Home Articles Somali Songs About us  

 

Maxaa u sababa tisqaad la'aanta ururada Soomaaliyeed?
Qore
Axmed Ismaaciil Maxamuud ( Axmed deeq)
March 14, 2011

Haddii aynu Soomaali nahay waagii beryaba waxa aynu ku waabariisanaa unkida urur cusub. illaa haddana ma arkayno urur tisqaaday oo lagu tanaaday sidii SYL iyo SNL. Haddaba miyaanay haboonayn in la is weydiiyo sababta tisqaad la'aanta ururadan? Haddii ay jawaabtu tahay "Haa" Weydiintani marar badan waxay iga mashquulisay waajibaadkayga waxbrasho iyo maaweeladayda dhalinyarnimo. Waxaan kala saari waayay siinka iyo saadka, anniga oo la yaabban fadhiidnimada urur bulsheedyadeena iyo fiiro gaabnaanta horjoogayaashooda. Aniga oo la dhacsan dhalasho ogaanta ururadeena isla jeerkaasna la dhaygagsan dhimasho ogaantooda. Haddaba, inta aynaan u galin sababta miyaanay qurxoonayn inaan si kor ka xaadis ah u qeexno urur muxuu yahay?

Sida macnaha erayga Urur uu tilmaamayo waa dad ururay oo ay dani isku keentay rabbana inay wax wada qabsadaan. Dadkaasi kala midab iyo diin bay noqon karaan, kala dal iyo duunyana way noqon karaan. Halka ay isla jeerkaas intanba iskaga mid noqon karaan. Ururka sida aan qabo guulaysashadiisa iyo guul daraysigiisu kuma xidhna in dadku isku diin, dhaqan iyo afba ahaadaan, waxayse ku xidhan tahay wacyi gashanaanta bulshada iyo kobocsanaanta garaadka xubnaha ururka. Waa run oo ma diidani inay qodobada sare door wayn ka ciyaaraan fududaynta isku xidhka bulshada. Waliba bulshooyinka aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan liita. Waxaanse iyana wax la dafiri karo ahayn wacyiga iyo baraarugu inay doorka ugu wayn ka qaataan isku xidhnaanta iyo wax wada qabsiga bulshada. Tusaale dhaw, Hadda inagu Soomaali baan nahay isku dhaqan, af iyo diin baan nahay.

Haddana ma urursanin oo waatan deeradu dhexdeena miranaysa ee halka ay Salaadu ka xidhmi laadahay weli ma is weydiisay? Waydiintan warcelinteeda sadarada sare ayaad ka helaysaa, haddii aad mid ka macquulsan haysana "ahlan wa sahlan" noo soo gudbi adiga oo mudan. Ka kaalay, urursanaanteenu waxay ku dhisnaan jirtay illaa haddana ku taagan tahay qaybo inaga mida  qaab qabali ah, halka ay isla jeerkaas qaybaha kale ayaan daradooda ka sii hoos mareen xataa qaabkii qabaliga ahaa. 1994 kii aniga oo wiil yar ah ayay dagaalo sokeeye ka qarxeen magaalada Hargaysa oo aan gu'gaas imid. Anoo dhibsanaya dhiiga walaalaha wada dhashay ee qubanaya, garan la'na waxa la isku dilayo ayay islaani igu tidhi dawladaa la isku haystaa. Ka dib waxaan ku fikiray reer waliba miyay dawlad iska samaystaan. Maalintaas dawladnimada da'yaraan awgeed waxba iigama baxsanayn oo waxan u haystay magac uun la mida ka qabiiladuba wada leeyihiin. Ayaan daro iyo nasiib wanaag mid ay tahayba maanta aqoon yahano iyo odayaalbaa sidaa u fikira oo waxa igu maqaala ah in gobol kaliya dhawr dawladood  laga yagleeli rabo. Bi'i waaye miyaad i qabatid sawniga siyaasad galay!

Haddii aad u kuur gasho dhaqankeenii ku aadanaa wax wada qabsiga cid kale lala samaynayo, ama maah maaho ka tarjumaya faaiidada wada jirku leeyahay farahaaga shanta ah ma dhaafayaan. Halka ay suugaanteena muush ka ahayd boorinta aarsiga iyo ku faanida dhacu. Malahayga sheeko wada jir ku saabsan oo qisadan ka caansani ma jirto. Inta aan maqal baan u dan leeyahaye: Oday todoba wiil dhalay, ayaa markii uu gaboobay ee ay geeriyi gondaha soo saartay wiilashiisii isugu yeedhay, kana dalbaday inuu mid waliba ul la yimaad. Markii ay u yimaadeen iyaga oo ulihii wata, ayuu amar ku siiyay inuu nin waliba ushiisa kala jabiyo. Si dhib yar ayuu mid waliba qurbush uga siiyay. Ka dib wuxuu amar labaad ku siiyay inay todoba ulood oo kale soo goostaan. Haddii ay ku soo noqdeen iyaga oo ulihii wata, wuxuu ku yidhi : Isku xidha oo ul kaliya ka dhiga. Haddii ay sameeyeen, mid walba wuxuu ka codsaday inuu kala jabiyo. Nasiib daro mid kaliya oo kala jabiya waa la waayay. Halkaas ayuu odaygaasi inamadiisa ku dareensiiyay haddii ay mid noqdaan inaan cidina kala jabin Karin. Oo horta miyaanay mudnayn in la is waydiiyo ciddan loo midoobayaa waa ayo?  Waa cadawga. Oo cadawgu waa ayo? Cadawga koobaad ee ay Hargaysi leedahay waa Boosaaso. Ka ay Boosaaso leedahayna waa Muqdisho. Ka ay Muqdisho leedahayna waa Boosaaso. Halkaa waxa inooga dhuroobaya inaynu nahay ummad isku soofaysan. Oo yaa isku keen soofaynaya? Siyaasi ku sheegeena iyo inta inoo hadasha. Oo maxay tolow ka helayaan isku dirka dadka wada dhashay ee ood wadaagta ah? Waxay ka helayaan cimri dherer kurisiyeed iyo caqiibo xumo aakhiro. Oo dadku miyaanay caqli ay ku heshiiyaan lahayn? Caqli iyo cilmi toona malaha ee waa aydaa is cunaysa ee is colaadinahaysa. Hoogi waaye, sawniga haddana bad kale galay miyaad I qabatid.

Wacnaan lahaydaa todobada inan ee uu odaygu sida wacan wax ugu tusaaleeyay oo ahaan lahaa todoba qabiil oo kala duwan. Waynu isku duubnaan lahayn baan filayaa maanta. Ka kaalay, hadda dhaqankeena jiraa ma yahay mid qofka ku dhiiri galinaya urursanaanta iyo wax wada qabsiga? Haddii aan been la sheegayn maya. Waayo ma arag hal buug oo Soomaali ah oo dadka ku baraarujinaya qiimaha wada jirka iyo wax wada qabsigu leeyahay. Halka aan ka arkay buug doora oo ka sheekaynaysa reer hebel waxa ay reer hebel ku sameeyeen. Halkaa waxa inooga soo baxay qaab dhaqanka qofka Soomaaliga ahi inaanu sal ku lahayn wax dhis iyo wax hagaajin. Waayo si qoto dheer uma garanayo qiimaha uu urur leeyahay..Sababta labaad waa ahdaafta ururada ee la soo bandhigo iyo ujeedooyinka dhabta ah ee loo aasaaso oo kala duwan, Waayo dadka badidiisu waxay urur u samaystaan inay mashaariic dhawra ku qaataan, inay firqo gaara ku xumeeyaan, inay reer hebel la ficiltamaan. Waxaanay dusha ka huwiyaan ujeedooyin qurxoon oo aan afka baarkiisa dhaaf siisnayn, dadkana lagu indho sarcaadinayo. Halkaa waxa inooga soo baxay in ujeedo qaldan ururada loo aas aasto, ama qof qaldani aas aaso. Dadka marka laga yimaado xubnaha ururka aasaastaa isku daacad maaha oo mid waliba dan raqiisa ayuu hoosta ku wataa. dantiisaa yar hadduu ka waayo wuxuu ka shaqaynayaa jalaafaynta ururkii uu isagu unkay. Midda kale dhexdooda aqoon hufani kama jirto, waayo hadday  ka dhaxayso may dhacdeen in xil qudha intuba diirada saaraan, waxase dhici lahayd in qof walba wuxuu ku wanaagsan yahay loo dhiibo laguna garab galo.

Waxa kale oo jira tiro aan badnayn oo ururo ah oo dad wanaagsani unkaan, ujeedo wanaagsana u unkaan, mushkiladase haysataa waxay tahay dadkani ma yaqaanaan sida wax loo hogaamiyo, ama sida wax loo hirgaliyo. Kaliya waxay yaqaanaan sida wax loo unko. waliba unkidoodu maaha mid baadhitaan iyo daraasad ku salaysan, waase mid laab la kac iyo xamaasad ku salaysan. Muddo yar ka dib ayuun baad arkaysaa Ururkii oo sii shiiqaya.

Midda kale waxaynu xariifiin ku nahay dhigitaanka sharciga, dhaqan galintiisase ma jeclin. Markaa waxaan illaa hadda kala garan laayahay goorta aynu waalanahay

Ma og tahay barbaareey dhalintii baxsanayd ee balaysinka u ahayd SYL iyo SNL inagama ay aqoon badnayn, caqli badnayn, tiro badnayn; jaanis wanaagsanayn. Wayse inaga daacad badnaayeen, tayo badnaayeen. Waxay ahaayeen barbaar bislaatay oo xor ah, xasadka ka xor ah; xumaanta ka xor ah, xiqdiga ka xor ah, qabyaalada ka xor ah. Waxay ahaayeen wiilal isku qasdi ah, isku uur fayow; oo ay ka go'an tahay horumarinta dadkooda, dalkooda iyo diintooduba. Taasi waxay keentay inay xilli adag xornimo ka dhaliyaan dhulkeena hooyo. Ku dayashadooda wax inaga hortaagani iima muuqdaan.


Axmed Ismaaciil Maxamuud ( Axmed deeq)
Awliyo177@hotmail.com
Alla Mahad leh.

________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 


Copyright © 2011 WardheerNews.com