayeeshee isaguna wuu naga maqan yahay beryahakan.”
Waa la wada aamusay.
“Anigaa talo hayo,” ayay tiri Dawacadii, “waxa ii muuqato labo marxaladood. Kow, ninku waa nin is haysta, oo xooggan, oo aan loo geli karin. Labo, ama mayee waa mid ay meeshu dhigtay tabar-darro, oo ay xubnihiisu weerar isku yihiin, oo aysan jirin xubin xubin ku tiirsan, oo is wada neceb—sidaasna uu beylah ku noqday.”
“Jeclaan lahaayaa in qodobka labaad uu xaqiiq yahay,” ayuu yiri Dhurwaagii, “bal maxaan ka sameennaa ninkan oo xubnaha jirkiisu ay annaga gurmad iyo gargaar na soo bideen?”
Habar-dugaag way aamuseen.
“Haddaba i maqla,” ayuu yiri Dhurwaagii, “gabbalku markuu dhaco, ee ay arladu noqoto gudcur madow, oo uu ninkuna gam’o, goortaas baynnu annagoo gaadmo ah ku dul-habsaneynaa hilibkaan beylahda ah.”
“Aniga go’aankaasi idinkuma raacsani,” ayay tiri Dawacadii.
Saa habar-dugaag ayaa wada jalleecay Dawacadii.
“Ninkii leh midnimo iyo awood looga heybaysto,” ayay tiri Dawacadii, “ayaa gaadmo lagu ugaarsadaa. Laakiin ninkan beylahda ah, oo lugihiisa nagu soo doontay, oo ay xubnihiisu is naceen, oo ay xubnihiisu soo jaajuusayaan xubnaha kale, oo aan misana isku soo gurmaneyn, aysan dan guud ka dhaxeyn, maxaan ka dhowrannaa? Oo aan ula sugnaa illaa gabbalku ka dhaco?”
“Dayooy,” ayuu yiri Dhurwaagii, “laguu warran: beri hore ayaa bisad waxay baabah ka dhigtay jiir. Saa jiirkii ayaa ka shiray tacaddiga bisadda. Waxaa go’aan lagu wada gaaray in bisadda la iska qabto. Waxaa lagu tashaday in koor dhawaaqdo bisadda surka looga lulo si markii ay bisaddu soo socoto sharqanteeda loo maqlo. Hayeeshee jiir kale ayaa su’aal keenay. Wuxuu yiri, ‘In koor surka looga lulo ma xumee balse waa tuma ciddii u suri laheyd?" Go’aankoodii halkaasuu ku fashilmay. Haddaba Dayooy, maadaama uu naga maqan yahay Libaaxii ku dhiirran lahaa hawshan, waa tuma cidda noo billaabaysa oo u dhawaaneyso ninkaa geedka hoos fadhiyo ee warmaha sito?”
“Dhurwaayooy,” ayay tiri Dawacadii, “Anigaa maanta Libaax ah.”
Saa waxa is wada eegay habar-dugaag. Oo yaabban yihiin.
“Haddii ay jiri jirtay xilli uu ninkani lahaa burji iyo heybad,” ayay tiri Dawacadii, “maanta anigaa ka burji sarreeyo. Bal i eeg. Oo aniga igu daa.”
Dawacadii waxay u dhaqaaqday dhankii ninkii.
Qeylo-dhaan
Indhaha ayuu ninkii kala qaaday. Wuxuu arkay Dawacadii oo ku soo socoto, oo miciyaheeda muujinaysa. Xubnihii Dareeme ayaa farxad la weyraxay.
“Waa kan,” ayuu yiri af-hayeenkii xubnihii Dareeme, “gurmadkeenna waa yimid. Bal idinka u aamusa reer Kalkaal. Haatan ayay Dawacadu hal mar miciyaheeda ku hubsan doontaa. Ila daawada jabka iyo halaagga gaaro reer Kalkaal.”
Xubnihii kale waxay iyaguna ku wada farxeen imaatinka Dawacada. Oo xubinba waxa ay ciil u qabtay in ay aragto xubinta kale oo la curyaamiyo, la cuno, la calaliyo, la cirib-tiro….
Far-yareey waxay aragtay Dawacada weerarka soo ah. Saa waxa ay dhambaal qeylo-dhaan ahi u dirtay xubnihii Iskaashato.
“Tolkaygow Iskaashato,” ayay tiri Far-yareeydii, “meesha inaga kiciya. Idinka ayaa ah addimihii jirka ee na badbaadiya! Yeysan na soo gaarin miciyaha habar-dugaag ee na samata-bixiya!”
Waa lagu qoslay Far-yareey.
“Imisa ayay qodax inaga keentay dhiig,” ayay yiraahdeen xubnihii Iskaashato, “ama uu dhagax ciddiyaheenna bannaanka soo dhigay. Miciyo xanuunkooda loo wada siman yahay ayaa dhaamma halkii aan annagu gooni ku noqon laheyn xanuunka qodaxda iyo dhagxaanta.”
Far-yaridii ma aysan harsanee waxay dhambaal kale oo qeylo-dhaan ah u dirtay dhammaan xubnihii kale ee jirka.
“Xubnayahow sharafta mudan,” ayay tiri Far-yareey, “maxaa idin helay oo idinku diray midnimo? Maxaa idin helay oo sokeeye ku nacdeen? Maxaa idin helay oo nabar shisheeye ku xilateen? Haddii ay xubinba xubin ku duusho, oo dulmiso; haddii ay xubinba xubin ka aarsato, oo aafeyso; haddii ay xubinba xubin bara-kiciso, oo bililiqeysato; maxaa cududaar ah ayaa beri lala hor istaagi doonaa Maxkamaddii Ilaah?”
Cidina dheg jalaq uma siin waanadii Far-yareeyda.
“Tolkaygow,” ayay tiri Far-yareeydii oo quus ah, “ma xasadnimo iyo xin ayaad ku xilaneysaan miciyaha habar-dugaag? Yaase lagu halleeynayaa badbaadinta danta guud oo ah jirkan aynnu xubno ka wada nahay? Miyirkiinnii meeyay?”
“Doqonyahey dantee ka hadleysaa?” ayaa loogu jawaabay, “nala daawo jabka cadowgeenna soo jireenka ah.”
“Xubinba haddii ay xubin xasaddo,” ayay tiri Far-yareey, “xubinba haddii ay xubin ximiso, xubinba haddii ay xubin xaqirto, xubinba haddii ay xubin xumeyso, xaggee xalku ku jiraa? Ma miciyaha habar-dugaag? Oo aan hanbo reebeyn?”
“Alla beer-jilicsanidaa,” ayuu loogu jawaabay, “daacadnimada qaarkeed waa doqonnimo. Orodow waani kuwa dulmiga wado. Maxaa annaga xil gooni ah naga saaray badbaadinta jirka? Annaga ma ahan cidda dulanka billowday.”
“Hadalku wuxuu ku kooban yahay,” ayay tiri Far-yareeydii, “walaalo is jecel waa xoolo bataan, waana xabaalo yaraadaan; walaalihii kala tagaase waa xabaalo bataan, waana xoolo yaraadaan.”
Hilib Beylah ah
Dawacadii oo laafyoonaysaa soo dul istaagtay ninkii geedka hoos fadhiyay. Dhurwaagii waxa uu eegayaa Dawacadii. Waxa ay Dawacadii miciyaheeda la gashay calooshii ninka. Dhiig ayaa bow soo yiri. Dhurwaagii afarta lugood ayuu ku istaagay. Oo heegan noqday.
Xubnihii kale ee jirka ayaa dareemay in ay Dawacadu cunis ku billowday xubnihii Kalkaal. Mashxarad iyo alalaaso ayay ku dhufteen. Dhurwaagii oo afar-qaadleynayaa ku soo biiray Dawacada. Hal mar ayuu cantuugo ku goostay xubno Waraabshe iyo Iskaashato.
Haaddii iyo habar-dugaagtii kale ayaa Dhurwaagii ka soo daba yaacay. Ninkii ayay hal mar ku dul habsadeen. Xubno Dareeme ayay mid mid u liqeen. Xubno Maareeye iyagana markii ay waayeen waraabkii xubno Waraabshe ayay harraad u dhinteen.
Goobtu waa raq. Habar-dugaag baa isugu timid. Ninkii ka koobnaa jir mideysan oo is heysto, oo burji iyo heybad ka muuqdeen, waxa uu quud u noqday miciyihii iyo gowisihii habar-dugaag.
Cabdullaahi Janno
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaajiya
Email:writersomali@gmail.com
________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2011 WardheerNews.com
|