Aanadii Negeeye

"Sheeko dareen hoose leh oo uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Waxa soo bandhigay Jama M. Jama
December 10, 2006

Print Friendly
Aanadii Nageeye

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”. 
Waxaa soo bandhigay:
Jama Musse Jama, Pisa,
Pisa, Ponte Invisibile Edizioni, 2007
ISBN 88-88934-05-7
412 bog 17.50 Euro
Red Sea Online

Habeenkii uu dhashay ayay aabbihii dileen. Mashaxaraddii dhalashadiisa ayaa isu rogtay baroor. Awrkii loogu wanqalayna wuxuu noqday axankii aabbihii. Carruurnimadiisu waxay noqotay ciil iyo cuqdad. Waa in uu aarsadaa. Cidnase kalama uu hadlin dareenkiisa iyo taladiisa ayuu meel dhigtay. Waxaa meel xun kaga yaal dareen cadowtinnimo oo uu u qabay gacan-ku-dhiigle Goodir, ninkii aabbihii dilay. Wuxuu yaraantiisii cadhada kula dhici jiray cid walba oo uu ka adag yahay. Waa ta keentay in malcaamadda laga naco oo laga eryo, iyo in dadku ku tilmaamaan xume aan wax sani ka soo bixin oo waji shaydaan leh. Waxayse colaaddaasi u sii kordhisay awood hoose iyo go’aan adayg uu kaga gun gaadho aargudashadiisa. Riyadiisa oo dhammi waxay noqotay in uu yeesho awood uu ku aargoosto. Laakiin yuu ka aargoosanayaa, ma bulshada oo dhan? Nacaybka uu ku koray wuxuu gayaysiiyey axmaqnimo aanu arxan u gelin cidna.

Kaasi waa Negeeye, oo ah xiddigga koowaad ee sheekadan. Waxaase jira dad kale oo habboon; dad xaqa iyo samaha u halgamaya, oo jacayl iyo farxad isula ilmaynaya.

Aanadii Negeeye” waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta maxkaxda aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku koraysaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaal darrida aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la’aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay Soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummad yahay ka digtoonaada.

Qoraaga

Ibraahin Yuusuf Axmed

Ibraahin Yuusuf Axmed, oo lagu naanayso “Hawd” wuxuu ku
dhashay Hawd. Waxa uu imminka deggan yahay dalka Sweden. Waa qoraa ku xeeldheer sheekooyinka gaagaaban, si xoog lehna akhristeyaasha internetku ula socdaan qoraalladiisa kusoo baxa degellada afsoomaaliga wax ku daabaca. Waa Allifaa leh maansooyin. Wuxuuse Ibraahin ku caan yahay xirfaddiisa faaqidaadeed ee dhismekalkaalka ah ee uu ku sameeyo qoraallada afsoomaaliga kusoo baxa. Ibraahin wuxuu hore u qorey buugga Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil.” Waxa lagu daabacay dalka Iswiidhen 1998kii. “Aanadii Negeeye” waa sheekadiisii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu qoro.

Taxanaha Cirsankayeedh

‘Aanadii Negeeye’ waa sheekadii labaad ee taxanaha ‘Cirsankayeedh’ ee sheekooyinka Soomaaliga ah. Taxanaha waxaa isku dubbarida Jama Musse Jama, waxaana soo saara shirkadda Ponte Invisibile Edizione. Soomaalidu waxay tidhaahdaa waxa jira wax dadka wax u sheega, oo aan la arag, dadka qaarkiina waxay yidhaahdaan waa shimbiro qaar kalena rooxaan. Haddaba shimbirahaa aan la arag, kuwa wanaagga sheega midkood baa la yidhaahdaa “Cirsankayeedh”. Fikradda ka danbaysa taxanaha ‘Cirsankayeedh’ waa sidii loo dhisi lahaa dhaqan qoraaleed iyo dhiirigelinta akhriska ee bulshada Soomaaliga ku hadasha.

Daabacaha

Ponte Invisbile Ed (Biriishka dahsoon) waxay saldhiggeedu yahay Pisa, Italy waxaana ay laamo ku leedahay Hargeysa, Somaliland iyo London, Midowga Boqortooyada. Waxa ay bilowday in ay wax daabacdo sannadkii 2000, buugaagteeduna waxa ay ku soo baxaan afafka (Talyaani, Ingiriisi, Jayniis, Soomaali), buugaagtaas oo ka soo jeeda dhaqammo iyo afaf kala duwan. Yoolka ugu muhiimsan ee shirkadda iyo degelka ku mataanaysan ee Red Sea Online, waa in ay dhisaan biriish dhaqameed oo isku xidha dacallada dunida ee waqooyi iyo koonfur, oo ku sii kala fogaanaya isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada. Buuggan iyo kuwa kaleba waxa laga iibsan karaa: Red Sea Online.

Waxa soo bandhigay
Jama Musse Jama
E-Mail: jmgurey@gmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2006 Wardheernews.com