Book Reviews
|
|
|
By Aden Makina |
|
|
Curis: Afka*
W/Q Idiris M. Cali
Nofember 21, 2011
|
Sida uu u qeexay Siciid Cabdilaahi Cabdi, afku waa “erayo dhawaq leh, dhadhan leh, dhismayn leh.” Isla qeexistan waxa ku dhan inta habdhisyood ee uu afku ku salaysanyahay, kuwaas oo kala ah: Habdhiska erayga, codka, macnaha iyo naxwaha. Afartan habdhisyoodi waa ay isku maranyihiin; midba na midka kale ayuu dheellitiraa. Ugu horraynta, waxa ay saddexda habdhisyood ee codka, macnaha iyo naxwuhu falkaan erayga, oo eray na cod (dhawaq) iyo macne (dhadhan) iyo naxwe (dhismayn) kama maarmo, badankana kumaba suurtoobo li'idood. Hababkani wadajir ayey deeto afka gebigiis u daaliciyaan. Sidaas daraadeed, dhigis iyo dhihis ba, afku waa erayo dhawaq, dhadhan iyo dhismayn ba leh.
Unugga codka waxa la yiraahdaa ‘tibix.’ Tibix kastaayi waxay leedahay aste u summad ah si uu qorriinka afku u suurtoobo. Tibxaha afka Soomaaligu waxay u kala qaybsamaan shaqal (oo 5 tibxood oo dheer amma gaaban kala ah) iyo shibbane (oo 21 tibxood oo aamusan ah). Tiroba tibxahanu waa 26, marka asteyaashooda loo eego. Tibxaha oo la is raacraaciyo waxay dhalaan dhawaq amma dhawaqyo. Dhawaquna waa xubinta ugu yar ee codka, waxaana lagu magacaabaa ‘alan’ (jamac ahaanna ‘alamo’). Alamadu waxay u qaybsamaan laba: 1) kuwa ka dhasha shaqal (amma tibxo saafi ah) iyo 2) kuwo ka dhasha tibxo isku-jir ah, oo shaqal iyo shibbaneba leh.
Unugga macnaha waxaa la yiraahdaa ‘malan.’ Malanku waa hal-alanle macno sameyn kara—waayo waxaa kala jira hal-alanleyaal aan macno samayn karin, sida: ‘lil,’ ‘lir,’ ‘riw,’ ‘bi,’ iwm., iyo hal-alanleyaal macno buuxa sameeya, sida: ‘bax,’ ‘tag,’ ‘hu’,’ ‘aag,’ iwm. Xubinta ugu yar ee macnuhu waa ‘eray.’ Erayada oo la is raacraaciyona waxay sameeyaan qurub-weedheed(yo) amma weedh(o).
Waxaa erayada sameeya alan amma malan ammaba labadaba. Erayada ka qodma alamada ayaa ka badan erayada ka qodma alamada. Erayada alamo khaas ah ka qodma waxa u tusaale ah: ‘asaag,’ ‘wareeg,’ iwm. Sababta oo ah, alamada ‘a’ iyo ‘saag,’ ‘wa’ iyo ‘reeg’ midnaba ma aha malan, amma alan macno xambaarsan. Marka ay alamadani isku tageen ayuun bay macno la soo baxeen.
Dhanka kale, erayada ka qodma malamo khaas ah waxa u tusaale ah: ‘roob’, ‘cunsur,’ iwm. Erayga ‘roob’ waxa uu ka koobanyahay hal malan, ka ‘cunsur’ na waxa uu ka koobanyahay laba malan, oo kala ah ‘cun’ iyo ‘sur.’ Labadan malani waxay iskood u sitaan macnayaashooda u goonnida ah, marka ay eray wada sameeyaanna waxay keenaan macno saddexaad. Waana tan ta sahasha in malamo la isku hag-hagaajiyo, si ay erayo kakab ihi u samaysmaan—afkuna uu ku eray-bato. Tusaale ahaan:
‘war’ + ‘sheeg’ = ‘warsheeg’
‘dhul’ + ‘bar’ = ‘dhulbar’
‘jac’ + ‘roor’ = ‘jacroor’
‘goob’ + ‘joog’ = ‘goobjoog’ |
Tusaalahan saddexaad aynu ku eegno erayada ka koobnaada alamo iyo malamo isku dhafan, sida: ‘wadar’ iyo ‘walaac.’ Erayga ‘wadar’ waxa uu ka koobanyahay alanka ‘wa’ iyo malanka ‘dar’; erayga ‘walaac’ na alanka ‘wa’ iyo malanka ‘laac.’ Guud ahaan, alan iyo malan ba waxay leeyihiin sifooyin iyo siyooyin ay u dhismaan; waxayna ka soo dhilmaan unugga codka.
Haddaba, si ay erayo u samaysmaan, erayadanuna weedh(o) u sameeyaan waxa loo baahanayaa, oo lagama-maarmaan ah, habdhiska naxwaha. Waa habdhiskan ka innaga caawiya inaynu is fahanno. Waana habdhiskan ka innagu mideeya afka aynu ku wada xiriirayno. Xididka habdhiskanina waxa uu ka sii hooseeyaa, xigmad ahaan, unugga codka, oo ah isha uu afkuba ka soo burqado. Mar kastana, habdhiska naxwuhu waa midkii saafa sida iyo sababta uu is-raacraacu (amma guud ahaan ba “dhisme”) ku yimaaddo, una hirgalo.
Idiris M. Cali
Email:
idiris.m.cali@gmail.com
......................................
* Curiskanu waxa uu qayb ka yahay daraasad soo socota.
** Maadaama oo aanan (Anigu) wada darsin sida ay erayada afafka adduunka oo dhami u samaysmaan waxaan digniin iyo afeef ahaan u bixiyay “badanka” in uusan erayga afku ka maarmin saddexda habdhis ee codka, macnaha iyo naxwaha---badanka. Afka Soomaaliga iyo afaf kaloo badan waxa khasab ah in ay saddexdaas habdhisyoodi wada falkaan erayga. Xitaa, erayada aan macnahooda la garan karin, ee mucjisada Qur’aanka u maragta ah, dhawaq, macne iyo dhisme (ka xigmad weyn dhismaha erayada kale ee caadiga ah!) ba waa ay leeyihiin. Hasayeeshee, macnahooda Eebbe uun baa og.
---------------------
Maqaalado kale oo uu qoray Idirs
- Hawsha Gorfeeyayaasha
Maansada
-Xog la isu Sheegaa, Xasarad ka Waaweyn?
_______________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively.
Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2011 WardheerNews.com
|